Wuxuu ku yidhi; “Muddo ayeynu wada soconay ee maxaad igu baratay saaxiib?” Wuxuu ninkii kale ugu jawaabay; “Masalooyin badan oo ay ka mid yihiin:
1-Khalqiga dunida ku nool qofba wax buu aad u jecel yahay, markase mid kastaba qabriga la dhigo ama galo wuu ka madhan yahay wixii uu jeclaa. Markaa waxaan kaa bartay in aan jacaylkayga ka dhigto wixii wanaagsan, si aan ula qabri galo.
2-Waxaan arkay dadkii oo duunyo qaadatay naftoodii, haddana jecel in ay sharaf ku yeeshaan. Markaa waxaan eegay qawlka Eebbe oo ah; ‘Qof Eebbe ka cabsada ayey agtiisa karaamo iyo sharaf ku leh.’ Markaa waxaan ku dhaqaaqay in aan badsado Alle ka cabsiga, si aan Ilaahay agtiisa sharaf ugu yeesho.
3-Waxaan arkay dadkii oo is-cadowsanaya. Markaa waxaan akhriyey qawlka Eebbe ee ah; ‘Shaydaanka ayaa idiin cadow ah ee isaga ka dhigta cadow.’ Markaa waan joojiyey cadaawaddii aan dadka u qaadi jiray, oo shaydaanka oo qudha ayaan cadow ka dhigtay.
4-Waxa kale oo aan arkay dadkii oo naftooda u dulleynaya doonista risiqooda. Markaa waxaan akhriyey qawlka Eebbe ee ah; ‘Maba jiro dhulka noole ilaa mid risiqiisa Alle qoray mooyee.’ Markaa waxaan goostay in aan isku mashquuliyo inta Alle iiga qoray, wixii kalena isaga ayaan u daayey.
W.Q: M.M.Kastan
No comments:
Post a Comment