" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Horta yaynu Col ahayn?

Wednesday, June 20, 2012

Horta yaynu Col ahayn?

Damiirka, hanka iyo aragtiyaha shakhsigu waxay kala reebta ummadaha dunida tan ku nool, Qaaradihii way kala tageen, oo waa qaaradda madow (Africa, the Black Continent), waddamadii way kala hadheen, oo waddanka guuldarraystay weeye (Somalia, The Failed state), magaalooyinkiina way kala horumareen, oo magaalada burburtay waa iyaday (Mogadishu, the cracked city), bulshooyinkii way kala faddilmeen, oo bulsho qabiil rumaysan waa inaga.


 Siday iskugu ood dhaw yihiin ayay u kala fog yihiin, midba ka u xiga ayuu lugta iskaga maraa, shisheeyuhuna waa walaalahood , caqligooduna waa galinba cayn, waligoodna geedkaa ma gaadhaan, cadawna iyagaa iskugu fillan, ceebna taas uma arkaan ee waa caadadood.

 Ku taageer caadifad, kuna dhaliil caadifad! Taasi waxay sabab u noqonaysa inaad ka sal kacdo xaqiiqda jirta iyo inaad lumiso halbeegii nolosha dhabta ah.

 Oday dhaqameed gumaystahu soo wakiishay oo hub iyo rasaas badan ku soo rareen si uu daraawiish ula dagaalamo, ayaa goortu soo gaadhay reerahoodii yidhi “waar hub baan sidaaye, Horta yaynu col ahayn?” waxay markaliya farta ku fiiqeen reerkii ay dabka kala qaadan jireen, wuxuu isaguna ugu jawaabay “ dee laaya, waakan hubkiiye!”

 Godobtaada meelee intaan gacantu kaa boobin
Gacalnimana noolee intaan gocosho kaa oodin. (Abwaan Hadraawi)



Ahmed Warsame (Cumar-Laangadhe)
Instructor University of Burao – Somaliland

No comments: