" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Sug Cadceedda maqan! – W/Q. Maxamed Saleebaan Cumar

Monday, December 3, 2012

Sug Cadceedda maqan! – W/Q. Maxamed Saleebaan Cumar

Muran kama joogo inaynnu ka isirannahay dhoobadii laga abuuray aabbaheen Aadan. Dadka oo dhami way siman yihiin, ma kala sarreeyaan, mana kala sed roona. Waxay ku kala mudan yihiin kaalinta ay nolosha kaga jiraan iyo sida ay uga jawaabi karaan ujeeddooyinkii loo abuuray. Kuwa tookha badan, kuwa faana, kibra ama qabka iyo qabyaaladda nooleeyaa waa kuwa aan halkan iyo halkaas toonna waxba ku lahayn.
Intaas iyo in kale oo badaniba waa xaqiiqooyin uu nooluhu beeniyay. Laakiin ha beeniyo’e, miyuu mahadiyay? Ha ka yaabin! Wuu u darsaday, wixii uu ku doorsadayna, umay doorinnin sidii doorka ahayd! Foolxumooyinka noloshiisa hadheeyay iyo dulliga haystaa halkaas ayay ka soo jeedaan.
Waxa la isku dilayaa hebello beri hore saliidoobay, la dheefsaday, deetana aakhrikii, adduunyada dikhow kaga tegay. Waxaad maalin oo dhan u dagaallamaysaa hebel aanad garanayn halka uu maanta ku sugan yahay ama waxaad ku abtirsataa boqol magac oo aan magacanimada waxba uga hoosayn. Waa magacyo uu qof magac kale lihi adeegsado marka uu ku hafto mawjadaha nolosha ee uu ku ul-goosan kari waayo qofnimadiisa. Maalin kasta waxa magacaas sheegata inta danta leh; inta wax dulmaysa, boobaysa, dhacaysa ama si kale ugu muraad-fushanaysa. Si taas la mid ah, waxa uu gaashaan u yahay tuugga gacan-togaaleynta badan ee ka hor yimaadda mabaadii’da ummadnimada iyo isirrada dadnimo ee lama-taabtaanka ah.
Magaca kaa hadhayaa ma aha inuu noqdo kaas sida gurracan loogu maxaafsado. Waxaad ku tartamaysaan dhasha, dhismaha iyo dhaqaalaha, laakiin saddexduba ma jirayaan hadday waayaan bulsho dhisan oo caqiidadeeda iyo qabitaannadeedu ba u darban yihiin mayal-u-qabashada iyo wax ka geddinta nolol la dulleeyay. Haa. Adduunyada waxa kaa saaran masuuliyad ka ballaadhan inaad wax dhasho, dhimato, deetana magac ay beeli sheegataa ka hadho! Waxaad u timid inaad ku soo kordhiso wax intaas ka badan iyo inaad ka jawaabto ujeeddooyinka laguu abuuray.


 Magacaas qabiilka ee sida gurracan loogu malafsanayo waxa mar kasta horseed ka ah hebello ku fashilmay inay ku guuraan magacooda. Qofka fiican ee wax-ku-oolka ah, dadka ayaa sheegta oo yidhaahda ‘Hebel waa reerkayaga’, laakiin ka liita ee nolosha ku guuldarraystay ayaa sheegta magaca oday beri hore dhintay oo xaaladdiisa Alle uun og yahay. Ta aan ka hadlayaa maaha tolnimada waxtarka leh ee ilaalisa miskiinka meel aan dawladi jirin, magta ka bixisa ee qowlaysatadu kaga maagto waxyeelladiisa; waa se magaca lagu xoogsanayo ee meel walba yaalla.

 Haddii qabiilooyin isku tegay isla qaateen inay dhistaan dal magac leh, miyay tahay inay magacaas hadba cid gaar ahi muraad goonni ah ku fushato? Haddii ay taasi timaaddo, hilow waddaniyadeed iyo dareen daltabyo ma jiri karaa, muxuu se kaga duwanaan karaa magacaas ay hadba cidda gaarka ahi ku danaysanayso? Dal dhan oo Qabiil ku dhisani se, sidee ayuu noqon karaa?

 Kaasi dal lagu faani karo marnaba ma noqon karo. Abadan! Ma noqon karo oo sharci diiddan baa jira. Dalka waxa la sheegtaa marka aad dhex joogto ee uu ku sifoobo in noloshaadu ku xidhan tahay, suurtogalna ka dhigo inaad xooggaaga iyo xirribtaada wax kagala soo baxdid. Waxa uu dal yahay marka aad heybad iyo hanweyni ku dhex joogto iyo marka aad qayrkaa ugu faanayso, kagana maaranto inaad meel kale marti iyo midiidin u noqoto.

 Si taas la mid ah, dawladnimadu maaha wax cid waliba majaraha u qaban karto, kumana waari karto sii-ahaanshaha majare lagu duudsiyo xuquuqda iyo xorriyadda muwaaddinka. Dawladnimada aan magaca ku koobnayni waa hab, hannaan iyo hoggaan lagu hirto oo horseed ka ah geeddi-socodka nolosha muwaaddinka iyo ta muwaaddiniinta labadaba. Waa sahan u meel daya abbaarta iyo bar kaaga soocan adduunka oo lagu aqoonsado hayaanka iyo aayaha ummadnimo. Waa inay yeelato qaab iyo qorshe ilaalin kara qarannimada magaceeda iyo maamulkeedaba, isla markaasna noqon kara wehel iyo dugsi lagu irkado oo nafta karaamadeeda lagu ilaaliyo.

 Dawladi waxay jaan-goysaa ama qaabaysaa qorshe nololeed oo waafaqsan muraaddada lagu tisqaado. Waxay midaysaa maskaxda, muruqa iyo maalka ummadi leedahay. Markaas ayay si dheellitiran u macnaysaa waxa ay maareeye iyo masuulba ka tahay – nolosha, nabadgelyada iyo hantida dalka iyo dadka. Waxay dhalisaa sababo dalka lagu jeclaado iyo waddaniyad haybaddiisa lagu ilaaliyo. Waxay iftiin iyo ilays ka dhigtaa dalka, dhulka iyo wixii ku nool. Ma jiro dal aan lagu noolaan karin haddii dawlad dadku leeyahay dhisan tahay. Laakiin haddii dal bad, berri, sabo ugub ah iyo sado buuxda leh ay ummaddiisu suudal iyo sibiq-dhaqaaq ku le’ato, kaasi dal maaha. Haddaa waa maxay? Waa wax kale oo ay taariikhdu u magac-bixin doonto!
Dalkaas iyo dawladdaas midna ma haynno. Waxaynnu nahay ummad dhan oo qof-qof iyo qoys-qoys u dhisan, haddana, qarannimo aan meelna jirin baadigoobaysa.
 
Qarannimada, dawladnimada, ummadnimada iyo ereyada afka u fudud ee uu maalin walba ninka magaca lihi inoo sheegaa waa barkumataal. Waxa hadhaysay qaddiyadda qabyaaladda oo aan dib mooyee hore inoo wadi karin. Iyada ayaa ummado horena rogtay, kuwo soo socda oo badanna rogi doonta.

 Lama dafiri karo in haddii Qabiilka laftiisa si fiican loo adeegsado uu kaalin karo dawladnimo si fiican loo adeegsado. Sidoo kale, marxaladda dawlad-la’aanta, qabiilku waa ka keli ah ee bulshada Soomaaliyeed isku haya, kala haya, isku dara ama isku dira. Mararka qaarkood, wuxu ilaaliyaa xuquuqda qofka Soomaaliga ah, haddii uu fuliyo Waajibaadka markaas yaalla. Markay sidaas tahay wuxuu buuxiyay kaalintii dawladnimada, laakiin dawladnimada aynu rabnaa maaha taas! Haddaa waa tee? Mooyi! “Adba goor is weydii intuu, gabaygu kaa dhaafo!”

Aafada qabyaaladdu maanta ayay u daran tahay. Waxay heshay hoggaan nooleeya oo dambaskii ay huwanayd ka afuufa iyo hebello koolkooliya. Maalin walba waxaad maqashaa beel heblaayo oo shir ku qabsanaysa meel heblaayo iyo beel heblaayo oo musharrax hebel isku raacday ama ku kala kacday iyo in la hal maasha. Waxa uu maamulku ku fashilmay inuu ummadda ka saaro wacyigan oo uu u gudbiyo wacyi uu qof waliba qofnimadiisa ku meelmarayo, muwaaddiniintuna ay xaqooda u helayaan hadba sida ay waajibaadka waddanka uga jawaabaan. Xataa kuwa soo socdaa waxay soo marayaan jidkii qodxaha badnaa ee odayga maanta joogaa soo maray, sidaas darteedna lagama filan karo dibudhiska dad dumay iyo dal dumay. Inay qabyaaladdaas diin ka dhigtaan iyo inay ciil shidaya iska rogaan ayaynu ugu yaraan ka filan karnaa. Inta ay sidaas tahayna, ma helaysid waxa aad doonaysid ama wixii ay ahayd inaad hesho. Waa erey wakhtigu dhalay oo aan kaaga mahadnaqayo inaad akhriday.

F.G. Qormadani waxay markii ugu horreysay ku soo baxday
Majalladda WEEDHSAN Magazine, Tirsigii 6aad, November 2012.

W.Q: Maxamed Saleebaan Cumar

E-mail:
halabuur@hotmail.com This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. ama contact@weedhsan.com This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
Web:
www.weedhsan.com ama www.weedhsan.org

No comments: