Hoggaaminta iyo
hoggaamiyaha marka la eego Soomaalida
waxaa ka taagan su’aalo ciidda kabadan, hayeeshee in yar ayaa jawaab loo hayaa,
inta badan oo ah inta aan jawaab loo hayn qolo weliba waxa ay kusoo koobtaa
hebel ayaa hoggaamiye ah, iyada oo salka
iyo halka lagu saleynayaa tahay jacaylka qabyaaladda ku dhisan ee qof kaas loo
hayo, taas oo muddo gaaban kadib soo afjaranta,
marka uu qof kii la siiyey hoggaamintu uu tijaabo galo oo weliba lagu
miisamo habka qabyaaladda oo markan reero ku dhisan, reerkii uu siiyo xil iyo
xoolo agtooda waa ka ammaanan yahay, reerkii uu ka gaabiyana waxa ay saarayaan
miisaankooda oo kusoo saari doona nacas iyo nin aan waxtar lahayn, dhammaan
habkan wax lagu qiimeynayo iyo sidii loo soo saarayba waxa ay ku dhisan yihiin
waxyaabo aan sina u mudnayn in qof lagu qiimeyo.
Dhowaan Kismaayo waxaa
looga dhawaaqay maamul iyo madaxweyne, waxaase arintii oof wareen ku noqday
madaxweynayaal kale oo iyana lagu
dhawaaqay, halkaasna waxaa ka soo baxay halhayska reer ba’ow yaa ku leh?, wixii oo dhanna waxaa isku fuuqsaday dagaalka
iyo gacan ka hadalka oo sii calwiyey kariskii xumaaye nafta la bidayey, ceeb
kale waxaa ku kordhiyey maamullo kale oo horay u dhismay, kuwaas oo damcay in ay taageeraan, taasoo keentay in
lasaaro miisaankii inta magaca Soomaalidu jirtayba wax lagu qaybsan jiray
welina ay ka degi la’ dahay Soomaalidu, si gaar ah Madaxweynaha maamul
goboleedka Puntland ayaa u soo muuqday inuu dhaqan gelinayo caymiskii
Soomaalidu markay dan leeyihiin ay ku adeegan jireen ee ahaa “ Waryaa Tol ah”,
taasina waxa ay sii wiiqday haybaddii iyo wax kasoo qaadkii dadaalkii dheeraa
ee Axmed Maadoobe uu ugu jiray sidii uu u hanan lahaa Jubbooyinka, isaga oo
heli kara inuu gar-sheegto oo bareerihiisa caddeysto iyo inuu Alshabaab oo ah
cadowga dhammaan kuwa meesha isku haya oo ay Kenyaanku ku jiraan inuu u babac
dhigay isaga iyo inta la socotaana ay mudan yihiin haddii loo baahdo doorasho
la’aan in layiraahdo gaarsiiya doorasho iyo heer la isku filnaan karo, ayuu ka leexday jidkaas oo maray dariiqii
qodxaha badnaa ee uu aad u yaryahay qof maray oo nabad gala.
Waxaa iyana arrinta qar
iyo jar dheer ka riday kuwo aan xitaa waxa indhahoodu arkayaan aanay
maskaxdoodu fahmin oo kunool qurbaha, labo hotel oo isku xaafad ah ayay kooxiba
mid kireysatay si ay u muujiso taageerada madaxweynaha ay la dhacsan tahay ee
Jubbooyinka, taasina waxa ay sii iftiimisay sida Soomaalida la sheego in ay
waxbarteen ee qurbaha kunooli ay ugu jilicsan yihiin xannuunka qabyaaladda, tusaale
koox Soomaali ah ayaa casuuntay telfishinada Afsoomaaliga ku hadla si ay u soo
bandhigaan taageerada ay u hayaan maamulka Axmed Madoobe, markii ay xafladdii
dhammaatay ayaa waxa isla telefishinadii soo casuumay koox kale oo taageereysa Gaashaanle Sare Barre Hiiraale, ka dar oo
dibi dhal!! kaan u dhigtayba maaha!!, Waxaa laga sheegay nin ugaarsade ah oo
dabinkii uu is lahaa ku ugaarso Sagaaro uu waraabe ugu dhacay,
Habdhaqanka dadkaas
Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool badankoodu
waxa uu muujinayaa in qofka jooga dalka ee weligii kunoolaa meel qabyaaladdu
tahay halbeegga wax waliba uu uga sii adag yahay ku dhaqqankeeda kan qurbe
–jogga a ee indhihiisu arkayaan habab ka duwa qabyaaladda oo wax laguu
qiimeeyo, haddii ay taasi sax tahayna waxa aan u baahan nahay inaan odayaasha
iyo xeerbeegta u dhiibno talada tin iyo ciriba kadibna aan noqono beelo beelo
iyo deegaan deegaan sidii ay ahayd xilligii gumeysiga iyo ka hor magaalooyinka,
maxaa yeelay iyaga ayaa garanaya sida qabyaaladda loogu dhaqmo, loogu dodo, loogu
noolaado iyada oo aan loo baahnayn qof haysta shahaado jaamacadeed oo misana
doonaya inuu wax ku miisaamo halbeegga qabyaaladda.
Markii aan arkay
Madaxweynaha Puntland, Raisalwasarihii hore e Soomaaliya C/weli Maxamed Cali,
prof. Gaandi iyo qaar kaloo badan oo sida maqlay haysta shahaadooyin sare waxa
aan garowsaday in haddiiba dhammaan raggan oo aan u haysto hormuud ummadeed ay
sidan u yeelayaan qabyaalad iyo gacan sii qabiilkaaga gar iyo gardarraba in
aanay Soomaalidu u baahneyn wax la yiraahdo aqoon yahan iyo qof ka baxay
jaamacad ee oo keli ah aan u baahanahay odayaal dhaqameedyo garta noo
gala, Culimo diinta taqaan oo si nabad ah noo barta iyo inaan kaba guurno
magaalooyinka oo aan xoolaha iyo beera qodashada ku noqono.
Haddaba jubbooyinku waa
jarribaadda siyaasi socod barad ku ah siyaasadda oo maanta hoggaaminaya dowlad
leh fursado iyo galaangal aanay helin dowladihii la ayniga ahaa ee dalka
Soomaray, waan hubaa in ay muuqdaan waxyaabo muujinaya inuu hordhicii
jarribaadda Jubbooyinka uu uga jawaabay
Madaxwenuhu si uusan ku heli doonin darejo iyo dhibco ku filan inuu ka gudbo
jarribaaddan.
Xasan Sheekh Maxamuud
waxaa laga filayey inuu si xariifnimo ah u furi doono halxiraalaha Jubbooyinka,
hayeeshee waxaa muuqata inuu kudul fakarayo miiska iyada oo saacadda
imtixaankuna aanay taas saamaxeynin, waxaa sidaas oo kale u muuqda wasiirada
arimaha gudaha iyo gaashaan dhigga oo meesha aan ka muujin wax aan ka ahayn
Meeshi waan tegey waxna kama tarin waawaxkumataal.
Oday Soomaaliyeed oo
reer Burco ah ayaa iiga sheekeeyey talo xumo reer ku dhacday, oo odaygii reerku
kusoo baxay kadibna markuu xalliyey ay beeshiisii ku caana-shubteen,iyaga oo u
doortay nabadoonka beesha, waxa ay ahayd:
Bartamihii qarnigii
tegey ayaa oday reer mudug ah waxaa la weydiistay inantiisii oo markaas
gayaankeedu u soo baxay, isaga oo aan ka labalabayn ayuu reerkii u soo geed
faariistay inantiisa (Gabadhiisa) si xarrago leh u siiyey, markii gabbaatigii
iyo yardo wixii lakala qaadan lahaa lakala qaatay ayaa la Alle tuugay oo
kadibna la kala dareeray,waxa ay ahayd xilli aanay Caadadu ogoleyn in udub la
taago oo reer la dhisee inta raggii ay howsha reerka cusubi u tiil ballamay
ayaa la kala tegey, muddo bil ka yar ayaa ninkii lagu mehriyey inantu damcay
inuu inta iska ildhowro reerka iyo cidda uu la xididayba uu Xaaskiisa si qarsoodi ah ula kulmo oo la
sheekeysto inta ay hayso howsha illaalinta xoolaha, waa ay u suuragashay
hayeeshee sidii uu rabay ayuu ka waayey, kadibna isma waanine waxa uu damcay
inuu xoog ku muquuniyo, taasina ma dhicin oo waxaa qayladii kusoo baxay gabadha
hooyadeed, meeshaasna ceeb iyo yaxyax ayuu ninkii hoy u noqday, odaygii reerka
ayaa warkii loo tebiyey, waxa uuna weydistay in wiilka oo reero u dhow marti u
ah loogu yeero, rag uu dhalay ayuu ku amray in aqal weyn loo dhiso, dumarkiina
waxa uu ku wargeliyey in ay 3 ama 4 neef ka soo xulaan xoolaha kadibna dhegta
dhiigga loo daro, sidii ayaa la yeelay, ninkii ceebta awgeed cido kale ugu
martiyeyna waa lakeenay, odaygii oo aqalkii loo dhisay hilibkii iyo cunto
kalana loo karinayo ayaa waxaa u yimid rag ay isku degaan ahaayeen oo wixii
dhacay galabta ogaa, waxa ay weydiiyeen waxa reerka ku cusub oo loo wanqalayo,
waxa uuna yiri halhays ka haray oo sababay in isagana la duubo oo loo doorto
caaqilka beesha kaas oo ah:
Wiilkeyga hal baa
dhaaftay, waxa aay ahayd waa xilihisiiye in haddii ay diidday uusan dirqin, ee
uu guri la sugo, Xaaskeeygana hal baa
dhaaftay, waxa ay ahayd mar hadii ay yihiin nin iyo afadii inaanay waxba ku
darsanoo ka gaabsato, Inanteydana hal baa dhaaftay,waxa ayahayd in waa
xilaheediiye ay hagaajisoo aan qaylo yeerin,
anigase midi I dhaafi meysee aqalkaa
ii dhisa, oo inanteydu caawaba ninkeda halla aqalgaso.
Si taas la mid ah
dowladda gaar ahaan madaxweynaha mid baa dhaaftay, waxa ay ahayd inuu ninka soo
jabhadeeyey ee sanadaha badan duurka ugu jiray sidii uu madaxtinimada Kismaayo
ula hoyan lahaa uu u horseedo si nabad ah, oo uu qudhiisu inta waxa aan macnaha
badan lahayn iyo hadalada ka fog siyaasadda
meel iska dhigo oo kaashaado Raisalwasaaraha iyo waxgaaradkaa Kismaayo
ka dhaadhiciyo ugu yaraan in maamulka kumeelgaarka ah la siiyo xilli kufilan
inuu ku diyaariyo dhismaha Jubbaland, isaga oo tixraaaya sida wa loo qaybsado
iyo sda wax loo kala qaato marka lajoogo Jubbooyinka.
Axmed Madoobe mid baa
dhaaftay,waxa ay ahayd diin iyo Culimo
nimaa loogu yeeraaye inuu inta is dejiyo oo sii hayo maamulka meel ku gaar ah
uu abaabulo dadka ku nool Jubbooyinka si
garsoor iyo deeqsinimo leh, kadibna aqoonsado inta wax u ogol iyo inta wax u
diiddan si uu kuwa ogolna u sii haysto kuwa diidana ula hadlo iyada oo aan
qayladu dibaddaba u soo bixin, markaas kadibna ula yimaado dowladda Xamar qorshe qayaxan oo si cad u qeexaya waxa
uu doonayo, waa hubaal inaan dadka oo dhan aan la raalli gelin Karin hayeeshee
ugu yaraan waxa uu heli lahaa taageerada
dadka kunool Jubbooyinka 70%
Kor-joogtada kale sida
Madaxweyne C/raxmaan Sheekh Maxamed mid
baa dhaaftay, waxa ay ahayd inuusan sidii qof
maqaaxi fadhiya oo kale u hadline u muuqdo sida maamul qaangaar ah, oo
haya tusaale ku dayasho mudan, aad ayay u ahayd siyaasad qarriban inuu inta
tago Nairobi uu hoos fariisto Kenyaata si uu ugu caawiyo raabitaankiisa, waxa
uu hilmaamay inuu madax kayahay maamul muddo jirayoo Puntland la yiraahdo kaas
oo haddii daacadnimo jirto ciyaari kara kaalin mug leh, sida haddii lawada
hadlayo ama wax la bedelayo, waxaa muuqatay inuusan haysan kalsooni uu inta
Xamar uga dego halka uu Nairobi ka degey uu si cad ugu sheego dowladda waxa uu
doonayo.
Xildhibaanada,
Qurbe-joogta iyo dadka siyaasadda ee Kismaayana waxaa dhaaftay in ay sahmiyaan
meesha wax u socdaan kadibna ay inta aan wax lagu dhawaaqinba la yimaadaan waxa
ay kubiirinayaan habka maamul sameynta.
Hadda oo xeero iyo
fandhaal kala dheceen weli waxaa jira fursado xal lagu horseedi karo oo ay kamid
tahay:
(B) Tan hore
in Axmed Madoobe dib u noqdo oo dadka qaylinaya iyo kuwa dagaalamaya ama
madaxtinimada sheeganaya uu la hadlo oo isku dayo inuu wax ka dhaadhicin karo
illeyn dad dhaxal isku haysta lama yiraahdo maxaad isku tihiine, si taasi u hirgashana
waxa habboon in meesha laga saaro 3 arimood oo fure iyo faraqabsi u ah dib u
sixidda waxa qaldamay.
1. Dacaayadda iyo
hubsiimo la’aanta sida hadalka aan miisaanka lahayne caradu keento sida kii uu
ku hadlayey C/naasir Seeraar
2. Danaha iyo damaca dadka
aan Soomaalidaba ahayn ee ka guuxaya dadka qaarki
3. Is mahadinta iyo
adigaa dadka wax dheer oo kumanyaal nafood mar hore halligtay.
(T) Dowladda oo si maan
iyo maskax furan u fahamta xaalka, oo si mas’uuliyad leh arinta faraha ula
gasha, halka uu madaxweynuhu ka leeyhay inta hadba shir ka hadlo: Walaalayaal
waxa kasoo socda Kismaayo waan sii sheegnay, waa kuwaas wixii aan ka digeynay,
tani waa mas’uuliyadda xxukuumaddiisa in
ay la timaaddo wax cad oo aan ahayn diidmo,Hoggaamiyuhu waxa uu hayaa dalka oo
ka dhigan laastiig ama cinjir, waa inuu u kala jiido si xirfad leh oo horumarin
iyo hagaajin ku wado, haduuse iska jiido oo ka dhigan inuu iska yiraahdo wixii
ku soo dhaca ama qato go’aan kii uu doono,
cinjirkaasi waa uu go’I doonaa kadibna isu kabkiisa ayaa dhibaato kaweyn
tan haysata la iman doona, waxa aad mooddaa in dowladdu cid aan loo jeedin u
jawaabeyso ama iska riixeyso, dalka,
dadka iyo diinta ayaa loo xilaaray, taas waa in ay fahamto oo inta wax qeexan
la timaad oo aragto xaalka ciyaarto kaalinteeda.
(J) Beelaha kunool Jubooyinka oo caqliga ka
shaqeysiiya, gaar ahaan odayaasha iyo kuwo jecel jiritaanka magaca
Soomaalinimada, si ay uga gudbaan xaalad adag oo qofkii ama kooxdii keenta
xirfad badbaadisa arintan marugsan uu ku jiri doono maskaxda iyo maanka
Soomaalida.
(X) Warbaahinta oo iska
tuurta hadalka qof waliba oo dab ku shidaya arinta sida cid waliba oo ka tirsan
dowladda Kenya xitaa haddii ay Soomaali tahay, sababta oo ah marba hadddii ay
gacansiinayaan koox gooni ah waxa ay ka caryesiinayaan koox kale.
(KH) Dhammaan dadka
isku haya Jubbooyinka ee Soomaalida ah oo runta iyo lama dhaafaanka u
daadega, qabiil keligi qaran noqonayaa
ma jiro, cid ka maaranta dadka la deriska ahna ma jirto, welina lama arag
qabiil meesha ka saaray ama ka taqalusay qabiil kale oo a is hayeen.
(D) Dadka deggan
Jubbooyinku iyagaa is huran, dhibku isku si ayuu u taabanayaa, dheefta kasoo
baxdana iyaga ayaa ugu horreeya cid ka faaiideysata, sidaa daraadeed inta laga
tallaabayo xaaladdan adag dadku waa reer Jubba, dhulkuna waa Jubboyinka.
(R) Dadka u soo dhabar adaygay in Alshabaab
laga saaro goboladaas iyo gobolada kalaba Sida Galgaduud, Hiiraan iyo Bay waxa ay mudan yihiin in loogu yeero
Geesiyaal qaran, marka aad joogto Hargeysa haddii aad dooneyso in lagu yiraahdo
mujaahid ama wax lamid ah waa inaad sheegataa inaad ka mid ahayd jabhaddii
dhaqdhaqaaqa qaranimada Soomaaliyeed ee SNM
Gunaanad
Wixii gef iyo meel ka
dhac ah wax hagaaji mooyee wax xumeey marna ma aha qorshaheyga.
W/Q:Axmed Ciise
Guutaale
No comments:
Post a Comment