" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Kheyrka bisha Ramadaan!

Tuesday, July 24, 2012

Kheyrka bisha Ramadaan!

Allaah Subxaanahu Watacaalaa ayaa ku mahadsan inuu caafimaad iyo nolol nagu gaarsiiyay bisha barakeysan ee Ramadaan, nana waafajiyay inaan qormadan wadaagno. Nebi Muxamed naxariis iyo nebedgelyada Allaah dushiisa ha ahaato.


Bisha Ramadaan waa bisha ugu mudan uguna fadliga badan bilaha kale, qofka muslimka ah ee mu’minka ah waxay u tahay fursad dahabi ah, wuxuuna dhexda u xirtaa inuu ka faa’ideysto kheyrka ku jira ee uu Allaah ku galladay.

Waa bishii uu soo degay Qur’aanka Kariimka ah oo hanuun u ah dadka, waxaana laga rabaa inuu soomo qof kasta oo qaangaar ah, haddii aanu xanuunsanayn ama aanu ahayn masaafur dib ka soomi doona, sida ku cad aayadda 185 ee Suuratul-Baqarah.

Bukhaari wuxuu ka weriyay Abii Hureyra Allaah haka raalli noqdeen in Nebiga (NNKH) uu yiri (Markuu Ramadaanku bisho waxaa la furaa albaabbada jannada, albaabbada naxariista iyo albaabbada samada, waxaana la xiraa albaabbada naarta iyo shayaadiinta.)

Ramadaanka waa bisha sadaqada, waa bisha uu qofka mu’minka ah sameeyo cibaado dheeraad ah, maadaama sanadkiiba mar ay timaado, lagana yaabo qofka hadda jooga inuusan sanadka dambe gaarin. Waa bisha la xiriiriyo qaraabada, waxaana ku jira habeen ka kheyr badan kun bilood (LEYLATUL-QADRI).

Tobanka hore ee bisha Ramadaan waa naxariis, tobanka dhexe waa dembi-dhaaf, tobanka ugu dambeeyana waxaa mu’miniinta laga xoreeyaa naarta.

Abii Hureyra (RC) wuxuu Nebiga (CSW) ka weriyay (Qofkii Ramadaanka sooma isagoo Allaah rumeysan oo ajar dalbaya waxaa laga dhaafaa wixii uu horay u galay oo dembi ahaa).

Qof kasta oo muslim ah si uu bishan uga faa’ideysto waa inuu badiyo cibaadada, salaadda iyo Qur’aan akhriska, waana inuu ka fogaado wax kasta oo wax u dhimi kara soonkiisa iyo ajirkiisa. Hurdada waxaa kaaga kheyr badan cibaadada, maalintii ha isku dayin inaad hurdo isku dhaafiso si aadan soonka u dareemin. Ka feejignow inay daqiiqad kugu dhaafto wax laga wanaagsan yahay.

Soonku wuxuu gaashaan u yahay naarta, waa dhabbaha lagu tago jannada, qofka sooman wuxuu ka nabadgalaa shahwada, doonista nafta iyo hawadu inay hoggaamiyaan. Jannada waxaa ku dhex yaalla albaab loogu talagalay inay ka galaan dadka saa’imiinta ah oo keliya, sida uu noo caddeynayo xadiis ay soo wada saareen Bukhaari iyo Muslim oo laga weriyay saxaabiga Sahal Binu Saciid.

Maalinta khiyaamaha soonku wuxuu u doodaa saa’imka (qofka sooma), wuxuuna sababaa labo farxadood oo kala ah farxadda xilliga afurka iyo farxad kale oo uu muslimku farxo markuu la kulmo Allaah (SW).

Waxaan idinkugula dardaarmayaa cabsiga Allaah (SW) iyo cibaadada oo aan labanlaabno. Tallaabo kasta inta aadan qaadin iswaydii inuu kheyr ku sugan yahay iyo in kale, daqiiqad kasta inay kugu dhaaftay wax uu Allaah raalli ka yahay iyo in kale.

Badi akhriska Qur’aanka, balwedna ka dhigo maalin kasta inta aad awooddo inaad akhriso, ku xisaabtan halkii xaraf oo aad Qur’aanka ka akhriso waa 10 ajir. Wanaaggu wuxuu masaxaa xumaanta ee ku dedaal inaad Qur’aanka ku xusto bishiisa.

Waxaa soo raaca inaad shanta salaadood waqtigooda ku tukado, haddii aad kari karto masaajidka iyo jamaacada ayaa kheyr badan. Habeenkii taraawiixda joogtee. Badi xuska Allaah. Mar kastana duceyso, una ducee waalidkaa, qaraabadaada iyo ummaddaada Soomaaliyeed.

Sadaqo intii karaankaaga ah baxso, dad badan oo Soomaaliyeed baan haysan wax ay ku afuraan, ku casheeyaan ama ku suxuurtaan, wixii uu Allaah ku siiyay wax ka bixi.

W.Q: Cabdiraxmaan Taysiir

No comments: