Maansadani
waxay ifka u soo baxday 17/07/2013, waxaanay ku saabsan tahay guud ahaan
caruurta dayacan ee Afrikaanka, gaar ahaan kuwa Soomaalida. Sababtoo ah, waxa
dhacda in Hay’ado badan oo magacyo kala duwan sitaa ay mashaariic badan ku
qaataan in caruurta dayacan ee Soomaalida iyo afrikada kaleba wax loo qabanayo,
ka dibna inta ay maalin u astaysteen ay xuska maalintaas uun ay kharash ku
bixiyaan Istiikarro (Calaamado) iyo hudheello xaflado lagu qabsado, iyaga oo da'yartii dayacnayd aan waxba loo qaban. Waxa u dheer oo ay maansadu ka hadlaysaa in faro-xumayn, kufsi iyo tacaddiyo lagula kaco caruurtaa iyo kuwa kale ee iyagu daryeelka helaba. Asma
yar oo ay maansadu xustayna waxay ka mid tahay inta dhibban.
Ayaamahaa
maanso daayay,
Ka
dhawrsaday ibo-furkeeda,
Inaan
gabay iyo ku sheego,
Wixii
agahayga yaalla,
Ologgiyo
docaha teedsan,
Ilkaankiyo
faalladeeda.
Aniga
ereygaygu maaha,
Amaan iyo
faan ku raadso,
Aagaan
iyo lacag ku doono,
Inaan
xaqa hoos u sheego,
Xilkaa
oogadayda saaran,
Ka wayne
amaanadiisu.
Waxaan
beryo aamusnaado,
Waxaan amakaag
la guuxo,
Naftaa
edegtii ba diiday,
Waxay
indhaheeda saartay,
Addoon
isagoo kaleeto,
Dhibkiyo
aafada dul taala,
Durbaano
u soo amaahda,
Sidii
isticmaar gumaysta.
Aqoontuna
saas ka roone
Haddaad u
itaali leeday,
Haddaad
ku addinto xaqooda,
Agoonkiyo
cunugga baahan,
Dhibkooda
adoon ku wiirsan,
Isaga
waydii xogtiisa,
Umalkiyo
waayihiisa,
Iimaha u
qarsoona daawo
Tabaalaha
aasan dayday.
Bal
eeg baallahaaga dheeho,
Ilmaha dayacee ka muuqda
Asma yar waydii kasheeda,
Wixii urugee ku duugan,
Bal day ummalkiyo xanuunka,
Da’deedoon afarba gaadhin
Ninkaa arbaciinka sheegtay
Cirroolahan aayo beelay,
Aboodiga dhaafi waayay,
Axdigii bulshadani ka booday,
Adhaxdeeda saw ma wiiqin?
Aayaheedii kuma ciyaarin?
Waxaan Allaheen bannaynin,
Inaan lagu taagsan maati,
Caruurtiyo ubadka dhawrno,
Isagu dayrkeed ma jebinin?
Ujeedadu labadan maaha,
Arrintu intaa ka weyne,
Bal dhawr
oo ologyadaada,
Waxaa
subaxa iyo alaylka,
Baroor
hooyo uun dhacaysa,
Waxaa
ubadee la tuuray,
Abkoodna
bal sheegan waayay,
Bal dhawr
daranyada idlaysay,
Caloosha
oontiiba wayday,
Afkaan
cabiddiiba haynin,
Haraga
lafihii ku aasmay,
Garaad
waa hore abaaday,
Muuqii
aadame ka guuray,
Isagoo maydkuun
la jaada,
Ortiyo
may qayladaadu,
Aware ka
toosinaysaa?
Allaha
Iyagaba abuuray,
Nolosha
udugiyo wanaagga,
Nolosha
anficiyo bidhaanta,
Umuu
waayin badhkoode,
Aduu kugu
eegayaaye,
Fahan oo
amuurahaaga,
Alooskiiyo
hool taggaaga,
Afkaa
laba yeedhiddaada,
In dad
soo ururintooda,
U
heeskiyo mashxaraddaada,
Ilmaha Afrikada
ku nool ee,
Ayaantani
loo asteeyey,
Abaal u
gal hadaad isleeday,
Isaga
oofahaad ku jiidday,
Dhibkiisana
waad ku iiday,
Istiikar
intaad ku xaradhay,
Isaga Roodhay
u goyn layd.
Hadaad gaalada addeecdo,
Hay’adda u addoonsanaato,
Adoo garashiyo aqoon le,
Ogow guul ku gaadhi maysid,
Irbad dun u miiqi
maysid,
Gacantaa kuma oon baxaysid,
Naafana cid ka oolin maysid,
Dhufaan dabran baad ahaan.
Aafadu ma hadhoo ninkeeday,
Ubadkuu dhalay jartaa baa,
Odhaahdii jirtay ahayde,
Ogow ina ragoow falkaagu,
Kufsi iyo eediyo dhibaatadu,
Inay u dambayso taada.
Ugubkiyo ubaxii dalkeena,
Haddaad aayar uun idlayso,
Ujeeddo-la’aan hogayso,
Ilaahay sideed ka yeeli?
Adduunkani waari maayo,
Ayaan baad kaba hulleeli,
Iilkiyo aakhiro hoggaaga,
U tudho aayatiin dambeeto.
Maanso: DAGAMSI
Waxa curisay: Yaasmiin Maxamed Kaahin
Email: qalinbila01@gmail.com
Hargeisa, Somaliland.
Blog: www.kaariye.blogspot.com
No comments:
Post a Comment