Inta aanan guda galin nuxurka qoraalkayga aan
ku bilaabo qodobka 23aad farqadiisa 3aad ee dastuurka jamuuriyada Somaliland
waxa aanu dhigayaa sidan (Muwaadiniintu waxay xor u yihiin in ay isu habeeyaan
ururro siyaasadeed, cilmiyeed, dhaqameed, bulsheed, xirfadeed, ama kuwa
shaqaale si waafaqsan xeerka ) waxa aan ugu soo horaysiiyey qodobkaa dadka
manta isku haya golaha tallo bixinta iyo toosinta ee madaxa bananan ma
sharcibaa mise waa sharci daro oo dastuurku muu jidayn?
Sida qodobkaa idiinka
muuqata muwaadiniintu waxay xor u leeyihiin inay isku habeeyaan ururo
siyaasadeed waxana jideeyey oo banaynaya in la furto dastuurka qaranka Somaliland,
qofkasta oo shaki ka qabaana waxa uu ka eegi karaa dastuurka , sida uu u
ogolaaday dastuurku in la furo ururada aan dowliga ahayn ee madaxa banan ee
dhamaantood ka hawl gala dalka ayuu u ogolaanayaa inay muwaadiniintu isku
habeeyaan ururo siyaasadeed, hadii kale ururada kale ee iyana madaxa banan waa in la
mamnuucaa ilayn qodobkan baneeyey in ururo siyaasadeed la furo ayuun baa
baneeyey in ururo xirfadeed ,dhaqameed,cilmiyeed ba la furee.
Haddaba, dalka waxa ka reeban ururkasta oo ka
hor imanayaa dastuurka iyo maslaxada dalka somaliland sida uu sheegayo isla qodobkaa 23aad
farqadiisa 4aad oo ah sidan (Waxaa reebban urur kasta oo leh ujeeddooyin lid ku
ah danaha ummadda ama qarsoodi ah ama Ieh qaab ciidan ama hubaysan amaba kuwa
kale ee khilaafsan xeerka weji kasta ha lahaadaane).
Waxyaabaha ka reeban dhamaan ururda aynu kor ku
soo sheegnay waxa iyana inoo iftiimiyey isla dastuurka jamuuriyada Somaliland
bal hadaba aynu ku qiyaasno golahan cusub ee madaxa bannaan:
1. Waxa ka reebanaa ururkasta oo leh ujeedooyin
lid ku ah danaha umada ama qarsoon. Haddaba,
golahani inamuu tusin ujeedooyin qarsoon ee waxa uu inoo soo bandhigay
si waadax ah oo bulshadu ka wada
dharagsan tahay 16 qodob oo ah ujeedooyinkii loo aasaasay golahan cusub . mana
aha ujeedooyin qarsoon ee waa kuwaa bulshada u soo bandhigeen ujeedooyinkii loo
aasaasay.
2. Waxa kale oo ka reebanaa ururada urur kasta
oo leh qaab ciidan ama hubaysan, dhamaan waxa aynu ka arkaynay warbaahinta in
ay odayaashu iska fadhiyeen kuraasta dushooda hadii laga tagi waayana warqado
iyo mobile ayey siteen.
3. Waxa kale oo ka reebanaa urur kasta oo
khilaafsan xeerka waji kasta oo ay leeyhiin, in aanay xeerka iyo dastuurka ka
hor imanayna waxa waxa inoo sheegayba qodobkii 23aad farqadiisii 3aad ee aynu
kor ku soo xusnay.
Mar hadii aanay sharci daro ahayn in urur
siyaasadeed madax banan la furtaa su,aasha meesha ku jirtaa waxa weeyi kalmada
la khalad fahmay ee GOLE hadii aynu eegno kalmada gole marka hore dastuurku
umuu kali yeelin baarlamaanka , mana uu reebin isticmaalkiisa . mar hadiina
aanu cidna u gaar yeelin dastuurku waxba kuma jabna in la isticmaalo , gole waa
kalmad ka soo jeeda dhaqankeenii soo jireenka ahaa waana madal kulmisa oo ay ku
bahoobeen bulshada inta isku fikirka ama xirfada wadaagta , ama dan wadaagta
ahi , ku kulmaan , kalmada gole waxa ay la mid tahay erayada kale ee GUDI
,URUR,DALAD,HAAYAD oo dhamaantood sheegaya madal dad isku afkaara kulmisa,
kalmadahaasi waxa ay kaga duwan yihiin marka ay isticmaalayso dawladu waxa ay
leeyihiin digreeto lagu magacaabayo iyo ansixin baarlamaan, Golayaasha sharciga
waxa qeexay oo sheegay dastuurka waxana loola jeedaa saddexda gole ee kala ah
golaha deegaanka, golaha wakiilada, iyo golaha guurtida waajibaadkooda iyo
shaqadooda waxa qeexay dastuurka ,waana golayaal sharci oo la soo doortay cid
kasta oo shaqadooda ku doonatana waxa ay ka hor imanaysa dastuurka dalka.
Hadaba golahan cusubi maaha mid la soo doortay
ee waa muwaadin isku tagay sida ay iyaguba sheegeen maahana gole sharci ah oo
doorasho galaya , laakiin waxa ay gudanayaan waajib dastuuriya . maadaamo
dastuurku muwaadiniinta waajib kaga dhigay adkaynta midnimada umada ,ilaalinta
jiritaanka qaranimada iyo difaaca dalka iyo diinta sida uu dhigayo qodobka
34aad farqadiisa 1aad ayey muwaadiniintani iyagoo dhowraya dastuurka Somaliland
ee ku waajibiyeybadbaadinta qaranimada iyo ilaalinta midnimada
umada ayey ku dhawaaqeen golahan aan dastuurka ka hor imanayn, iyagoo ka baqaya
ciqaabta ka dhalan karta gudasha la,aanta waajibka uu dastuurku ku waajibiyey
ee uu sheegayo qodobka 34aad farqadiisa 5aad .
Inaga oo ogsoon in nidaamka siyaasadeed ee
dalka ay saldhig u tahay nabadda , talo-wadaag,dimuqraadiyad iyo hanaanka
xisbiyada badan . sida uu dhigayo qodobka 9aad farqadiisa 1aad ee dastuurka
Somaliland . in kasta oo aanu ahayn xisbi sharciya , hadana golahani waxa ay
isku sheegeen golaha toosinta iyo talo bixinta madaxa banan in talo la
wadaagana oo la is toosiyana waxa inoo sheegay qodobkaa 9aad ee sharxayey
nidaamka siyaasadeed ee dalka.
Waxa aan ku soo gababaynayaa qoraalkaygan
kooban waxa halkaa inooga muuqda in aanay jirin oo ay waxba kama jiraan tahay
aragtida odhanaysa waa sharci daro golahan madaxa banan,goluhuna waa gole
siyaasadeed ee yaan laga shakiyin kalmada GOLE ee ay muwadiniintu isticmaaleen
. maaha gole sharciya ee waa gole madax banaan sida ururada iyo daladaha madaxa
banana ee dalka ka jira oo kale.
Sharciguna sidiisaba waa in uu wax ku BANEEYAA
ama ku DIIDAA wixii labadaa ka soo hadha
hadii aan lagu xusin ama qorin banayntiisa ama
diidmadiisa ma jirto sabab uu sharcigu uga daba yimaado wax aan lagu xusin ama
qorin markii la samaynayey. Waayo marka hore ee la samaynayey ayey ahayd inuu
diido ama ogolaado ama cid/shay u gaar yeelo TUSAALE:- hadii uu sharcigu wado
maristu inoo diido in aynu marno Wadada ZY waxa aynu noqonaydaa sharci jabiyaal
marka aynu marno wadada ZY . laakiin hadaan lagu qorin sharciga wado marista ha
marina wadada ZY ma jiro wax ii diidaya inaan maraa . sidaas ayuun bay la mid
tahay kalmada gole kol hadaanu xeerku u gaar yeelin cid gaara.
RAMADAAN KARIIM
Cabdiqaadir Sh. Maxamuud Muxumed
Cabdi_sheekh666@hotmail.com
Hargeisa, Somaliland.
No comments:
Post a Comment