" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Durraamasho: W.C: Barkhad M. Kaariye

Saturday, July 20, 2013

Durraamasho: W.C: Barkhad M. Kaariye


Allahayoow adigaa Daa’inoo, uumay dunidoo dhan,
Dulqaad-weyne Rabboow adaan, daalin abidkaaye,
Adigaan deddoon oon huradadu, abid ku daarayne,
Adaan ubad la daadahshiyo lahayn, waalid kugu daalay,
Adigaan dalluun iyo iil gun dheer,  kugu daboolmayne,
Duni hore, hadday dunidan tahay iyo daarta aakhriba,
Dadka oo dhami markay tagaan, adaa Daa’inoo jira’e,
Wax dahsoon, wax dahaadhan iyo waxa daleel yaalla,
Adigaa wada daalacda, oon abid dakaamayne,
Adigaan dagaagmayn abid, dalawna kaa dheeryay,
Dukaamada la sheegtiyo Diinaar iyo dahab wixii yaalla,
Adigaan dayn iyo u baahnayn, Doollar iyo Liire,
Deeq-bixiye iyo qani adigaa ah, door kaystooy tahaye,
Ducafaa baanu nahay, danyariyo masaakiine,
Ducada naga ajiib Alloow, dalabkiyo waxaan rabo.


Deegaanka hoosiyo barsakha, iilka dalqadiisa,
Dariiqa siraadkiyo markay, daran tahee aawan,
Dadyowga qaarkii markuu, dabar’guu hoogo,
Jannaboo diyaar ahi markay, dubato eey shiisho,
Dijaalliyo shayaadiin markaad, laba diblaynayso,
Dilligaaga oo qudhi markuu jiree, dadkuu harraad-qabo,
Dallaallimo kuwaad uga dhigtee, deyrto naga yeel.
Dembigooda kuwaad dhaafto’ee, doonto naga yeel.
Wejigaaga kuwa daawadee, dooran naga yeel.
Dafac kuwaad ka dhawrta’ee, dooga naga yeel.

Imtixaan markuu daarmo’ee, Naftu durugto eey foofto,
Malaa’iig diyaar ahi markay, dalacdo eey qaaddo,
Danbaabudhada shaydaaniyo Alloow, daano naga baaji,
Darjiidhkiyo hilmaankaba Rabboow, aduu naga dugaashi,
Digrigaaga iyo allow nagu adkee, dabuub tii kheyr leh.
Xaqa kuwaan duudsiyin’ee, danyarta taageera,
Dalanbaabi kuwaan noqoninee, kheyrka ku dabbaasha,
Deel-qaaf kuwaad ka dhaafto’eed, derejo siinayso,
Dul-jallaali wal-ikraam adigu, aqbal ducadayda.

Dalabka ereyadaan taxiyo, deelka waxaan dhaafay,
Deeqloow adigaa ogsoon, duunka waxa jiifa,
Dul badane naga ajiib, doonistiyo kheyrka.

Curiye: Barkhad M. Kaariye

Hargeisa, Somaliland.

No comments: