Maalin baa waxaa meel ka dhacday dood ku saabsanayd dhibaatada dhirta lagu hayo iyo badbaadinta dhirta. Dooddii qofba meel ayuu kaga hadlay, laakiin. Qoraa Axmed Deeq oo doodda soo galay baa hadal culus meesha ka yiri oo ahaa;
“Dadka ha loogu dhaarto in ay dhirta iyagu leeyihiin” isagoo inoo sheegaya in aysan Soomaalidu ogaynba in ay dhirta iyagu leeyihiin. Taa markaan arkay wax badan bay i xusuusisay, waxaana igu soo dhacay wax badan oo aysan dadku malaha wali ogeyn in ay iyagu leeyihiin, ha ugu horreeyee afka Soomaaliga, oo dadkiisii iyo dalkii looga hadli lahaaba gudahiisa, meel kasta oo ay dawladdu ama xukuumaddu wax ka qabanayso, inta badan boorarka ay ku qoran yihin afaf qalaad. Waxaa taas sii dheer, xittaa isla xiriirka bulshada oo inta badan ay kula sameeyaan afaf qalaad. Haddii aad se is tiraahdo wax ka dheh ay afar raaciye dagaal kugu soo qaadayaan, iyagoo ku tusaya inaad meelaha wadwaddo wax aan loo baahnayn, oo isu arka iyaga in ay afafka qalaad dad ku yihiin.
Aqoontuba haddii ay la noqoto dadka in ay ku jirto af qalaad, oo toodiinna ay u arkaan wax laga faano, runtii xal aan ahayn in loo dhaarto ma jiri karo. Waa sida ay iila muuqatee, aan iraahdo Saddex Wallaahiyood af Soomaaliga waa afkiinnii.Waa afkeennii,
Adinkaa leh,
Annagaa leh,
Anigaa leh,
Adigaa leh.
Haddii aadan ka faanin na isagaad hormar ka gaari kartaan, kuna gaari kartaan.
Ma taqaannaa farqiga noo dhexeeyaa aniga iyo adiga? Waa yahay, haddii aadan ogayn, aan ku ogaysiiyo. Anigu waxaan u hadlayaa ama ka hadlaa QARAN, Ummad iyo afkoodii iyo dadnimadoodii iyo quruxdoodii. Adigana waxaad igala hadleysaa qof aad jeceshahay oo boos kuu ballan qaaday iyo meelo aad ka dhex arkeyso dano gaaban, amaba qof kuu xigaalo ah, aad waliba igu qal qaalineysaa jaanis baa ku jiree aamus. Aniguna waan kaa diiday, anigoo aanan cidna ku xadgudbeyn oo qof walba qaddarinaya, mucaaradna aan ahayn, ayaan feker iyo talo dhiibtaa, wixii qurxoonna aan amaanaa, wixii aan u bogi waayana aan dhaliil wax toosineed bannaanka keenaa. Waana ta aan dalka ugu dhashay uguna soo wax bartay, keennee qurxoon? Bal saaxiib, adiga isku noqoo iskaga jawaab. Walibana aan kuu sii sheegee, anigu isha aan wax ku eegaa ma ahan kaliyah Xamar dalkoo dhan baa ii siman, waadna igu neceb tahay. Waananse jacayl kaa rabin.
Haddaad kaliyah nolosha iyo addunyada ka barateen “Ha Noolaato” anigu waxaan idin leeyahay; dhihi maayee aan ka hadalno sidee u noolaaneysaa, sidee baan u nooleeynaa? Sidee loo noleyn karaa? Maxaan ku nooleynaa? Intaasoo su'aalood iyo ka badan anigu ka dhuuman maayo, adinku haddaad ka dhuumanaysaan. Halkaas eray ee aad taqaan haddaan kuu sheegay, waa laguugu shubtay ee caqligaaga adeegso, boog baan damqiyay oo waad igu karahday. Waananse kala jecleyn.
Intaas waxaa leh afarta raaciye, aan u raaciyee; war miyaad maqasheen calool jileec habar baa ku Sharmuutoowday? Meeshaasu uma baahna faan cidla ah iyo bilaash xeyte. Dalka la yiraahdo Soomaaliya uma baahna calool jileec iyo been la iska dhaadhiciyo. Wuxuu u baahan yahay run iyo dhabar adayg iyo qaladaadka jira oo si dhab ah loo toosiyo, loona xaydxayto iyadoo runta laga abbaaraayo wax qabad loo wada dhan yahay. Qayb waa dawladda iyadoo aan la mucaaradin la hago, la toosiyo, lala shaqeeyo, runtana loo sheego. Qayb waa iyadoo dawladda oo aan lagu hagran kaligeed wax walba, illeyn wax kastaa ma qaban kartee inta kasoo hartaa hoosh iyo washamsi lagu qaado oo dacallada la isla qabto, oo kooxiba kaalinta ay leedahay ay qaadato. Qaybna waa in la ilaashado inta muhiimka u ah jiritaanka iyo quruxda ummadeed, oo ay ugu horreeyaan afka, fanka iyo suugaanta. Oo aan kaliyah la isku sheegin beenta ah wax walbaa waa dhag dhag, dawlad baan yeelannay, iyadaa noo qabanaysa wax kastaa intii wax sheegtana waa qaldan yihiin waa in la cadaabaa.
Marnaba xalku kuma jiro in aan waligeen ahaanno ummad aanan garan karin waxa u dhexeeya xaggaas fog iyo xaggaas fog, oo ama mucaarad daran ah, ama muxaafid daran ah, oo aanba dhihi karno qaar raaciye ama iska dabo socdeyaal aan waxna soo kordhin in wax la kordhiyana aan fahmi karin.
Adigoon mucaarad ahayn ayay waajib kugu tahay in dawladda lagu baraarujiyo wax walba, shaqo kasta, hindise kasta oo cusub ama arrimo kaloo muhiim ah, sidoo kale, in ay afka ummadda xoogga saarto waa muhiimmadda koobaad, inkastoo haddaan Soomaaliya nahay afku uu nagala dhexeeyo dalal kale ama gobollo kale oo dalal kale ka mid ah maanta. Inaad sheegto in wax kastaa lagu qoro af Soomaali qumman oo sax ah waa kugu waajib, haddaad garan weysana inta garata inaad ku xag xagato waa meel hoose. Haddii ay dawladdu billawdu in ay wax ku qorto afkeeda iyada iyo ummaddaba waa u dan, waliba in ay qorto isagoon jajab ahayn waxay xiiso u yeeli karta jacaylka loo qabo afkeennan, taasoo keeneysa in ay dadkoo dhan jeclaadaan afkooda, haddii aysan ku qorinna la xasuusiyo in ay kaalin muhiim ah ka dul boodday. Dawlad af qalaad dan mooddaa maxaa laga filan karaa intii kale ee awelba aan baran ama ay dan baa u gaysay oo ay ku koreen dalal kale ama intii ka faani jirtay?
Wasaaradaha dawladda waa ku ceeb in ay afaf qalaad ku qortaan boorarka iyo meel walba, isla markaana ay dadka xiriir kula sammeeyaan afaf qalaad iyadoo la wada arkaayo adna aad ku taageerto.
Midda (Wasaaradda) igu dhalisay qormadaan oo ah tii hayn lahayd, oo kool koolin lahayd ee kaydin lahayd afka, fanka, suugaanta iyo waxbarashada, hadde waa tii ehelka u ahayd, u gaarka ahayd loo igmaday, yaah, tu kale xittaa ma ahan, oo waxaan arkay warbixin laga diyaariyay wasaaradda oo ka hadleysa kulan muhiim ah oo ay sawirro ka soo qaadeen iyo war kaloo lagu farxo oo ku saabsan wax qabad ay wasaaraddu soo bandhigtay oo arrimo kale ku saabsanaa, laakiin farxaddaas waxaa iga jabiyay oo hal mar ay wash iga tiri, markaan arkay in aysan afkuba u arag muhiim oo hoggaankeedu uu afafka qalaad ka door bidday afkeedii ay lahayd, sidaas darteed faraxddii ay sheegayeen fool hoos u jeedis ayaa iiga danbeeyay. Sababtoo ah inaan afka la adeegsan waxaan anigu u aqaannaa qaran jab iyo baabi'in jiritaankeenna.
Waxaanna is weydiinaynaa; toloow Wasiiradda nafteeda ma og tahay mas'uuliyadda ka saaran afka, fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed? Bal afarta raaciyoow ha kasoo hor marina Wasiiradda iyadaa inoo jawaabi doontee.Saida Sheikh Ahmed
No comments:
Post a Comment