Dadku waxay u tuban yihiin wadar, laba qof oo kastana markaad eegto
sida ay sara-joogga ugu wada hadlayaan waxaad mooddaa in ay gorfaynayaan arrin
culus oo inta aan geedka lala tegin falanqaynteeda loo xilsaaray. Qofka masaafo
durugsan ka soo arkaa inta aanu soo gaadhin waxa uu u fahmayaa in goobta shil
ka dhacay. Waxaan ka mid ahaa wadar dadka badankoodu ka soo horreeyeen oo hubay
in ay habsaameen, balse intii aanan soo gaadhin ayay dadkii oo dhami sidii
arday gambaleel loo garaacay ay mar kaliya u wada dhaqaaqeen dhinaca albaabka.
Tallaabada ayaan dedejiyay ilaa markii dambe aan gucle-orod ku gaadhay dhinicii
loo socday. Waxaan soo gaadhay dadkii oo sida ay isu-daba taagan yihiin aad
mooddo xoolo darka loo horayo oo sugaya inta ay raxanta hore ka soo fulayso.
Wixii safka loogu jiray waa albaab aanay ka wada gudbi karin saddex qof oo wada
socdaa, sidaa darteed la iska sugayo. Waxa iyaguna baasha midig taagan oo dadka
qof-qof u baadhaya ciidamo boolis ah.
Halhaleel iyo garab-adkaysi ayaanu aniga iyo laba qof oo kale ku
cidhiidhsanay kedinkii oo aanu galnay halkii loo tartamayay. Waa hool dheer oo
ay buux-dhaafiyeen dad isugu jira madow iyo caddaanba oo ka badan inta dibedda
aanu kaga nimi ee u soo heellan inay naga soo daba galaan. Waxaan eegay
wejiyada dadka, balse qof nuuxsanayaa ma jiro oo waxay u egyihiin dad toobin
laf ku haya. Aniga oo wali taagan halkii aan ka soo galay ayaan eegay halka
indhaha dadka oo dhami ku dhaygageen. Waa kaabad sare oo loogu talo-galay in
dadka fuula ay cid waliba arki karto. Shanta kursi ee is-barbar yaalla masraxa
sare iyo biraha cod-baahiyuhu ku taagan yahay ee dhankooda u qandooda, ayaa
muujinayay in loo qorsheeyay dad hdal-subcis u diyaar ah. Ma jirin meel hoolka
laga fadhiistaa, iska dhaaf taase, haddii aad hesho meel aad labada cagood ku
qotomiso ayaad nasiib leedahay. Sidaasi darteed, aniga oo cidhibsanaya oo
qoor-taag indhaha kaga dul lalinaya dadka, ayaan eegay halkii la wada eegayay.
Waxaan arkay dad badan oo bulshada Soomaalida dhexdeeda caan ku ah; aqoonyahan,
macallimiin, abwaanno, qoraayo, wasiirro iyo dad kale oo tiro badan. Waxa
indhahaygu halacsadeen Axmed Ismaaciil (Xudeydi) – aabbaha cuudka Soomaalida
dad badani u yaqaannaan – waxa uu isla xoodayaa kaban aad mooddo in uu cod ku
dihin farta kaga soo saarayo.
Aniga oo wali faraha hore ee cagaha ku taagan oo aan ka bogan cidda
hareero fadhida oo indhaha la raacaya, ayaan mar kaliya cidhbahaygii laalnaa
dhulka ku dhaceen markii sacab aad mooddo in lagu ballamay oo ay dadku isla
oogsadeen laygaga nixiyey. Garan-waayay waxa cusub ee loo sacbiyay! Mar kale
ayaan cidhibsaday inta taagtay ahayd oo aan eegmada halkii ku celiyay, balse
waxba waan arki waayay. Sababtoo ah, dadka badankiisu madaxa ayay ruxayaan, qof
walibana wuxuu kor u taagay labadiisa gacmood oo uu sacab jiib u muuqday ku
tumayaa. Laba qof oo hareeraha iga xigay inta aan cuskaday ayaan madaxii kor u
sii taagay, waxaan arkay in ay Xudeydi hareero fadhiyaan laba walaalo ah oo
fanka Soomaalida in badan heesahooda lagu dhegaysto; Shay Mire Dacar iyo Caabbi
Mire Dacar. Dhinaca midig ayaan eegay; waa waxaanan waligay arag! Waa nin
dhererkiisu meel-dhexaad gaabni xiga yahay. Waa saan-cadde la sara-taagan wax
uu afka iyo labada gacmood ku hayay.
Goortu waa fiidnimadii 14/7/2012. Goobtu waa hoolka hay’adda
shaqaalaha ee magaalada Hargeysa oo ay saddexdii maalmood ee u dambaysay ka
socotay xafladda bandhigga buugaagta caalamiga ah ee Hargeysa oo ay sanad walba
bishan July soo qaban-qaabiyaan Ururada Redsea Cultural Foundation iyo
Kayd. Waxaan doonay in aan ogaado
saan-caddaha iyo halka uu ka yimi, sababtoo ah, aniga iyo in badan oo ka mid ah
bulshada kuma cusbnayn in qof ajaanib ah oo caddaan ahi uu tumo muusig, balse
waxa la-yaab leh muusigga uu tumayay in uu ahaa hees Soomaali ah oo waliba uu
ku luuqaynayay foodhi kaliya. Waa Evan Christopher oo ah muusigyahan reer
Maraykan ah, waxa lay sheegay in uu ku guulaystay abaal-marin uu ku kasbaday
foodhida uu hees walba ku tumayo. Koox muusigyahan ah oo uu horkacayaa waxay
ka-qaybgalka bandhigga buugaagta caalamiga ah ee Hargeysa uga soo baqooleen
carro Maraykan, markii ay marti-qaadeen hawl-wadeennada Redsea Cultural
Foundation. Waxa uu foodhida ku tumayay heesaha loo yaqaano qaraamiga ee
Soomaalida. Sacabka, jiibta, jaanta iyo xareedinta luuqda kala duwan ee dadku
kula qaadayeen heesaha la qaadayay iyo madadaallada socotay, ayaa inta badan
is-ogaansho-li’I ay dadku la sara-kaceen.
Ma ahayn caweyskan oo kaliya, balse caweysyo badan oo bilowday
13/7/2012 ayaa munaasibado kala duwan lagu soo bandhigay hoolka hay’adda
shaqaalaha. Waxa ka qayb-galaya; Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi”, Nadifa Maxamed,
Siciid Saalax, Mary Harper, Axmed Shiikh Jaamac, Jaamac Muusse Jaamac, Laura
hammond, Michael Walls, Maxamuud Sheekh Dalmar, Mohamed Yasin “Colaad”, Helen
Conford, Siciid Jaamac Xuseen, Georgi Kaptchits, Iara Lee, Maxamed Siciid Gees,
Muuse Cali Faruur, Xasan Qawdan, Shay Mire Dacar, Sahra Ilays, Saleeban Guleed,
Shukri Xaaji Bandare, Cabdalle Xaaji, Axmed Ismaaciil Xudeydi, Faysal Cumar
Mushteeg, Aamina-Milgo Maxamuud, Sacad Cali Shire, Xuseen Cabdillaahi Bulxan,
Cabdiraxmaan Yusuf Ducaale “Boobe”, Cabdiraxman Yuusuf Cartan, Axmed Ibrahim
Cawaale, Xasan abdi Madar, Evan Christopher iyo qaar kale. Waxaanay intooda
badani soo bandhigeen halabuurro iyo buugaag ay qoreen, falanqayn, doodo iyo
sidoo kale madaddaallooyin xiiso badan.
Barkhad M. Kaariye
Email: kaariye104@gmail.com
Hargeysa, Somaliland
No comments:
Post a Comment