|
Maxamed Haaruun - tartamaha kaalinta koowaad galay |
Hargeysa - 17,07,2012 -Tartamayaasha ku guulaystay tartanka sheeko iyo Shaahid
ee sanadkan 2012 oo qayb ka ah bandhigga buugaagta caalamiga ah ee Hargeysa,
ayaa xalay lagu dhawaaqay.
Munaasibaddii xalay ee bandhigga buugaagta caalamiga ah ee Hargeysa ee
ka socotay hoolka hay’adda shaqaalaha ee magaalada Hargeysa, ayaa lagaga
dhawaaqay dadkii ku guulaystay tartanka sheeko iyo shaahid ee sanadkan.
Tartankan oo qayb ka ah bandhigga buugaagta, isla markaana u furan qof kasta oo
ka qayb-galaya, ayaa sanadkiiba mar la qabtaa, waxaana dadweynaha ka qayb-galaa
ay ku tartamaan qof waliba sheekada uu doono. Taas oo qiimayn ku sameeyaan
guddi loo xilsaaray.
|
Dhinaca bidixda: Barkhad Maxamuud Kaariye - kaalinta labaad |
Tartanka sanadkan oo ay ka qayb-galeen dadweyne tiro badan waxa
wejigii hore u soo baxay kala-xulista lix qof, kuwaas oo qiimayn labaad oo mar
kale la sameeyay ay ka soo baxeen saddexda qof ee kaalmaha hore galay.
Munaasibaddii ku-dhawaaqista dadka guulaystay waxa ka hadlay Jaamac Muuse
Jaamac oo ah agaasimaha seeska dhaqanka iyo suugaanta ee REDSEA CULTURAL
FOUNDATION oo ah ururka soo qaban-qaabiya sanad walba barnaamijkan. “Tartanka
sheeko iyo shaahid waa tartan ay ka-qaybgalayaashu ku soo bandhigaan
halabuurkooda la xidhiidha sheeko-qorista, waana halka ay ka soo baxeen in
badan oo ka mid ah qorayaasha da’yarta ah ee wakhtigani.” Ayuu yidhi Jaamac
Muuse Jaamac. Waxaanu sheegay in dhalinyarada sanadkan ka qayb-gashay tartankan
ay habluhu kaga yar yihiin sanadihii hore, isaga oo ku dhiirigeliyay inay ka
qayb-qaataan tartannada noocan oo kale ah.
Jaamac Muuse Jaamac waxa uu halkaa ka sheegay guud ahaan lixda qof ee
sheekooyinkoodu wejigii koowaad ee kala-xulista u soo baxeen, kuwaas oo kala
ah;
1-Aadan Cumar Maxamuud
2-Barkhad Maxamuud Kaariye
3-Cabdiraxmaan Xaamud Cumar
4-Mustafe Cabdiqaadir Ibraahim (Shiine)
5-Maxamed Haaruun Biixi
6-Safiya Axmed Cali
Intaa ka dib, Cabdillaahi Cawed Cige oo ka mid ah guddida qiimaynta
tartanka sheeko iyo shaahid ayaa halkaa kaga dhawaaqay saddexda qof ee wejigii
labaad ee baratanka ku guulaystay kaalmaha hore iyo abaal-marinnada ay heleen;
kuwaas oo kala magacyadoodu kala yihiin sidan;
1- Kaalinta koowaad waxa ku guulaystay Maxamed Haaruun Biixi oo abaal-gud
u helay, shahaado, boqol doollar oo lacag ah iyo boqol dollar oo uu buugaag ku
qaadanayo, qalin iyo koombuyuutarka fudud ee la qaadan karo (Laptop).
2- Kaalinta labaadna Barkhad Maxamuud Kaariye oo abaal-marin u helay,
shahaado, shan iyo toddobaatan dollar oo lacagnimo ah, kamarad kuwa sawirka ah
iyo qalin.
3- Kaalinta saddexaad Safiya Axmed Cali oo wakhtiga ku-dhawaaqista
madasha ka maqnayd, waxay abaal-marin u heshay, shahaado, konton dollar oo
lacagnimo ah iyo telefoonka gacanta (mobile) iyo qalin.
Tartanka sheeko iyo shaahid waa baratan suugaaneed ay dadku ku tartamaan
sheekooyin gaagaaban oo sanadkiiba mar la qabto, kuwaas oo isu-geyntooda laga
sameeyo buug.
No comments:
Post a Comment