" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Qabyaaladda Siyaasadeed Waa Qaran Dumis: Soomaaliland Halis bay ku Jirtaa – W/Q. Rashiid Sh. Cabdillaahi (Gadhweyne)

Sunday, July 22, 2012

Qabyaaladda Siyaasadeed Waa Qaran Dumis: Soomaaliland Halis bay ku Jirtaa – W/Q. Rashiid Sh. Cabdillaahi (Gadhweyne)

Qaranka Soomaaliland yaa leh?  yaa dhistay oo kakooban yahay?  Maqaalkani su’aalohaas buu marka hore dabagalayaa.  Ifafaalaha socotada siyaasadeed ee ilaa maalintii Soomaaliland lagu dhawaaqay muuqataa, jawaab bay bixinaysaa ah in dalku qabaa’il ka dhexeeyo oo ay qarannamadiisu na ka dhisan tahay. Jawaabtaas awel afka laga odhan jirin ee falka siyaasadeed baa muujin jiray, beryahan dambese af labadii baa lagu yidhaa oo iyada oo dhar la’ bay horteenna socotaa. Nimankii awel lagu soo rashaxi jiray shirar la isugu tegay guryaha magaalooyinka, immanka waxa la la horyimaaddaa warfaafinta la daawada oo lagu khudbeeyaa waa murashaxii Reer Hebel. Waa jawaab cad oo lagu sheegayo in dalka iyo qarannimadiisuba qabaa’il inooga dhexeeyaan.  Qoraalkaygani taas ayuu ka doodayaa oo waxa uu ku doodayaa in aanay dalka qabaa’il iyo reero lahayn, lahaanna Karin,  qarannimaduna haddii qabaa’il iyo reero u gacan-gasho in aanay jiritaan raaga yeelan doonin- waaritaan daayoo. Waxaa taas ugu wacan qabiilo qaran ma ma dhisto  oo unug uma noqon karto.  Bal nuxur ahaan qabiilada soomaalidu way ka soo horjeedaa oo waa ku liddi dawaladnimada. 
       
Qaranku waa maxay yaa se iska leh
Waxa aad u badan baa laga yidhi waxa uu qaran yahay.  Fikirka falsafada siyaasadeed iyo culuunta bushada iyo siyaasaddu siyaal farabadan oo kala duwan bay u qeexday haltusmeedyada ay ka mid yihiin qaran iyo dawlo.  Innaga oo aan hadda taas isku hawlin oo nuxurka guud ka raacayna aynu innagu si fudud, hadda u macnaysano. Sidaas darteed waxaynu odhan karaa qaran waa dad jiritaan bulsheed, dhaqaale iyo dhaqan wadaaga oo isu habeeyey qaab siyaasadeed u yeela jiritaan mideysan oo ku dhisan suldad dhexe oo leh xoog hub iyo hab leh oo ay go’aankeeda ku meel mariso. Waxaa taas la xidhiidha nidaam sharciyeed(legal system), aalad biroqraadiyeed( administrative bureaucracy) iyo ciidan habaysan oo hubaysan oo ay giddiba ku fuliso hawlaheeda.  Sidaas darteed qaranku waa jiraa bulsho siyaasadeed oo cod iyo fal midaysan leh.  Siyaalo kale oo aragtiyo kale ku fadhiyana waa loo qeexaa, laafo iyo laamo ka sii farcama oo lagaga hadlona wuu leeyahay mowduucani; intaase u ma dhaafayno halkan.
Yaa leh ama ay tahay in ay dhistaan qaranka? Taariikhda aadamigu wax badan bay ka soo aragtay, maanta se casri baa la joogaa kuwii ka horreeyey ka duwan.  Aynu isweydiino ee dawladda- meel kale ka hadli maayee-Soomaaliland ma qabaail bay ka dhaxaysaa oo ay ka dhisan tayhay?  Waxa aan filayaa dad badan jawaabtoodu waa haa; ilaa tan iyo maanta waxa sal looga dhigayo ee la isu keen-keenayaa  qabaa’il iyo reero.  ‘Alla inta ay soconaysaa yaraa!’ baa nin laga sheegay.  Anigu halkaas ayaan ka taag nahay oo waxaan u arkaa in aanay weligeed ku socon doonin.  Khayraadkii dalka,  awooddii dhexe ee qaranka iyo waxqabadkii dawladda oo qabaa’il loo  kala horosanayo,  ama aan idhaahdo loo kala dildillaacsanayo, waxa ka imanaya qofkii caqli lehiba wuu garan karaa.  Qarannimo waxay ku sugantaa oo waarin kara mabda’ dadka dadnimo wax ku wadaajiya, qabyaaladduna mabda’aas ma laha mana taqaan.  Waxay taqaan waxii xoogga mutuxa ahi kuu gooyo; mana tidhaahdo xaqaaga mid la mid ah bay qayrkaa leeyahiin ee u oggolow. Qabiilayste waxa uu ka hadhaa ee uu cid u daayaa wixii uu ogyahay in xoog lagaga dhacsanayo.  Qarannimo waa dal; nuxurka siyaasadeed,bulsheed iyo dhaqmeed ee dalkuna ma aha dhulka la deggan yahay oo qudha ee waa hayb lagu dhaato iyo han iyo dirasho.  Haddii dalku aanu caqliga iyo qabiga dadkiisa degin, ma aha dal; waayo  dhula waa kuu wada dhul oo maalin kasta iyo mar walba meel meeraha dhulka ka mid baad ku duljoogtaa, haddii aad taagan tahay meel na meel uun baad cagaha ku haysaa, haddii aad fadhidona dhul uun baa jurmigaagu ka buuxiyaa.
Waxa qaran lagu noqon karo ee qarannimada u leh mug ee qaadi karaa waa dalka, Hayeeshee qabiilaystuhu ma arko xaqiiqadaas; waayo waxa ka daaboolaya oo ka qarinaya dareenka hufka ah ee cunsirayada abtsiinta reerhebelnimo iyo xintankeeda.  Dalka iyo qarannimadiisu waxa qudha oo ay ku galaan wada-lahaansho iyo wadaag.  Looma qaybsan qurubyo qabaa’il iyo reero loo kala qaato. Haddii sidaa laga dhigo waa lagu wada waayayaa, waxaa na ka dhalanaya dhammaan inta midab shar leeyahay, colaado, dagaallo lagu rogmado iyo burbur iyo bayhoof. Waa tu wax badan ilaa hadda looga soo joogay.
Niman ay qabaa’il iyo reero kala wataan oo ay leeyihiin annaga reer-Hebel ayaa keensannay ama soo doorannay,  yey u dooran yihiin, ma qabiil mise dal iyo qaran?         
 Soomaaliland waxa soo maray oo ay soo gashay doorashooyin, kuwo madaxweyne iyo kuwo goleyaal lagu dooranayeyba.  Waxaa la doortay goleyaal degaan iyo wakiillo.  Yaa doortay, ma qabaa’il mise qof muwaadin ah?  Yaa la doortay, ma qof Reer-Jebel ah mise madax dadka ka wada wakiil ah?  Qof ba sida uu doono ha u jawaabo; runtu waxa weeye dareenka garasho iyo hawlaha doorashada la xidhiidha ee Soomaaliland, waxay ku arooraan kana yimaaddaan abaabul qabaa’il iyo reero magacooda kula soo baxaya ciddii golaha degaan iyo ka heer qaranba ayaga u geli lahayd.
 Waxaa mar kale soo fool leh doorashooyin kuwii hore la mid ah.  Waxaa xubin barlamaan loo rasahaxayaa Hebel; waxa laga soo rashaxayaa shir ay koox reer hebel ahi yeesheen oo ay sidaas ku go’aasadeen.  Ka dibna abaabulka reerka ayaa la galayaa.  Waxaa la isugu tegeyaa degaankii reerka, halkaas ayey codbixintii  “si xalaal ah!” uga dhacday ayaa layna odhan doonaa.  Hebel baa sidaa ku soo baxi doona oo “reerka” u gali doona golaha(degaanka ama ka Wakiillada, mid uu yahayba).  Siidaas ayaa aakhirka warka la inoogu gunaanadi .  Xisbiga uu calankiisa sitay wax ba kuma fadhiyo, waayo wax aan magaca ahayn oo ka dhexeeyaa ma jiraan.
 Waxa muhimka ahi waa xidhiidhka labadan dhinac ee midna codkiisa bixiyey, midna lagu doortay ee uu sidaa ku galayo golaha ama uu madaxweyneba ku noqonayo.  Muhimku waa waxa ay labadani wada galeen,  heshiiska dhexmaray iyo ammaanada ay isu dhiibteen.  Runtii xidhiidhkani waa mid loo baahan yahay in aad loogu fiirsado. Waayo aayaha jiritaanka iyo horumarka dhismaha qaran wuxu ku xidhan yahay garashada hagaagsan ee loo yeesho masaladaas.
 Aynu iska dhaafno wadarta reerka oo aynu ka soo qaadanno hal qof oo Hebel la yidhaado.  Hebel oo ay isku qolo yihiin buu codkiisii ugu soo riday.  Waxa uu ku doortay  waa isku qolo oo ninka kale ee kursiga kula tartamaya buu abtirsiin ahaan ka xigaa.  Xidhiidhka sokeeyenimo ayaa codkiisa halkaas mariyey.  Waxaa falkiisa codbixinta hoggaaminaya dareenka ku diqdiqaya in uu hiiliyo, danqashada tolliimo owgeed.  “Tolku mar walba waa kalama-maarmaan; maanta oo kale ayaa tol loo yahay”.  Waa odhaahaheedii hiddaha ahaa ereyadaasi.  Waa sidii ay ahaan jirtay oo waa la isu habarwacday, waa xeerkeedii isu hiilinta tolka; waxay is-hayaan waa shisheeye, “ninna inta uu kuu jiro kuu ma soo dhaafo” ayaa hore loo yidhi.  Waxaa soo raacda, kursiga madaxdtinnimo oo marna bili iyo buruud qabiilo lagu xidhayo marna dheeftiisa sidii geelii la kala dhaci jiray loogu hardamyo.  Waxay yidhaadaan: nin tolkaa ahi ha cuno ee shisheeyeha ha uga tegin.  Si marka aad u eegto dawladda iyo jagooyinkeedu waa sidii geelii lagu dirirayey.  Bili ama buruud, sharaf iyo haybad qabiil iyo dan dhaqaale intaba geela waa loogu dagaallamayey, tani tii bay shaabahdaa.  Runtii si-araggii dhaqanka geela ayaa dawladda iyo mansabkeeda iyo maalkeeda loogu dhaqmaa.  
 Xidhiidhka doorasho waa kaas oo ma jirto ammaano kale oo la isu dhiibanayaa.  Innaba xidhiidhkaas miyaad ku aragtaa dal iyo qarannimo iyo ummad midna?  “Magaca reerkeenna, dhegta iyo sharafkeenna ayaa meesha ku jirta; waa in aan kursigeenna cid kale qaadan, haddii kale dhegteen dhimatay!”  Waa taas tiratiradeedu. Waa isla dhaqankii magaca reerka la isku tirtirsiyi jirey.  Waxa la xoqayaa waa dhiidhiggii dhaadashada qabiilo.   Yoolku ba sida uu u dhan yahay waxa uu ku ururayaa wax qudh ah: magaca reerku meesha ha ka muuqdo; cid magaca ku abtirsataa meesha ha ku jirto, iyo yaan dhegteen dhimanin!  Sidaas darteed ma jiraan wax ninka loo codeeyey lagaga dabatagaa oo la weydiiyaa, illeyn loo ma ba diibannine.  Asagaaba maalkii ka baxay ka maqan yahay.
 Aynu hadda isweydiinn’ee, marka aynu eegno qaabkan ay qabaa’ilku xubnaha goleyaasha iyo madaxda qaranka soo rashaxanayaan ee ay cod hiilo qabiil ah ku dooranayaan, wakaaladdii xagee bay tegysaa?  Xubintii golaha ee sidaas lagu soo doortay yey u egman tahay ama ka wakiil tahay oo ay xisaabta xilka u celinaysaa? Magaca Golaha Ummaadu ama shacabku ma qabanayaa?  Maya, waayo waxa uu ku yimid Reer-hebel oo leh annaga ayaa keensanay.   Maxaynu magaca uga dhignay xildhibaan?  Waa kuma xilka dhibaa, xilbase ma dhibaa? Qofka runtii xilkas ah ee uu xilka la saaray damqo, iska ma uu damqo ee damqashada waxa in badan ugu wacan cidda xisaabta la daba taagan.  Fikradda bidaa’iga ah ee ku dhisan in tolliimo darteed la isugu hiiliyo, waxay hay’addii dawladnimo ka dhigaysaa boojimo[i] la kala boobayo, rifrifkeeda dambena la  biliqaysanayo.  Cidiba waxa ay la cararto lagaga daba-tegi mayo oo cidina xisaab ka soo celin mayso.
Ma aragteen,  haddii uu jaahil geb ah yahay, ama tuug xadhko-goys ah yahay, jaga kasta waa lagu la daalayaa waa na lagu daafacayaa, tolliimo qabyaaladeed owgeed.  Haddii uu si walba u jiidho sharciga dawladda lagu yahay, iyo haddii uu hantida ummada jeexyo lunsado, waa lagu la safanayaa.  Dembi kasta oo uu galo, waxaa markiiba la odhanayaa dad kale ayaa qabyaalad ku eryanaya oo dembi marmarinaya.  Reer Hebel ma laha dembiile.
  Aan sheeko yar idiin dhexgesho.  Waagii SNM-ta aannu ahayn, ayaa kuwo jabhadda ahaa soo qabteen niman ay yidhaadeen malaa waa basaasyo uu soo dirsaday taliskii Siyaad Barre.  Waxay keeneen xarun ka mid ah xarumahii ururka.  Waxay warrameen(sida la igu yidhi, anigu goob-joog ma ahayne) in ay soo qabteen basaasiin Reer-Hebel ah.  Nin oday ah oo dabciga iyo damaqa reer hebelnimada yaqaan, ayaa ugu jawaabay: ‘ waryaaya, waa Reer Hebel iyo waa basaas kala daaya.’  Wuxuu ka wadaa haddii aad dembiile u jeedo, ha odhan waa Reer hebel, illeyn waa loogu hiilin oo adigana lugugu soo weerariye.  Sharciga dawladeed iyo dawladdana sidaas ayey ku tahay qabyaaladdu. Mar haddii uu reer hebelnimo ku dhexjoogo dawladda,  laba dacal oo xag fog kala jira ayuu labadaba taagaan yahay; waa tuug iyo musuqmaasaq, isla markiina waa daacad, waa karti iyo hufnaan; isla markii jaahil iyo waxmatare aan maqasha xaslan .... iwm.  Sokeeye iyo shisheeye ayaa loogu mowqif yahay oo loogu kala safan yahay oo ka horena xariir buu huwinyaa, ka dembe na xumo ayuu u dhammaynayaa.  Laba muraayadood baa la kala wada sitaa. Midi waa ta tolkaa kugu eegayo oo waa tu falkaagu, si kastu oo u xun yahay, qurxisa, midda kale waa ta “nacabka shisheeyaha ahi ”  kugu eego oo waa tu haddii aad masaajidka ka adintoo, xumo ka soo saarta.
Runtii meeday? Xaqiiqadii xaggee jirtaa?  Xaaladda qabyaaladda siyaasadeed run sugani ma jirto.  Qolo walba tay abuurato ee ay buunbuuniso ayaa u run ah.  Waxaa ka dhasha jawi ay kutiri-kuteentu buuxdhaaf yahay.  Maraggeedu waa wararka beenta aha ee suuqyada magaalooyinka soomaalida maalin walba la isla dhexmarayo.
Sharciga dalku- inta aan la gaadhin kuwa mayalkiisa haya- wax kasta ha ahaado ee waxa uu sharci ku noqdaa kalsoonida dadkiisa. Haddii aanay dadku ku kalsoonayn oo aanay aaminin oo aanay xaggiisa u roorin, xaashida uu ku qoran ma qiimi dhaamo.  Innaga dadkeennu sharciga laftiisa iyo dawladdaba way ka rooraan oo qabiilka ayey ka hoos-galaan. Sababtu waa isla ayada qabyaaladda ah ayaa qaraabokiil iyo musuq, xafiisyada iyo maxkamadaha  la yuururta, ka dibna ta xafiiska iyo maxkamadda fadhida ayuu qofku ka cararayaa oo isla teeda debedda joogta ayuu magan gelayaa. Waa isla rarankeedii.  Kud buu ka guurayaa oo qanjo ayuu u guurayaa.  Waxa dhibtaas lagaga bixi lahaa qarannimo quman iyo dawlad hagaahsan, iyaduna la ma heleyo haddii aanay debedda ka noqon oo ka xoroobin qabaa’ilka iyo dhaqanka qabyaaladeed.  Haddii ay foodda ba soo geliso, haddii ay saamayn ba ku yeelato qabyaaladi, dawladnimo wanaagsan la ma arki karo.  Dab iyo dhagaxii uu Cali Sugulle ku sarbeebay ee yidhi “lays ku ma dhuftee kala dhowraay” waa run.
Hanti ciddii leh baa maamulkeeda iyo takrifalkeeda ba iska leh. Dalka iyo qarannimadiisu na waa la mid oo ciddii leh baa leh. Yaa leh qarannimada dalka oo ay tahay in dhisato. Su’aashan baa si qaldan looga jawaabay oo halis gelinaysa Soomaaliland. Waxaa laga dhigay in dalku qabaa’il inooga dhexeeyo oo ay qarannimdiisuna qabaa’il ka iman karto. Runtu na waxaa weeye dalku qabaa’il inagaga ma dhexeeyo, waayo haddii aynu dalka qabaa’il ku kala noqono dalba ma jirayo ee qolo waliba qurubkeeda iyo inta ay ka degto ayey gaar u sheeganaysaa oo loogu tegi mayo. Qabaa’ilku dalka ma laha, qarannimona qabaa’il inooga ma dhaxayn karto. Si aynu qarannimo dhab ah oo hagaagsan u dhisanno aynu garanno in aynu dalka, gobol kasta, degmo kasta iyo goob kasta ba  wada leenahay.  Innaga oo ayo ah?  Waa taas su’aasha lama huraanka ahi, waa na ta inoo dhiman ee aynu u gudbaynno.

Rashiid Sheekh Cabdillaahi Xaaji Axmed (Rashiid Gadhweyne)

19/07/2012

Email: inacabdillaahi@yahoo.com

No comments: