" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Khatarta dawooyinka iyo waxyeelladooda! - W/Q: Ridwaan Mubaarik Cabdi

Sunday, July 14, 2013

Khatarta dawooyinka iyo waxyeelladooda! - W/Q: Ridwaan Mubaarik Cabdi

Waxaan naftayda iyo naftiinba la jeclaaday in aan idiin soo gubiyo qoraal gaaban oo aan isaga digayno waxyeelo aan u arkay in dhaxallkeedu yahay midho-xun laga dheefsan karro waxyeeladooda, taaso ay inoogu wacan tahay isticmaalka aan habooneyn ee ay da’yar badani yihiin kuwo u adeegsada dawooyinka qaar sifooyin akhaldan oo aan munaasib ku ahayn isticmaalkooda.
 

Dhibaatada jirta ayaa ah in dawooyinka qaar ay faceenu u qataan siyaabo kala duwan oo kabaxsan dariiqooyinkii saxda ahaa ay yihiin kuwo saameyn laxaad leh ku haysa saxadii caafimaad ee da’yar badan oo manta jeclaan lahaa in sidoodii hore ay ku soo noqdaan alle haku soo celiyee.
Ma xuma in naftaada aad saxadeeda ka taliso adigoo la tashanaya dhakhtar, mana ah wax dhib yar in aad horsed u ahaato waxyeelada xubnahaaga qaarkooda, laakinse waxa nasiib darro noqotay in aad tahay qof naftiisa aan ku kalsoonayan waayo hadaad kalsooni leedahay ismaad dhawaacdeen si aad u gaadho waxaad rabtay adigoo ay kaa daahan tahay waxyeelada aad isku geysanaysaa.
Aqoon daridu maaha adigoon waxba aqoon ee waa adigoo u haysta shay si aanu ahayn waayo waxaad rabtaa inaad raali geliso naftaada si aad u hesho xasilooni iyo jidh kaamil ah oo isku dhan, adigoo adeegsanaya dawooyin aan kugu habooneyn una adeegsanaya sifo aan habooneyn.
Intaynaan daawooyinkaa ugudo gelin waxaan si kooban irbad caradeed isaga iftiimin doonaa daawo iyo waxay tahay iyo laba qaybood ee asal ahaan ay yihiin dawooyinku intaa waxaan ka madhnaan doonin dhibta ay leeyihiin ku xad-gudubkoodu.
Waa maxay daawo?
Daawo waa isku tag kimikeed oo ka kooban qaad-dhismeed leh hadba xanuunkeenaha loo isticmalaya sida uu yahay iyo wajiga uu leeyahay taaso bedesha qaad difaaceedkii hab-dhiska difaaca jidhka.
Isbedelka ay daawadu abuurto ayaa noqon kara xalka keliya ee lagaga hortagi karo ama layskaga daaweyn karo xanuunada iyo waxa keenan, taasina waa mid isugu soo biyo-shubanaysa in shaqada daawadu ay noqoto laba arrimood mid uun oo kala ah;
1.      Mid loo isticmaalayo xanuun baabiye ahaan <Antipain>
2.      Mid loo isticmaalayo in lagu burburiyo xanuunkeenayaasha <Antibiotic>
 Hadaan si kooban u soo kala qaadano inagoo shaxar kooban midkiiba ka bixinayna
1.      1.         Mid loo isticmaalayo xanuun baabiye ahaan <Antipain>
Xanuun baaabiyuhu waa isku dhis kimikeed oo ka kooban 2-20 animo acid oo isku haysta dabaro kala duwan oo ka kooban hal ilaa afar dabaro iyagoo isku haysta qaad shabeg oo kale, Bakteeriyadan loo isticmaalo in laga sameeyo dawooyinka xanuun baabiyaha  ayaa ah mid daqad ahaan lagu tiriyo dabaqada Genus oo ah  astaan ay wadaagan bakteeriyada qaarkooda loona nisbeeyo in ay yihiin laan dheerayaasha bakteeriyada marka laga yimaado family< qoysaska  bakeeroyadu ka kooban tahay>
Waa daawooyin waxqabadkoodu yahay in loo isticmaalo xanuunada ka yimaada maxsuulada ka soo baxa hab dhiska shaqo ahaneed kuwaasoo ka dhasha fulinta shaqo gaar ahaneed ee ay qabtaan hab-dhiska –difaaca jidhku. Waxaan shaki ku jirin in xanuun kasta oo ku asiibaa uu yahay mid kugu abuura kaar iyo xumad kasoo baxda jidhka gebi ahaantiiba amaba meelo gaar ahba  taaso ay keento mudada ay difaaca jidhkeenu ku gudo jiraan ogaanshiyaha xanuunkeenaha iyo burburintiisa oo la soo daayo dheecano heegan lagu gelinaayo difaaca jidhka iyo kuwo xanuunkeenayaasha lagu dabar jaraayaba.
Qaab dhismeedka kimikeed ee ay ka kooban yihiin xanuun baabiyayaashu waa kuwo isku haysta qaad silsiladeed ahaan oo ay adag tahay sida logu soo kooba, lakinse ujeedadaydu waxay tahay in aan irbad carded ka iftiimiyo waxay yihiin xanuun baabiyayashu iyo in waxqabad koodu yahay mid inta badan loo isticmaalo kaar jabin siday shaqadoodu tahay. Kaar jabiyayasha waxa loo qaybiyaa dhawr nooc iyagoo loo eegayo hadba heerka ay taagan tahay xumado iyo nooca ay xumado tahay labadaba.
Isticmaalka xad-dhaafka ah ee kaar jabiyayashu waa kuwo abuura waxyeelooyin raad kaga taga xubnaheena qaarkood, waxaana caado noqtay in dadkeenu ay qabtimeen  dawooyinkan  sida daruuriyaadka oo kale, dawooyinka ugu badan ee aynu isticmaalnaa waa kuwo bar bilow ka ah inta badan xanuunada laga cawdo ee ku dhaca beerka iyo kelyaha.
Dawooyinkaasna waxa ka mid ah;
Paracetamol, Diclopar, Diclofanac.
Sedexdan kiniin ba waa kuwo loo isticmaalo kaar jabiyayaal, noocyo ka mid ah madax xanuunka, xubno garaaca iyo ilko xanuunka, isticmaalka joogtada ah ee xanuun biyayaashan ayaa ah mid raad kaga tagta xubnaheena, waxaaana ka mid ah;
ü  Isticmaalka xad-dhaafka ah ee dawooyinkani waa kuwo kordhiya dhaawaca ku imaada xubnaha dheecanka ee caloosha soona daaya dheecanada wax dheefshiida ee laga helo afka hore ee mindhicirka yar taasina ay keeni karto dhiig ku sameysma caloosha iyo mindhicirad dhexdooda.
ü  Inay dhawaac gaadhsiyaan xubnaha gaarka ah ee beerka iyo kelyaha, taaso laga yaabo inay ka dhalato sumow aan ka imanayn dhinaca daawada laakinse ay keenayso burburinta xaad-dhaafka ah ee daawda  iyadoo markasta loo isticmaalayo dheecanada wax dheefshiida ee afka qalaad lagu yidhaahdo loona soo gaabiyo  NAPQI<N-acetyl-p-benzoquinoneimine>
ü  Xanuun baabiyaashani waa kuwa ugu saameynta badan ee hawl gabka ka dhiga beerka taaso ay sababto abuurida suntan ka dhalata burbruinta dawooyinkan oo la yidhaahdo afka qalaad <Hepototoxicity> kaasoo ah sumowga ugu cansan ee sababa xanuunada ku dhaca beerka.
1.      2.       Mid loo isticmaalayo in lagu burburiyo xanuunkeenayaasha <Antibiotic>
Daawooyinkan loo yaqaano antibiotics ama antibacterial<lidka bakteeriyada> waa daawooyin loo isticmaalo in lagu daaweeyo cudurada ay keenana bakteeriyadu si loo xakameeyo cudurada ya keenayso ama loo dabar jaro sida xanuunada xabada, jabtida iyo TB.
Ka hor intaanay bakteeriyadani tarmin muujina wax astaamo ah waxa burburya habdhiska difaaceena laakinse hadii bakteeriyadani ka badato xadigeeedii hore ama la wada burburin kari-waayo waxa markaa loo baahanayaa kalkaaliyayaal lid bakteeriya ah oo kaaba hab dhiska difaaceena. Hadaba noocyada lidka bakteeriyada ayaa ah mid loo isticmaalo marxalado kala duwan iyadoo loo eegayo hadba nooca ya bakteeriyadu tahay, mudada ay qaadanayso in bakteeriyadaa la burburiyo iyo nooca xanuunka  ay keento.
Lidka bakteeriyadu waa dawooyin waxtarkoodu ka yar yahay faa’iidadooda hadii aanay jirin wax dhakhtar ah oo lala tashaday, hadaan ku dhaafno dawooyinka lidka bakteeriyada iyadoo uu adeegsigeedu uu yahay mid loo isticmaalo siyaabo badan oo aan lasoo koobi karayn waxa isweydiin muddan maxay yihiin waxyeeladoodu hadii la dhaafiyo ama lagu talax tago isticmaalkooda dhakhtar la’aan?
Hadaan si kooban ugu muujino waxyeeladooda shaxankan waxay tahay;
Abla-ablaynta lidka bakteeriya(antibiotics)
 
Noocyada lidka-bakteeriyada
Saameyntay geestaan
Penicillin
Penicillin, amoxicillin, amoxicillin-clavulanate, ampicillin, oxacillin iyo kuwo kaloo badan oo ka mid ah noocyadan antibiotic. 
 
Bog-xanuun, matag yilaalugo wata iyo xasaasiyad.
 
Cephalosporius
Cephalexine, ceftriaxone, cefuroxime, cefixime iyo kuwo kaloo badan oo ka tirsan noocyadan.
 
Shuban iyo noocyo ks mid ah xasaasiyada ku dhacda meelo kala duwan oo ka mid ah xubnaheena.
Amino glycosides
Gentamicine, tobramycin iyo kuwo kaloo badan oo ka tirsan noocyadan.
 
Sumowga kelyaha ku imaada, dhagaha oo ay ka lumo maqalku
Tetracycline
 
Tetracycline, doxycycline,   minocycline, iyo kuwo kaloo badan oo ka tirsan noocyadan.
 
Shuban, yilaaligo, bog-xanuun, beer sumow, iyo ilkaha oo ay ka lumaan dheehoodu.
 
Quinolones
Ciprofloxine <cipro>, levofloxacine, moxifloxacine, ofloxine.
 
 
Hurdo la’aan,  madax xanuun, iyo shuban.
Sulfonamide
Sulfamathoxazole, erythromycin, sulfadiazian
Hindhiso fara badan, shuban , madax xanuun.
 
 
 
 
 
Hadaba hadii radadkani ahaadaan kuwo ay sii jirto waxyeladoodu waxa ka dhasha;
ü  Isticmaalka lidka-bakteeriyada kuwooda loo yaqaano amoxicillin- clavulanate, ampicillin, iyo cefixime iyo kuwo lakaloo badan oo ka mid ah kooxdan waa dawooyin saameyntoodu noqoto in ay keenan shuban xadhaaf ah oo loo dhiman karo.
ü  Halka ay kuwo  kale oo ka mid ah dawooyinkan ay caawiyaan koritaanka iyo taranka bakteeriyada qaarkood oo khatar badan keentana noocyo kamid ah infakshan<infection> waxaana bakteeriyadaa afka qalaad loo aqanaa <Clostridium dificile>
ü  Dhinaca kale dawooyinkani waa kuwo saameyn ku yeesha macdanta dumarka , taasoo ugu danbeyn ay ku keento  infakshan<infection> ilaa inta ay joojinayso ama ay dhakhtar la tashanayso.
Hadaan inta ku soo gunaanadno labada qaybood ee daawooyinka intooda badan loo qaybiyo iyo waxyeeladooda, taas oo aan u arkay inay muhiin tahay in aan isaga digtaan waayo waxyeelada ku gaadhaa waa mid damqashadeedu markasta ay nagu mudan tahay.  Waxaan walaalahayga soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan uga digayaa isticmaalida dawooyinka aan habooneyn in loo isticmaalo sifooyin kale ama aanad kala tashay wax dhakhtar ah.
Waxa hubaal ah in dawooyinka qaarkood ee ay da’yar badani isticmalaan ay yihiin mid ay sii kordhayaan waxyeeladoodu  kuna wayeen shababnimadoodii , waana wax laga damqado oo saameynteedu inaga maqan tahay, dawooyinkan waxa ka mid ah daawada ugu isticmaal badan ee ay dhalinteenu isku naaxiso mar ka kaga yimaado big-power, 9 vitamin.
Daawadana  waxa la yidhaahdaa Dexamethasone ;
Waa isku dhis kimikeed  oo laga sameeyo dheecan laga soo tuujiyey qanjidho laga dul helo kelyaha dushooda ama xaadh yar oo dahaadh u ah qanjidhaka  kelida laga dul helo sida ay yidhaahdeen culimo ku xeel dheer shaybaadhka dawooyinka. Waa daawo loo isticmaalo in lagu daaweeyo xasaasiyad , noocyo kamid ah xiiqda iyo xanuuni kale , waana daawo ay ku jirto hurdo yar kana kooban dhawr dawooyin oo isku jira.
Hadaba maxay tahay raadaynta ay inagu hayso;
ü  In uu hawl gab noqdo hab-dhiska dheefshiidku waxaanu ugu danbeynta keena nabar ku saameysma caloosha.
ü  Isticmaalka xad-dhaafka ah ee dawooyinkani waxay keenan in ay yaraato qarada laftu leedahay taaso ugu danbeyn keena cudurada ku dhaca lafaha ee la yidhaahdo Osteoporosis.
ü  Waxay waxyeeleysaa nidaamka wax burburinta ee macdanaha , waxayna ugu danbeynta keentaa in ay kugu bataan macdanaha qaarkood sida milxda, calcium , potassium  jidhkeena kuna keeni karaan xanuuno aanu ugu dayacnaan karno sokorowga.
ü  Waxaa ka dhasha inay waxyeelaan  hab-dhaqanka nafsi ahaaneed , taaso ka dhalata cadaadis badan oo ay daawadu ku abuurto maskaxda iyo madax xanuun badan.
ü  Ugu danbeyntii waxay dawooyinkani sababan cadaadis ku imaada dareeraha isha iyo wareegooda. Waxaanay sababan caadka isha ku sameysma.
Guntii iyo gebo-gabadii waxaan qoraalkaygan gaaban kusoo af meerayaa qodobadan aan u arkay inay dhibaatooyinkan u noqon karaan;
ü  Iska ilaali inaad dawooyinka u isticmaasho si xad-dhaaf ah adigoon dhakhtar la tashan ama aanad aqoon u lahayn.
ü  Iska ilaali in aad  hubsiimo dari ku geyso daawo aanad garanayn wax loo isticmaalo adigoon ka dayaya ujeedooyin kale.
ü  Iska ilaali in aad la isticmaasho qof daawo  aan khuseyn xanuunkaaga ama marxaladaada caafimaad.
ü  Iska jir inaad jidhkaaga  ka dhigto mid la qabatimay daawooyinka waayo waxaad ka dhaxli kartaa dhibaatooyin aanad ka soo waaqsanayn.
ü  Ka digtoonow inaad noqoto qof u nugul daawooyinka waayo markasta shardi maah in aad isticmaasho daawooyin markaad xanuusato.
Tallada inta hadhay waxaan ugu tagayaa walalahayga qaaliga ah ee aan markasta sugayno fikirkooda waayo waxaa laga yabaa inaad iga cilmi badan tahay , iiga waayo-aragsan tahay ama aqoon dheeri ah aad u leedahay mawduucan aan ka hadlay waxyeeladiisa.
Allaa Mahad Leh…
 
 W/Q: Ridwaan Mubaarik Cabdi
 

No comments: