Hargeysa – Jaamacadda
barashada cilmiga iyo deraasaadka Islaamka (Islamic Online University) ayaa
markii u horraysay faraceeda ka furaysa magaalada Hargeysa ee Somaliland, si
fursad ay ugu helaan ardayda ku nool gobollada wadanka ee doonaysa in ay wax ka
bartaan Jaamacadan.
Jaamacaddan oo
waxbarashada ku bixisa habka casriga ah ee loo yaqaano masaafada (Distance
learning/Online learning), isla markaana waxbarashadeedu bilaa lacag ama
bilaash tahay, ayaa faraceedani wuxuu qof kasta oo doonaya in uu arday ka noqdo
u suurtogelinayaa in ay fursad u helaan.
Hoos ka akhri
su’aalo aad isweydiin lahayd iyo jawaabahoodii.
-Waxbarashada Jaamacadda IOU ma bilaash baa?
Jaamacaddani waxay
bixisaa laba shahaado oo kala ah; Diploma iyo Degree la xidhiidha daraasaadka
Islaamiga ah (Bachelor of Arts in Islamic Studies –BAIS- degree). Shahaadada
Diploma guud ahaanba waa bilaash, halka shahaadada Degree lagaa qaadayo lacag
sar-go’an oo ah kharashka isdiiwaangelinta simistar kasta, taas oo u dhaxaysa
40 Dollar ilaa 120 Dollar Semesterkiiba. Waxaana qaddarka lacagta lagaa
qaadayaa ay ku xidhan tahay dalka aad dunida ka joogto. Qof kasta oo ku nool
Somaliland iyo Soomaaliya waxa laga doonayaa afartan dollar ($40) oo ah feega
diwaangelinta.
Jaamacadda IOU waxay
bixisaa duruus la xidhiidha barashada rasmiga ah ee Islaamka oo salka ku haya
Quraanka iyo Sunnaha. Waxa kale oo duruusta ay jaamacaddani bixiso ka mid ah
xiisado casri ah, sida; barashada dhaqaalaha Islaamka, barashada hab-dhaqannada
iyo hab-shaqada maskaxaha bani’aadamka (Psychology), maamulka iyo maaraynta, I.W.M.
Waxaana dhammaantooda
laga eegayaa dhinaca aragtida uu Islaamku ka qabo, si ardayda faham ballaadhan
looga siiyo, uguna shaqeeyaan xirfaddooda si waafaqsan anshaxa iyo qiyamka
Islaamiga ah.
-Halkee ayay ku taallaa Jaamacadda IOU?
Jaamacadda IOU waa
jaamacad lagu barto hab fudud adiga oo jooga meel kasta oo dunida aad tagto,
una baahan oo kaliya inaad hesho koombuyuutar iyo Internet. Xarunteeda guud
waxay ku taalaa Qatar, laakiin waxa duruusta lagu bixiyaa Internet-ka.
Waxa loo aasaasay in
aqoonta Islaamka loo gudbiyo dadka muslimka ah iyo kuwa aan muslimka ahaynba.
Iyada oo laga duulayo aragtidaas, waxa ay jaamacaddu bixisaa waxbarasho
muddadeedu gaaban tahay (intensive), shahaadooyinka Diploma iyo Degree oo lagu
qaadanayo barashada deraasaadka Islaamka, kuwaas oo gebi ahaanba bilaash ah.
-Yaa arday ka noqon kara Jaamacadda IOU?
Waxa arday ka noqon
kara qof kasta oo go’aansaday ama doonaya in uu si sax ah u barto deraasaadka
Islaamiga ah ee laga soo dheegay Quraanka iyo Sunnaha. Ardayda dhigata
tiradoodu waxay ku siman tahay 80,000 oo arday,kuwaasoo ka kala socda 207 dal
oo isugu jira dalalka horumaray iyo kuwa soo korayaba.
Qofka doonaya in uu
barto waxbarashada heerka Diploma loogama baahna wax shuruud ah oo la xidhiidha
heerkiisa aqooneed. Balse, qofka doonaya in uu barto heerka Degree (BAIS), waxa
shardi ah in uu haysto shahaadada dugsiga sare. Qofka aan haysanin shahaado
dugsi sare ee doonaya in uu barto Degree (BAIS), wuu baran karayaa duruusta oo
dhan, balse ma jirto gebogebada shahaado Degree ah oo la siinayaa, waxase taa
beddelkeeda la siinayaa Diploma sare oo ay jaamacaddu ku caddaynayso in uu
waxbarashadaas dhammaystay.
Haa, wuu ka baran karaa
qofku isaga oo aan haysan shahaadada Diploma. Waase in uu haystaa shahaado
dugsi sare.
Maya, qof kasta da’da
uu doono ha jiro’e, jaamacaddan wax wuu ka baran karaa.
Dhammaan duruustu waxa
lagu baranayaa luuqadda Ingiriisiga, marka laga reebo luuqada Carabiga oo iyada
maado ahaan loo baranayo.
Waxa la baranayaa muddo
afar sanno ah oo aad shahaadada ku qaadanaysaa.
Waxa la qaadanayaa lix
xiisadood (6 courses)
Qof kasta oo ku nool
Somaliland iyo Soomaaliya waxa laga doonayaa afartan dollar ($40).
Wixii faahfaahin ah ee
intaa dheer kala xidhiidh xafiiskan oo lagaaga furay Hargeisa;
Tel: +252-2-4222200
No comments:
Post a Comment