RSOL - 7.9.2012. Warsaxaafadeed
Kow iyo toban isugu jira maskax-maallo, abwaanno, filim-sameeyeyaal iyo ururro ka socda dalal kala duwan, ayaa ku guulaystay aqoonsi caalami ah oo sannadkiiba mar lagu sharfo dadka wax qiime leh kusoo kordhiya dhaqanka iyo horumarka bini-aadamka. Aqoonsigaas oo ay bixiyaan Prince Claus Fund, oo ah sanduuq-faneed ku xidhan Aqalka Boqortooyada ee waddanka Holland, waxa la siiyaa dadka wax soo saarkooda maskaxeed qiime aad u sarreeya leeyahay, islamarkaana uu saamayn wayn ku yeesho bulshada uu qofkaasi la noolyahay.

Waxa sannadkan ka mid noqdey guuleysteyaasha Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi”.
Aqoonsiga Mudnaanta Kowaad ee sannadkan waxa ku guulaysatay iskaashatada
Eloísa Cartonera oo ah kulan farashaxan, soo-saarid iyo fidin buugaageed, oo
laga sameeyey 2003dii magaalada Buenos Aires ee waddanka Arjantiin. Iskaashatada
Eloísa Cartonera waxa ay ku guulaysatay boqol kun oo Euro (100,000Euros), iyada
oo loogu aqoonsaday guusha in "Eloísa Cartonera iyada oo aan macaashdoon ahayn
ayay ummaddeeda usoo saartey buugaag badan oo qiime jaban lagu heli karo."
Xafladda dhiibista aqoonsigani waxa ay ka dhici doontaa 12ka Diisember 2012,
Guriga Boqortooyada ee magaalada Amsterdam, iyada oo uu gacanta ka dhiibi doono
Amiir Constantijn. Tobanka qof ee kale ee uu ka mid yahay Maxamed Ibraahim
Warsame “Hadraawi”, midkiiba waxa uu ku guulaystay shan iyo labaatan kun oo Euro
(25,000 Euros), mid kastana arrin u gaar ah ayaa loogu caleema saaray guusha
sannadkan.
Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi” oo lagu doortay quruxda iyo
qiimaha sare ee ay suugaantiisu leedahay, iyo waliba sida ay qani uga dhigto
sooyaalka hiddaha gabayga Af soomaaliga, waxa lagu asteeyey in uu yahay mufakir
suugaantiisu dhisayso sallaankii nabadda.
Marka laga reebo iskaashatada Eloísa Cartonera iyo abwaanka Maxamed Ibraahin
Warsame “Hadraawi”, dadka kale ee iyana ku guulaystay sannadkani waxa ay ka kala
socdeen Tuunisiya, Aljeeriya, Siiriya, Joordan, Meksiko, Kiiniya, Kamboodiya,
Jamayka iyo Burma.
Redsea Online Culture Foundation waxa ay u riyaaqeen sharafta uu karaamada uu
leeyahay aqoonsigani, waxana ay ugu hambalyaynayaan abwaanka in adduunyadu
aqoonsatay qiimaha sare ee waxsoosaarkiisa maskaxeed u leeyahay koritaanka
bulshada iyo qiimaha aadamiga.
Waydii faahfaahin kale:info@redsea-online.com
Xigasho: www.redsea-online.com
No comments:
Post a Comment