" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: DAAWO: Sideen Quraanka u xifdinaa?

Tuesday, July 24, 2012

DAAWO: Sideen Quraanka u xifdinaa?

Allaah baa mahad leh oo noo suurageliyay inaan caafimaad ku akhrisanno ama ku daawanno muxaaradan qiimaha leh.

Muxaadaradani waxay ku saabsan tahay sida aan qur’aanka ku xafidi karno.

Qur’aanku waa farriin uu Allaah (SW) u soo dhiibay Rasuulkeenna Muxamed (CSW) si uu dadka uga saaro mugdiga, una geeyo iftiinka, sida ku cad aayadda 6-aad ee suuratul-xaddiid. ((هو الذي ينزل على عبده آيات بينات ليخرجكم من الظلمات إلى النور))

Qur’aanka waxa uu Allaah ku caddeeyay sheekooyinkii dadkii hore iyo kuwii dambe, abuurista samooyinka iyo dhulalka. Wuxuu ku kala caddeeyay xalaasha iyo xaaraamta, usuusha, aadaabta, akhlaaqda, axkaamta cibaadooyinka, mucaamalaadka, taariikhihii anbiyada iyo saalixiinta (dadkii wanaagsanaa). Abaal-marinta mu’miniinta iyo gaalada, wuxuuna caddeeyay in ay jannadu tahay hoyga mu’miniinta, naartuna ay tahay hoyga gaalada. Wax kasta ayuu Allaah ku caddeeyay qur’aanka…Eeg Suuratul-Naxli aayadda 89-aad.(( ونزلنا عليك الكتاب تبياناً لكل شيء وهدى ورحمة وبشرى للمسلمين )) النحل : 89 .

Lama soo koobi karo waxyaabaha wanaagga, kheyrka, digniinta iyo baraarugga ah ee uu xambaarsan yahay Qur’aanka, waxaana qof kasta oo muslim ah oo ka run sheegaya iimaankiisa laga doonayaa inuu xafido qur’aanka, inuu barto macnihiisa isla markaana uu ku dhaqmo.

Halkan hoose waxaad ka daawan kartaa muxaarado diini ah oo ku saabsan sida loo xafidi karo qur’aanka, waxaana na soo gaarsiinaya Sheekh Cismaan H. Madad.

Waxaa diyaariyay hordhaca: Tifaftiraha SomDaily




Xigasho: www.somdaily.com

No comments: