Waxaanu idiinka soo diyaarinay
jawaabihii uu Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir ka bixiyay Su’aalihii dadweynuhu
ka waydiiyeen Soonka.
1.S. Bisha ramadaan hadii qeybi iga tagtay oo ay bishii kale iga
soo gaadho, ma soomi karayaa bishii dambe soonkeedii caadiga ahaa anigoon tii
hore qaleyn?
J. Bisha ramadaan waa waajib arkaanu islaamkiina waa ka mid markaa qofkii haddii ay u suurtoobi waydo inuu soomo isagoo cudur-daar haysta wuu soo qalaynayaa, qaluhu niyo gaar ah ayuu leeyahay sunuhuna niyo gaar ah, oo iyadoo kolayba amaantiisa uu leeyahay maalmahan shawaalka oo la soomo, nabiguna uu lahaa xadiis saxeex ah “qofka soddonka ramadaan sooma lix maalmood oo bisha shuwaal ka mid ahna raaciya wuxuu ka dhigan yahay isaga oo sannad dhan soomay” (Abu Daa’uud No.2423, Muslim No.1164, Tirmidi No.759, Ibnu Maajah No.1716 iyo Axmed) maxaa yeelay lix iyo soddon cisho ayuu soomay cisho waliba waxay ka dhigan tahay isagoo toban cisho soomay marka toban lagu dhufto lix iyo soddon waxay noqonaysaa 360 maalmood markaa sanadkii oo dhan isaga oo soomay ayuu ka dhigan yahay, haddaba soonkaa bisha shuwaal isagoo uu yahay mid amaan badan haddana qadaagii bisha ramadaan kama gudayo (kama ridayo), markaa soonkaa sunaha ahna waa inuu sidiisa u soomaa ramadaantiina waa inuu qaleeyaa intii maalmood ee lagu lahaa oo sunaha iyo faralku waa kala xukun isku miisaan iyo ajarna maaha waxaa ka miisaan culus faradkii isagaana ka ajri badan hadduu qofku faradka ka tagana ciqaab ayuu ku mutaysanayaa laakiin sunaha ciqaab kuma mutaysanayo, markaa kama gudayo shuwaalku qalaha ramadaanta markaa waa inuu midba sidiisa u soomaa.
Alaahu aclam.
3.S. Muddo dheer ayaa soon la igu lahaa soonkaasi oo igu soo beegmi jiray aniga oo uur leh ama ilmo jaqsiinaya, waxa jirta oo kale inaan leeyahay gaastrik markaana uu caafimaadkaygii wax yeelayo haddaba arrintaasi werwer bay igu haysaaye maxay jawaabtu noqonaysaa soonkaa mudada dheer la igu lahaa?
J. Soonku waxa uu ka mid yahay cibaadaadka ilaahay inagu addoonsaday sida salaada oo kale, cibaadadana marka uu qofku kari waayo waxa uu ilaahay siiyay ruqso, marka hore camalkani waa shay la amray oo la go’aamiyay, marka ay ku adkaatana qofkii ilaahay ruqsad buu siiyay ilaahayna wuxuu yidhi “Ilaahay korkiina ma yeelin wax culays ah diinta dhexdeeda”, waxay kaga duwan tahay wax cidhiidhi ah oo dhexdeeda la yeelay baan jirin”. (Suuratu Xaj No.78,) Nabiguna (csw) waxa uu yidhi “waxa ilaahay igu soo diray diin dabacsan oo wixii wanaagsan oo dhan u soo leexanaysa”, (Axmed No.5/266, Dabraani No.7868 waxa sixiixiyay Albaani kitaabkiisa silsilada axaadiista saxeexa ah No.2924) qawaacida islaamku leeyahay ee caamka ah waxa ka mid ah marka mashaqo timaado fudayd bay keentaa markaa qofkii mashaqo ku timaado ilaahay wuu u fudaydiyaa, haddaba ruuxa dumarka ahi marka ay jaqsiinayso ama ay uurka leedahay culimadu waxa ay isku waafaqsan yihiin inay iska afurayso, laba arrimood mid baa imanayoo ama ubadkii u baqdo ama nafteeda u baqdo, haddii labadaa midi timaadoo mashaqo soo gaadhayso ilmihii ama iyadii mashaqo soo gaadhayso way iska afuraysaa oo markaa way iska cunaysaa ramadaantii, waxaanay haysataa ruqsad, haddaba kolka ay ramadaantii dhamaato ee ay wakhti hesho inay soo qalayso weeye markaa, culimada qaarkood waxay sheegaan inay fidyo ku darayso, laakiin qawlka ugu raajixsani waxa weeyaan marka ay haleesho ee ay awoodo inay soo qalayso, xataa haddii laba ramadaan is gaadhaan. Haddaba haddii xanuun kale uu jiro matalan haddii tiibii ku timaado ama xiiqi, gaastari dhakhtarkiina u sheego oo uu yidhaa xanuunkii wuu kugu kordhayaa haddii aad soonto, marka uu soomana xanuunkii sii kordhayo sida gaastariga oo kale, markaa waxa imanaysa runtii inuu bixiyo fidyo, waa haddii xanuunkaa ay mashaqo ka soo gaadhayso. Qofku wuu is tijaabinayaa inta uu karayo wuu soomayaa, laakiin marka uu iska soo taago xanuun kasta ha ahaadee, xanuunkiina in uu ka bogsado aan la rajaynayn markaa wuu iska afurayaa oo fidyo ayuu bixinayaa, fidyadaas oo maaalintiiba noqonaysa nus-kiile, markaa ugu horayn waa in qalaha laga quustaa, mararka qaar waxa dhacda in qofka oo qalaha karaya in uu wahsi iska yimaado markaana la yidhaahdo raashinka uun aan iska bixino.
Alaahu aclam.
4. S. Haddii aan bukay bishii ramadaan ee ina dhaaftay oo aan gudan kari waayay xanuun awgii, bishii kalena ay soo dhowdahay haddaba dawooyin baan isticmaalayay intii u dhaxaysay labadaa bilood arrintaasi diinteenu maxay ka qabtaa?
J. Qofku marka uu buko ilaahay baa u fududeeyay “qofka socdaal ah ama buka bisha ramadaan ha iska afuro oo maalmo kale ha qaleeyo” (Al-Baqra No.184) ayuu ilaahay yidhi haddaba haddii ay dhacdo in markuu is idhaahdo soo qalee uu xanuunkii qabanayo, bishii dambena xanuunkii qabanyo waxaa lagu tilmaamayaa inuu yahay ‘xanuun aan la rajaynayn inuu qofkani ka bogsado’ ha ahaado alsar, ama xiiq ama tiibii iyo waxyaabihii qofka ku keenayay inaanu bogsan ee uu ka sii darayo kolka xaaladu caynkaa tahay inuu raashin bixinayo ayay tilmaamaan fuqahadu waayo qofku wuxuu la mid noqonayaa kii gaboobay ee da’da ahaa oo raashin buu bixinayaa laakiin bal horta ha hubiyo mar walba oo soonkii ha isku dayo inuu karayo iyo in kale.
Alaahu aclam.
5. S. Waxaan leeyahay xanuunka la yidhaahdo xiiqda markaasi waxaan isticmaalaa daawada xiiqda ee naqaska, markaa aniga oo sooman haddii aan isticmaalo daawadaasi oo aan ka maarmi waayo miyuu markaa soonkaygii iga jabayaa mise wuu ii xidhan yahay oo siduu ahaa ayuu iigu fulayaa?
J. Soonka waxa jabiya waxa qofka afka iyo meelaha daloola ka gala wax la cuno iyo wax la cabo iyo wax ku milma afkaba daawada culimada islaamka ee mucaasiriinta ahi way ka waramaan waa duwadan la isku buufiyo ee qofka naqaska ka sii daysa way jiraan qaar fityooda inaanay jabinayn qaarkoodna way jabinaysaa bay yidhaahdaan kolayba ma laha wax hagaagsan oo la liqi karo laakiin waa naqas ama hawo uu qofkii qaadanayo markaa kol haddii la isku khilaafo oo lagu murmo waxay ka mid tahay waxyaalaha mutashaabihaadka ah ee markaa nabiguna uu lahaa, sidaa darteed qofkii hadduu xanuusanayo oo uu soonkii xajin karana dee ha iska xamilo haddii kalena ruqsada ilaahay ha ka faa’iidaysto oo ha iska cuno oo markaa ha soo qaleeyo wakhtiga uu ladnaado.
Alaahu aclam.
6. S. Waxaan maqlaa inay dadku yidhaahdaan hadii had iyo goorba saddexda cisho ee ugu dambeeya caadada hadii la soomo in markaasi qofku jidka siraad uu si dhib yar ku marayo oo ka badbaadayo, arrintaasi diinta islaamku maxay ka qabtaa?
J. Sunihii nabigey ka mid ahayd inuu soomo ayaamaha cad-cad maalmahaa cad-cadina waa saddexda cishee iftiinka dayaxu ugu roonyahay, waa saddex iyo toban, afar iyo Toban iyo shan iyo toban, markaa saddexdaa cisho soomkoodu waxa uu ka dhigan yahay inuu bishii oo dhan soomay oo kale waayo qofku waxaa loogu dhuftaa xasanaadka uu sameeyaba toban, markaa saddexdii cisho min toban bay ka dhiganyihiin, marka uu qofku bil walba saddex cisho ka sooma wuxuu ka dhiganyahay boqol soon oo kale, laakiin xadiisku kuma darin in jidka siraad lagu dhaafayo sida aad u sheegtay, marleybase camalka saalixa ah qofka ku dadaala illaahay baa u saqiraya jidka siraad ama soon ha ahaado wuxuu ku dadaalayaa ama salaad iyo cibaado, markaa caam ahaanba cibaadadu way fududeysaa ciqaabka alle oo allaa kaga nabad geliya adoonka soonkuna waxyaabaha ugu qiimo badan ayuun buu ka mid yahay
Allaahu aclam.
7. S. Bisha ramadaan inta aan la gaadhin wakhtiga suxuurta waxaanu ku soo jeednaa inaanu ciyaarno dubnad, laadhuu ama filim aanu wakhtiga isku dhaafino si aanan u luloon markaa wax dhibaato ahi ma ku jiraan?
J. Waxa aad u fiican walaalayaal inaynu isla fahano qiimaha uu wakhtigu leeyahay, wakhtigu qiimaha uu leeyahay aad iyo aad buu u heer sareeyaa waxaaba daliil kuugu ah maalinta qiyaamaha marka qofku xabaasha uu ka soo baxo afarta su’aalood ee la waydiinayo ee ugu horeeya ayuu ka mid yahay wakhtigu: jidh qaaliya buu ilaahay qofka siiyay iyo dhalinyaranimo, waxa la siiyay cimri, maalkiisii halka uu ka soo kasbaday iyo halka uu ku bixiyay iyo wakhtigiisii halka uu ku dhameeyay qofku waa la su’aalayaa, sidaa darteed baa asxaabtii iyo taabiciyiintii hore inyar oo wakhti ahi dhulka ugamay dhici jirin, nabigu wakhtigiisa waxa uu u qaybinayay saaca wa saaca, waa inuu saacad saacad wakhtigii noqdaa oo uu qofku yeeshaa jadwal camali ah oo uu ku hawl galo: saacad uu shaqaysanayo, saacad uu ilaahay caabudayo, saacad uu wax baranayo, saacad uu dadka buka soo booqanayo, saacad uu xaaska iyo carruurta raali galinayo wakhtigii waa inuu sidaa u qaybsanaadaa.
J. Bisha ramadaan qalaheeda iyo adaheeda farqi baa u dhaxeeya
marka la leeyahay al-adaa waa soomka la soomayo markaa ee waqtigiisu joogo,
sida kan iminka aanu ku jirno oo kale, qaduhuna waa mid waqtigiisu uu tegay oo
la soo qaleynayo labadaa mustalax bay kala leeyihiin oo la isticmaalaa.
Hadaba qaduhu wuxuu kaga duwan
yahay adaha (ka imika la gudanayo) sida kan iminka la soomayo qalaha ahi wuxuu
kaga duwanyahay waajib ma aha in la is raaciyo qalihii iminka ramadaantan aynu
ku jirno israac baa waajib ah macnaha in laysku xidhiidhiyaa waajib bay tahay
oo khiyaar uma lihid bisha ramadaan maalmana cudur-daar la’aan inaad iska cunto
maalmana aad iska soonto, laakiin waajib bay tahay bishu sida ay u dhan tahay
inaad wada soonto oo aad isku xidhiidhiso, laakiin qalaha markuu illaahay ka
hadlayey wuxuu yidhi: “Qofka haduu buko ama uu musaafir yahay - cudur-daar
buu leeyahay, - waxaana laga doonayaa intii maalmood ee ka tagtay in le’eg inuu
soo qaleeyo” (Al-Baqra No.184) inay isku xidhiidhsamaan waxba waajib ma
aha, sidoo kale deg-deg inuu u soo qaleeyana waajib ma aha.
Waxaa inoo daliil ah Caa’isha oo
xaaskii nabiga ah waxa ay tidhi “Waxa iga tagi jiray bishii ramadaan maalmaha
qaarkood” (waxa weriyay abu Daa’uud No.2399 Bukhaari No.1950 Muslim No.1146,
Tirmidi No.783, Axmed No.6/131, Nasaa’i, Ibnu Maajah No.1669) markaa ilaa ay
shacbaanta kale soo galeyso ayaan dib dhigi jiray qalahaa” markaa cudur-daar u
haysato sida marka aanay daahir ahayn oo kale, sidaa daraadeed hadii dib
udhacan laftiisu ahaa cudur-daar oo uu sidaa darteed u dib dhigay oo bishii
ramadaan ee kalena ay soo gashay, ramadaantaas un buu soomayaa qalihiina wuu ka
sii dambeysiinayaa oo qadaagii koley kama dhacayo, laakiin jawaabtu macnaheedu
waxa weeyaan way soomi kareysaa bishan iminka ramadaantii kal hore wixii ka
tegayna markay tan dhamaysataa bay qaleyneysaa.
Allaahu aclam.
Allaahu aclam.
2.S. Qof ayaa soomay lixdii cisho ee shuwaalka isagoo
ramadaantii lagaga lahaa qalle haddaba shuwaalkaa uu soomay ma ka gudayaa
(ridayaa) qalihii ramadaanta lagaga lahaa?
J. Bisha ramadaan waa waajib arkaanu islaamkiina waa ka mid markaa qofkii haddii ay u suurtoobi waydo inuu soomo isagoo cudur-daar haysta wuu soo qalaynayaa, qaluhu niyo gaar ah ayuu leeyahay sunuhuna niyo gaar ah, oo iyadoo kolayba amaantiisa uu leeyahay maalmahan shawaalka oo la soomo, nabiguna uu lahaa xadiis saxeex ah “qofka soddonka ramadaan sooma lix maalmood oo bisha shuwaal ka mid ahna raaciya wuxuu ka dhigan yahay isaga oo sannad dhan soomay” (Abu Daa’uud No.2423, Muslim No.1164, Tirmidi No.759, Ibnu Maajah No.1716 iyo Axmed) maxaa yeelay lix iyo soddon cisho ayuu soomay cisho waliba waxay ka dhigan tahay isagoo toban cisho soomay marka toban lagu dhufto lix iyo soddon waxay noqonaysaa 360 maalmood markaa sanadkii oo dhan isaga oo soomay ayuu ka dhigan yahay, haddaba soonkaa bisha shuwaal isagoo uu yahay mid amaan badan haddana qadaagii bisha ramadaan kama gudayo (kama ridayo), markaa soonkaa sunaha ahna waa inuu sidiisa u soomaa ramadaantiina waa inuu qaleeyaa intii maalmood ee lagu lahaa oo sunaha iyo faralku waa kala xukun isku miisaan iyo ajarna maaha waxaa ka miisaan culus faradkii isagaana ka ajri badan hadduu qofku faradka ka tagana ciqaab ayuu ku mutaysanayaa laakiin sunaha ciqaab kuma mutaysanayo, markaa kama gudayo shuwaalku qalaha ramadaanta markaa waa inuu midba sidiisa u soomaa.
Alaahu aclam.
3.S. Muddo dheer ayaa soon la igu lahaa soonkaasi oo igu soo beegmi jiray aniga oo uur leh ama ilmo jaqsiinaya, waxa jirta oo kale inaan leeyahay gaastrik markaana uu caafimaadkaygii wax yeelayo haddaba arrintaasi werwer bay igu haysaaye maxay jawaabtu noqonaysaa soonkaa mudada dheer la igu lahaa?
J. Soonku waxa uu ka mid yahay cibaadaadka ilaahay inagu addoonsaday sida salaada oo kale, cibaadadana marka uu qofku kari waayo waxa uu ilaahay siiyay ruqso, marka hore camalkani waa shay la amray oo la go’aamiyay, marka ay ku adkaatana qofkii ilaahay ruqsad buu siiyay ilaahayna wuxuu yidhi “Ilaahay korkiina ma yeelin wax culays ah diinta dhexdeeda”, waxay kaga duwan tahay wax cidhiidhi ah oo dhexdeeda la yeelay baan jirin”. (Suuratu Xaj No.78,) Nabiguna (csw) waxa uu yidhi “waxa ilaahay igu soo diray diin dabacsan oo wixii wanaagsan oo dhan u soo leexanaysa”, (Axmed No.5/266, Dabraani No.7868 waxa sixiixiyay Albaani kitaabkiisa silsilada axaadiista saxeexa ah No.2924) qawaacida islaamku leeyahay ee caamka ah waxa ka mid ah marka mashaqo timaado fudayd bay keentaa markaa qofkii mashaqo ku timaado ilaahay wuu u fudaydiyaa, haddaba ruuxa dumarka ahi marka ay jaqsiinayso ama ay uurka leedahay culimadu waxa ay isku waafaqsan yihiin inay iska afurayso, laba arrimood mid baa imanayoo ama ubadkii u baqdo ama nafteeda u baqdo, haddii labadaa midi timaadoo mashaqo soo gaadhayso ilmihii ama iyadii mashaqo soo gaadhayso way iska afuraysaa oo markaa way iska cunaysaa ramadaantii, waxaanay haysataa ruqsad, haddaba kolka ay ramadaantii dhamaato ee ay wakhti hesho inay soo qalayso weeye markaa, culimada qaarkood waxay sheegaan inay fidyo ku darayso, laakiin qawlka ugu raajixsani waxa weeyaan marka ay haleesho ee ay awoodo inay soo qalayso, xataa haddii laba ramadaan is gaadhaan. Haddaba haddii xanuun kale uu jiro matalan haddii tiibii ku timaado ama xiiqi, gaastari dhakhtarkiina u sheego oo uu yidhaa xanuunkii wuu kugu kordhayaa haddii aad soonto, marka uu soomana xanuunkii sii kordhayo sida gaastariga oo kale, markaa waxa imanaysa runtii inuu bixiyo fidyo, waa haddii xanuunkaa ay mashaqo ka soo gaadhayso. Qofku wuu is tijaabinayaa inta uu karayo wuu soomayaa, laakiin marka uu iska soo taago xanuun kasta ha ahaadee, xanuunkiina in uu ka bogsado aan la rajaynayn markaa wuu iska afurayaa oo fidyo ayuu bixinayaa, fidyadaas oo maaalintiiba noqonaysa nus-kiile, markaa ugu horayn waa in qalaha laga quustaa, mararka qaar waxa dhacda in qofka oo qalaha karaya in uu wahsi iska yimaado markaana la yidhaahdo raashinka uun aan iska bixino.
Alaahu aclam.
4. S. Haddii aan bukay bishii ramadaan ee ina dhaaftay oo aan gudan kari waayay xanuun awgii, bishii kalena ay soo dhowdahay haddaba dawooyin baan isticmaalayay intii u dhaxaysay labadaa bilood arrintaasi diinteenu maxay ka qabtaa?
J. Qofku marka uu buko ilaahay baa u fududeeyay “qofka socdaal ah ama buka bisha ramadaan ha iska afuro oo maalmo kale ha qaleeyo” (Al-Baqra No.184) ayuu ilaahay yidhi haddaba haddii ay dhacdo in markuu is idhaahdo soo qalee uu xanuunkii qabanayo, bishii dambena xanuunkii qabanyo waxaa lagu tilmaamayaa inuu yahay ‘xanuun aan la rajaynayn inuu qofkani ka bogsado’ ha ahaado alsar, ama xiiq ama tiibii iyo waxyaabihii qofka ku keenayay inaanu bogsan ee uu ka sii darayo kolka xaaladu caynkaa tahay inuu raashin bixinayo ayay tilmaamaan fuqahadu waayo qofku wuxuu la mid noqonayaa kii gaboobay ee da’da ahaa oo raashin buu bixinayaa laakiin bal horta ha hubiyo mar walba oo soonkii ha isku dayo inuu karayo iyo in kale.
Alaahu aclam.
5. S. Waxaan leeyahay xanuunka la yidhaahdo xiiqda markaasi waxaan isticmaalaa daawada xiiqda ee naqaska, markaa aniga oo sooman haddii aan isticmaalo daawadaasi oo aan ka maarmi waayo miyuu markaa soonkaygii iga jabayaa mise wuu ii xidhan yahay oo siduu ahaa ayuu iigu fulayaa?
J. Soonka waxa jabiya waxa qofka afka iyo meelaha daloola ka gala wax la cuno iyo wax la cabo iyo wax ku milma afkaba daawada culimada islaamka ee mucaasiriinta ahi way ka waramaan waa duwadan la isku buufiyo ee qofka naqaska ka sii daysa way jiraan qaar fityooda inaanay jabinayn qaarkoodna way jabinaysaa bay yidhaahdaan kolayba ma laha wax hagaagsan oo la liqi karo laakiin waa naqas ama hawo uu qofkii qaadanayo markaa kol haddii la isku khilaafo oo lagu murmo waxay ka mid tahay waxyaalaha mutashaabihaadka ah ee markaa nabiguna uu lahaa, sidaa darteed qofkii hadduu xanuusanayo oo uu soonkii xajin karana dee ha iska xamilo haddii kalena ruqsada ilaahay ha ka faa’iidaysto oo ha iska cuno oo markaa ha soo qaleeyo wakhtiga uu ladnaado.
Alaahu aclam.
6. S. Waxaan maqlaa inay dadku yidhaahdaan hadii had iyo goorba saddexda cisho ee ugu dambeeya caadada hadii la soomo in markaasi qofku jidka siraad uu si dhib yar ku marayo oo ka badbaadayo, arrintaasi diinta islaamku maxay ka qabtaa?
J. Sunihii nabigey ka mid ahayd inuu soomo ayaamaha cad-cad maalmahaa cad-cadina waa saddexda cishee iftiinka dayaxu ugu roonyahay, waa saddex iyo toban, afar iyo Toban iyo shan iyo toban, markaa saddexdaa cisho soomkoodu waxa uu ka dhigan yahay inuu bishii oo dhan soomay oo kale waayo qofku waxaa loogu dhuftaa xasanaadka uu sameeyaba toban, markaa saddexdii cisho min toban bay ka dhiganyihiin, marka uu qofku bil walba saddex cisho ka sooma wuxuu ka dhiganyahay boqol soon oo kale, laakiin xadiisku kuma darin in jidka siraad lagu dhaafayo sida aad u sheegtay, marleybase camalka saalixa ah qofka ku dadaala illaahay baa u saqiraya jidka siraad ama soon ha ahaado wuxuu ku dadaalayaa ama salaad iyo cibaado, markaa caam ahaanba cibaadadu way fududeysaa ciqaabka alle oo allaa kaga nabad geliya adoonka soonkuna waxyaabaha ugu qiimo badan ayuun buu ka mid yahay
Allaahu aclam.
7. S. Bisha ramadaan inta aan la gaadhin wakhtiga suxuurta waxaanu ku soo jeednaa inaanu ciyaarno dubnad, laadhuu ama filim aanu wakhtiga isku dhaafino si aanan u luloon markaa wax dhibaato ahi ma ku jiraan?
J. Waxa aad u fiican walaalayaal inaynu isla fahano qiimaha uu wakhtigu leeyahay, wakhtigu qiimaha uu leeyahay aad iyo aad buu u heer sareeyaa waxaaba daliil kuugu ah maalinta qiyaamaha marka qofku xabaasha uu ka soo baxo afarta su’aalood ee la waydiinayo ee ugu horeeya ayuu ka mid yahay wakhtigu: jidh qaaliya buu ilaahay qofka siiyay iyo dhalinyaranimo, waxa la siiyay cimri, maalkiisii halka uu ka soo kasbaday iyo halka uu ku bixiyay iyo wakhtigiisii halka uu ku dhameeyay qofku waa la su’aalayaa, sidaa darteed baa asxaabtii iyo taabiciyiintii hore inyar oo wakhti ahi dhulka ugamay dhici jirin, nabigu wakhtigiisa waxa uu u qaybinayay saaca wa saaca, waa inuu saacad saacad wakhtigii noqdaa oo uu qofku yeeshaa jadwal camali ah oo uu ku hawl galo: saacad uu shaqaysanayo, saacad uu ilaahay caabudayo, saacad uu wax baranayo, saacad uu dadka buka soo booqanayo, saacad uu xaaska iyo carruurta raali galinayo wakhtigii waa inuu sidaa u qaybsanaadaa.
Waxaynu odhan karnaa maanta waxa
wakhtiga aad u fahmay dadka gaalada ah wakhtiga u sameeyeen saacad wareegaysa
way ka sii yareeyeen oo daqiiqad bay u sameeyeen way ka sii yareeyeen oo
il-bidhiqsi bay u sameeyeen, waa laga yaabaa qofka haddii aad tidhaa lacag I
sii inuu ku siin karo, laakiin wakhtiga uu ku yidhaa wakhti kuuma hayo
heerkaasuu caalamku marayaa maanta, inagana waxa dhacda dubnad in la ciyaaro,
qayilaad la soo fadhiisto oo wakhtiga la isku dhaafiyo muran iyo kaftan bilaa
macne ah ayaa dhacda, oo aynaan uga faa’iidaysan camal adduunyo iyo mid aakhiro
toona, waxaan ku soo dhawaanayaa su’aasha. Bishan Ramadaan waa fursad qaali ah
matalan ganacsiga waxa loo eegaa wakhtiyo marka ay ascaartu qaaliga tahay ee ay
baxayso waa loo wada gucleeyaa oo nin waliba waxa uu yidhaahdaa alaabta ayaan
ka soo gaadhsiinayaa ciida waa inta kaliya ee ay soconayso. Camalkaagana intaad
ka gaadhsiinaysaa waa taa, haddaba waxaad ku buuxisaa arrimo dhowr ah 1) wakhti
aad soo shaqaysanayso iyo 2) wakhti aad naftii u raaxaynayso oo aad yara
jiifsanayso, iyo adigoo waxbaranaya iyo adigoo cibaadaysanaya, quraan akhrinaya
intaa ha kugu dhaafo. Sidaa darteed matalan qofku marka uu salaada taraawiixda
soo tukado nabigu waxa uu lahaa “Qofka bisha Ramadaan sooma waxa laga dhaafayaa
dambigii hore oo dhan” (Bukhaari kitaabka soonka No.38 ama 1901 iyo Muslim
No.1219) markaad cashaa’igii iyo taraawiixdii soo tukato eed cashayso dee
waabad seexanaysaa kolkaa si aad habeenkii salaada Tahajutka iyo suxuurtaba ugu
kici karto, ha la iska daayo odhaahda soomaaliyeed ee odhanaysa ‘shan iyo
tobanka hore ee bishana suxuurta waa la qadimaa oo laba iyo tobanada ayaa la
suxuurtaa shan iyo tobanka dambena waagaa la iska ilaaliyaa taasi waa maah-maah
jeebkeena ah, laakiin suxuurta mar walba xagga waaga ayaa lagu dhawaynayaa iyo
salaada subax, markaa qofku ha iska seexdo bacda cashaa’igii kadibna suxuurta
ha u soo kaco afarta ilaa afartiyo badhka habeenimo markay saacadu gaadho suxuurta
kadibna salaada subax ha tago intaa ka dibna hore ha ka shaqo tago, waxan la
ciyaaro ee shaxda, shan-taralka iyo dubnadana nabigu wuxuu ku shabahay hilib
doofaar nin faraha kula jira ileen waxay dilayaan wakhtigiiye. Dhinaca
telefishanka iyo waxyaalaha la daawanayo wixii wanaagsan ee mubaax ah waa laga
daawan karaa wixii faa’iido iyo cilmi leh wax xun in laga daawadaana waa
xaaraan.
Alaahu aclam.
8.S. Haddii la igu leeyahay dhowr ramadaan qalahood oo tiradii qalaha la igu lahaa iga kala luntay maxaa la iiga baahan yahay inaan soomo?

J. Qofka xanuusanaya ama safar ku jira ama cudur daar leh wuxuu
islaamku u fasaxayaa inuu iska cuno bisha ramadaan, oo cudur daar buu leeyahay,
laakiin intii maalmood ee uu cunay in le’eg buu soo qalaynayaa, sida uu ilaahay
aayada quraanka ah ku yidhi “Qofka buka ama socdaal ah ramadaan dhexdeeda wuu
iska afurayaa, kadibna maalmo intii leeg buu soo qalaynayaa”, (Al-Baqra No.184)
haddaba haddii uu shaki ka galo inta maalmood ee ay ahayd ma toban bay ahayd
mise shan bay ahayd? Waxa uu qaadanayaa tirada bilaa shakiga ah ee tobanka ah
iyada oo uu dedaalayo kolayba shayga yaqiinta ah ayuu raacayaa oo nabigu wuxuu
yidhi “waxa aad ka tagtaa wixii ku shaki galinaya oo shayga shakiga ah iska
dhaaf oo waxaad raacda ka yaqiinta ah” (Tirmidi No.2518 kitaabka sifada
qiyaamaha iyo Nasaa’I, waxa saxiixiyay Albaani kitaabka irwaaga No.12 ama 3074)
matalan qofku hadduu isagoo salaadii ku jira uu yidhaa ma laba ayaad tukatay
mise saddex labada ayuu raacayaa dabeeto intii u hadhayna wuu la imanayaa
sujuudu sahwina wuu la imanayaa sidaas oo kale soonkii haddii uu shakiyay oo uu
is yidhi ma shan baa lagugu lahaa mise toban, ha qaato tobanka iyo dhinaca
dedaalka badan, shakigana qofku ha ka saaro meesha sidaasaa sidaas ayaanu ku
bari noqonayaa, sidaasuu markaa qalihii kaga bari noqon karayaa.
Alaahu aclam.
Alaahu aclam.
No comments:
Post a Comment