" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Marxalad Qaali ah – W/Q. M.M. Kastam

Sunday, July 22, 2012

Marxalad Qaali ah – W/Q. M.M. Kastam

Dhallinyaranimadu waa marxalada qaali ah oo aan dib u soo laaban ama loo helin. Soomaalidu maahmaahadooda qaaliga ah waxa ka mid ah; qofka labaatan-jirkiisa dedaala ama shaqaysta wuxuu nastaa lixdan-jirkiisa.


Culimada bulshaduna waxay yidhaahdeen; hantida dhabta ah ee ummadaha ama ummad kasta waa dhallinyaradeeda. Dal kastaa waxa uu aad ugu dedaalaa in uu waddankiisa u sameeyo manhaj waxbarasho oo wanaagsan iyo in uu diyaariyo dhallinyaradii mustaqbalka wax hagaajin lahayd.
 Hase yeeshee, waxa sidan la yeelaa, marka uu jiro hoggaamiye wanaagsan oo waddaniyaddu ku weyn tahay, waayo, Madaxweynaha waddaniga ahi waa mid markasta ka shaqeeya danta guud, kana fekera jiilkii dalka sii hoggaamin lahaa mustaqbalka. Halka Madaxweynaha siyaasiga ahi yahay danayste, markasta ka sii fekera doorashada soo socota sidii uu ugu guulaysan lahaa.
Dunidu waa silsilad taxan oo taariikh xambaarsan. Hoggaamiye kasta, aabba ama oday kasta iyo mid kasta oo aqoonyahan ah dhaxalkiisu waa taxanaha taariikhdu u samayso oo lagu xusuusto. Marka dambe Madaxweynaha markasta dadweynihiisa daacadda u ah, yididiilo iyo horumarna la doonaa, shaki kuma jiro madaxda noocan ah in aanay dhimanayn oo uu waxqabadkoodii wanaagsanaa soo nooleeyo oo lagu xasuusto.
Odayga wanaagsan ee la mid noqda odaygii boqol-jirka ahaa ee Boqorkii Kisra la odhan jiray ku yidhi; ‘oday-yohow, waa maxay geedka aad baaraysaa?’ Odaygiina ugu jawaabay; ‘maxaad ka garanaysaa geedkan?” Kisra wuxuu weydiiyey; ‘geedkani tobanneeyo sannadood ayuu ku baxaa, adiguna waxaad tahay boqol-jir.’ Odaygii ayaa ugu jawaabay; ‘waa runtaa, laakiin maad garan ujeeddada. Dadkii innaga horreeyey way inoo beereen oo waynu goosanay, aniguna waxaan u beerayaa oo aan ugu talogalay jiilka dambe iyo da’yarta. Odayga isna sidan ku sifooba, ayaa la odhan karaa waa oday khaatimaystay.
Haddii aan u soo noqono mowduuceenna ahaa dhallinyaranimadu waa marxalad qaali ah, macnaheedu waa qofka oo garta qiimaha dhinaca waqtiga, aqoonta iyo dhinacyada kaleba uga faa’iidaysta. Dhallinyaranimadu waa adiga oo wixii kaa horreeyey wax ka oggaada oo dhinaca waayo-aragnimada uga faa’iidaysta; waa adiga oo markasta hortaada eega oo higsada buuro iyo marxalado aan hore loo gaadhin; waa adiga oo isbeddel-doon noqda iyo in aad ka muuqato waayahaag; waa adiga oo garta xaqa kaa maqan oo doonta iyo adiga oo aan u oggolaan xaqaaga markasta cid kale iyo in ay waayahaaga ku guurto ama iska yeelato. Dhallinyaranimadu waa han iyo hanti marka la garto iyo guulo aan la ishortaagi Karin.
Ka fiirso fekerkaaga:
Aabbaha Cilmi Nafsiga casrig, William James ayaa laga hayaa “Our life is what our thoughts make it,” micnahoodu yahay nolosheenu waa waxa fikirkeenu sameeyo. Qpfla nolosha ka eega dhinaca aan wanaagsaneyn wuxuu arkayaa mugdi iyo madow keliya.
Bal aan milicsanno sheekadan, laba saaxiib ayaa makhsin maxbuus ku ahaa, kadibn goor habeen madow ah mid ka mid ah ayaa dalool yar oo albaabka ku yaal eegay, markuu ku yara raagay waxa soo jiiday oo ku yidhi; war iiga beedh, markayga aan daawadee waxa aad daawaneysid. Markuu isna indhaha saaray daloolkii albaabka ku yiilay, isla markiiba dib ayuu uga soo laabtay. Dabadeed, saaxiibkii ayuu ku yidhi; war waan kula yaabanahay, maxaad ku daahday oo daawaneysay. Saaxiibkii ayaa uga jawaabay, waan kuu sheegi doonaa, ee horta adiga ii sheeg waxaad indhaha dhakhso uga soo laabatay? Wuxu ku jawaabay, ma jirin wax aan ku daaho, oo aan daawado. Marka laga reebo madow oo keliya. Kadib saaxiibkii ayuu ku yidhi; adna iga waran maxaad aragtay, oo aad ku raagtay? Wuxu ku jawaabay, waxaan ku raagay, oo aan daawanayey iftiinka Dayaxa.
Ufiirso akhristow, labadan saaxiib oo meel qudha wax ka wada eegay, midna madow oo keliya ayuu arkay, ka kalena wax uu arkay aadna uga raaxeystay iftiinkii Dayaxa.
Sidoo kale, waxaad arkaysaa laba qof oo adiyaarad qudha wada fuushan, mid aad u wer-wersan yahay inta diyaaradda fuushan yahay. isagoo weydiiya ama ka warwara, haddii diyaaradda dhacda iyo arrimo aan jirin iska abuurto, mid kale oo la fuushanna isaga ka duwan yahay oofarxad iyo deganaasho ku sugan.
Aragtida nolosha, markaad u fiirsatid dadka intooda badan nolosha waxay ka eegaan, oo la mid ah Ubax dabdda qodax kaga naban. Qodaxda Ubaxa debadda kaga naban inyar oo keliya oo dadka ka mid ah, ayaa iyaga oo arka Ubaxa oo aan arkin qodaxda Ubaxa debadda kaga naban.
Akhristo, haddii aan ku fikirno guul darro shaki kuma jiro mashaariicdeena inay fashilmayaan.

Email: mmkastan@yahoo.com

No comments: