" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Fahan-diineedka "Saar" - W.Q: Cabdillaahi Janno

Tuesday, December 4, 2012

Fahan-diineedka "Saar" - W.Q: Cabdillaahi Janno

Waa xujo:
Haddii burur kaa dhab yahay,
Billaabada dhiig u yeel,
Helleey helleey!

Raggu markuu meeriska kore maqlo, way is jarjaraan. Dhiig iska keenaan. Ama fuley ha ahaado ama geesi. Ama doqon ama fariid. Wuu xujeysan yahay. Waa waaqaca saarka. Waa dhaqan aan dhammaad laheyn—sida dagaalka sokeeyaba uu u jiitamayo. Dhiig. Dhiig. Dhiig.


Sanaddu waa 1991. Dhiiggii dagaalladii sokeeye ayaa qulqulaya. Aniso waa gabar afar iyo toban jir ah. Waxa ay u qaxday Kismaayo. Dugsi ayay gashay. Quraanka iyo culuun kale raacataa. Gabadhu ma oga,e, waxa ay raadaarka ugu dhacday wadaadkii axaadiista u meerinayay. Magaciisu waa Shiikh Kakane. Waa shan iyo labaatan jir.
Lix bilood ka dib, waxa ay Aniso xifdisay Quraanka barkiisa. Waxa ayna billowday in ay dersiga u meeriso ardayda ku cusub hingaadda iyo kuwo ku jira Juz Cammaha. Waxa ay laheyd firfircooni maskaxiyan ah iyo faham qoto-dheer. Inkastoo ay ku jirtay da’dii is-beddelka jirka, haddana Aniso waxa ay noqotay ardayad ka soocan gabdhaha faceeda ah. Ma sheeko badneyn, mana aqoon haasaawe iyo shukaansi.
Sanaddu waa 1992. Aniso waxa ay ku sugan tahay Dhoobley. Oo Kismaayo ka soo qaxday sidii Xamar. Intii ay Kismaayo joogtay ayaa nolosheeda wax weyn iska beddeleen jir ahaan. Dherer ayaa u siyaaday, waxa ayna noqotay gabar u bisil guurka iyo dhalmada. Shiikh Kakane ayaa Aniso ku arkay deegaanka Dhoobley.
“Salaamu calaykum, Aniso,” ayuu yiri Shiikh Kakane, “goormaad timid?”
“Macallin siddex beriyaan joogaa,” ayay tiri Aniso oo dhulka xishood la eegaysa.
“Maashaa Allah,” ayuu Shiikh Kakane yiri, “ani dhowr isbuuc camalaan joogay. Aawayna reerkaagii? Ma kula soo qaxeen?”
“Haa, hooyadeeyaa ila socota,” ayay Aniso tiri, “aabbo Xamar ayaa madfac ku dilay.”
“Allaha u naxariisto,” ayuu Kakane yiri, “hadda maxaad damacsan tihiin?”
“Ma’aqaan,” ayay tiri Aniso oo xushmad hoos la eegaysa, “ma’aqaan.”
In yar ayaa la kala aamusnaa. Waxa uu Shiikh Kakane marba isha ku xadayay Aniso, oo dhulka indhaha ku haysay. Shiikh Kakane waxa uu xifdiyay Quraanka, cilmiga Axaadiista waxa uu ka raacday Bukhaari iyo Muslim, kitaab towxiidka ayuu soo meersaday, naxwaha Carabiyadda ma xiiseeyo. Dhanka maadiga, Shiikh Kakane waxa uu ka soo qalin-jebiyay dugsi sare ee ku yaalla Xamar. Wixii intaa ka danbeeyay waxa uu noqday mid ku dhex-jira diinta iyo dugsiyada Quraanka. Masruufkiisana sidaas ku soo saartaa.
“Ukhtiiy,” ayuu Shiikh Kakane cod dabacsan ku yiri, “Uxubbuki fillaahi.”
Aniso way xishootay. Wadnahaa gilgilmay. Afkii baa juuqda gabay. Naxdin.
“Ilaah wuu banneeyay jaceylka,” ayuu Shiikh Kakane yiri, “waana sifo ka mid ah sifooyinkiisa sare. Aayadahiisana waxa ka mid ah in uu jeceyl dhex dhigay zawjka iyo zawjadiisa.”
Aniso hal mar ayay madaxa kor u qaadday, oo Shiikh Kakane ka il-buuxsatay.
“Ilaah dartii zawjadeyda ma ku noqon laheyd?” ayuu Shiikh Kakane yiri.
Aniso way muusootay. Oo indhaha gadgadoomisay. Waa sheeko ku cusub.
“Ilaah dartii ukhtii,” ayuu Shiikh Kakane ku celiyay, “aan isku guursanno.”
“Aniga ma’aqaan meesha laga bilaabo sheekooyinkan,” ayay Aniso ku afeefatay, “laakiin soo waalidka la iskama dooni jirin? Hooyadeey maad la hadashid?”
Shiikh Kakane waxa saaqay neecaw qabow. Wuu muusooday. Dhiirranaaday.
“Anisooy haddaan sheekadaan hooyadaa u sheegno,” ayuu Shiikh Kakane yiri, “waxay igu xujeynaysaa xoolo aan awood u laheyn. Soo ma aragtid xero qaxooti ahaan labadeenu ku cagaarannay? Maan qarsano meherkeena, hadhowtiina aan hooyadaa ducadeeda ka dalbano?”
Aniso waa ay aamustay, oo arrinku ka daadegi la’yahay. Shaki iyo tashwiish ayaa galay.
“Wiilal badan iyo gabdho badan oo wadaado ahba,” ayuu yiri Shiikh Kakane, “sidaasoo kaleey sameeyaan.”
Aniso waxa ay eegtay Shiikh Kakane. Waxa uu xiran yahay khamiis anqowga ku jooga, waxa madaxa illaa garbaha u saaran cimaamad guduudan, kabo janbal ahna gashan yahay. Waxa ay iyadu xiran tahay jilbaab isku joog ah. Indho-shareer ma xirato.
“Ukhtiiy,” ayuu Shiikh Kakane yiri, “gaaba-gaabeeyaa qaxootigan la isku mehersadaa.”
Sanaddu waa 2006. Waxa wadnihii Soomaaliya ku soo duulay Amxaaro. Ciidankii Maxkamadaha waa loo xoog-sheegtay. Soomaaliya waxa buuxiyay askari gaal. Hayeeshee wixii duullaankii Amxaarada ka danbeeyay waxa is-beddelay waaqicii dalka iyo dadka. Waxa sahlanaaday dilka. Dhiig. Dhiig. Dhiig. Sidii goob lagu tumayo saarka. Shacabkii waxa ay noqdeen shaybaar lagu tijaabiyo cududda ciidan ee Amxaarada iyo dowladda oo isku dhan ah, iyo wadaaddada oo dhan kale ah. Waaqaca shacabku waa: Cidi uma maqna, ceelna uma qodna.
Sanaddu waa 2007. Aniso waa soddon jir. Xamar ayay waa hore ku soo noqotay. Waxa ay dhashay hal wiil keliya. Magaciisu waa Muxidiin. Waa shan iyo toban jir. Waxa uu lixaadka iyo dhererka ka raacay hooyadiisa. Waxa ay wiilkeeda ku haysay faro-adag. Akhlaaqdiisa ayay ku dadaashay. Quraanka ayay bartay. Axaadiista ayay u meerisay. Gaajadiisa iyo dheregtiisaba garab-taagnayd. Waxa ay ka dhowraysay in uu noqdo qori-qaad dadka dhaca. Ama dila. Waxa ay ku mashquulisay tacliin iyo tacab adduun. Marna meel cilmi laga raacdo ayay u direysay, marna wuxuu kala shaqeynayay biibito ay shaah iyo macmacaan ku gaddo. Muxidiin waxa lagu yiqiin af-gaabni—sidii hooyadiisa. Waa xaafid. Waa muxadas. Waa baari. Waa xil-kas.
Wiilku ma yaqaanno aabihiisa. Aniso waxay Muxidiin u sheegtay in aabbihiisa la la’yahay. Aniso markii ay guursatay Shiikh Kakane, waxa ay isla noolaayeen siddex bil keliya. Iyadoo uur yar leh ayuu Shiikh Kakane ka tagay horaantii sanadda 1992. Waxa uu ku biiray xoogagga al-Itixaad. Waxa uu safka hore ka galay dagaalladii u dhexeeyay al-Itixaad iyo Kulmis ee Boosaaso. Shiikh Kakane dib uguma uusan soo noqon xaaskiisii joogtay qaxootiga Dhoobley.
Sanaddu waa 2008. Aniso oo biibatadii shaah karinayso, ayaa waxa isa soo dul-taagay nin gar weyn leh. Waxa ka muuqata sunnada. Gaari cabdi bile ah ayuu la socday. Waxa gaariga saarnaa raxan dhallinyaro ah, oo cimaamado guduudan wejiga ku duubtay. Waa al-Shabaab. Aniso qacdii horeba way garatay ninka. Afkii ayaa kala tagay. Yaab. Waa Shiikh Kakane. Waa wiilkii shan iyo labaatan jirka ahaa oo afartan jir noqday. Dhereg baa ka muuqato. Calool yarna ka soo kuusan tahay.
“Ma nooleydna?” ayay Aniso si dabacsan u tiri.
Inta hoosta ka soo galay, ayuu ag-istaagay.
“Al-xamdulillaahi,” ayuu Shiikh Kakane yiri, “waan noolahay.”
“Xaggeed igu ogeyd?” ayay Aniso tiri.
“Allaah,” ayuu Shiikh Kakane yiri, “Allaaha wax arsaaqa.”
Aniso qosol bay iska doontay.
“Aniga arsaaqo kuma weydiine,” ayay Aniso tiri, “xaggeed xaqayga ku ogeyd?”
Intuusan jawaabin, ayaa waxa meel gees ah ka soo baxay Muxidiin oo bac sokor ah soo gaday. Aniso waxa ay eegtay Muxidiin. Muxidiinkuna dareen ma qabin.
“Hooyo aabahaa salaan,” ayay Aniso ku tiri Muxidiin oo bacdii sokorta sida.
“Aabbahey?” ayuu Muxidiin yiri labo jeer, “aabbahey?”
Wiilkii oo weli rumaysan la’ hadalka dhegehiisa ku soo dhacaya ayaa waxa salaan u soo taagay Shiikh Kakane. Muxidiin wuxuu salaamay aabbihiisa. Lex-jeclaysi la’aan.
“Magacaa, aabbe?” ayuu Shiikh Kakane weydiiyay wiilkiisii curadka ahaa.
“Muxidiin,” ayuu ku jawaabay wiilku.
“Anigu aabbahaa ayaan ahay,” ayuu Shiikh Kakane yiri, “waxaan hadda….”
Intuusan hadalka dhameystirin ayaa waxa looga yeeray gadaal iyo kooxdii wadatay gaarigii cabdi bilaha ahaa.
“Abuu Muscab,” ayuu darawalkii yiri, “saanta soo fududee.”
Aniso waxa durbadiiba u caddaatay in uu Shiikh Kakane leeyahay xaas iyo caruur kale.
“Muscabna yaa waaye?” ayay tiri Aniso.
“Waa Muxidiin walaalkiisa,” ayuu Shiikh Kakane yiri, “fiiri walaaley, in badan ayaan ku raadinayay, laakiin waan garan waayay meelaan kuugu soo hagaago.”
“Markii horeba inaad iga tagto ma’aheyn,” ayay Aniso tiri, “qaxootiga dhib ayaan kala kulmay, hooyadeyna way ku indho-beeshay. Markaan ku sugi waayayna waan iska kaa fasaqay.”
Shiikh Kakane uma ekeyn ruux diyaar u ah in uu dhageysto dhibtii xaaskiisa ay kala soo kulantay qaxootiga. Labo xaas ayuu qabaa, siddex kalena horay ayuu u soo furay.
“Wax walba waa qaddar Alle,” ayuu Shiikh Kakane yiri, “laakiin maadaama aad wiil ii heysid, weli wax baa isugu kaaya jira.”
Shiikh Kakane waxa uu eegay Muxidiin. Muxidiinkuna waxa uu babinayay burjikihii shaahu dul saarnaa. Iskuma uusan mashquulin in uu dhageysto doodda waalidkiisa.
“Waryaa Muxidiin,” ayuu Shiikh Kakane yiri, “weligaa xabbad cadowga ma ku ridday?”
Markuu intaa yiri ayaa Aniso indhaha galka ka soo baxeen. Muxidiin inta istaagay ayuu babiskii dhulka ku tuuray, una soo dhowaaday aabbihiisa.
“Maya aabbe,” ayuu Muxidiin ku jawaabay.
“Anisooy wiilka maxaad faciisa uga reebtay?” ayuu Shiikh Kakane yiri, “ma u jeeddaana wiilashaas gaariga saaran, kulli waa mujaahidiin dar Alle u dagaalamaya. Maraykankaa ka baqa.”
Muxidiin waxa uu eegay wiilashii al-Shabaab ee ka dhakoolnaa gaarigii cabdi bilaha.
“Anisooy ma waxaad rabtaa in cadowga Islaamka uu maalin iyo habeen na laayo,” ayuu Shiikh Kakane yiri, “markuu daalana uu ku nasto shaah uu wiilkaygu kariyay?”
“Abuu Muscabow i maqal,” ayay tiri Aniso oo ka cabsi-qabta in laga wato wiilkii ay rafaadka ku soo korinaysay, “lix iyo toban sano ayaad iga maqnayd, sidii aan ku noolaana aadan ka war-qabin, caruurna waan kuu dhalay oo aadan masruuf igu siin jirin. Ima furin, ima dhaqan—cidlo iyo qaxootina iiga tagtay. Miyaadan billaa caleyk ka xishooneyn in aad inta maanta ii timaaddid aad sidaan oo kale iila hadashid?”
“Anigu adduun iyo dheeldheel kaagama maqneyn,” ayuu Shiikh Kakane yiri, “waxa aan u shaqeynayay diinta Allaah. Ogowna wiilkayga lama doonayo in uu noqdo naaga-naageys shaah u kariyo Amxaaro. Waa in uu difaacaa diintiisa. Waa in uu jihaadka galaa. Waa in uu geesi noqdaa. Waryaa Muxidiin, miyaadan dooneyn in uu Allaah kugu arsaaqo shahiidnimo? Inuu Allaah kuu guuriyo xuurul-ceyn? Waad baaluqday, ee caruur ha is moodin. Nin rag noqo!”
Aniso inta wiilkeeda gacanta ku dhegtay ayay u jiidday gudihii biibitada. Waxa ay u naceysay in uu sii dhegeysto doodda ka dhaxeyso labadiisa waalid. Aniso durbadiiba waxa ay ku soo noqotay Shiikh Kakane oo sidii u taagan.
“I dhageyso, Abuu Muscabow,” ayay Aniso tiri, “Ilaah haddaad taqaanid nabadda noogu dadaal. Oo wiilka ammaan sii. Oo salka ha ka kicin. Oo xaq kuma lihid maadaama aad dayacday markuu tabarta la’aa, ee haatan markuu tabar yeeshay damac yuusan kaa gelin. Oo haddii ay diinta run kaa tahay isku xishood oo ha noo xoog-sheegan.”
Shiikh Kakane inta eegay gaarigii cabdi bilaha ahaa ayuu ku soo jeestay Aniso.
“I maqal anna,” ayuu Shiikh Kakane yiri, “Ilaah talada guriga waxa uu u dhiibay ragga. Marka….”
“Gurigeed ka hadleysaana?” ayay tiri Aniso oo hadalka ka dafeyso Shiikh Kakane, “ma reer baa noo dhaqan? Sidaad iiga tagtay anigoo uur leh hadda ayaa kuu socod ah. Taladana waxay kaa soo wareegtay maalinkii aad cidlo qaxooti ah iiga dhaqaaqday.”
“Hadalkiyoo kooban,” ayuu Shiikh Kakane yiri, “wiilkeyga shaah uma karin karo Amxaaro iyo murtad—waa igu ceeb, diinta Islaamka ayay ceeb ku tahay, raginamadiisa ayay ceeb ku tahay. Munkarka waxa lagu suuliyaa gacanta—ee gacanta Shareecada yaysan ku soo gaarin.”
“Abuu Muscabow illeen ruuxii xaqa Alle guta ayaa un xaqiiqdana arka,” ayay Aniso yaab la tiri, “goormaad wiilkaaga siin jirtay masruuf uu kaga maarmo in uu shaah gado? Yaase yiri meesha Amxaaro keliyaa wax ka gadata? Mise inoo heysaa shaqo dhaanta shaah-karinta? Walaalow kurbo iyo welwel cusub haygu furin ee ammaan aan kaa helno.”
“Hadalkaaga wuxuu u egyahay hadalada gaala-raaca,” ayuu Shiikh Kakane yiri, “laakiin wiilkeyga lama doonayo in uu doqonimo ku weynaado ama munaafiqnimo. Taa ma yeelayo.”
“Oo waayahaye ma nolol baad u haysaa?” ayay Aniso tiri, “mise nolosha ayaa ah in uu al-Shabaab ka mid noqdo? Yaa Muslim ahoon garta u dhiibannaa?”
“Anisooy mujaahidiintu way i daahsadeen,” ayuu Shiikh Kakane hadal ku soo jaray, “ee waan isku soo noqon doonnaa insha Allah. Wiilkana sida u dhaan! Mujaahid ka soo saar.”
“Horta see ku ogaatay in aan halkaan joogo?” ayay Aniso weydiisay Shiikh Kakane.
Shiikh Kakane waxa uu u rucrucleeyay gaarigii cabdi bilaha ahaa. Shirka hore ayuu galay, shaagagii gaariga waxa ay kiciyeen bus iyo siigo, il-biriqsina ku libdhay.
Aniso waxa ay luxday madaxeeda. Oo cabbaar sii eegaysay gaarigii.
“Adduunyadaan wareer badanaa,” ayay Aniso is-tiri, “waa wareer iyo cimri degdeg.”
Muxidiin wuu jiifaa. Aniso way jiiftaa. Waxa soo jeedda Aniso hooyadeed. Way indho la’dahay. Wardigii Jimcaha ayay akhrinaysaa—oo Suubanaha ku sallinaysaa. Waxa iyadana beryahakan saaqay welwel ay ka qabto in xoog ama sasabasho looga kaxeysto wiilka ay ayeeyada u tahay. Wiilka indhaha u ah. Wiilka weesada u soo dhaammiya. Suuliga ku haga. Xaafadda dhex-marsiiya. Suuqa uga soo adeega. Wiilka ay uga sheekeyso nolosheeda beri-samaadkii iyo waayo waayo. Wiilka ay jeceshahay. Cad ku yaallana ah.
Diiqii arooryaad markuu yeeray, Aniso way kacday, Muxidiinna ka daba kacay. Waa irsaaqo-doon. Biibatadii ayay isu diyaariyeen. Markii ay damceen in ay illinka ka baxaan, ayaa waxa Muxidiin u yeertay ayeeyadiisa.
“Wiilyahow,” ayay Ayeeyadu tiri, “ha hilmaamin shukriga Baariga Weyn.”
“Haye Ayeeyo,” ayuu Muxidiin yiri, “al-xamdu wal-shukru lillaahi.”
“Qalbiga Ilaah ku haay,” ayay Ayeeyadu tiri, “Ilaahna wuu ku xasuusan doonaaye.”
“Haye Ayeeyo,” ayuu Muxidiin yiri.
“Intaan noolahay kuguma ogi qori in aad qaaddid,” ayay Ayeeyo tiri, “Ka carar dhiigga Muslimka ah. Ka carar kitaab-gaablowga diinta ku dhuumanaya. Fitanta ka carar.”
“Haye Ayeeyo,” ayuu Muxidiin yiri.
Saa ayeeyadiisa inta soo haahaabatay, bay madaxa gacanta ka saartay, dhunkatayna.
Muxidiin wuu baxay, hooyadiisoo bannaanka ku sugaysayna ka daba tegay.
Sidii caadada aheyd, waxa ay Aniso xaaqday bannaanka hore ee biibitada shaaha. Ka dibna biyo ayay ku rusheysay. Nashaad iyo reynreyn ayaa ka muuqday. Waxa qoorta u surnaa tusbax dheer oo ay isku soo hilmaantay.
“Muxiddiinow waxaan isku soo hilmaamay tusbixii Ayeeyo,” ayay Aniso oo isla yaaban tiri, “markii aad shaaha karisid baad u qaadi doontaa.”
“Haye, Hooyo,” ayuu Muxidiin yiri.
Muxidiin waxa uu gacanta ku haystay gaas iyo taraq. Burjikihii ayuu shiday. Aniso iyo wiilkeedii oo wada shaqaynayo ayaa waxa meel fog siigada ka soo kicinayay gaari cabdi bile ah. Aniso way aragtay. Nabar naxdin leh ayaa caloosha ka qabtay. Si hoosena Alle u weydiisatay magan-gelyo. Waxa durbadiiba soo ag-istaagay cabdi bilihii oo ay siigadu daba socoto. Waxa saaran Shiikh Kakane, iyo dhallinyaro hubeysan, afkana ku duubtay cimaamado guduudan.
“Salaamu caleykum,” ayuu Shiikh Kakane yiri, “Aniso iyo wiilkaygow.”
Salaantii ayay ka qaadeen. Shiikh Kakane waxa uu ka soo degtay gaarigii.
“Inaan wada-hadalno ayaan doonayaa,” ayuu Shiikh Kakane yiri, “si degdeg ah.”
Aniso waxa ay eegtay wiilkeeda.
“Muxidiin orod oo buugga deynta sii fiiri,” ayay amartay wiilkeeda, “hoosta ka xariiq ruuxii deyn naga qaba isbuuc ka badan.”
Waxa ay Aniso u soo jeesatay Shiikh Kakane.
“Waan ku dhageysanayaa,” ayay Aniso tiri, “dantaada ka hadal.”
“Waxaan kuu wadaa labo farriin,” ayuu Shiikh Kakane yiri, “mid waa codsi urur, midna waa codsi shaqsiyeed. Labada fariinna waa kuwo Allaah lagu raalli-gelinayo, Anisooy.”
“Wixii Ilaah raalli-gelinayo maxaan ku diideynaa?” ayay Aniso tiri.
“Waxa ay mujaahidiintu dhibsadeen,” ayuu Shiikh Kakane yiri, “in adigoo xijaab qaba oo ruux Muslim ah aad cadowga Allaah u qidmeyso. Waxayna kaaga digayaan inaad shaah ka gaddo gaalada iyo gaala-raaca. Farriinta shaqsiga ahna anigay iga socotaa. Oo wiilkaygaan rabaa.”
Aniso calooshaa is-majiirtay. Si deggan ayay u eegtay ciidankii saarnaa cabdi bilaha. Waxa ay misana eegtay burjikihii oo kirli shaah ahi saaran yahay. Waxa ay deetana eegtay Shiikh Kakane. Talo ayaa ku cad Aniso. Cabsi weyn ayaa gashay. Gorgortan ayay billowday.
“Xal kale ma jiraana?” ayay Aniso cod dabacsan ku tiri.
“Arsaaqadaada Allaah ayaa haya, oo xalku waa sidaas,” ayuu Shiikh Kakane yiri, “wiilkana diinta Allaah ayaan rabaa in uu u qidmeeyo, oo dullinimo lama rabo—iyo jiko-fadhi.”
“Walaalow maad tacaddiga iga deysid,” ayay tiri Aniso oo niyad-jabsan, “wiilka ma alaab meel iska taallo oo markii aad doontid aad qaadaneysid baa? Keligey baan soo koriyay. Akhlaaqdiisii anigaa ku soo dadaalay. Diintiisii anigaa soo baray. Ciyaal-suuqnimada anigaa ka mashquuliyay. Oohintiisa iyo qosolkiisaba anigaa garab-taagnaa. Miyaanan xaq ku laheyn wiilka? Haddii aad rabtid waaba deynayaa shaah-kariska, oo siyaalo kale ayaan quutul-yoonka u soo saaranayaa—laakiin ha igu dhibin arrinta Muxidiin yare. Waa indhaheyga. Waa laab-qabowsigeyga. Waa wehelkayga. Anigaa sagaal bilood caloosha ku siday. Anigaa lix iyo toban sano soo korinayay. Kama maarmo, ayeeyadiisana kama maaranto. Mana rabno in uu qori qaado, oo uu ama wax dilo, ama la dilo. Isaga keliya ayaana caruur ka haysanaa.”
“Anisooy ma hilmaantay kalaamkii Allaah?” ayuu Shiikh Kakane yiri, “ma hilmaantay aayaddii uu Allaah ku sheegay in ilmuhu ay yihiin fitno? Oo ay hawo iyo lex-jeclaysi ku gelinayaan? Oo ay kaa mashquulinayaan diinta Allaah? Adigu waxaad ka hadleysaa wax raqiis ah. Anniguna waxa aan ka hadlayaa in uu u qidmeeyo Allaaha Weyn, Allaaha isaga abuurtay, Allaaha subax walba na arsaaqa, Allaaha leh mulkiga caalamka weyn. Waxaan doonayaa in uu mujaahidiinta wax la qeybsado, in uu shahiidaan u taba-barayaa. Dantiisa ma garaneysid, ee iga dhaaf xujada oo ha illoowin in aan aniguba wiilka aabihiisa ahay.”
“Abuu Muscabow,” ayay tiri Aniso oo carootay, “maan-gaab ayaad tahay. Ma waxaa fitno ah in aan wiilka ka ilaaliyo in uu qori qaado? Mise waxa fitno ah in aan wiilka baro in uu xooggiisa ku shaqeysto halkii uu isbaaro dhigan lahaa? Mise waxa fitno ah in uu ayeeyadiisa camoolaha ah weysada u shubo halkii uu dagaal-ooge kabaha u qaadi lahaa? Maxaadse ‘Allaah’ carabka ugu bal-ballaarinaysaa adiga ayaaba danbi iyo dulmi igu hayee? Mise magaca Abuu Muscab ayaad isu moodday in aad la mid tahay Cumar bin Khadaab iyo Khaalid bin Waliid? Mase ka fikirtay, wiilka miyaadan xitaa mustaqbal fiyow oo fiican la rabin? Miyaadan tacliin sare la rabin? Soo naf dhan oo nool ma’ahan? Soo horumar iyo waxqabad uma baahno? Soo xaq kuguma lahan wiilku? Adduunkase ma waxaa loo keenay in uu al-Shabaab ka mid noqdo? Mise in uu yaraanta ku laqmado? Aaway noloshii kale? Aaway guurkii sunnada ahaa? Aaway tacabkii xalaasha ahaa? Aaway Xajkii? Soo siyaabo kale uma noqon karo Muslim dhab ah oo Ilaah agtiisa qiimo ku leh? Soo jihaad ma’ahan in uu ayeeyadiisa cammoolaha ah u adeego? Soo jihaad ma’ahan in uu hooyadiisa u adeego? Soo jihaad ma’ahan in uu Muslimiinta ammaan siiyo? Soo jihaad ma’ahan in uu tacliin sare barto? Soo jihaad ma’ahan in uu fitanta socoto ka dhex-baxo? Mise meel kale ayaad ka buktaa oo waxa ku gubayso in lagu dhaho wiilkaaga ayaa Amxaaro shaah ka gado? Walaalow awal ayay noloshu qallafsaneyd, ee siyaado ha noogu darin.”
Waxa carooday Shiikh Kakane. Indhihiisaa guduutay. Dhidid dhibco waaweyn ayaa ku soo istaagay. In uu Aniso waxyeelleeyo qarka u taagan yahay. Misana wuu is-celinayaa. Ma uusan nuuxnuuxsan. Ama dheh cabsi uu wiilkiisa ka cabsanayo. Ama dheh in uu iska gadayo ragga la socdo. Ama dheh is-moodsiis uu is-moodsiiyay in uu yahay Nebi Qadar oo kale maadaama magaciisu yahay Abuu Muscab.
“Horey baan kuugu sheegay,” ayuu Shiikh Kakane yiri, “hadalkaagu wuxuu u eg yahay hadalladii gala-raaca. Waxaad badsatay dhageysiga borobagaandada gala-raaca. Iyo culumaa’u suuw’a. Haddii aan Abuu Muscab ahayna waxa aan ku dhaaranayaa Allaaha Weyn ee nagu ciseeyay Jihaadka, Salliibiyiintana gacanteenna ku dulleeyay, in aadan wiilkeyga borobagaando iyo qiyaali ku korineynin. Wiilka waan kaa kaxeyn, oo aan Allaahiisa barayaa, oo aan sidaasina Allaah ugu dhowaanayaa. Waxaan rabaa inuu Muxidiin qaato shahaado uu ku qoray dhiiggiisa, oo uu shahiid noqdo. Ma rabo sida aad sheegeysid waxbarasho adduun oo shahaado been ah lagu qaatay. Waxbarashada adduun soo ma ahan mid ka timid cadowga Allaah iyo Salliibiyiinta? Soo Allaah ma oran awliyo ha ka dhiginina cadowga Allaah? Sidee marka cilmi looga qaataa cadowga Allaah? Cilmi gaalaad oo aan nafci laheyn? Kallaa wa alfa kallaa! Waxbarasho uma baahna wiilkeyga—wuxuu u baahan yahay shahiidnimo. Al-Shabaabna afka ha ku taagin. Waa muqaawamada keliya ee xaqa ku taagan. Waa geesiyiin. Waa mukhlisiin. Waa mujaahidiin. Waa muwaxidiin. Waa gaalo-naceyb. Waa mucaskiriin. Allaah ayaa ku nimceystay in uu u doorto jihaadka ay kula jiraan gaalada iyo gaala-raaca. Muxidiinna waxaan rabaa in isagoo ceyrsanaayo Amxaaro iyo gaala-raac uu Allaahiisa abuurtay la kulmo. Anisooy miyaadan Allaah ugu dhowaaneynin wiilkaaga oo qori-qaad gaaray?”
“Su’aashu waa,” ayay Aniso tiri, “miyaadan Ilaah ugu dhowaaneynin wiilkaaga oo qalin-qaad gaaray? Qori, Abuu Muscabow, ma’ahanee waa qalin waxa uu wiilkeygu u baahan yahay. Miyaadan maskaxdiisa curdanka ahee soo koreysa ku shubeynin cilmi? Miyaadan bareynin xirfad uu wax ku tabcado? Xirfad uu fursad ku sameysto? Xirfad uu xitaa sidii Nabi Daa’uud xalaasha ku tabcado? Mise Nabi Daa’uudna waxaa Ilaah ka badiya al-Shabaab? Maxaase Islaamka ay al-Shabaab sheegtaan ka dhigay mid tacliinta la dagaalama? Mid jahligu ku badan yahay? Mid nimanka la baxay Abuu Hebel keliya ay waxbarteen, dhallintana aysan cilmi laheyn? Miyeysan sidaasi ahayn xaq-darro? Abuu Muscabow jahliga ugu weyn waa markuu ruuxa Muslimka ahi yiraahdo cilmiga maadiga ah wuxuu ka yimid gaalada. Waa jaahilnimo. Miyuusan Ilaah Suuradda Iqra ku sheegin inuu ina baray waxaynaan aqoon? Mise waxaad leedihiin waxa jira cilmi ay gaaladu keensatay oo uusan Ilaah na barin? Subxaanah!
“Abuu Muscabow haddii aad Ilaah cilmi u leedahay lixiyo toban sano anigoo xaaskaaga ah igama maqnaateen, wiil aan keligey soo koriyayna markuu weynaaday damac kaama soo galeen, Soomaalida kale dab kuma huriseen, hooyooyin agoonley ah oo ilmahooda u soo xamaalanayo dhulka miino uguma aasteen, Muslim taraawiix ka soo baxay ma qaarijiseen. Maan-gaabnimo waxa kuugu filan magacan is-tuska ah ee Abuu-abuuga ah oo aadan fir iyo asal u laheyn, qaasatan adigoo gumeyste Amxaar dhabarka u jeedinaya wejiga ma aaddiseen magac shisheeye. Cuqubo waxa kuugu filan in markii magaca al-Shabaab la maqlo ay Soomaalidu isku kaadiso sida Amxaaradaba looga kaadiyo—labo xasad oo ay shacabku ku dhex-baseenna wada tihiin. Jihaadkiinnu wuxuu noqday fasahaad. Dhiig Muslim ayaad ku daadisaan. Cududda iyo midnimada Muslimka ayaad kala dhantaasheen. Wax dan ah uma haysaan Soomaaliya.”
“Naa aamus,” ayuu Shiikh Kakane yiri, “sheydaamad waswaas iyo dood badanaad tahaye. Wadaadnimadii waad ka tagtay. Allaahu Akbar! Mahad iyo ciso Allaah ayay u sugnaatay aan iga dhigin kutubo-xoor adigoo kale ah.”
Waxa qososhay Aniso. Shiikh Kakane wuu yaabay. Oo eegayaa Aniso.
“Kutubo-xoor?” ayay Aniso tiri, “anigaad kutubo-xoor igu tilmaantay? Adiguna maxaad noqoneysaana? Yaah, Abuu Muscabow adiguna maxaad noqoneysaa? Awliyo?”
Shiikh Kakane ma uusan jawaabin.
“Dadku waa afar darajo,” ayay Aniso tiri, “markii laga hadlayo cabsida Ilaah.”
Shiikh Kakane waa uu aamusan yahay. Oo Aniso haruufayaa. Ciisheysan yahay.
“Dadku mid waa Ilaah-xambaarsane iyo kutubo-xambaarsane; mid waa Ilaah-xambaarsane keliya; mid waa kutubo-xambaarsane keliya; midna waa Ilaah-xoor kutubo-xoor ah.”
“Sixirleey aqsun-naas ah,” ayuu Shiikh Kakane yiri, “maxaad sheegaysaana?”
“Abuu Muscabow darajada koowaad waa ruux noqday Ilaah-xambaare iyo kutubo-xambaare. Waa Muslimka si dhab ah Ilaah qalbiga ugu haya, aqoonta Shareecadana cilmi u leh oo kitaabada ka bartay. Ruuxa sifadaasi leh waxa ammaan ka hela makhluuqa Alle, kalluunka badda ku jiraa u soo duceeya, waa saalix la wada jecel yahay, gar-soorkiisaa lagu kalsoon yahay, laqdabo iyo beenna waa ka fog yahay.
“Abuu Muscabow darajada labaad waa ruux noqday Ilaah-xambaare keliya, laakiin aan aqoon dheeraad ah u leheyn cilmiga Shareecada. Waa sidii islaantii inta salaad u kacday, iyadoo gacmaha kor u taagaysana tiri, ‘Sacaan madow Ilaahii caano cad ka keenayoow Allaahu Akbar.’ Sida muuqata, islaantu kutubo ma soo akhrisan, laakiin Ilaah ayaa qalbigeeda ku weynaa, oo jaceylkiisa iyo cabsidiisa bay xambaarsaneyd. Ruuxa noocan oo kale ah weli wuxuu leeyahay kheyr badan, inkastoo uusan cilmi badan u laheyn Shareecada oo gefef ka dhici karaan.
“Abuu Muscabow darajada siddexaad waa ruux kutubo-xambaare ah. Ruuxan waxa uu aad u raacdaa cilmiga diinta, waxa uu aad u yaqaannaa Quraanka iyo Axaadiista. Laakiin, waxa aad ugu yar macriifada uu Ilaah u hayo, oo Ilaah qalbiga kuma hayo, haddii uu sama-fal sameynayo wuxuu u sameeyaa dadka ay isku xulufada yihiin, wixii isaga ka duwanna wuxuu u arkaa gaalo ama bidco ama gaala-raac. Markuu hadlayo wuxuu u hadlaa sidii in uu dadkoo dhan ka saxsan yahay. Ka fiican yahay. Ka caqli badan yahay. Wuxuu xujo iyo daliil u soo qaataa si qalloocan. Waa maan-gaab. Fikirkiisu wuu hooseeyaa. Waa sidii kuwii dilay wiilkii uu calayhi salaatu wasalam Nebi Muxamad awoowaha u ahaa, oo saas ay tahayna culimada weydiiyay, ‘Dhiigga kaneecada ma xalaal baa mise xaaraan?’ Oo ay culimudana ku jawaabi jirtay, ‘Dhiiggii wiilkii uu Nebigu awoowaha u ahaa baad xalaashateenne oo aad disheenne muxuu idiinku fadhiyaa dhiigga kaneecada?’ Abuu Muscabow qolyahan kutubo-xambaarta ah waa kuwii uu Nebigu yiri diinta uma dhaafto kalxamaha—caleyhi salaatu wasalaam. Lagaba yaabaa in ay dadka ka cibaado iyo salaad iyo Quraan akhris badnaadaan. Ogowse, fikirka iyo fasahaadka al-Shabaab waxa uu ka tarjumayaa qolyahaan siddexaad. Waaqaca ayaana marqaati ka ah.
“Abuu Muscabow darajada afaraad ee ugu liidata waa ruux Ilaah-xoor kutubo-xoor ah. Ilaahna ma yaqaanno, cilmina uma lahan Shareecada Islaamka. Kaasoo kale waa luggooyo socota. Waa ashahaado-la-dirirka iyo jaajuuska. Waa gacan-ku-dhiiglaha iyo dagaal-oogaha. Abuu Muscabow, bal miisaankaa adigu isa saar. Midse waan kuu hubaa, hab-dhaqankaagu kuma gaarsiin darajada ruuxa koowaad, ama darajada ruuxa labaad. Macriifada Ilaah ruuxa ay ku dheertahay ammaan ayaa laga helaa. Taa iga qor.”
“Anisooy tusbaxna qoorta wuu kuugu jiraaye,” ayuu Shiikh Kakane yiri, “ma suufiyadaad ku biirtay oo waxaan kugu soo akhriyay? Awalba waan kaa shakisanaa.”
“Maskax-yaraanta aan hadda sheegayay bay ka mid tahay,” ayay Aniso tiri, “inay kaaga dhegto tusbax qoorta iigu jiro, adiguna aad arki la’adahay denbiga qoorta kuu suran. Denbiga aad iga gashay—iyo midka aad haddaba iga galeysid ee ah inaad rabtid inaad iga fara-maroojisid wiilkeyga aan sidii agoonka u soo koriyay. Weligaase naftaada ‘Uf’ ma ku tiri? Mise ceeb islama lihid? Oo mujaahid isu aragtaa? Abuu-abuu ah?”
“Caayda iga dhaaf Anisooy,” ayuu Shiikh Kakane yiri, “yaadan u dhiman,e.”
“Haddii aan al-Shabaab aqoon u leeyahay,” ayay tiri Aniso oo quusad ah, “ceeb kuguma ah in aad igu dhufatid shaabad ah ‘gaala-raac’, deetana aad dhiiggeyga xalaaleysatid iyo dilkeyga si aad wiilkayga u kaxeysatid. Laakiin mid aan kuu sheego, kafanteyda waan sii toshay, qabrigeygana waan sii qotay, dardaaranna waan sii qoray. Ima gaadeysid. Dhimasho diyaar baan u ahay. Nolol iyo geerina wiilkeyga lama rabo in uu galo fitnada ka socota Soomaaliya. Abu Muscabow mid kalena aan kuu sheego: waa inoo Wejiga Ilaahey iyo Xisaabta aakhiro. Gar-yaqaan waa Ilaah. Jalla wa calaa.”
 
 
Qore: C/Laahi Jano
Fadlan wixii talo iyo tusaale ah iimelkan iigu soo hagaaji: buugiyoqalin@hotmail.com
 
F.G: Qoraalkan waxaan ka soo xigtay mareegta www.isbadaldoon.org 

No comments: