" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Ilmada qalinka iyo nasiib-darrada qoraaga

Wednesday, July 18, 2012

Ilmada qalinka iyo nasiib-darrada qoraaga

Qalinka af-Soomaaliga wax ku qora wuu ilmeeyaa had iyo jeeraale, qoraagiisuna umal buu ku sugan yahay, waxaana taa ugu wacan bulshadiisa oo ka indhasaaban duxdiisa ama waxtarkiisa. Rasuulkeenna Muxamed (C.S.W) waxyi ku soo dega waxaa ugu horreysay suuratul-Iqra oo aadanaha fareysa inay wax akhriyaan.


Akhrintu wax bay ku bartaa, waxay kobcisaa garaadka, waxay kugu hoggaamisaa nolol cusub, hal-abuur iyo kasmo dhammeystiran.

Qarniba qarniga kale kama war-qabeen haddii aanu jirin qalin keydiya dhacdooyinka taariikheed, dadkuna fac ka fac aqoonta isuma gudbiyeen, mana gaarneen casrigan wax kasta kumbiyuuterka lagu maamulayo.

Af-Soomaaliga markii la qoray (1972) wuxuu yididdiillo geliyay qalin-maalka iyo akhristayaashiisa, maxaa yeelay wuxuu u ahaa qoraaga kansho uu dadkiisa wax ku gaarsiin karo waxaana waayadaas soo baxay buugaag dhowr ah oo anfacooda ay mahadiyeen intii akhrisay, kuwaas oo erayadii ay ku qornaayeen iyo farshaxankii qoraalkooda ay dhif tahay in la helo hadda.

Toddobaatameeyadii iyo siddeetameeyadii buugaag nuxur leh oo dadka wada gaaray in ay soo baxaan waxaa horseeday qoraaga oo haystay wasaarad (hiddaha iyo tacliinta sare), daabacaad (madbacaddii qaranka), oo u xil-saarnayd daabacaadda iyo badinta buugga, akhristayaal (dadka oo markaas u caabboonaa inay ku ciil-baxaan wax ku aqrinta afkooda oo hadahaas la qoray), guddigii af-Soomaaliga oo isaguna kaalin lama ilaawaan ah la garab taagnaa qoraaga iyo waxyaabo kale.

Nasiib-darrada qoraaga

Qorayaashii xilligaas caan baxay qaarkood way joogaan, ma is waydiisay sababta aysan buugaag kale u soo saarin, iyagase ma waydiisay? Waxaa meesha ka baxay kaabayaashii qaran, afkiina wuu rajoobay, maxaa yeelay dadkiisu waxay ka doorbideen afka oo ay wax isaga sheegaan (intii ay wax akhrin lahaayeen) iyo afaf shisheeye oo ay ku faanaan, kana doortaan koodii.

Qoraaga Soomaaliga ah waxaa haysata nasiib-darro ay dadkiisa badeen, wax kastoo uu qoro qiime uma yeeshaan si la mid ah qoraaga ummadaha kale, xuquuqdiisana cid dhowrta way yar tahay, qaar baa waxooda dib loo daabacay (internet ahaan iyo buug ahaanba).

Dadkeenna tirada wax akhrisa waxaa ka badan tirada aan wax akhrin, waxaa noo meel-martay inaan nahay bulsho hadal ku nool ah (Oral Society), marka qoraa aan akhriste haysan waa ganacsi aan suuq haysan.

Colaaddii dalka ka billaabatay muddo hadda laga joogo rubuc-qarni in ku dhow waxay salfatay dhiiggii dadka, dhaxalkii carruurta, dhaqankii ummadda iyo dhulkii oo dadkiisii la baday qaxooti, natiijadii ka dhalatay waxay noqotay in aanay dhallinyaradu ka xishoon inay ku hadaaqdo “af-Soomaaliga kuma hadli aqaan, mana qori aqaan”, si sarriig la’aan ah, waa qeyb ka mid ah ilmada qalinka iyo niyad-jabka qoraaga.

Qoraageennu cid maalgashata oo ka macaashta wax soo saarkiisa ma haysto, isaguna isku daygiisa kama badna kummaan buug oo uu soo saaro si uu ugu yaraan intii karaankiisa ah dadka wax ugu gudbiyo, intaas yarna wixii ka galay dib uguma soo noqdaan, waayo reer hadal-ku-nool buug waxba uguma fadhiyo, waqtina uma hayaan gadashadiis iyo akhrintiis. Halkaas bay isaga iyo akhristihiisu isku haleeli waayaan. Qoraaga mar is xilqaama inuu mar kale dhiirrado way adag tahay, mar haddaanu dib u heleyn wuxuu ku dhaqaaqo.

Aqoonyahan wax qora oo aan la sheekeystay baa talo u soo jeediyay dhallinyarada wax baratay, wuxuuna yiri “In la abaabulo naadiyo dhallinyarada wax akhrisa isku xir u sameeya, waxay naruuro u noqon kartaa qoraaga nasiib-darrada la baday”. Wuxuu intaa ku daray “Ku dhiirrigeli qoraaga inaad ka iibsato buuggiisa, si uu dib ugu badiyo ama uu mid kale u soo saaro”.

W.Q: Cabdiraxmaan Taysiir

www.facebook.com/ataysiir


No comments: