Ilaahay ayay mahadi u sugnaatay; Allaha
aadamaha uu abuuray wax badan oo gaf ah oo ay sameeyaan ka saamaxa; Allaha
Qur’aankiisa innagu baraya waxa iscafintu tahay iyo sida la innaga rabo in aan
isu saamaxno ayaa mahad oo dhami u sugnaatay. Ammaan iyo nabadgelyo korkiisa ha
ahaato Nabigeennii Muxammad oo ah xiddiggeenna hab-dhaqanka wanaagsan. Waxa
axaadiista la inoogu soo wariyey in aanu waligii naftiisa u aargoosan; waxbuu
cafin jiray….haa, waa hab-dhaqan uu hormood innoogu yahay oo ay tahay inaan
kaga dayanno.
Aayadaha tirsigoodu yahay 133-134 ee Suuradda Aala Cimraan, waxa uu Ilaahay ku leeyahay: “U dheereeya danbi-dhaaf xagga Rabbigiin ka ahaaday iyo janno ballaceedu yahay ballaca cirka iyo dhulka oo loo diyaariyay kuwa Alle ka cabsada, waa kuwa wax (sadaqada) bixiya wakhtiga badhaadhaha iyo wakhtiga adagba, ee cadhada qarsada dadkana saamaxa/cafiya, Ilaahay wuu jecelyahay samafalayaasha.” Qur’aanku waxa uu inna farayaa in aan iska saamaxno cid kasta oo innagu gafta xattaa dadka aynu aadka isugu dhawnahay sida lamaanaha, caruurta IWM.
Marka laga yimaaddo fadliga uu leeyahay cafisku, diraasaadka ay cilmibaadhayaasha bulshadu sameeyaan maalin kasta waxa ay ogaadaan wax cusub, sida in la ogaado waxyaabaha dawada u ah nafta iyo maskaxda. Waxa layaab ah in la ogaaday in dadka ugu farxadda badan ee ugu xasillooni ay yihiin kuwa cafiska badan iyadoo waliba xaanuunnada cafisku dawada ka yahay ay ku jiraan kuwa wadnaha ku dhaca iyo dhiig-karku. Dhinaca kale waxa ay diraasaduhu sheegayaan in cafisku sabab u noqdo in qofku yeesho arimahan:
1) awood hal-abuurnimo oo dheeraad ah,
2) cimri-dherer,
3) Ka hortagga riyooyinka argagaxa leh iyo
4) Ka badbaadidda daal, warwar badan iyo fikir aargoosi ah.
Haddaba, maadaama aynu ku jirno bishii
Ramadaan oo aynu soomannahay waxa aynu haysannaa fursaddii ugu wanaagsanayd ee
aynu wax cafin lahayn sidoo kalena aynu Alle waydiisan lahayn in uu inna
cafiyo. Caasha (hooyadii Mu’miniinta), Ilaahay haka raali noqdee, ayaa
Rasuulkeenna waydiisay: haddii aan haleelo habeenka Laylatul Qadri, maxaan ku
ducaystaa? Rasuulku waxa uu ku yidhi: waxa aad tidhaahdaa “Ilaahayaw waxa aad
tahay mid dhaafitaan (cafis) badan waanad jeceshahay cafiska ee i cafi.”
Xadiiskan waxa ku cad in cafiska ama saamaxaaddu yahay wax Ilaahay jecelyahay
sababna u ah in qofku uu Ilaahay cafis kaga helo.
Waxa hubaal ah, in marar badan ay dhicikarto in adigoo doonaya inaad qof saamaxdo haddana aad naftaada xakamaynkariwaydo, mar walbana aad dib u xasuusato wixii qofku kugu sameeyay, waa ta keenaysa adigoo qof cafiyay in haddana markaad aragtoba aad odhanayso “qofkaasi wuxuu maalintaa igu sameeyay haddaad ogtihiin…..” adigoo dib uga sheekaynaya gafkii uu kaa galay. Waxa suurogal ah in qofku jecelyahay in uu qofkaa kale iska saamaxo balse haddana farsamadiisii wax ka khaldanyihiin!
Culimada bulshada (sociologists), waxa ay ka hadlaan wax la yidhaahdo xidhiidhka bulshada “social relationship”, waa marka ay bulshada iyo sida ay isu dhexgasho diraasaynayaan. Xidhiidhka bulshadu wada yeelataa waxa uu ka bilaabmaa qoyska oo ah lamaanaha, kadib caruurta, kadib qaraabada, kadib saaxiibada dhaw ilaa bulshada oo dhan laga gaadhayo. Bulshadu waa qoysas isu tagay. Xidhiidhka wada noolaansho ee qoyska ayaa saldhig u ah xidhiidhka bulsheed. Wada noolaanshaha iyo tacaamulka lamaanaha qoyska ayaa halbeeg u ah wada noolaanshaha iyo xidhiidhka bulsheed. Xirfadaha sahla wada noolaanshaha lamaanaha ayaa sidoo kale loo adeegsankaraa xidhiidhka wanaagsan ee bulshada. Si arrintan aynu usii bayaaminno bal u fiirso Xadiiskan. Nabigeennu S.C.W. waxa uu yidhi: “mu’minku yaanu colaadinin mu’minad (dhaqankeeda darteed), haddii dhaqan uu ku naco waxa uu raalli kaga noqonkaraa dhaqan kale.”
Xadiiskan kor ku xusani waxa uu innaga caawin karaa in cafis dhamaystiran aynu samaynno. Waxa aan halbeeg uga dhigikarnaa qof kasta oo aynu rabno in aynu iska cafino. Tusaale ahaan, haddii saaxiibkaa kugu sameeyo arrin aan kuu cuntamin isla markaana aad ka cadhooto, isla markaana aad danaynayso inaad saamaxdo, eeg muxuu ku fiicanyahay. Wuu i aflagaadeeyey laakiin waa qof gartiisa qaata, waa qof niyad wanaagsan, wuu run-sheeg badanyahay. Ogaw, haddii falka uu qofku kugu sameeyay oo kali ahi kuu muuqdo oo aad maskaxda ku mashquuliso, waa ta sababaysa in adigoo sheegay inaad cafiday haddana mar kasta oo aad aragto ama lagu xasuusiyo aad u odhanayso maalin ayuu waxaa igu sameeyay.
Isa saamaxu waa mid dhamaystirmaya marka aad xadiiskaa kore ku salayso. Waa xadiis ka hadlaya dhismaha qoyska balse lagu dabbaqikaro bulshadana, waayo sidaan hore usoo sheegay bulshadu waa qoysas isu tagay. Si aad qofka si kama danbays ah ugu cafido ajarna u hesho noloshaaduna u wanaagsanaato qiimee qofku haba kugu gafee muxuu ku wanaagsanyahay; maxaad kaga raalli noqonkartaa?
“Ilaahayaw waxa aad tahay mid dhaafitaan badan waanad jeceshahay dhaafitaanka/cafiska ee na saamax.”
Wa bilaahi tawfiiq.
Prof. Cabdiraxmaan Xasan Nuur
Hargeisa, Somaliland.
No comments:
Post a Comment