" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Sheeko Gaaban: Waraaqdii jacayl weedhna kicin waayay!!!

Saturday, September 1, 2012

Sheeko Gaaban: Waraaqdii jacayl weedhna kicin waayay!!!

WQ: Hamda Mohamed Hussein Egal

Sida la xusay beri beryaha ka mid ah ayaa gabadhi wiil dhiggeed ah dareen kalgacal u qaadday, xishood ay u dhalatay laguna ababshay awgeed ayaa ka hor is taagay inay rabitaankeeda si xor ah iyagoo is hor-jooga wiilkay calmatay ugu cabbirto, gorfayn badan kadib waxay talo isku tustay inay dhambaal gudbinaya farriinta qalbigeeda ay qalin ugu duugto, sidii baanay yeeshay oo inta ay bilcan ugu dhiibtay weliba ku dhiirisay inaanay war iyo wacaal ka siin cidda ay uga sido.


Waxa la yidhi garay in waxa loo dhiibay tahay waraaq, garawsayna in isaga ay ku socoto wuxuuse gaar isku weydiinayaa waxa ay u sido farriintani iyo cidda ay uga socotaba, wuu is ogyahay oo isagama fadhiyo inuu iskuba dayo akhrinteeda waayo maba yaqaan sida wax loo qoro iyo sida loo qaabilaba, weligii hore uma dareemin inuu u baahanyahay inuu wax akhriyo oo sabab ku kellifta lamaba kulmin, maantase wuu arkaa waraaqdaa yar inta uu u kadeedmay helidda qofkii u akhriyi lahaa.

Kol uu in door ah daydayay cid inuun u masanuunisa waxa meesha ku xardhan ayuu doon-doonistii ku helay wiil aqoon durugsani ka dhexayso deetana inta uu farxay ku yidhi waar Inaadeerow bahashanaa i kadeedaye kaalay iga akhri. Saaxiibkii u billaw una bayaami waxa meesha ku yaal, bariido san dabadeed u sheeg in gabadh jacayl barriinsaday baaq usoo dirsatay, wax kale uma bannaanee isna dhegaysi kaga bogay. Saaxiibkii socoy oo kusii durug dhexda oo ahayd dhumucda dhambaalka, dhaaf oo ku dhawaa dhammaadka qoraalka, halkaas markay marayso ayaa la sheegaa inay xaajo dhabaqday, akhriyaha iyo dhegaystahaba waxa isku mar dhaygaggu ku dhaceen baa la yidhi markii indhahooda iyo dhagahoodu ay isku wakhti dheehdeen oo ku dhaceen, magaca soo diraha dhambaalka. Ninkan sida xarragada leh u akhrinaya waraaqda waa walaashii gabadhan uu farriinteeda dareerinayaa!!!!

Alla naxdin iyo qaso weynaa ayuu ku tawaawacay goor ay talo faro ka haaday, wiilkii islaameed waxa meeshaa ka raacday wadhi aanu weligii filayn, ayna ku adkaatay inuu kasoo waaqsadaa, hoos iyo sareba wuxuu iskugu canaananayaa wax xun Alle ku saarye maad maalinuun wax-baratid?!! maanta ma waxaasaa kugu habsan lahaa, haddana niyaddiisa ayuu gar aan meel gaadhsiisnayn isagoo siinaya ku leeyahay maxaa isaga kaasoo hor saaray inta dad bateen.

Wakhti danbe oo xeedho iyo fandhaal kala dhaceen ayuu ku canaananayaa naftiisa waxa uu wax u baran waayay intay goori goor ahayd, markaasuu isaga oo waayihiisa sheeganaya mar kalena waayo-aragnimo u gudbinaya inta dhallin ah ee la midka ah gabaygan qiimaha badan marinayaa.

Wacaysoow nimaan waxba akhriyin waafi noqon waaye

Weeraarta madal loo fadhiyo ayay wadhi ka raacdaaye

Warkiisa iyo sirtiisa oo dhanbay uunku weriyaane

Sidayduu u wiiqmaa haddana sharaf u waayaaye

Sidaydaanu waraabaha cartami wax uga roonayne

Waxaan warac ahaan jiray haddaan weegtan liicsamaye

Waxse waanaday tahay haddaan waayo-aragoobay

Oo aan waraaqdii jacayl ee aan helay weedhna kicin waayay

Hadduu waagu ii baryoon la i walaandaynin

Allaa waaxidee haddaan wed iga soo gaadhin

Wawgiyo higgaadaan ka baran berri wadaadkiiye

Culimada wareegtaan ku odhan weylul ii dhiga’e

Wahsan maayo jeeroon akhriyo weedh lasoo diraye

Waxbartaay adduunbaa waxgarad beri la weydiine.


WQ: Hamda Mohamed Hussein Egal

1 comment:

Anonymous said...

Xigashii sheekadu meeday? Qisadani waxa ay ku qorantahay diiwaanka la yidhaahdo ‘Aqoon darro, Waa u nacab jacayl’.

Cidda warqadda akhiradayna waxa ay ahayd seeddiga ninka loo akhriyey.