Isaga oo noloshiisa caadiga iskaga jira, ayuu maalin waxa kaga
yaabiyay kagana farxiyay arkay. Degaagii mid ka mid ah ayaa beed dahab dhasay.
Wixii uu arkay wuu u qaadan waayay. Kolba dhinac ayuu u rogay xabaddii beedka
ee dahabka ahayd: dhalaal keediina waa la yaabay; culays keediina waa dareemay.
Inta uu hareeraha iska eegay ayuu jeebadda ku ritay.
Isaga oo weli yaaban oo rumaysan la’ ayaankiisa, ayuu dunkaakii dahab
leh u kacay. Inta uu beedkii dahabka ahaa soo saaray, ayuu dahablihii ku yidhi,
“Dahab wanaagsan ayaan sidaa iga iibso.” Dahablihii ayaa xabaddii beedka ee
dahabka ahayd ka qaaday. Qalabkiisii ayuu ku eegay. “Waa dahab asal ah oo qaali
ah,” ayuu yidhi dahablii . Qiime wanaagsanna waan ka siisanayaa. Lacagtii ayuu
u tiriyay, markaasaa ninkii sabool ka ahaa isaga uu riyaaqaya suuqii si maray,
oo cunno aanay weligood cunin iyo dhar aanay weligood xidhan reerkiisii usii
iibiyay.
Markuu gurigii tegay ayaa haweenaydiisii iyo carruurtiisi ku farxeen
khayraadka loo keenay. “Waar, xageed waxanoo khayraad ah ka keentay? Aayay
weydiisay afadiisi. “Waa ferej Ilaah inoo furay oo waa Ilaahay mahadii. Ayaan
la yidhaa sabool-ka-saar aya Ilaahay ina siiyay! Dhiishii faqrigana waa
tuuraynaa!” Ayuu u celiyay.
Degaagadii bishiiba mar ayay beedkii dahabka ahaa dhashaa. Ninkina waa
qaadaa waa soo iibiyaa. Taasina waxa ay keentay in noloshiis oo dhama is
bedesho. Cariishkii guri weyn oo fila ayuu ku bedelay. Dhowr gaadhi ayaa isaga,
afadii, iyo carrurtii kala kaxaysteen. Carrurtii dugsiyo gaar ah oo qaali ah
ayuu ku daray. Dhar qaali oo qurux badan ayay xidheen. Beedkii dahabka ahaa,
noloshii busaaradda ahayd, baxbuuxadaas ayuu ugu bedelay.
Ilay wa naf dad oo ma dheregto eh, dareenkiis ayaa la hadlayoo ku
yidhi, “Waar intaad bilba xabad beed ah oo dahab ka sugaysid degaagdda, maad
caloosha ay ku hayso beedka badan ee ay kolba mid qudo ka soo saarayso dooxdid
oo beedka badan eek u jir mar keliya la soo baxdid.” Taladii naftiisu siisay
ayuu ku jeclaystay oo ku qancay. Markaasuu degaagadii beedka dahabka u
dhalaysay, ee dhiishii faqriga ka tuurtay, gawracay oo dooxay, si uu dahabkii
ay caloosha ku haysay mar keliya ugla soo baxo oo dadka iyo dalka ugu xoolo
bato.
Hasa ahaatee, ka dib markii uu calooshii laba ka kala jeexay, beed
badan oo dahaba daayo, xabad qudhana waa ka waayo. Mar keliya ayaa damac weyne
awgeed, degaagadii uu ku waayay, oo beedkii dahabka ahaa ee bisha ku waayay, oo
beedkii dahabka ahaa ee badnaa u filiyay ku waayay!!!
Prof. Cabdisalaan Yaasiin
No comments:
Post a Comment