" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Ma Toshe, Ma Tashade! - W.Q: Rooble Maxamed

Monday, December 3, 2012

Ma Toshe, Ma Tashade! - W.Q: Rooble Maxamed

Wuxuu bustaha isku sii duuduubo oo uu is bakhtiiyaba markay subaxdii cadceeddu kululaato ee carruurtu iskuullada u kala dareeraan ayuu macawista haabhaabtaa. Intuu hareeraha daymoodo ayuu hubsadaa inay cid kele qolka hurdada ku labayso, markuu ogaado inuu keligii yahay buu isaga oo wejiga marmaranaya suuliga daf yidhaahdaa. Sanqadho badan ka dib ayuu soo baxaa isagoo waxoogaa biyo ahna dusha iskaga soo shubay welina indhaha marmaranaya oo isku dayaya inuu saani u wada tooso.
 
Shaadh iyo surwaal uun 5 cishoba xidhnaa oo uu xalay markuu aqalka soo galay uu kursi halkeera si baylah ah dusha ugaga tuuray buu intuu tiigsaday juf isasiiyay. Saliid daasad ku jirta oo miiska dul taalana madaxa iyo wejigaba iskaga dhamooqay. Intuu daarada u baxay ayuu inantii shaqaalaha ahayd oo daarada xaadhxaadhaysa intuu waydaartay uu madbakha dalam yidhi, baleedh halkeer yaala intuu laacay oo uu afar midh oo loxoox ahna ku tuuray inyar oo subag ahna ku daray ayuu shaah falaasta ku jirana ku daray. Ismabuu wareerine sadex goor buu wixiiba ka dhigay markaasuu intuu biyo sinxi ku jira gacanta sii gashaday toos albaabka uga booday isagoo inantii shaqaalaha ahayd ku leh “Soo xidho albaabka”.
 
Warsame wax shaqo ah ma hayo waxaana guriga u jooga 3 carruur ah oo uu dhalay iyo laba kele oo uu adeer u yahay oo miyiga looga keenay dhawaan. Inkasta oo dhowr goor shaqo loo soo helay hadana wuu diiday isagoo ka khashaafaya nooca shaqadu ay tahay. Markii ugu dambaysay waxa loo soo sheegay in bakhaar nin ay qaraabo yihiin uu furtay oo si fiican weliba u socda uu wayshmaan ama Ilaaliye ka noqdo laakiin Warsame wuxuu ku sigtay ninkii hawshaa ula yimid inuu dhirbaaxo kaga soo gooyo isagoo af buuxa ku yidhi “Waar ma anigaad I leedahay wayshmaan noqo manta?”. Inkasta oo ninkaas oo ay saaxiib dheer ahaayeen uu u qaadan waayay jawaabta uu kala kulmay Warsame hadana wuxuu isku dayay inuu ku qanciyo inay dhaanto wax la’aanta iyo sidan uu maanta ku sugan yahay. Laakiin Warsame wuxuu ku andacooday inuu yahay nin sharaf leh oo aan u qalmin wayshmaanimo iyo wax u dhigma toona hadaanuu shaqo fiican oo uu xafiis fadhiisanayo mushahar wanaagsana qaadanayo aanu helayna uu iska joogayo wixii bakhtiyayaaba ha bakhtiyeene.
 
Shanta carruur ah ee guriga ku nooliba Iskuulka ayay u dareeraan aroortii. Ka ugu dambeeyaa wuxuu baxaa 7da subaxnimo marka la sii quraaciyo waaba hadii loo helo quraace. Xaaladoodu waa qaadaa ma dhergaan oo mararka qaarkood waxaaba laga yaabaa inaanay dheriba dabka saarin oo caruurtu gaajo ku kallahdo sidaana ku seexato habeenimada iyagoon biyo cad mooyaane dhuuntooda wax kele marin. Maalmaha qaarna way iska cunaan waxay helaan inkastoo aanay dux sidaasa lahayn. Dhowr goor ayaa iskuulka laga soo eryay markii ay iska bixin waayeen ajuuradii macallimiinta. Marmarka qaarkood ayay xaaladu istaagtaa in iskuulka la bixiyo oo gaajo lagu joogo iyo in waxan yar ee la hayo cuntadooda looga fuudh yeelo oo ay iska joogaan iskuulka maadaama aanay labada uu wada qaybsamayn.
 
Warsame wuxuu caan ku yahay inaanuu arrimahaa guriga ka socda kaba fekerin marka uu suuqa joogo iyo saacadaha uu meelahaa iska taagan yahay. Marka uu sidaa guriga uga soo baxo wuxuu tagaa maqaaxi ay fadhiistaan asxaab uu leeyahay iyo odayaal u badan reerkooda oo uu halkaa qaxwaha iyo sheekada kula wadaagaa. Wuxu isha mariyaa hadba jaraa’idka soo baxa ee dadka maqaaxida yimaadaa ay sitaan oo intuu isha mariyo uu hadana u celiyo. Shaaha uu cabbaayo isagu lacag uu siisto ma hayee hadba cida uu sheekada la wado ayuu la cabbaa waxaana laga yaabaa maalintii inuu 6 ama 8 koob kaga saaro. Markay gaadho xiligga qadada waxba guriga kuma soo noqdeen kolba qof buu bariiska meelahaa la boobaa laakiin waxa hubaal ah inaanuu maalina qadin. Markuu intaa ku soo ridana wuxuu xarbi u gala mijintii qaadka ahayd ee weliba ahayd nooca ugu liita ama ugu hooseeya wax qaad la cuno. Si uu ku helaba wuu soo qabtaa koobka shaaha ee iskaga dejinayana si uun buu u soo farsameeyaa kol uu soo amaahdana. Wax alla wax lagu kala macaashayo gurigiisii ma oga oo xaaskiisii ayaa la balanbalaysa dhamaan wixii hawl taalay guriga gudihiisa iyo debediisaba. Isagu wuxuu soo hoydaa uun wixii 12 ka habeenimo ka dambeeya oo isagoo dhididsan, qufacaya, oo marqaan cirkaa maraya intuu guriga soo huluusho uun buu gogoshiisa is tuuraa, ilaa waagu soo dhawaadana gurxan iyo qururuf ma daayo iyo inuu suuliga ku noqnoqdo oo kolba kaadi u baxo. Sidaas ayay maalintiisa iyo habeenkiisuna ku dhamaadaan.
 
Weliba kaaga darane kunka, shanta boqol iyo shilinka uu guriga ku dhax arko dhaafi maayo oo wuu guranayaa ilayn xabbad sigaara kollay way u goyn doontaaye. Dan kama laha hawsha isaga ka weyn ee guriga ama carruurta loogu qabanayo.
 
Warsame shaqo la’aanta, busaaradda iyo weliba masuuliyad la’aanta wuxuu kaga daray kibirka iyo isla waynaanta marka shaqo loo sheego uu galo kala doorasho iyo inaanuu ahayn nin shaqooyinka qaar u qalma.
 
Ma toshe, ma tashade iyo ma tashiishe ayaa rag ugu liita.
 
W/Q: Rooble Mohamed
http://rooble.wordpress.com
Hargeisa, Somaliland

No comments: