" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Ceel Walwaaleed – W/Q. Axmed Ibraahin Cawaale

Thursday, December 13, 2012

Ceel Walwaaleed – W/Q. Axmed Ibraahin Cawaale

Waxa dhulka Hawdka ah ee carriga Soomaaliyeed ka jira ceelal-gacmeedyo aad u dhaadheer oo qaarkood dhererkooda gaadho ilaa 12 baac (baac: waa qof sarejooggiis oo weliba gacmahiisu kor u fidsan yihiin), dhex-roorkooduna yahay hal baac. Ceelashaas qaarkood waxa lagu dhisaa (inta ciidda ah ee looga baqa qabo dumitaan) xakab qoryo ah si aanay u maax dumin, waxa se jira qaar laga qoday dhul adag ama dhagax ah oo aan howl yari ku dumin. Haddaba si si dhib yar loogu dhaadhaco ama loogala soo baxo biyaha, waxa dhabannada ceelka laga xordaa godad yar yar oo lagu cuskado faraha gacmuhu ama kuwa lugaha marka la qodayo, la dhooba qaadayo, ama wax ku dhacay laga soo saarayo.


 Qaabka biyaha loogala soo baxo ceelashaasi waa hawl u baahan gacmo fudayd, indho furnaan, firfircooni, iyo dareen uu ku lammaan yahay dheelli-tirnaan maan iyo jidheed. Marka si fiican loo shubaalinayana, laguna heesayo hees hawleed ku habboon, waxaaba la moodaa sinfooniyad muusig ah oo si fiican la isula helay jiibta, jaanta iyo hab-dhaca qalabka.

 Ceelashan jaadkan oo kale ah waxa loo yaqaanna ‘Ceel-walwaaleed’ – waxana loogu magac daray magaalada yar ee haddana caanka ah ee ku taal Kililka Shanaad ee carriga Itoobiya. Goobtaasi waxa ay caan ku tahay waxa taariikhda loo yaqaanno “Dhacdadii Walwaal” (the Walwal Incident) oo ahayd dhacdo ku suntan iska-hor-imaad ka dhexeeyay xoogaggii fashiishtahii Talyaaniyga iyo boqortooyadii Itoobiya (Noofembar 1934) oo arrinta maaraynteedi loo kor yeelay ururkii the League of Nations ee ka horreeyay Jamciyadda Qaraamaha Midoobay.

 Sidan soo socota ayaa biyaha looga dhaansadaa ceelashaas – siiba marka geela la waraabinayo:

 Tiro niman ah oo kala sarreeya ayaa ku dhaadhaca ceelka – iyaga oo midba gudaha ceelka meel ka taagan yahay. Waxana ay biyaha isu soo dhiib dhiibaan iyaga oo adeegsanaya weel qori ka samaysan oo la yidhaahdo Okhole.

 Nin qaawan oo murux ah ayaa gunta hoose ee ceelka joogsada si uu biyaha u soo daro Okholeyaasha is-weydaaranaya. Marka uu soo daro biyaha ayuu kor ugu lalinayaa nin kale oo qaawan oo ka sarreeya oo labadiisii lugood kala waaxsan yihiin! isla markaana ku taagan laba god oo uu faraha lugaha gashaday oo ku kala yaal labada dhinaca ee derbiga ceelka. Waxa se kor-u-tuurista Okholaha buuxa hoos u weydaaranaya Okhole madhan. Sidaas buu ninkii labaad Okholihii buuxay ugu sii gudbinayaa nin ka sii sarreeya oo si la mid ah inta aanu gacanta ku dhigin ka buuxa, hoos isu sii weydaarinaya Okhole kale oo madhan. Okholihii buuxay waxa uu ugu damabayn gaadhayaa ninkii shanaad ama lixaad ee ceelka korkiisa joogay oo biyihii ku af-rogaya ama ku shubaya darkii xooluhu ka cabbayeen, markiiba se hoos ugu celinaya weelkii madhnaa kii ku xigay ee ka hooseeyay. Waxana laga yaabaa in 5 ama 6 okhole sidaas isu weydaaranayaan oo 5-tii il-bidhiqsiba qofkii kastaaba gacanta ku qabanayo hal Okhole oo buuxa ama madhan! Hawl-is-kaashigani oo la mid ah waxa af-Ingiriisiga lagu yidhaahdo ‘team work’ waxa ka dhalanaya in biyaha ceelku si joogto ah isaga daba dhacaan kuna af-rogmaan darkii geela oo ay hormooyin ka kooban 5 ama 6 halaad kolkiiba ka fuuqsanayaan biyaha, lagana dhowrayo in ay darka ku sangaagurroodaan (biyaha ka waayaan). Hawl-qabadkaas xiisaha iyo la-yaabka leh waxa goor kasta ku lammaan heesta waraabka xoolaha oo ay ka mid tahay:
Feedha dhiman bay,
Dhaami leedahay,
Anna dhabarkiyo,
Meel dhexdaasoon,
Jeer u dhacay oaan,
Dhawr is leeyahay.

Jeeroon laba dhidid,
Oo dhafoorka ah,
Midba dhan u rido,
Kuuma dhaartoo,
Kuuma dhiidhiyin.


 
 
W/Q. Axmed Ibraahin Cawaale
Email: aiawaleh@gmail.com This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.



Qalinleyda © Weedhsan Corporation


No comments: