" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Hoggaan habboon iyo hoggaamiye hubban! - W.Q: Bashiir M. Xersi

Wednesday, December 5, 2012

Hoggaan habboon iyo hoggaamiye hubban! - W.Q: Bashiir M. Xersi

Hore waxaan u qormay qormo ahayd: “Foolal cusub iyo Faro Caddaana” oo aan ku cabbiray in inta dagaal iyo dirir ka qaybqaadatay aan talo iyo xil naloogu dhiibin, isla sidoo kale aan xil naloogu dhiibin ...inta musuq iyo is daba marin samaysay. Qormadii xigtayna waxay ahayd: “Haraadigu yuusan kala harin!” oo aan ku xarriiqay in aan kuwii xilka hore u soo qabtay aan dib loo soo celin. Haddaba qormadan gunaanadka u ah halbeeggaa, ayaan ku qeexi doonaa HOGGAAN la’aan inaan dhibkan laga baxayn, ee aqris wanaagsan.



Arar

“Muran dawlad noqon waa Madax noo samayn waa Manhaj gaara noo diid Hiddihii mudnaa iyo In la mooso Dhaqankii Maankeena maran iyo Miyirkeena maqan iyo
Maskax aan shaqaynayn Miraheeda weeyaan!”       



 Waxaan la isku diiddanayn, in MOORYAANKU yahay QASADE dhib uun ka shaqeeya. Labadii meel isugu timaad MOORYAANKA inay isla Nacladaan ma ahane, isagama hor yimaadaan. JIRRUGU inuu yahay caqabadda ugu weyn ee hortaagan dawlad Soomaaliyeed, xasilooni iyo ammaan in la helo ayaan isku raacsannahay, balse, sidaa ma ahan, ee bal aqriste, waxyar qoraalka hoos u sii raac, aad ogaatide.

 Sida labadan qodob la isugu waafaqsan yahay, ayaa waxaa jirta qodob liddi ku ah oo aan soo bandhigayo, anoon meel dheer ka doonayn, oo isla DAYDAYGII tusaale u soo qaadan doona. Haddaan MOORYAAN lahayn HORJOOGE ku haga xumaantaa iyo QOLO ku taageerta miyaa JIRRI dhalan lahaa? Haba dhashee, miyuu dhibkan gaysan lahaa? Ha gaystee, miyuu sii joogtayn lahaa? Haba sii joogteeyee, miyuu noqon lahaa lama taabtaan aan la hurin? Illeen wixii baddalkiisa gali lahaa ayaa meesha ka maqane, oo maxay yihiin? Waa midda aan ku faaqidi doona qormada, ee bal aqriska ha joojin.

Maamul iyo Hoggaan

“Inaan Mayrax diirnoo
Haruub Maraq la’aadoo
Makaabiga la gooyoo
Maamuuska laga tago
Maankeena maran iyo
Miyirkeena maqan iyo
Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!”

MAAMUL waa: “Hagidda iyo hirgalinta qorshe xilli dhaw ama xilli fog la tiigsanayo”. Dabcan, qorshe maalimeedkuna yahay yoolka koowaad, illeen haddaan iyada la fulin inta kale inay dhaqangalaan waa: CALAACAL TIMA KA SOO BAXAANE! Sida awgeed, maamulkii wanaagsanaadaa, wuxuu helay HOGGAAN, oo haddaa HOGGAANNA muxuu yahay?
HOGGAAMINTU waa: “Unugga isku xira koox, qolo, qayb isku shaqo ah ama dan wadaag ah” sidoo kale, waxaan marna laga maarmin in aan sheego HOGGAAMIYAHA, oo ah unugga aan xusnay qofka gunaddiisa leh. Haddaba HOGGAAMIYE waa: “Qof loo xilsaaray ama isu xilqaamay hagaajinta iyo meelmarinta qorshe nololeedka Aadanaha”. Wuxuu leeyahay meel uu higsanayo, hadaf uu tiigsanayo, ujeeddo uu bartilmaameedsanayo oo ah: Dajinta qorshooyin la xiriira aayaha dambe iyo mustaqbalka foodda inagu soo haya, saadaasha, sahaminta iyo odoroska yool aan hummaaggiisu muuqan, illeen; qorshe la’aani waa nolol la’aane.

 In kasta oo casrigan qaab nololeedka dadku aad u hormartay, ay jiraan shuruudo badan oo hoggaanka, hoggaaminta iyo hoggaamiyahaba lagu xiro, haddana, kuwaa iyo kuwa dib ka imaan kara ama kuwo laga gudbayba sida loo nool yahay awgeed, waxaa biyo kama dhibcaan ah, in hoggaamiyaha aan GACAN LAGU SAMAYN, SANDUUQ DOORASHANA laga soo dhex bixin, ee ay tahay ABUURIS iyo BAXAALLI hore, amase DHALSHO iyo GEELADAAQ u gaar ah, oo dabcan ay wehliso WAAYO ARAGNIMO iyo KHIBRAD nololeed, bal murtidan dhuux: “Dadku waa : Madax ku Cirroole [Waayeel] Maan ku Cirroole [Waayo arag] iyo Mijo ku Cirroole [Dalmar/Dhulmareen]”.

 Dhibka Soomaalida la degay ee isugu jira faragalinta shisheeye, shisheeye kalkaalka, qabyaaladda iyo dhimaalka dhaqanka, si kale haddaan u dhaho: lagdanka gudaha iyo loollanka dibadda ka sokow, waxaa jira arrin muhim ah, oo aan wali lagu baraarugin, haddaan taa xalkeeda la helinna aan xalka Soomaaliya soo degdegayn, haddii uusan qar dheer iyo haadaan ka sii dhicin. Arrinta lagu baraarugi waayey waxay tahay: HOGGAAMIYE u qalma inuu Soomaliya hoggaansho, ama ugu yaraan leh astaan hoggaamiye.



Hoggaamin habboon

“Maarayn xumaataa
Mashaqiyo abaar iyo
Mawd wadara kaba daran!
Maqaar saarka joogiyo
Madaxtooyo aan jirin
Maankeena maran iyo
Miyirkeena maqan iyo
Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!”

Murti dhaxalgal ah oo Soomaaliyeed baa tiraa: “Xukun waxaa kaa qaada: GAR QALLOOCAN, GACAN LAABAN iyo GUDDOON JILICSAN” guddoon jilicsan loogama jeedo inaad dadka ku amar ku taaglayso ama aad kali taliye noqoto! Balse, waxaa looga jeedaa inaadan noqon in go’aan jilicsan ee inta go’aan qaata haddana ka laabta.

 Saddaxda qodob ee murtida ku jira, midba si baa loo hirgalshay, walise ma dhicin in mid qura ama dhammaantood sida murtidu u sheegayso loo hirgaliyey, iyadoon la xadgudbin ama lagu talaxtagin. Marka waxaan dhihi lahaa xal raadinta Soomaaliya ha lagu daro HOGGAAMIYE RAADIN, macnaheeda ma ahan in la MACMALI karo, balse, in HOGGAANKA ruuxa qabanayo nala ka eego, si aan mar walba u dhicin: “Jugjug meeshaada joog”.

 Inta aysan ila durgin qormadu, ayaan jeclaan lahaa inaan duljoogsado dhawr qodob oo muhim u ah HOGGAAMIYAHA, si HOGGAANKU u noqdo wax ku ool miradhala, waxayna yihiin:

 1. Isku kalsoonaan.
2. Qorshayn qoran.
3. Go’aan qayaxan.
4. Aragti qeexan
5. Barashada xallinta dhibaatooyinka
6. Dhimrin & Dhimirqab

 Bal anagoo ka duulayna qodobbadan dhawrka ah, maxay aqriste kula tahay inay ku sifaysan yihiin madaxdii hoggaanka dalka soo qabatay iyo kuwa iminka hayaba? Waxaad ogaataa sida ay u muqan yihiin qodobbadani, waxaa u maqnaan doonaa in aan helno maamul iyo dawlad, magac wuu jiraa, wuuna jiri doona, balse, marna lagama yaabo in laga gudbo JIRRI iyo jaafaa liq.

 Aqriste, haddaan aragti iyo qodob kugu badshay, aan kuu daadajiyo waaqica iyo xaalka dhabta ah ee jira. Astaamahan waxaan ku dabaqi doonnaa madaxda joogta, illeen kuwii tagay ee qaarkood dhulka ka hooseeyaan [GEERIYOODEEN] nooma jawaabi karaan, qaarka WALI dhulka kor joogana [NOOL] maba oga ama maba garan karaan wixii dhacay, siday u dheceen iyo waxa keenay ama sababaye! Maxaa yeelay hadduu intaa ogyihiin sida xaalku ku dhammaaday kuma idlaadeen, ee waxayu ku dadaali lahaayeen inay wax badalaan, si loo helo xal degdeg ah iyo xasillooni waarta.
Madaxda dawladda ugu sarraysa maalmihii xilka looga tanaasulay ama loogu shubay ama loo magacaabay, dadka qaar waxay u ahayd maalmo ISBADAL, haddana, ma sheegi karaan waxa isbadalay, iska daa inay garanayaane! Illeen wixii la garanayaa la sheegaaye, haddana, bal aan la gurinno, si aan naloo dhihin waxaad tihiin dawlad diid iyo qaran dumis! [QASWADE] Oo ayaamahan Moodo iska noqotay, oo sida muuqata badashay eragii ahaa: KACAAN DIID ama TAWRAD DIID!

 Madaxdan waxaan ku eegaynaa qodobbada kala ah: ARAGTI QEEXAN, QORSHAYN QORAN IYO GO’AAN CAD. Weydiinta ugu weyni waa: marka aan eego arrimo badan oo Waddanka ka jira, sida: AMMAANKA CAASIMADDA, CIIDANKA KENYA, XAALADDA JUBBOOYINKA, DIB U DEJINTA QAXOOTIGA IQB, Qodobbadan iyo kuwa kale, maxay ka qabteen madaxdan? Ma la yimaadeen aragti qeexan? Ma laga helay qorshe qoran? Ma qaateen go’aan cad? Waxaan filaa warcelinnadu inay wada noqonayaan MAYA, oo haddaa, xaggee Salaaddu iska qaban la’dahay?.
Iyagoo ka gaabshay qodobbadan iyo kuwa la midka ah ee nolol maalmeedka aan ka maqnaanin karin ayey dhankii qalcoonaa u fekereen, illeen miyir fayoobi haddii la waayo waxaa imanaysa maan guran, maskax gurracan iyo mayal adayg aan majare iyo meel loo raaco lahayn.


 “Maamul aan hoggaan qabin
Majarihii hagaayiyo
Marjicuu u laabtaa
Maankeena maran iyo
Miyirkeena maqan iyo
Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!”

Dayaca jira, dumarka iyo weeyaalka meel walba daadsan, Agoonta iyo cirroolaha aan aagaan iyo agab midna haysan, Muqdisho oo noqotay Magaalo Qaxooti dhexda, dhinac iyo dhan walba ka deggan yihiin ayaa Baarlamaanka lagu sheegu in 70% ay yihiin AQOON YAHAN badalay QABQABLAYAASHII lana gaaray xilligii ISBADALKA waxay doonayaan inay u codeeyaan inay MUSHAAR u qaataan bil walba SHAN KUN DOLLAR 5.000$.

 Midda marag ma doontada ah waxay tahay in xubnaha Baarlamaanka ay kala yihiin; GANACSATO, qaarkood ay u soo dagaan Maraakiib iyo Doomo, oo haddaa ma wuxuu u baahan yihiin lacagtaa? Qaar kale, waxay madax ka yihiin ama la shaqeeyaan hay’ado maxalli iyo dawli ah, oo iyaguna ma waxay u baahan yihiin lacagtaa? Waxaa kaloo jira mudanayaal deegaankooda rasmiga ahi yihiin dalal shisheeye, oo haddaa miyuusan is dabbari karin? Kaba muhimsane, maxay ku mutaysteen lacagtaa, iyagoon wali hal mooshin oo nuxur leh ansixin? Anigu ma garan.

 Madaxdii ka tirsanayd dawladdii hore, Madaxweynuhu wuxuu bil walba qaadanayey mushaar dhan BOQOL KUN OO DOLLAR, halka Wasiirka koowaad qaadanayey TODOBAATAN KUN DOLLAR, Guddoomiyaha Baarlamaankuna qaadanayey SIDDEETAN KUN DOLLAR, Ra’iisul Wasaaruhuna qaadanayey TODOBAANTAN KUN OO DOLLAR, waaba iga su’aale; fadeexo arrinkan ka weyn yaa arkay?. Hore waan u sheegay haddana waan ku celinayaa, waxaa lagama maarmaan ah in la caddeeyo lana xaddido Mushaarka Madaxda Dawladda, sidoo kale, waxaa damiir la’aan ah, nin asaguba Xamar Qaxooti ku ah inuu iska qaato lacag uusan mudnayn? Oo maxaan uga jeedaa? Bal aan jilciyo.

“Madaxdoonka waashee
Marras aan u diirayn
Maato aan u jixinjixin
Maangaabka urursada
Moogahaan wax dhaadayn
Inuu naga dhex muuqdoo
Mabda’eena dumiyaa
Isu taago madaxnimo
Maankeena maran iyo
Miyirkeena maqan iyo
Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!”

Dawladdu waa FEDERAL “GOBOLAYSI” mudane walba, wuxuu matalaa deegaan, sidaa awgeed, waa inuu mushaarka ka keensado deegannada uu ku matalo Baarlamaanka ama Xukuumadda, maxaa yeelay, suuragal ma ahan in maalin walba loo soo taagnaado DEKEDDA IYO GAROONKA MUQDISHO Canshuuraadka laga soo qaado, ama deeq dunidu bixiso, oo kaalay dalku Dekado iyo Garoommo kale ma lahan miyaa? Miyeysan jirin meelo kale oo Canshuuro shacabka looga qaado? Miyeysan joogin mudanayaal ka soo jeeda deegaannadaa?.

 Midda kaba muhimsan baa ah, horta xildhibaanka yaa soo doortay? Waxaa keensaday ODAY Canka Buuri ugu jiroo, Shaarbbo Galoolanoo Dabo ku Rays leh, haddaba, Xildhibaanka doonaya mushaar, ha u doonto Odagaa soo magacaabay? Aan sii ballaarshee, ha u doonto Beesha uu ka dhashay ee meesha keensatay, illeen maamulka dawladdu wuxuu ku dhisan yahay waa afar iyo bar oo ka dhigan beelee.

 Horta waaba su’aale, Dekadda iyo Garoonka Muqdisha ma Qaalli baa u qoray inay baxshaan mushaarka dawlad walba ee la dhiso? Mise sheekadu waa; SIDII HA AHAATO, HALKIINA HA JOOGTO! Run ahaan waa wax aan suuragal ahayn in marna dadka FEDERAL “BEELAYSI” lagu tatajiyo, marna, aan qodobkii ugu muhimsanaa ee DHAQAALAHA la xiriiray la dhaqangalin.
Aqriste, aan kuu jilciyee horaba FEDERAL “BEELO” ah ayaan u ahayn, oo beel weliba dhib iyo dheefteeda gaar ayay u qaybsan jirtay, illeen heer; Qoys, Raas, Jilib, Jufo iyo Beel guudba ayaa loo wadaagaaye, waxayna leeyihiin BOQOLLEEY ay wax ku qaybsadaan, haddaan xubnihii dalka maamulayey ku qaybsannay, maxaa diidaya in dhaqaalaha soo gala iyo kan baxayaba aan ku qaybsanno beel?! Aqriste, xal ma u aragtaa? Waan dareemaa inay adagtahay.

 Aqriste, ha is dhihin HOGGAAMIYE ayaad noo waddaye, maxaad Baarlamaan mushaarkooda u gashay? Waxaan kuu sheegayaa in; qof walba HOGGAAMIYE ka yahay meesha uu AGAASIMO, sidaa awgeed, baan u arkay inay tahay muhim xusidda arrintan, waliba aan ku daro xalkeeda oo saxan, dhanka qaraar iyo dhanka qummanba, illeen waxaa habboon inaan marna runta laga gabbane.

“Inta miririflaysee
Loo dhiibin Maqalee
Mirif loogu imanayn
Mood xoolo nooliyo
Maksab lagu ogaynee
Miraaqyada holcaaya
Inaan madax ka dhiganaa
Maankeena maran iyo
Miyirkeena maqan iyo
Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!”

Dhammaad.

F:G: Dhammaan meerisyada aan kusoo qaatay qormada, waxay qayb ka yihiin Jiiftadii: “Maan maran!”oo aan anigu curiyey.
W.Q: Bashiir M. Xersi

No comments: