Qof waliba degdeggiisa wuxuu u egyahay mid ku socda ballan uu ka habsaamay
ama shaqo laga sugayo. Dadku waxay u wada muuqdaan kuwo igu cusub, marka laga
reebo dad tiro yar oo markay iga hor yimaaddaan aanu is-weji garanayno ama
is-magac-dhebi karno. Sababtoo ah, halka aanu joognaa maaha dalkii hooyo ee waa
qurbe. Aniga oo baalla-daymoonaya, ayaan maqlay dhawaaq ii yeedhaya, “Barkhadoow,
waryaa Barkhad!” Maskaxdayda oo markaa ku maqnayd dhugashada dadka iyo
deegaanka kala duwan, ayaan garan kari waayay halka dhawaaqu ka baxay. Mar
dambese, ayaan gartay in dhinacayga dambe layga yeedhay, markii aan ku
jeestayna arki waayay qof aan garto oo ii yeedhay. Haddiiba aan iska jeestay oo
aan mar kale ku mashquulay wixii markii hore maskaxdayda iyo indhuhuba ku maqnaayeen,
haddana mar kale ayaan maqlay dhawaaqii! Jalleeco labaad baan ku celiyay
dhinacayga dambe, mise waa wiil yar oo dhalinyaro ah oo aanan hore u arag!.
Sunday, December 30, 2012
Haddaan noolaado! W.Q: Barkhad M. Kaariye
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
12:07 PM
Monday, December 24, 2012
Saddex Wallaahiyood af-Soomaaligu waa afkiinii! W.Q: Saida Sh Axmed
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
9:23 AM

“Dadka ha loogu dhaarto in ay dhirta iyagu leeyihiin” isagoo inoo sheegaya in aysan Soomaalidu ogaynba in ay dhirta iyagu leeyihiin. Taa markaan arkay wax badan bay i xusuusisay, waxaana igu soo dhacay wax badan oo aysan dadku malaha wali ogeyn in ay iyagu leeyihiin, ha ugu horreeyee afka Soomaaliga, oo dadkiisii iyo dalkii looga hadli lahaaba gudahiisa, meel kasta oo ay dawladdu ama xukuumaddu wax ka qabanayso, inta badan boorarka ay ku qoran yihin afaf qalaad. Waxaa taas sii dheer, xittaa isla xiriirka bulshada oo inta badan ay kula sameeyaan afaf qalaad. Haddii aad se is tiraahdo wax ka dheh ay afar raaciye dagaal kugu soo qaadayaan, iyagoo ku tusaya inaad meelaha wadwaddo wax aan loo baahnayn, oo isu arka iyaga in ay afafka qalaad dad ku yihiin.
Sunday, December 23, 2012
Mahuraan is-collaysta! W.Q: Barkhad M. Kaariye
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
10:45 AM
Waa mahuraan aan kala maarmin, iyaguse isu muuqda. Ma jirto dan daruuri
ah oo kallifaysa dirirtooda, haddana isma gafaan. Labaduba way hubaysan yihiin,
haba kala khatar badnaadaane. Bal ka warama, ninka hubaysan, aqoon-darro hayso,
hadhowna cadhooda? Way jirtaa dan guud oo ay wadaagaan, haddana khilaafkoodu ma
daarrana dan ilaalinteed. Mid kasta waxa duunkiisa ka guuxaya wax lagu qufulay
oo ah in cadowga kaliya ee uu leeyahay uu yahay ka kale!.
Saturday, December 15, 2012
Masareey: Xagee baad u socotaa? W.Q: Axmed-Deeq
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
10:53 AM
Masareey, duruufo adag iyo dar-xumooyin badan oo dushaada ka muuqda, marka aan is idhaa qalinkayga u qaadaba, damiirkaygu wuxuu i leeyahay: Adiga oo Soomaaliya, Masar waxba kama sheegi kartid, waxna uma sheegi kartid. Markaasan iska dhigayaa.
Thursday, December 13, 2012
Ceel Walwaaleed – W/Q. Axmed Ibraahin Cawaale
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
11:28 AM

Monday, December 10, 2012
Degel yahow ba'ay yaa ku leh? W.Q: Saddam Carab
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
9:28 AM
Waxa ay ahayd galab isniineed. Waxa aan dhex qaadayey qaar ka mid ah mareegaha soomaalida ee wararka iyo weceelka kaleba lagu qoro. Waxaan badanaa booqdaa mareego ii astaysan, oo qoraallo iyo qubanayaal kale ka buuxaan. Kama aan madhnayn bar-bulsheedka sida geel harraadani darka ugu hayaamo, ay dadku ugu hoobtaan hareer kastana ka joogaan. Waa mareegta fays-buug (Facebook) oo kulmisay kumannaan aan is aqoon iyo kuwo kala dhuuman jirayba. Waa madal aqoon iyo akhlaaq wanaag laga barto, anshax xumo iyo edaab darrona laga helo, qofbana waa dookhii iyo darka uu ku arooro.
Saturday, December 8, 2012
Maxaad ka taqaannaa Haweenka? W.Q: M. M. Kastam
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
12:27 PM
Waa Maxay Xorriyaddu? – W/Q. Xamda Maxamed Cigaal
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
12:21 PM

Wednesday, December 5, 2012
Maanso: Maxaa laysu dhaarsaday? - W.C: Yasmin Maxamed Kaahin
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
12:41 PM
Maansadani waxa hal-abuurtay Yaasmiin
Maxamed Kaahin, waxaanay curatay 05/12/2012. Waxay diiradda saaraysaa oo ay ka
hadlaysaa muhiimadda nabadda, dhibaatada dadka dhuuniga dhaafsada dal jira iyo
sidoo kale, in muranka doorashada golayaasha deegaanka ee ififaalihiisu muuqdaa
aanay noqonin mid halis geliya bulshada nabadda ku caano-maashay ee Somaliland.
Waxay digniin u tahay da’yarta, waxay dardaaran u tahay da’weynta iyo inta
dareensan dhibta ka dhalan karta haddii muran ku salaysan kursi-doon iyo
dano-shaqsi ay sii xoogaystaan.
Hoggaan habboon iyo hoggaamiye hubban! - W.Q: Bashiir M. Xersi
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
12:00 PM

Tuesday, December 4, 2012
Shaqo ma doonaysaa? Halkan ka eeg!
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
12:09 PM
Fahan-diineedka "Saar" - W.Q: Cabdillaahi Janno
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
10:03 AM
Waa xujo:
Haddii burur kaa dhab yahay,
Billaabada dhiig u yeel,
Helleey helleey!
Haddii burur kaa dhab yahay,
Billaabada dhiig u yeel,
Helleey helleey!
Raggu markuu meeriska kore maqlo, way is jarjaraan. Dhiig iska keenaan. Ama fuley ha ahaado ama geesi. Ama doqon ama fariid. Wuu xujeysan yahay. Waa waaqaca saarka. Waa dhaqan aan dhammaad laheyn—sida dagaalka sokeeyaba uu u jiitamayo. Dhiig. Dhiig. Dhiig.
Monday, December 3, 2012
Sug Cadceedda maqan! – W/Q. Maxamed Saleebaan Cumar
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
10:24 AM

Ma jeceshahay inaad qoraa noqotid? – W/Q. M.M. Kastan
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
10:16 AM
Maxaad adigu baratay?
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
10:13 AM
Wuxuu ku yidhi; “Muddo ayeynu wada soconay ee maxaad igu baratay saaxiib?” Wuxuu ninkii kale ugu jawaabay; “Masalooyin badan oo ay ka mid yihiin:
Ma Toshe, Ma Tashade! - W.Q: Rooble Maxamed
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
10:09 AM
Wuxuu bustaha isku sii duuduubo oo uu is bakhtiiyaba markay subaxdii cadceeddu kululaato ee carruurtu iskuullada u kala dareeraan ayuu macawista haabhaabtaa. Intuu hareeraha daymoodo ayuu hubsadaa inay cid kele qolka hurdada ku labayso, markuu ogaado inuu keligii yahay buu isaga oo wejiga marmaranaya suuliga daf yidhaahdaa. Sanqadho badan ka dib ayuu soo baxaa isagoo waxoogaa biyo ahna dusha iskaga soo shubay welina indhaha marmaranaya oo isku dayaya inuu saani u wada tooso.
Subscribe to:
Posts (Atom)