" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Ma rabtaa inaad ku guulaysato wax walba? W.Q: Umeyma C. Ciise

Saturday, September 8, 2012

Ma rabtaa inaad ku guulaysato wax walba? W.Q: Umeyma C. Ciise

Noloshu waa safar, dadkuna waa socoto. Waddo kasae oo aad martaana bar dhammaad bey ku geysaa, dhammaan-na waxay kugu ridaan hoyga dhabta ah oo ah Qabriga. Dadka in badani oo ku hanweyn inay heer ka gadhaan ayaamaha tirsan ee noloshooda, ayaa waxay ina barayaan in  iyada oo aan la waareyn, haddana ay habboon tahay in war kaa hadho.


Adduunka iyo noloshuba had iyo jeer way is-barbar yaacaan iyagoo labo ah, habeen iyo maalin, sare iyo hoos, bidix iyo midig, lab iyo dhidig, dhib iyo dheef. Sidoo kale, inta  taarikhdu dadka ka qorto ama ka sheegtaana waa laba mid ahaan uun; Qalooc iyo Qumane, labadaas uun baa waligood loo dhaxeeyaa. Quraanka Kariimka oo ah mabda’eena ugu weynina labadaas ayuun buu inooga waramaa oo midna ina faraa, midna inooga digaa. Inkastoo dadka badankoodu yihiin caadi (Dad si caadi ah u dhasha, si caadi ah u noolada, si caadi ah tarma, dabadeedna caadi u dhinta), ayaa haddana taariikhdu reebtaa dad tiro kooban oo ka midho dhaliyey noloshooda. Qofkaasi dad iyo duunyo ma dheera dadka kale, laakiin dedaal iyo dulqaad ayey ku muteystaan inay noqdaan dad mudan in lagu daydo.

Haddaba, ma tahay adigu qof hammi leh, hadaf wata oo higsanaaya himilo? Ma rabtaa in aad ku guulaysatid wax walba oo aad guul ka rabtid? Ma rabtaa in aad yeelatid firfircooni aad ku abuuri kartid nolol sare? Ma rabtaa in hammi iyo dadnimo sare ay ku gasho? Ma rabtaa in kartidaadu korodho oo qof wax abuura aad noqotid?  Ma rabtaa in aad nolosha wax ku soo siyaadiso oo aanad adigu siyaado ku ahaan ?  

Waxaas oo dhan hadaad rabti inaad ka meel gaadho oo aad jeceshahay inaad baalka wanaagsan taarikhda ka gasho oo lagugu xuso dariiqa quman, oo aad daneyneyso guusha ifka iyo aakhiraba,  ogow ma aha jidka kugu hagayaa mid cusub ama ka duwan ka ay mareen dadkii kaa horeeyay ee ku guuleystey! – Kama duwana waddada ay maraan dadka guuleystaa. Waxaanad u baahan tahay inaad dheegto taariikhdooda, si aad uga hesho waayo aragnimo.

Qofkuu hadafkiisu cad yahay wuxu u baahan yahay in uu ka gudbo caqabadaha, waxaana lagama marmaan ah ina uu helo waddo uu u hogaansanaado, si uu wakhti kooban ugu fuliyo waxa qayrkii u baahnaa inuu wakhti libinlaab ah ku fuliyo. Qofka tusaale iyo tilmaansi laheyn waa qof lunsan, dadka intooda badanina iskuma hawlaan inay dib u baadhan dadka uga horeeyay himiladooda, balse waa shuruudda uu fulinteeda u baahan yahay qofka guusha wacan doonaya in uu gaadhaa waa taas.

Haddaynu dib u eegno dadka raadka ku reebay taariikhda ee qofka raaca dariiqoodu uu ku najaxayo waxa ka mid ah, macallinkeena iyo Rasuulkeena sharafta leh Muxammed binu Cabdillahi (CSW) ee Ilaahey inoo sheegay in uu yahay tusaale wanaagsan oo ku dayashadiisu tahay liibanta qofka mu’minka ah. Waxa u ahaa Rasuulku markii u yaraa agoon aan hooyo iyo aabbo toona helin, waxay maalmihii yaraantiisu muujinayeen rejo yaraan ka muuqata mustaqbalkiisa marka loo eego caruurta ficiisa ahaa, laakiinse Illaahay [SW], ayaa u doortay in uu noqdo hoggaanka umadda, waxaanu ku imtixaamay qoomkiisii oo way dhibeen, caayeen, cambaareeyeen, cidhiidhiyeen, cidleeyeen, wasakhna ku shubayeen, waxayn ku noqdeen cadow, xataa ay ka caymadiyeen/eryeen dhulkiisii hooyo ee uu aadka ujeclaa. Laakiin, arrimahani Rasuulka [CSW] kama aaney mamnuucin inuu sii wado dacwadii oo uu gaadho hadafkiisii ahaa fidinta xaqa iyo diinta Islaamka. Waayo, waxa uu aaminsanaa in alle marna hoojinayn oo aanu seejineyn waxa uu dedaalka iyo dulqaadka uu la yimaaddo gaadhsiyaan. Mar kasta waxa uu ogaa inay guusha alle mar uun imanayso xataa uu dacwadii gaadhsiiyaye caalamka oo uu xaqii gaadhey dunida oo dhan.

Ka baro taariikh-nololeedka Rasuulka suubban iyo dadka guuleystey waddada ay  u mareen nolosha ay ku liibaaneen, oo kaga dayo dedaalka, kaga dayo dulqaadka, kaga dayo daacadnimada, kaga dayo geesinimada, kaga dayo kalsoonida,  kaga dayo himilada sare ee ay lahaayen iyaga oo noloshoodu adag tahay, kaga dayo hami sare iyo himilo dheeriaad ah, kaga dayo u adkeysiga dhibaatoyinka iyo u dulqaadashad khasaaraha. Dadka noocas ahi waxay ina barayaan in hammiga sare uu yahay ka lagu najaxo aakhiro iyo adduunyaba, sababtoo ah, asxaabtii Rasuulku (CSW), waxa janno loogu bushaareeyay iyaga oo adduunka jooga, waxaanay taas ku gaadheen hammi sare oo ay lahaayeen oo aheyd inay jannada kula waraan Rasuulka (CSW).

Dadka aan ku dayo leeyahay waa dadka rumeeyay in dedaalku aanu khasaarayn, dulqaadkuna uu yahay hagaha guusha. Waxay dadku inta badan jecel yihiin waxa ay dhakhso u helaan ama ay si aad ah ugu mashquulaan si ay u hantaan. Sidaa darteed, intii aad ka caban lahayd duruufaha ka sokeeya waxaad higsanayso ee adag, kaga dayo dulqaadka dadkii kaa horreeyay ee tijaabiyay, guushana ku gaadhay. Dadka ku-dayashada mudani waxay tilmaameen ayaan-darrada qofka yasa ama liida nafsaddiisa, isuna arka in aanu qiimo lahayn. Waxaanay caddeeyeen in ay kalsoonidu tahay waxyaabaha ugu muhiimsan ee aad halganka himiladaada ku gaadhi karto. Wa taa ta qof kasta oo halgame ka ah nolosha looga baahan yahay. Tusaale inaad yeelato oo aad tilmaansato dadka liibaaney, waxay 70% (Boqolkiiba toddobaatan) ay ka qaadataa inaad ka run keentid himiladaada, inta soo hadhaana waa kartidaada.

Dadkan guusha wada gaadhey dariiq kaliya ayey u mareen guusha, sir kaliyana wey u isticmaaleen iney ka guul gaadhaan hawshooda.

Gebo-gebada, waxaan maqaalkan uga dan leeyahay oo iga dar-daaran ah; ma adka in aad hadaf yeelato, laakiin inaad xaqiijiso ayaa u baahan dedaal, dulqaad, kalsooni iyo karti dheeraad ah, kuwaas oo fure u ah waddada kugu hagaysa halkaad hiigsanayso. Haddii aad rabtid inaad guul gaadho, heshid raalli-ahaanshaha Ilaahay, raalli-ahaanshaha dadka, inaad himiladooda xaqiijisid, riyooyinkaaga rumaysid, ama aad hadafkaaga gaadho, ama sidoo kale aad jeceshahay inaad heer ka gaadho nolosha, cilmiga, maalka ama magacaagu meel sare gaadho, kuwaasi ma adka. Waxase loo baahan yahay ku-dayashada dadka mudan in lagu daydo. Dadka qaarkood ayaan gaadhin oo aanan hanan waxay rabaan, sababtuna maaha in waxay qabanayaan ay ka duwan yihiin waxay rabaan, balse waxay tahay awoodin inay helaan sirta guusha ama dariiqa loo maro xaqiijinta himilada. Laga yaabaa ina hadafkaagu ka duwanaado, laakiin waxa hubaal ah in sirta guushu iyo waddada loo marayo ay isku mid tahay. Sidaasi darteed, waligaa ku dayo dadka mudan ku-dayashada, si aad uga kordhisatid waayo-aragnimo ku tuseysa waddada kugu hageysa hadafkaaga.

 

Wa billahi tawfiiq

Umayma Cabdulahi Ciise Good

No comments: