" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Is-dhalay oo isku-dhibban! W.Q: Saida Sheikh Ahmed

Wednesday, September 5, 2012

Is-dhalay oo isku-dhibban! W.Q: Saida Sheikh Ahmed

Looxa 27/06/2012


Saq barkii buu si dhuumasho ah kusoo gali guriga, wuu taag taagsanayaa, sariirta buu isku tuurayaa, gaajo ha hayso ama yaysan haynin'e, sida tuug habeen bar soo dhacay guri reer leeyahay buu ku soo galayaa habeen kasta, markuu tooso-na orod buu kaga baxayaa subaxnimada hore.
Isagu waa isma lure se yaqaanna wuxuu doonayo, wuxuu rabaa baashaal, caweys, xafladeyn, dheel iyo muusig, wuu dhallin yar yahay, wakhtigiisa ayuu rabaa inuu si aan hagrasho lahayn uu ku qaato, wuxuu jeclaan lahaa in ay isaga iyo asxaabtiisa guriga ku caweeyaan, ku bood boodaan, ku baashaalaan, laakiin suuro gal maahan oo 4 indhood oo waaweyn baa lagu ilaaliyaa.

La isma sheeko yaqaanno, isku jiho looma soo socdo, isku aragti lagama ahan dunida, waana la isla yaabban yahay.

Yarku wuu ku wareeraa markuu arko waalidkii oo ku mashquulsan TV yada afka Soomaaliga ku baxa, marna cunto karis iyo cunto cunis, marna taleefoon dheer oo maantoo dhan uusan waxba ka fahmeyn waxa laga hadlaayo oo u badan hebel iyo heblaayo ka sheekeyntooda, noocyo dharka la xirto ah iyo hadal tiro Soomaali, wixii ay soo mareen iyo tagtadii Soomaaliya ayay uga sheekeeyaan il biriqsi kastoo ay fursad ku helaan isaga, sidii ay kusoo koriyeen bay uga hadlaan illa intuu soo gaaray 10 jir, intaan la keenin dhowr sano ka hor dalkan cusub, kartidii ay lahaan jireen bay ugu jecel yihiin in ay u sheegaan, haddii uusan raacin in uu hoogay, qayb bay intaasi ka yihiin sababaha uu guriga uga yahay tuugga oo kale, waxaase sii dheer wuxuu isku haystaa nin weyn se iyagu kantarool ba'an bay ku hayaan, waa lagu qaylinayaa, canaantu waa joogto, sida ay adduunka iyaga u arkaan bay rabaan in ay ku qasbaan inuu isna u arko, lacagtii ay dawladda martida loo ahaa ay u soo shubtay isaga xittaa waa loo diidday oo waa lagu xukumayaa, isna maalin kastaa keenadaas uun buu hayaa oo waydiintiisu waa joogto iyo ii dhiibada dadka kaleba, markii uu u maaro waayeyna oo uu ka fur furi waayay iyaga oo dadkii kalena ma haynada ay u dhaafi waayeen waa kaas duurkiisa iska galayee habeen barada socda, wax kasta iyaga way ku saxan yihiin waa sida ay u arkaan isagana wuu ku qaldan yahay waa sida ay u arkaan.

Wuxuu saaxiib la noqday dhallinyaro ajnabi ah, girlfriend tiisu waa reer Yurubtaas bari, Soomaalidoo dhan waa loo uriyay, soow teey ka qaateen kistii ay ugu tabarucday dawladdii shisheeye. Soow ta gurigii ay siiyeense reerkii oo dhan iyo beeshii oo aan soo kala harin ay soo buux dhaafiyaan? Soow ta canaanta joogtada ah nafta ay uga qaadeen? Soomaalidu wuuba ka didayaa, intaasoo dhan buu ka dhex arkayaa iyo in ay ciriiri galiyeen, wuu nacayba adduunka Soomaalida.

Wuxuu door biday inuu suuqa mar mar u xatooyo tago mar marna alaabaha lasoo jeeb siibo uu naf ka raadiyo si uu u noolaado ula qabsado faciis oo jeenisyada casrigaah, qalabka casrigaah iyo nolosha casrigaah uu ula socdo, baararka iyo meelaha lagu dhaansana uu uga muuqdo, sidaas darteedna sharciga dalka amaanada siiyay ayaa maalin kasta dacwo ka ah, iyaguna dacwadii bay qaati ka taagan yihiin oo naftoodeey dhinacyo badan ka saamaysay.

Maalmaha guriga la isku soo gaaro oo uu maalintii in yar ku daaho hurdada inteey taleefoonka ku hadlayaan isaga wuxuu u ciil qabaa inuu COOL ahaado, oo uu jirkiisa dhiso, timuhuu hadba dhan u jeedinayaa, birihii jir dhiska buu qaad qaadayaa, shaqo dhan buu hayaa, iyagu waa la yaabban yihiin isna waa uu la yaabban yahay.

Maxaad u wareegtaa bay ku haystaan se isagu markeey qayliyaan wuu la sii qayliyaa oo hadallo indhahooda ilmo ka keena ayuu ku yiraah sida nuucii la oran jiray caasi waalidiin, inkastoo inta badan uu ka baxsado oo dhuumashada uu ka door bido talase islama hayaan.

Gabadhaa mar talo keentay oo tiri iska siiya lacagtiisa yaree ay dawladda loo martida yahay kaligiis u qoondeysay oo tiinna Allaha idiin barakeeyee ma wanaagsana inaad tiisa ka gashaan hagbad oo uu isna illeyn ma shaqeeyee uu tiisa uga reysto wareegga, waabatiriska iyo xatooyada.. Waxaase loogu jawaabay; ha shaqeysto, gabadhi way yaabtay, iskana shib tiri. Talo kaleey keentay oo ahayd u daaya guriga kaligiis ay siisay dawladda loo martida yahay ha u yimaadaan saaxiibaddii iyo saaxiibtii, adinkuna waalid isla markaana saaxiibbo COOL ah iska dhiga oo la sheekeysta dhallinyaronimadiisa ha qaato'e kolleey wuu iska soo hanuuni doonaa, markaad si yaroo macaan u waanisaanee, illeyn shan beri Sheekh laguma noqdee, haddana waa lagu soo laaday. Mar kaleey tiri "Haddii aad sidaan canaanta iyo xoogga ah kusii waddaan Wallee in aan biyo la kala cabeyn ee dhibaatada ayaa sii badan doonta" Laakiin iyada nafteedaa lagu soo jeestay oo lagu yiri 'Naayaa dano yeelo oo adduunyadaada raaco, oo computer un baad shaqo ka dhigatayee subaxdii ku kallah magaalada, seey iyana ku jawaabtay; "Shaqada aan hadda qabto waa mid ku xiran computerka, anigu xamaali ma baran, subaxdiina meel aan u kallaho ma aqaano, mana jirtaba, nolosheyda oo dhan, shaqadeyda, asxaabteyda, iyo adduunyadeydaba internet keey gashay oo uu mushaarkeygu ku xiran yahay, haddaan daqiiqad dammiyo shaqada waa layga raacdeynayaa" Ma aysan fahmin laakiin iyagoo la yaabban bay shib ka yiraahdeen iyana iyadoo yaabban bay shib ka tiri.

WQ: Saida Sheikh Ahmed

No comments: