Sirta noloshu waa hal-ku-dheg isticmaalkiisu ku badanyahay bulsho waynta ku hadasha afka Soomaaliga iyaga oo leh qofkaa hebel sirta nolosha ayuu fahmay oo ay dhici karto in ay ula jeedaan ama ka wadaan mid ka mid ah macnayaashan:
Monday, July 30, 2012
Tuesday, July 24, 2012
DAAWO: Sideen Quraanka u xifdinaa?
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
10:13 AM
Allaah baa mahad leh oo noo suurageliyay inaan caafimaad ku akhrisanno ama ku daawanno muxaaradan qiimaha leh.
Muxaadaradani waxay ku saabsan tahay sida aan qur’aanka ku xafidi karno.
Kheyrka bisha Ramadaan!
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
10:07 AM
Allaah Subxaanahu Watacaalaa ayaa ku mahadsan inuu caafimaad iyo nolol nagu gaarsiiyay bisha barakeysan ee Ramadaan, nana waafajiyay inaan qormadan wadaagno. Nebi Muxamed naxariis iyo nebedgelyada Allaah dushiisa ha ahaato.
Sunday, July 22, 2012
Qabyaaladda Siyaasadeed Waa Qaran Dumis: Soomaaliland Halis bay ku Jirtaa – W/Q. Rashiid Sh. Cabdillaahi (Gadhweyne)
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
11:42 AM

Marxalad Qaali ah – W/Q. M.M. Kastam
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
11:23 AM
Thursday, July 19, 2012
Safiir Ingiriis ah oo ka qayb-galay gunaanadka bandhigga buugaagta Hargeysa
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
12:30 PM

Ka hor intii aan xalay la soo gebogebayn, waxa shalay munaasibaddii
lagu qabtay hoolka hay’adda shaqaalaha ee Hargeysa ka qayb-galay wufuud ka
socota golayaasha qaranka Somaliland, dawladda Ingiriiska, abwaanno, aqoonyahan
iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.
Wednesday, July 18, 2012
Ilmada qalinka iyo nasiib-darrada qoraaga
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
2:20 PM
Qalinka
af-Soomaaliga wax ku qora wuu ilmeeyaa had iyo jeeraale, qoraagiisuna umal buu
ku sugan yahay, waxaana taa ugu wacan bulshadiisa oo ka indhasaaban duxdiisa
ama waxtarkiisa. Rasuulkeenna Muxamed (C.S.W) waxyi ku soo dega waxaa ugu
horreysay suuratul-Iqra oo aadanaha fareysa inay wax akhriyaan.
Guulaystayaasha tartanka sheeko iyo shaahid 2012 oo abaal-marinno helay
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
10:48 AM
Monday, July 16, 2012
Haddaad joogi lahayd! - W.Q: Barkhad M. Kaariye
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
12:48 PM
Dadku waxay u tuban yihiin wadar, laba qof oo kastana markaad eegto
sida ay sara-joogga ugu wada hadlayaan waxaad mooddaa in ay gorfaynayaan arrin
culus oo inta aan geedka lala tegin falanqaynteeda loo xilsaaray. Qofka masaafo
durugsan ka soo arkaa inta aanu soo gaadhin waxa uu u fahmayaa in goobta shil
ka dhacay. Waxaan ka mid ahaa wadar dadka badankoodu ka soo horreeyeen oo hubay
in ay habsaameen, balse intii aanan soo gaadhin ayay dadkii oo dhami sidii
arday gambaleel loo garaacay ay mar kaliya u wada dhaqaaqeen dhinaca albaabka.
Tallaabada ayaan dedejiyay ilaa markii dambe aan gucle-orod ku gaadhay dhinicii
loo socday. Waxaan soo gaadhay dadkii oo sida ay isu-daba taagan yihiin aad
mooddo xoolo darka loo horayo oo sugaya inta ay raxanta hore ka soo fulayso.
Wixii safka loogu jiray waa albaab aanay ka wada gudbi karin saddex qof oo wada
socdaa, sidaa darteed la iska sugayo. Waxa iyaguna baasha midig taagan oo dadka
qof-qof u baadhaya ciidamo boolis ah.
Saturday, July 14, 2012
The Hargeisa International Book Fair by BBC Journalist Mary Harper
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
1:57 PM
The Hargeisa International Book Fair: Day
One
The Hargeisa International Book Fair is far more than a
book fair. It is now in its fifth year running and hosts authors, poets,
musicians, filmmakers, artists, playwrights, actors and circus performers, both
Somali and non-Somali.
Sunday, July 8, 2012
Isha Qarsoon(IQ): “Ciil ka ma kore” waa i kan hadda na
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
12:51 PM
Berbera
waa magaalo kolka samada laga soo eego ay qarax ah, obos iyo boodh dhanka hawd
kaga soo siqaya iyo bad qurux badan oo is hirdiyayaa dhaayahaaga libiqsi u
diidayaan. In aannu xeebta Cummaan isku soo looxnay iyo in aannu gees kale soo
marnay ma garanayo, se waxaan hubaa in duuliyuhu daanta bari xeebta dherersan
uu Berbera naga soo geliyay. Bacaadka ay xeebta is dhunkanayaan waxa kaaga
muuqanaya xarriiqo diciif ah oo muujinaya danniga dhul ballaadhsi ee bulshadu
ku mamtay, goob wal ba qof baa iska ootay, xitaa cirku malahayga waa oodan
yahay; yaa og!
Friday, July 6, 2012
Jaamac Muuse Jaamac: "Waxaanu gaadhnay yoolkayagii ahaa in ay maktabado dhismaan"
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
7:37 PM
Thursday, July 5, 2012
Sheekh: Maktabadda wareegta iyo booqashadii hoyga aqoonta
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
1:25 PM
Tuesday, July 3, 2012
Buugaag geeddi ah: Safarkii koowaad, socdaalkii Boorama iyo soo dhaweyntii shacabka
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
10:57 AM
Galabta oo ay bishu ahayd 02 July 2012 waxa ku soo hoyday magaalada
Boorama buugaag aad u tiro badan oo geeddi ah oo ka socdaalay magaalada
Hargeysa.
Subscribe to:
Posts (Atom)