" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Sidee nolosha guul looga gaadhaa? W.Q: Umeyma Cabdillaahi Ciise

Sunday, September 2, 2012

Sidee nolosha guul looga gaadhaa? W.Q: Umeyma Cabdillaahi Ciise


 “Waxbarashadu waa aqoonsigeena mustaqbalka, madaama bari ay leeyihiin dadka maanta diyaar-garooba” Malcolm X.

Mustaqbal wanaagsan oo Guul ku dheehan tahay waa shay qofkasta raadinayo, waa shayga aan dhamanteen ka midaysanahay. Mustaqbal wanaagsan inaynu yeelano awgeed waa ta aan u dadaalno dhamaanten, ee aan wax u barano. Mustaqbalka wanaagsan waa ka xambaarsan guul, ee u qofku gaadhayo hadaf uu hiigsaneyey noloshiisa.


Guushuna waa shayga Alle wayne (Isagaa xume ka nasahane) uu ugu baaqay dhammaan bani-aadamka, isagoo sabab uga dhigay raacitanka waddada uu jeexay. Waa shayga ka sheekayntiisu fududdahay, balse xaqiijinteedu ay aad u dhib badan tahay. Waa dhufsane-yaraha ka dhaxeeya aadamaha dhamaantii, waana waxa qofkastoo inaga mid ahi subax kasta ugu kallaho waxbarashada ama shaqo cayiman oo uu aaminsan yahay inay waxuun ku kordhinayso meeshu ku socdo mustaqbalkiisa.

Haddaba, mustaqbalkan wanaagsani waa maxay? Yaa ku guuleysta inuu gaadho mustaqbal wanaagsan oo guul leh?.

Markaynu ka hadlayno nolosha iyo halgankeeda, inagoo ku xisaabtamayna dhammaan dadka ku nool adduunka nooc kasta oo ay yihiin iyo waxkasta oo ay aaminsan yihiin, mustaqbalka loo wada ordayaa waa in guul laga gaadho adduunka, taas oo noqon karta in uu yeesho qofku maal iyo hanti. Sidoo kale, in uu yeesho aqoon ama uu nolol sare helo. Balse, Muslim ahaan waxaan qirsanahay in guusha iyo mustaqbalka dhabta ahi ay yihiin kuwa aakhiro. Ilaahay dariiqiisuna uu yahay ka kaliya ee haga liibaanta adduun iyo ta aakhiro. Hase ahaatee, marka ay timaaddo liibaanta adduunyo ma jiro hab la odhanayo 1, 2 iyo 3 oo Quraanku yidhi raaca, balse waxa la hoos dhigay qof kasta iyo xikmadiisa nololeed, waana sirta nolosha.

Inaga oo mabda’ ka dhiganeyna Quraanka iyo sunnada, tusaalena u qaadaneyna dad badan oo ku liibaanay dariiqyo kala duwan, sida, kuwo naftooda ku waayey dagaal, balse ku helay wax aanay ilna arag, dhegina maqal, qalbi bina adana kuso dhicin oo janno ah. Halka kuwo 99 qof qudha ka jaraynaya ay ka mid noqdaan dadka nolosha ku guulaystay ee helay mustaqbal wanaagsan.

Markaynu dib u eegno taariikhda ka hadhay asxaabtii Rasuulka (SCW) iyo dadkii liibaanay, waxaynu garan karnaa dariiqii ay mareen ee ay ku gadheen mustaqbal wanaagsan aduunyo iyo aakhiroba.

Mustaqbalka wanaagsan iyo guushu maaha wax cilmi-baadhis lagu sheegay, ama wax sida culuumta qaar la tijabiyey oo lagu najaxay (waxaan u jeedaa sida loo guulaysto), balse waa wax ninba meel la maray. Taasina, waa ta u sababta ah in dad yar oo koobani ay nasiib u yeeshan in ay mustaqbal wanaagsan sameeyaan, halka dadka intooda badanina kooxdaa yar ay ka sheekeeyaan.

Haddaba, si aad u gaadho mustaqbal wanaagsan oo aad guulo badan ugu soo hoyso noloshaada, waxa lagama maarmaan ah in aad kaga dayato dadkii horey u liibaaney oo aad qaaddo wadadii ay u mareen dariiqooda guusha, taaso hadii la is-yidhaahdo raaca ay suuro gal tahay in la gadho mustaqbal lagu qanci karo. Waxaana la isku raacay arrimo dhawra inay sabab u noqdaan in qofku guulaysto oo uu helo mustaqbal wanaagsan, kuwaas oo qofkii tallaabooyinkan raacaa uu gaadho guusha. Inkasta oo qof kasta duruuf u gaar ahi ay jirto, haddana waxa la arkaa in uu gaadho halka uu u socdo.Haddaba, adiga oo ka duulaya in mustaqbalku uu bilowdo maanta ee aanu ahayn berri, waxa laysla gartay in qofka raaca tallaabooyinkani uu yahay mid guul gaadhay;

-Aragti Sugan: Qof kasta oo yaqaana halka uu ku socdo wuxu 50% gaadhay hadafkiisa, waxaanu u dhaw yahay in uu sameeyo mustaqbal faa’iido leh.

-Karti iyo Awood dheeraad ah: Horayso iyo danbayso, aakhiro iyo adduun, qofkasta wuxu goostaa wuxu beerto. Qof kastaa wuxu helaa wuxu shaqaysto, qof shaqeeyey 12 saacadood iyo mid shaqeeyey 6 saacadood isku meel ma gaadhan, isku mustaqbalna ma aha.

-Tilmaansi iyo Hoggaansanaansho: Qof kasta wuxu u bahan yahay cid uu ku daydo, markaa waa inaad heshaa cid gaadhay waxaad rabto, si aad ugu dayato una raacdo waayo-aragnimadiisi. Dhinaca kalena, waa inaad noqotaa qof ku taagan wuxu go'aansado, labac-labacduna waa dariiqa guul-darrada ee ha ilaabin!

-Ka faa’idaynta fursadaha: Xusuusnow erayga reer galbeedka ee ah; ‘maalin kasta axad maaha’, iyagoo ujeeda ‘maalin kasta adigu ma lihid oo maalintaada maaha’. Sidoo kale, xusuusnow maahmaahda carbeed ee tidhaahda; ‘Maalin-na adigaa leh, maalin-na qayrkaa baa leh.’ Markaa waa inaad taqaanaa sida markaaga fursadaha nolosha looga faa’iidaysto.

-Si aad u gaadho mustaqbal anfac iyo guulba leh waligaa xusuusnow qaacidadan “ Nolosha ha u sheegin waxaad qaban kartid ee tus”


Umeyma Cabdillaahi Ciise Good


Borama, Somaliland.

No comments: