" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Maxaad ka taqaannaa Haweenka? W.Q: M. M. Kastam

Saturday, December 8, 2012

Maxaad ka taqaannaa Haweenka? W.Q: M. M. Kastam


- Shucaaca farxaddu waxa uu ka soo burqamaa haweenka oo iftiimiya madowga nolosha.
 
- Dahabka waxa lagu tijaabiyaa dabka, haweenkuna dahabka.
 
- Haddaad damacdo hantidaada inaad qariso, haku qarsan carrab haween hoostood.- Haweenku waxa loo diido way doonaan.


- Haweenayda caqliga adeegsata qalbigeeda khatar ma dareemo.

- Qofka xaaskiisa garaaca wuxuu la mid yahay qof gacantiisa midig la dhacay ta bidix.

- Noloshaada rawaxday marka qalbigaaga haweenay ka daba dhaco.

- Haweenayda quruxda badan waxay u baahan tahay saddex nin, oo kala ah:

 1. Mid amaahdeeda bixiya.

 2. Mid ay jeclaato.

 3. Iyo mid ka daba carara.

- Haweenku waa xadhkaha shaydaanka.

- Khilaaf naftaada iyo haweenka, dabadeed waxaad doonto samee.

- Haweenku waa nimco ama naxdin.

- Shaydaanku waxa macallin u yahay ragga, shaydaankana waxa u macallin ah haweenka.

- Guri kasta haween ayaa sees u ah, iyagaana dumin kara.

- Haweenayda quruxda badan indhaha iyo qalbiga ayey u wanaagsan tahay, jeebkuna wuu u daran yahay.

- Haweenku iyo muraayada mar kasta khatar bay ku sugan yihiin.

- Raasamaalka ragga waa caqliga, raasamaalka haweenkuna waa xishoodka.

- Hinaasaha haweenka waa furaha furinkooda.

- Haweenka iyo hantida laguma kalsoonaado.

- Dal inay xukamaan ragga ayaa ugu fudud, haween inay xukumaan.

- Haweenku waxa ay diidaan way jecel yihiin.

- Ninka haweenaydiisu qurux badan tahay, laba indhood ka badan ayuu u baahan yahay.

- Haweenku markay hadlaan dhegayso, indhahooda waxa ay sheegaan.

- Haweenka hantida raggooda uga dhintaan dhaxla, markasta way qurux badan yihiin.

- Midka guursada haweenay afar hablood dhashay wuxuu guursaday afar tuug.

- Carrabka haweenka waa hubkooda.

- Haweenka iyo bariishyada markasta dib u hagaajin ayey u baahan yihiin.

- Haweenku waa furaha aqal kasta.

- Saddex lagama dhergo, haweenka, faaliyaha iyo hilibka digaaga.

- Haweenayda fool xun qalbi xannuun ayey kugu ridaa, ta quruxda badanna madax xannuun ayey kugu ridaa.

- Haweenayda ninkeeda hanti uga dhinto il keliya ayey ka oohisaa, ta kalena way ka farxisaa.

- Ninka waxa sharci u ah gabadhiisa.

- Eygu hilib buu ku dhergaa, haweenkuna hadal macaan.

- Haweenay la qabo aan ubad lahayn fadhi uma yaalo.

- Cimilada, nasiibka iyo haweenka way is rog-rogaan, sida dayaxa.

- Waa doqonimo inaad kormeerto haweenay aan wanaagsanayn.

- Haweenku waa sida hadhka, haddaad ka daba cararto way kaa carari, haddaad ka carartana way ku daba carari.

- Ninka hooyadii waa u shaydaan gabadhiisa.

- Oday da’ah marka uu guursado gabadh ka yar shaydaanka wuu qoslaa.

- Haweenayda aan la qabin waxay la mid tahay beer aan gaydh lahayn.

- Nin aan naag qabin wuxuu la mid yahay madax aan jidh lahayn, haweenay aan nin qabinina awxay la mid tahay jidh aan madax lahayn.

- Ninka guursada haweenay hanti leh xorriyadiisa ayuu iibiyey.

- Haweenayda quruxda badan meherkeeda wejigeeda ayey ku sidataa.

- Haweenka iyo madaxda ma helaan saaxiibo daacad ah.
- Haweenku waa shar aan laaga maarmin.

- Haddii haweenayda qurux badan jawharad tahay, haweenayda wanaagsanan waa dheeman.

- Haweenku say ayey ku hamiyaan, markay helaana waxy kasta ayey ka doonaan.

- Haku kalsoonaan qalbiga haweenka iyo qorraxda jiilaalka.
- Guri aan gabadh joogin, wuxuu la mid yahay ceel aan wadaan lahayn.

- Haddaad doonto gurigaaga nabad inaad ku hesho, samee gabadhaada waxa ay doonayso.
 

M.M. Kastan
mmkastan@yahoo.com This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
Qalinleyda © Weedhsan Corporation


No comments: