" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Isha Qarsoon(IQ): “Ciil ka ma kore” waa i kan hadda na

Sunday, July 8, 2012

Isha Qarsoon(IQ): “Ciil ka ma kore” waa i kan hadda na

Berbera waa magaalo kolka samada laga soo eego ay qarax ah, obos iyo boodh dhanka hawd kaga soo siqaya iyo bad qurux badan oo is hirdiyayaa dhaayahaaga libiqsi u diidayaan. In aannu xeebta Cummaan isku soo looxnay iyo in aannu gees kale soo marnay ma garanayo, se waxaan hubaa in duuliyuhu daanta bari xeebta dherersan uu Berbera naga soo geliyay. Bacaadka ay xeebta is dhunkanayaan waxa kaaga muuqanaya xarriiqo diciif ah oo muujinaya danniga dhul ballaadhsi ee bulshadu ku mamtay, goob wal ba qof baa iska ootay, xitaa cirku malahayga waa oodan yahay; yaa og!


In garoonkii caalamiga ahaa ee Berbera aannu soo cagadhiganay ayaa na lagu wargeliyay. Jidka dayuuraddu shaagagga la heshay waa wada dildillaac iyo daamur qaradhay. Qof rakaabkii ka mid ah ayaa sidii halqabsiyadii kacaanka nagu boorriyay inuu Afrika u dheer yahay, waa run iyo u nacamlayn ayaa in badani ku raacday.

Wuu dheer yahay, waa run. In se aan Ruush afartan sannadood oo dhaashi la’aan ah ugu talagelin ayaa kuu muuqanaysa. Intii dayuuraddu u sii hadaafaysay halkii ay istaagi lahayd waxa aannu sii dhaafnay qasabado dhulka ka soo taagan oo dhawr ah, in aan cidi sidii loogu talagalay u adeegsan ayaa ka muuqatay, qaar jabay, qaar maroorsamay iyo qaar furkii ka maqan yahay ayay isugu jireen.

Basaskii daabulka ahaa ayaa dhismihii laga bixi jiray na lagu geeyay. In la isku deyay habayn ayaa meesha ka muuqatay, nidaamkii se aan ku ogaa 2011kii wax ba iska ma beddelin. Waxa qudha ee meesha ka libdhay waa labaatankii doollar ee jujuubka laguugu sarrifi jiray, sarrif weli ba dhac ah, kaas waa laga takhalusay.

Waxaannu u baxnay dhankii shandadaha laga guranayay, waxa judhii ba indhahaygu qabteen natiijadii ka soo baxday doorashadii madaxweynenimo ee dalka ka dhacday Juun 2010kii oo derbi sare ku dhejisan. Ma fahmin sababta iyo ujeeddada xisaabtaas meesha loogu dhejiyay, ma annaga ayaa nala doortay baa oo xusuusin ah?

Arrintaas natiijadu qaan ururka dalka xukuma lagu xujaynayo ayay iigu muuqatay, ballanqaadyadii ayuun baad xusuusanaysaa. Haddii mucaaradku naf leeyahay halkaas gool ururka dalka xukumaa iska dhaliyay ayaa ka bidhaamayay.

Nidaamxumadu iyo habaqlaha maamulka ee garoonku waa kii aan 2011kii kula kulmay uun. Waxa soo kordhay shandadaha oo cagaf lagu daabbulayo, dhismaha gudihiisa ayay soo gelaysaa, rakaabka oo saqiir iyo kabiir ba leh ayay ka dhex qararaf laynaysaa, qaar sigaysaa. Qorshe ka jaahilsan oo shandado kooban goob lagaga qaado goob kale na lagu geeyo weligay ma arag, ma na maqal. Haddii aanay cunsuriyad igu ahayn waa caqli Afrikaan ayaan odhan lahaa. Qabso oo dhawr jeer ayay cagaftu shandadaha u noqonaysaa oo hadda na bartii rakaabku tubnaa intay doc ka soo gasho docda kale ka baxaysaa.

Baabuur Hargeysa iiga yimi ayaa doorkan iga furtay socdaalkii baska. Jidka iyo birtu waxay ka mid yihiin dilaayada ugu waaweyn dalka. Dad badan oo haldoor ah ayay galaafteen, waxa se baabuurka noo waday wade miyir badani ka muuqdo.

Tuulada Lafaruug meel ku dhow kolka aannu marayno ayuu wadihii ii tilmaamay baabuur yar oo kuwa reeraha lagu raro ah oo meel sii moqollosan. “Dhawr maalmood ka hor ayuu halkaas ku dhacay” ayuu igu yidhi. “Dadkii na?” ayaan ku la booday. “Dhaawac ayay u bateen” ayuu iigu warceliyay.

In waxoogaa ah kolkaannu ka soconnay ayaa waa landkuruusar(landcruiser) afarta taayir dhulka ku haya, dushii sare na isku soo duntay. Baabuur is rogrogay ayaannu u fahannay. “Kani saaka meesha ma oollin” ayuu wadihii yidhi. Judhii ba dad waddada hareeraheeda meermeeraya ayaa noo muuqday. Waa hakannay, weydiinnay sida wax u dhaceen, laye; “laba askari xaalkoodu aad buu u liitay, dhankaas iyo Berbera ayaa loo la cararay, wadihii na waa liitaa oo waa ka halkaas yaalla”.

Waa soo weydaarannay, kolkaannu soo gaadhany bartii waduhu yaallay ayaa dad tubnaa noo gacanhaadiyeen. “Miyaynu sii qaadnaa, miyaynu qaadi karnaa?” ayuu wadihii igu yidhi. “Haa, waynu sii qaadaynaa” ayaan ugu warceliyay. Awood maamul iyo mid hantiile oo aan amarkaas ku bixiyo mid na ma lihi, baabuurka rakaab uun baan ka ahay, waa na ogahay sababta waduhu uga gabadhgaadhayo qaadista ninka dhaawaca ah. Dalku waa meel lagu bahaloobay, haddii aad qof buka baabuurkaaga ku qaaddo oo dar Alle naftii u dhaafto ‘isu qabe’ ayaa lagu odhanayaa. Ma se dhaafi kartaa qof naftii hayso? Dadnimo sidee ku noqonaysaa arrintaasi?

Wadaha dhaawacmay waa wiil yar oo dhallinyaro ah. Dhabarka inuu wax ka qabo ayay dadkii meesha joogay nagu wargeliyeen, madaxa na dhaawac baa kaga yaal. “Soo qaada” kolkii la yidhi ayuu waa naf xanuun badani haysee soo hangagaaray.

Wuu miyirqabay, waa se taahayay, dhabarka xanuun ka haya iyo dhiig uu foodda sare ee bidix ka dareemayo ayuu hadalhayay. Waxa aan isku deyay in aan niyadda u dejiyo. Ha jiifsan iyo yididiiladu waa caafimaad ayaan ku maaweeliyay. Hadal caalwaa inuu u qaatay iyo in kale mooyi. Ashahaadada ayuu hoosta ka kalwinayay. Tuulooyin badan ayaannu soo dhaafnay.

Waxa niyaddayda ku wareegaysay naftaas dhaawaca ah iyo cidda wax u qaban karta, meesha wax loogu qaban karo. Tuulo la yidhaahdo Geedka Dheenta ayaannu soo gaadhnay. Laamigu, sida tuulooyinka ku taxan oo dhan, wuxuu jaraa badhtamaha tuulada. Dhismayaasha yaryar aniga oo indhaha la raacaya ayaan arkay “Rugta Caafimaadka”, waa qol yar oo 6x6 Dhudhun le’eg. Hadda qolkaasi wax buu u tari lahaa ninkaas aad siddaan ayaan is idhi, quful baa se ku jabnaa. Meel kadinka u dhow waxa ku qotomay boodh “Caritas” ku qoran tahay, hay'adaha faraha badan ee aan khayrkooda iyo sharkooda mid na indhahaagu aad u qabanayn, dalka na hoganaya inay ka mid tahay ayaan maleeyay, qolka malaha waa tii dhistay, mooyi.

Jidku waa laami hadda na raf iyo rifrif badan. Nin reer miyi ah oo waddada daanteeda taagan ayuu wadihii hoon u garaacay; “dabaysha dhacaysa ayaanay dadku wax ka maqal oo waddada waa iska soo galaan” ayuu igu yidhi. In yar kolkaannu dhaafnay bartii ninku taagnaa ayaan diin waddada badhtankeeda ku nafwaayay oo baabuur kala ballaadhiyay indhaha la haleelay, in ninkii reer miyiga ahaa cid hoon ku joojisa helay ayaa u sed ahayd baan is idhi.

Cisbitaalka guud ee Hargeysa ayaannu isa soo taagnay. Nin oday ah oo budh sita ayuu wadihii ka codsaday inuu albaabka naga furo. Gudihii ayaannu baabuurkii gelinnay. Dad badan ayaa meesha is dhaafdhaafayay, astaan aan ahayn magaca “Hargeysa Group Hospital” ee debedda kaga qoran oo muujinaysa meheradda dhismahani qabtaa ma jirto.

Dhakhtar, kalkaaliso, dhooli iyo wax noo muujin kara cidda aannu wiilka dhaawac ah ku aamminayno ayaannu arki weynay. Wadihii ayaa baabuurkii ka tegay oo albaab furan dalaq yidhi. Miridho yar ka dib ayuu soo noqday oo yidhi; “waa kan gargaarkii degdegga ahaa”.

Wiil bir jiingad ah, afar taayir oo lagu riixo leh, dhiigna ku yaallo dudduucaya ayaa soo baxay. Wadihii ayaa baabuurka daaqaddiisii furay. Laba wiil oo indho cascas, rag qayilay u muuqda ayaa birtii la riixayay hareeraha iska soo taagay. Wadihii ayaa yidhi; “waar ninka dhaawaca ah ila qabta” Cidi juuq uma odhan. Mar labaad ayuu ku celiyay; “waar ninka dhaawaca ah ila qabta”, labadii wiil ee indhaha cascasaa ayaa hoosta iska eegay, juuq iyaga oo aan odhan ayay birtii wiilku riixayay dacallada qabteen. Mid na uma soo hollanay inuu wadaha caawiyo.

Wiilkii dhaawaca ahaa oo u degdegaya 'gargaarka degdegga ah' ee uu filayo inuu helayo ayaa baabuurkii iska soo maqiiqay. Isaga oo xanuun badani ka muuqdo, gacanta midig laalaadinaya, bararkii madaxu isha midig qariyay, addimada na mid jiidaya ayuu dhankii albaabka u hadaafay. Labadii wiil ee indhaha cascasaa ayaa mid yidhi; “wuu socon karayaa”

Oday meesha taagnaa ayaa yidhi; “maxaa ku dhacay?”. “Baabuur jidka Berbera ku qallibmay waa wadihiisii” ayaan ugu warceliyay. “Jidka ayuun baannu ka soo qaadnay” ayaan u raacshay. Nin kale oo warka hayay ayaa yidhi; “Ma baabuurkii askartu ku dhaawacantay?”. “Haa” ayaan ugu warceliyay.

Wadihii baabuurkayaga oo soconaya ayaa igu soo noqday. “Aniga ayay i leeyihiin ninku waa qoloma? Mooyi dee?” “Telefoonkaaga na sii ayay igu yidhaahdeen, anigu na waan siiyay” ayuu igu wargeliyay.

Goobtaas aannu ninka dhaawaca ah, madaxa iyo dhabarka wax ka qaba ku rognay “gargaar” iyo “degdeg” mid na lagu ma haynin. Bartii aannu ka soo qaadnay, derbigii uu jiifay iyo bartaas aannu keennay faraqa u dhexeeyay wuxuu ahaa halkiisii hore dadkii joogay ee tuulada baabuurkiisii ku qallibmay degaanka ku ahaa waxa ay u muuqdeen dad shilka wiilka ku dhacay ka naxsanaa, kuwa se “gargaar iyo degdeg la'aanta” cisbitaalka Hargeysa joogay kuwo muraad ka leh uma ay muuqan.

Waxa ay dhacdadani i xusuusisay mid kale oo ku xusnayd Isha Qarsoon(IQ) Ogos 31, 2011[http://wardheernews.com/Articles_11/August/Cawed/31_Isha_Qarsoon_Tan_ku_bukood__bakteeriyada_iska_bari_ayaa_dhaanta.html] waa qisadii Xereeye iyo gargaarka degdegga ah ee Burco, toddobaad ka dib maalintii aan cisbitaalka Burco ku booqday ayuu Xereeye baxay.

Xidhiidhka labada qiso waa “ciil ka ma kore”, tii shalay ayuun baa maanta taagan, berri na sidaas u taagnaanaysa.

Ma hubo wax wiilkii yaraa ku dhacay, mid se waan hubaa gargaar aanu u la soo degdegnay ma jirin, waxa ay uga dhowdahay in aanu godkiisii ku soo dhowaynay.



Cabdillaahi Cawed Cige,

Hargeysa Somaliland

No comments: