Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa ‘ili ayaan badanaa, hareeraheeduna ayaan
daranaa’. Odhaah kale ayaa u dhigan sidan “Ileey ama itaal lahow, ama ayaan lahow! Waxay dooratay ayaankii!” Waxa ay se ila tahay in ishu aanay wax
dheeraad ah ka sidanin jidhka intiisa kale
bal se “ayaan badnaanteeda” loo
tiirin karo uun aragga ay iska arki karto halisaha oo markaa ay baalasha
is-qabadsiiso ama (iyadoo kaashanaysa maanka) ay dhinac isaga barbariso halis
ku soo fool leh.
Ishu aad bey ugu
nugushahay walaxa soo-galowtiga ku ah gurigeeda ama baradeeda. Waxa ugu yar ee
dhibaatayn kara waxa ka mid ah saxarka.
Doorroonaanta araggu u leeyahay noolaha awgeed, dadku ma fududaystaan
waxa ugu yar ee soo gaadha isha. Markiiba qofku waxa uu cid kale ka raadsadaa
gacan siin. Ciddaasina si hagar la’aan ah ayay ugu fidiyaan wixii samato bixin
ah. Markiiba waxa la arki karaa qofkii
isha saxarku ka gaadhay oo isu dhiibay qofkii kale ee uu wax-tar biday. Indhaha
ayuu u kala qabtaa, marna baalasha ayuu kala jiidaa, mar kor marna hoos eeg buu ku
yidhaahdaa, isagoo indhaha ku biniininaya
oo raadinaya meesha ay taallo walaxda soo-galowtiga ah.
Haddii ay dhibtu ka timid ciid ay sidatay
saxar-qaad dabayleed, waxa uu isku dayaa in uu xoog ugu afuufo isha gudaheeda,
isagoo neef ka buuxiyay labada can, dibnahana (bushimahana) soo ururiyay si uu
u xoojiyo xawaaraha neefta – in ku filan in ay isha bannaanka ka soo dhigto
ciid yar oo ay ilmo qoysay. Sida uu u
kala daran yahay xanuunku, mararka qaarkood, sanka ayaa isha la ooya oo biyo ka yimaaddaan.
Waxay kaloo Soomaalidu rumaysan tahay in ishu liqdo
walaxa qaarkood sida ciidda iyo
saxarrada yaryar. Ha yeeshee, mararka qaarkood, siiba arooryada hore, waxa
dacallada isha lagu arkaa xafajo ay la socdaan wax ka mid ah walaxihii
soo-galowtiga ahaa.
Islaamaha qaarkood baa la yidhaahdaa hoodo ayay ku
leeyihiin saxar bixinta iyagoo carrabka caaradiisa ula taga isha oo ku
maraanmara. Waxana la rumaysnaa in carrabku si dhibirsan dibedda uga soo dhigi
karo isha.
Farsamo kale ayaa iyana ah in maro yar la isugu
laablaab si ay caaro dhuuban u yeelato oo badiba candhuuf lagu qoyn jiray
(gabaabsiga biyood awgeed) marka la helana biyo lagu qooyo, ka dibna saxarka
ama ciidda lagu soo qaadi jiray.
Haddii ay ishu yeelato kaar iyo garaac badan, waxa
la yeeli jiray in dacasha hoose ee dhegta xigta dhinaca isha dhibaataysan lagu xidho xadhig
yar, waxana la arki jiray in kaarku ka yaraado.
Waana hab-maarayneed u dhigma farsamo wax-iskula-daal (dabiib) ka jirta dalka
Shiinaha oo loo yaqaanno Akubanjar (acupuncture) – oo ku salaysan turqin la abbaarsiinayo meel
aan badiba ahayn meeshii ama xubintii jirranayd si bogsiin ama ladnaanshiiyo
loogu helo.
Arrinta ugu la-yaabka badani waxa ay tahay in
suxulka loo adeegsado maaraynta saxarka, siiba marka la doonayo in ay ‘ishu
saxarka liqdo’ oo maarayn kale loo waayo. Mar kan oo kale inta isha la isku
qabto ayaa suxul qof kale guudka lagaga marmarin jiray. Waana ta ay Soomaalidu
odhon jiray “Suxulow waa Saxar!”
iyada oo aad mooddo in lagu cabsi gelinaayo saxarku in uu ka muquurto meesha.
F.G: Qoraagu wuxuu qoraalkan cilmiyaysan ugu tabarucay guud ahaan inta afka Soomaaliga ku hadasha, gaar aaan akhristayaasha degelkan (www.kaariye.blogspot.com). Waan uga mahadcelinayaa.
Waxa qoray:
Axmed Ibraahin Cawaale
No comments:
Post a Comment