" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Qofba waa si-garadkiisa – W/Q. Axmed Warsame Cumar-Laangadhe

Tuesday, September 4, 2012

Qofba waa si-garadkiisa – W/Q. Axmed Warsame Cumar-Laangadhe

Waxay heshay dhagax aad u qaaliya mar ay maraysay meel buuro ah oo macdantu ku badan tahay, waa Qof dumara oo aad u garaad badan kana saahiday dunida socdaal dheerna ku martay meelo badan oo dunida ah.
 
Maalintii ku xigtay iyadoo dhagaxii sidata ayaa waxay la kulantay oday aad u tabcaana hamuun badana qaba, waxay furtay joogeedii si uu cuntada ula wadaago, isla markiiba waxuu isha ku dhuftay dhagaxii dahabka ahaa, waxaanu weydiistey inay siiso, way u hibaysay si deeqsinimo leh. Wuxu waa adduunyoo, lama sudho agtaadee, waa la aakhireeyaa.
 
Ka dhufay isagoo u qaadan la’,wuu dhaqaajiyey, hareerihiisu marba daymoonaya aadna wuxu ula dhacay nasiibkiisa wanaagsan, aqoon uu u laha macdanta awgii ayaa waxa uu garwaaqsaday inuu dhagaxani kaafiyi doona baahiyhiisa kala duwan ee inta uu noolyahay, marka loo eego qiimaha uu ku taagan yahay suuqa saamiyada dhagaxaanta.
 
Ishin-buuxsankeedana iimaanka dhali jirey, wuu soo laabtay, Dhawr maalimood ka dib isaga oo sida dhagaxii rabana inuu u celiyo gabadhii lahayd, yaab! maxaa is badalay, ma qiimihiisiiba hoos u dhacay? Maya, waabu ka sii batay intuu ku qiyasayey, haddaa ma mid ka wayn buu doonaya? Maya, oo ismabuba waydiin, maan kiisana kuma jirto mid dhagaxan ka wayn baa jira? Wax walba ka fillo tallow ma abaal-gud buu damacsan yahay mise shirqool? Maya, waligii muu abaal-gudin oo Somali babad mooda, shirqoolna iminka uma socdo ee waa cilmi korodhsi!
 
“Waan fikiraayey” ayuu yidhi “ waan ogahay qiimaha dhagaxani leeyahay, lakiin waxaan dib kugu soo celiyey anigoo rajaynaya inaad isiin karto wax kale oo ka qiimo badan… isii waxa kuu suurto galiyey inaad isiiso wax sida dhagaxan oo kale u qiimo badan!”
 
Ma irmaana weligeed… wax la isi siiyo maxa u mudan?...qofkee deeqsiya? Maxase deeqsi lagu noqda? Halxidhaale weeyaan…Ruuxii gartow sheeg? Ku darsoo, Qofba waa si garadkiisa.
 
Ahmed W. Omar
Instructor University of Burao – Somaliland

No comments: