" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: HAGARLAAWE: Abwaan Gaarriye & Wacdaraha Maansada “Runeey lagu Neceb!”

Wednesday, September 5, 2012

HAGARLAAWE: Abwaan Gaarriye & Wacdaraha Maansada “Runeey lagu Neceb!”



Waxa runta la yidhaahdaa waa dhabbo miinaysan oo aan haddana laga maarmin in la maro. Imminkadaa aynnu joogno boqollaal baa daraaddeed u xidh-xidhan.

 
Boqollaal kalena inay runta sheegeen keli ah ayaa loo deldelayaa. Maansadanuna iyada oo guud ahaan runta ka faalloonaysa, ayey haddana si gaar ah u taabanaysaa sidii taliskii Siyaad u necbaa.

Runeey lagu neceb;
Lagu rookee;
Layska kaa reeb;
Ristaad daaqdaba
Lagu raad-goob.
Fule kaa roor;
Ruxrux-doon iyo
Ra’iis daalin ah,
Midna kuma rabo.
Ninkii kuu roon
Dambi lagu raro,
Ribo iyo been
Loo rakaabsado,
Xabsi lagu rido
Rasaas lagu furo,
Raxantiisoo
Oodda loo rogo,
Oo ka-reeb iyo
Rajo laga dhigo,
Raxanraad iyo
Rafaad kugu muday.
Mase riiq-gabo
Nimaad Ruuneey
Raatubtiis tahay.
Rafiiqaaguna
Hadduu rubad-go’o,
Adaa rimmaneey
Raage kale dhala;
Ruud biraad tahay.
Aarka raanta leh
Ee ruqaansaday,
Adaw kala raray;
Oo rabbaaskiyo
Reenka ugu wacan.
In raqdaa wadhan
Rag la leeyahay,
Riddo-kululeey
Kuugu rixin waa.
Oo Riyaaloow
Hilbii Reexaan
Ruqsay kelidii;
Manuu raad-gadan.
Wuxu reemaba
Ruqruquuskiyo
Rudhmadiisii,
Rifrif-tuurkiyo
Rafad-dhabadkii,
Raamsigiisii
Dhegta raarici;
Oo “rig”tii mood
In rakaaddiyo
Raaxo-dhaadhiga
Reerku wada qabo.
Waa la raystiyo
Rayidkuu dhacay
Been ku raashimi.
Oo ribiishyada
Ricirtuu naco
Risiq moodiyo,
Eey rabbaysani
U raxleeyoo
Madaxaw ruxe.
Kana raaride;
Raaska oo nina
Ra’yigoo nina;
Iyo raantiyo
Rabbinimadii
Fircoon lagu rogay.
Isna Reemaadh
Waa wax rubuc yare,
Nagu-raagtiyo
Rookarookada
Ku-rusheeda ah,
U riyaaqyoo
Rarrabtiisii
Raar dugsoon mood.
* * *
Dhulku kula roor!
Risiq lala cuno
Run la qaawiyo,
Ruux la garab dhigo
Xaq la raadsado
“Reebban!” buu yidhi.
Rasuul inu yahay
Raxmaan soo direy
Dadna wada rabo,
Riddo iyo been
Geli raadyaha;
Ka riwaayadi
Rakhiisnimo-hadal.
Reerka oo wadhan
Raxmaad ugu baaq;
Ruqday beeshii;
Wax la rooraba
Dadkuu rarankiyo
Godkii lagu riday
Uu ka soo raray,
Ayuu Raabboow
Isna rubad-go’e,
Rawax lama-dego
Raasba meel furey.
Af-rambaadhsane
Uga muu rayn.
Misna rucuskiyo
Rucdiguu dhigay,
Roobka gudhay saar.
Mar riyaha maag
Oo ku raad-gaday.
Isu-reemaha
Rajalaha kulul
Rimi waayiyo,
Awrka raray hiif.
Adhi-raacdana
Rajci wada yidhi.
Marna raambaha
Raaniyaashiyo
Ranki baandhee.
Mar rugteennii
Raygan kula xidid;
Oo dhulkaba rahan.
Marna Ruush aad
Oo nin raaciyo
Reer galbeed cay.
Mar quraan-ruug
Raahib kelidii,
Habeen rubuc hadhay
Rabbi baqihiis
Rukuuc ugu jira;
Oo Rashiidoow
Ilaa ruuggiyo
Rays-ma-gaadhada,
Ilmaduu rogay
Isku wada raday
Waran ruubsii.
Marna Riiraash
Salaad raatub ah,
Oo ruxruxashiyo
Ka ah godob-reeb,
Raalli-gelin iyo
Riyo-wa-nifaaq
Riyaad kula toos;
Oo riyaalkii
Nafta kula roor.
Marba si u reen;
Marba si u rami.
Wuxu rooxada
Rooxarooxada
Ruxo taagtii,
Oo ruxaan-ruxo
Ruxmi weydoo,
Laftii raaraco
Ruugi kari waa.
* * *
Adna Raandhiis
Runta cabataay,
‘Beeni raad ma leh’,
Kaamanay rayn!
Rayfalkeeduna
Waa rash aan dhicin;
Iyo Ruuneey
Riddo biigoo
Yeeke lagu rogay.
Nin rakaabsaday
Rambas weeyaan.
Nin kastoo roga
Nin kastoo rara
Roob kastoo da’a,
Raasa-maaleey,
Raad hadhaad tahay,
Rinji aan go’in!
Adna raray-yahaw!
Jidku waa raran;
Raysna waa weli;
Jeer raxmaad da’o
Oo rag kala baxo
Ragaad waa ceeb;
Raaxo waa maya.
Xigasho: © Diiwaanka Hagarlaawe, 2007 – Maansada Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye”
© Weedhsan Corporation

No comments: