" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Mahuraan is-collaysta! W.Q: Barkhad M. Kaariye

Sunday, December 23, 2012

Mahuraan is-collaysta! W.Q: Barkhad M. Kaariye

Waa mahuraan aan kala maarmin, iyaguse isu muuqda. Ma jirto dan daruuri ah oo kallifaysa dirirtooda, haddana isma gafaan. Labaduba way hubaysan yihiin, haba kala khatar badnaadaane. Bal ka warama, ninka hubaysan, aqoon-darro hayso, hadhowna cadhooda? Way jirtaa dan guud oo ay wadaagaan, haddana khilaafkoodu ma daarrana dan ilaalinteed. Mid kasta waxa duunkiisa ka guuxaya wax lagu qufulay oo ah in cadowga kaliya ee uu leeyahay uu yahay ka kale!.



Midkoodna midka kale ma arki karo oo haddii xitaa afku kaga soo dhaco magaciisa, waxa uu ka sheegaa waa xumaan iyo xajiin. Waa mataano jahli weheliyo, haddana isu-haysta aqoonyahanno aan dabadood la hadal. Hadda taa macnaheedu maaha gebi ahaan waa kitaabbo-yarayaal, balse garashana ku dhahoo, ma adeegsadaan aqoon. Hadday aqoon adeegsanayaan, ma iyagaa isu-muuqan lahaa? Maya.

 
Aqoon-darrada waxa labadoodaba u weheliya in loo kala sheekeeyay. Mid walba waa la amrayaa oo wuxuu ku socdaa amar aanay aqooni wehelin. Ficillada uu samaynayaana waxay ka dhashaan amar iyo iskii-u-yeelid wada socda. Xiqdiga, nacaybka iyo feejignaanta uu midkoodba ka kale u qabo ayaa gaadhsiisay in markay u arkaan inay isu-imanayaan ay digtooni sii galaan oo ay difaac iyo weerar isu-diyaariyaan. Kaligood maaha kuwa isu-darani, dalkana waa u daran yihiin.

 
Dadkaynu ka hadlaynaa waa askar iyo suxufiyiin! Waa laba muwaadin oo mid waliba isleeyahay xil iyo waajib ku saaran baad gudanaysaa, balse ay ka badan tahay inta ay kharribayaan. Suxufigu wuxuu aaminsan yahay  in cadowga kaliya ee uu iska ilaaliyaa ay tahay xukuumadda iyo askarteeda. Askarigana waxa loo sheegay in waxa ugu horreeya ee colka u ahi uu yahay suxufiga iyo qalabkiisa shaqo! Halkee la isaga keenayaa? Miyaanay markaa ahayn col aan aqoonin waxay ku colloobeen?

 
 Marka rabshad, isu-soo-bax iyo wax la mid ahi ay dhacdo ama la joogo goobaha munaasibka ah ee ay isugu iman karayaan, waxa kaliya ee askariga indhihiisa lagu ballamiyay waa in uu arko isha kamaradda suxufigu sito. Sidoo kalena in uu qabto oo uu xidho, haddii uu diidana garaaco amaba dilo. Xididdada biyaha u soo qaada ee waraabsha colaadda askarigu u hayo suxufigu, waxay ka soo arooraan siyaasiga. Kuwa haba colaadda suxufigu u hayo askariguna, waxay ka soo biqleen ficillada ka soo fulaya siyaasiga iyo askariga is-wata.

 
Waa dhab oo iyagu isuma-roona, cidna uma roona. Iyaga waxa ka dhaxeeya colaaddaa guunka ah oo isma bixiyaan, dadkana uma roona oo askariguna in shacabka kale uu rasaas ku laayo way dhacdaa. In suxufigu dalka oo dhan sumcaddiisa iyo wanaaggiisa xaqiro oo uu shuruucda ku gefo, dadkana isku diraana waa marag-ma-doon. Waajibaadka ay sida qaldan u fahmeen ee dushooda saarani waa mid cad, umase hoggaansana.

 
 Askarigu waa saaxiibka dadweynaha, waa u adeegaha shacabka, waana sugaha amniga iyo nabadda qaranimo. Balse taa beddelkeedu wuxuu yahay maanta, waa u adeegaha siyaasiga, waa cadowga shacabka, waana gudbiyaha amarrada iyo caga-juglaynta kali-talisnimo. Balse, askari oo dhan maaha.

 
Suxufigu waa in uu tebiyo xog sugan, eex ka dheer, dalka iyo dadkana faa’iido ugu jirto. Hadda taa macnaheedu maaha siyaasiga waxba kama sheegi karo, balse waa in uu ka sheegaa wax hubaanti ah. Sababtoo ah, suxufigu waa isku-xidhaha la-doortaha (madaxda) iyo doortaha (shacabka). Maantase, suxufiga joogaa – inkasta oo aanay dhammaantood ahayn - wuxuu gacmaha ku sitaa oo dheeldheel la ah khatar if iyo aakhiraba daran! Wuxuu u adeegaa danayste ku adeegta qabiil, siyaasad iyo nin-jeclaysi. Waxay meelaha qaar ka qayb galaan dhimasho iyo dhaawac dhacay oo ay sababtooda qayb ka yihiin.

 
Miyaanay ahayn mahuraan is-collaysta, shacabkana caddibaaya?
 
W.Q: Barkhad M. Kaariye
Hargeysa, Somaliland.

No comments: