" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Sheekh: Maktabadda wareegta iyo booqashadii hoyga aqoonta

Thursday, July 5, 2012

Sheekh: Maktabadda wareegta iyo booqashadii hoyga aqoonta

Maktabadda wareegta ayaa safarkoodii xidhiidhka ahaa ee maalmihii u dambeeyay ay ku soo mareen magaalooyinka Boorama iyo Gabiley waxay shalay (04/07/2012) ku gaadheen Degmada Sheekh oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaana ku qaabilay deegaankaas Naadiga Akhriska ee Degmada Sheekh.

Safarkan Geeddiga Bugaagta oo safarkan uu wehelinayo wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa munaasibad loogu qabtay hoolka xarunta degmada Sheekh, iyadoo maamulka degmadu uu kala qaybagalay munaasibadaas. Waxa lagu soo bandhigay Maktabadda wareegtaiyo buugaag qiimo badan oo ay halkaas kula kulmeen ardayda wax ka barata dugsiyada mugga wayn ee SOS iyo dugsiga Xanaannada Xoolaha ee degmadaas.
Ugu horeyn waxa munaasibadaas ka hadlay qoraaga gadh-wadeenka ka ah maktabadda wareegta iyo seeska dhaqanka iyo suugaanta ee Redsea Online Jaamac Muuse Jaamac, waxaanu iftiimiyay in degmada Sheekh ay tahay hoygii aqoonta, isagoo ku hambalyeeyay maamulka degmada hirgelinta xarun wax-akhris oo ay ka sameeyeen isla xarunta degmadaas. Waxaanu sheegay in Bugaagtan Geeddiga ahi ay u baahan yihiin meel ay degaan oo ay ku nagaadaan.
Guddoomiyaha Degmada Sheekh ayaa isaguna ka warramay muhiimadda ay kobcinta aqoonta u leedahay wax akhriska iyo qoristu, waxaanu maamule ahaan sheegay inay ku hawlan yihiin sidii ay u dhiirigelin lahaayeen dhalinyarada, isla markaana ay halgan uga gali lahaayeen cidhibtirka balwadda qaadka.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Boobe Yuusuf Ducaale oo isagu marti gaar ah ku ahaa munaasibaddaas ayaa tilmaamay in joogintaankiisu uu ka turjumayo doorka Xukuumaddu ay ku leedahay dhiirigelinta aqoonta da’yarta, isla markaana waxa uu kula dardaarmay dhalinyaradii madashan bandhigga geeddiga buugaagta ka qaybgashay inay ku dedaalaan wax akhriska. Isagoo xusay in arrintaasi ay ka taageeri doonto inay waayo-aragnimo ku filan, iyaga oo aan meelna uga bixin deegaankooda.

Sidoo kale, waxa iyaguna madashaas ka hadlay maamulka naadiga akhriska ee degmada Sheekh, iyagoo ku ammaanay maamulka degmadooda fullinta ballantii sannadkii hore ee  la xidhiidhay hirtgelinta xarun wax akhris, isla markaana waxay farriin u direen bahda maktabadda wareegta oo ay ka codsadeen in doorkii ay ka sugayaan.

Dhinaca kale, waxay xubnaha hogaaminaya maktabaddan wareegtaa ay booqdeen dugsiga sare ee SOS, kaasoo ka mid ah dugsiyada tirada yar ee ardaydu ku hoydaan ee dalka ku yaalla. Waxaana ku soo dhaweeyay maamulka, macalimiinta iyo ardayda dugsigaas, waxaanay kooxda iyo hoggaanka maktabadda wareegtaa ay kormeer sameeyeen qaybaha kala duwan ee uu ka kooban dugsigaasi.

Ugu dambayntii weftigan Bugaagta Geeddi ahi waxay u baqooleen dhinaca magaalada.

No comments: