Han-weynidu yaab lahaa
Hilbay nacaysaa ag yaal
Hibaaqa hareerigee Haadaan ka lushee fogbay
Misana ku hadaaqaysaa, Hal bay hal ugeynaysaa
Hal baanay ka goynaysaa Hadhaa hal ka buuran bay
Misana kugu hawlaysaa, Go’doon iyo hayjad bay
Habeen kugu oodaysaa Huluul laga maagay bay
Hayaan kugu geynaysaa
Maansada Higil, Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) – 2012
Af-Soomaaliga ayaa ah af leh hodantinimadiisa. Ummada adeegsata waxaa
looga yaqaanaa aduunweynaha ummadii gabayga (Poet Nation). Gu’gii 1952 kii ayaa
boqorada Ingiriiska aabaheed uu geeriyooday.Gu’gii 1953 kii ayaa wadamadii uu
gumaysan jiray Ingiriisku laga codsadey inay soo bandhigaan murti maanseed ay
kaga qayb galaan baroordiiqda loo samaynayo boqorkaa iyo celeemo-saarka loo
samaynayo inantiisa. Dhinaca wadanka Soomaliland waxaa uga qayb galay kooxdii
Boys’scouts oo uu dadkii sii galbiyey ka mid ahaa Cumar Ustareeliya (IHUN).
Markii la tagey goobtii baroordiiqda iyo caleemo saarka iskugu jirtay ayaa
dadweynihii gacanta laga galiyey maansadii uu tiriyey Cali Jaamac Haabiil
(IHUN)ee baroordiiqda aheyd “geeridii Xirsay sheegayaan”oo loo aftebiyey Afka
Ingiriisiga.Waxaana cod baahiyaha qaatey oo maansadaa akhriyey Cumar
Ustareeliya .Maansadaasi waxay noqotay maansadii hanatey dhamaan dadweynihii
madasha joogay,loona doortay inay tahay xulkii maansooyinka ee maalintaa.
Sidoo kale ayaa bishii Diisamber 15dii, 2003 dii Jaamicad ku taala
magaalada Lund ee wadanka Sweden lagu soo bandhigay tartan maanseed loogu magac
darey “Xulkii Gabayada Caalamka ee labaatankii sano ee tegay”.Waxaa kaalinta
koowaad gashay maansada “Dalxiis iyo Darmaan” ee uu tiriyey Cabdi Aadan Qays
kuna galay diiwaanka aduunka.Tirada gabayada madashaa lagu soo bandhigay ayaa
ahaa 150 maanso oo laga soo ururiyey dunida oo dhan, laguna afceliyey shan ka
mid ah afafka aduunka.
Wuxuu haddaba maanka toosani diidayaa in la yeelo ummada heerkaa
aduunka kaga jirta ayaan afkeedu la jaanqaadeyn horumarka aqooneed ee laga
gaadhey dhinaca eray-bixinta.
Muddo dheer ayaa hawsha qorista Af-Soomaaliga gacanta lagu
hayey.Muddadaa dad badan ayaa ka hawlgaley soona bandhigay siday wax u arkayeen
iyo farta ay door bideen in la qaataba. Dadkaa qaarkood waxay soo bandhigeen
far ay iyagu dhidibada u taageen, halka raac kale ay soo jeediyeen talooyin ku
aadan qaab dhismeedka farta Soomaaligu siday u eekaanayso ama noqonayso.
Qoraaga caanka ah ee Cabdiraxmaan Faarax Barwaaqo oo arintaa ka
hadlayana wuxuu qalinka ku duugay: “Ka hor 21kii Oktoobar ee 1972 kii , dad
badan oo Soomaali iyo shisheeyaba leh baa isku hawlay sidii af Soomaaliga loo
qori lahaa. Ha ugu horreeyo Sheekh Yuusuf Al-kawniin oo ah ninkii bilaabay Alif
la kordhabey iyo kuwii faraha badnaa ee ka dambeeyey, haddii aan qaar ka
xusana, ay ka mid ahaayeen Muuse X.I. Galaal, Cismaan Keenaddiid, B. W.
Andrzejewski, Maxamed Cabdi Makaahiil, Shire Jaamac Axmed,lbraahim Xaashi
Maxammuud, M. M. Moreno, C. R. V. Bell, L. E. Armstrong, Cabdullaahi Xaaji
Maxammuud, B. Panza, iyo Cabdiraxmaan Sh. Nuur” (Barwaaqo, 2003).
Hase yeeshee gu’gii 1972kii ayey suurtogashey in qalinka lagu duugo
go’aankii qorista Af-Soomaaliga. Waxaa la qaadey olole lagu gaadhsiinayo fartaa
daafaha ay degaan dadka Soomaaliyeed gaar ahaan dalalkii la isku odhan jiray
Soomaaliya. Ololahaa waxaa ka qayb qaatey dhamaan ardeydii iyo macalimiintii.
Waxaa si loo hirgaliyo fartaa lagu hawlgaley halku-dheg ahaa “"Haddaad
taqaan bar, hadaanad aqoonna baro".Waxaa kaalin mug laheyd qaatey
wasaaradii warfaafinta oo ku hawlgashey dhamaan hababka kala duwan ee gudbinta
sida idaacadaha, golayaasha murtida, wargeysyada qoran iwm. Ololahaasi wuxuu socday
laga bilaabo 1973kii ilaa 1975kii.
“Oktober 1972kii Golahii Sare EE Kacaanka ayaa meelmariyey in Af
Soomaaliga lagu qoro farta Latinka. Taa haddii la go’aamiyey, lama huraan ayey
noqotay in farta lagu shaqaynayaana ay noqoto Soomaali. Sidaas darteed, waxa la
faray dhamaan shaqaalaha dawladda in muddo bil gudaheed ah ay dhamaan ku
bartaan qorista iyo akhrinta farta Soomaaliga. Go’aamada Kacaanku dhaqangelin
mooyi e ma lahayn faallayn iyo qiimayn waqti qaata. Sidaas darteed, haddii
bishii ay dhamaatay, wasaarad waliba shaqaalaheedii ayey imtixaan ka qaaday
lagu sugayey in ruux waliba uu gacanta ku dhigay qorista iyo akhriska farta
cusub” ayuu yidhi Barre sare Maxamed Bulaale oo u waramayey bahda mareegta
Farshaxan.
Abwaan Xasan Sh.Muumin (IHUN) oo ka mid ahaa dadkii halganka dheer ugu
jiray in la dhawro lana kobciyo Af- Soomaaliga ayaa u soo dhaweeyey hawshan soo
afjarantay.Abwaan Xasan Sh.Muumin (IHUN) ayaa taariikhda ku galiyey dhacdadaa
qaab maanseed,waxaanu yidhi:
Qumaati uga bogoo Fartii qalaad ha moodin
Carrabku qaldi maayee Sidii caanaha qudh-qudhiya!
Murtideenii quusatee Qaawanayd quruxsanaa
Sumadda loo qalqaaliyee Lagu qorey qummanaa
Maantuu qabweyn iyo Qosolku ii xalaal yahayoo
Maanku iqaboobayaa Qalinkaaga ii dhiib!
Ereyada an kuu qoro Qumaati uga bogo
Fartii qalaad ha moodin Carrabku qaldi maayee
sidii caanihii qudh-qudhiya Sidii caanihii qudh-qudhiya
Abwaan Xasan Sheekh Muumin,1972
Mudadii bisha aheyd ee loo qabtey shaqaalaha dawlada si guul leh ayey
u dhamaatey. Waxay muujiyeen shaqaalihii dawladu karti iyo dadaal ay hageysay
cabsi ay ka qabeen in shaqada laga eryo.Markii taasi si fiican u hirgashey ee
ay guul ku dhamaatey ayaa waxaa bilaabmay hawlgalkii labaad oo ahaa in dhamaan
waxbarashada dalka wax lagu barto farta Soomaaliga. Afafkii qalaad ee dalkaa la
odhan jiray Soomaaliya wax lagaga baran jiray xilligaa ayaa kala ahaa
Ingiriisi, Carabi iyo Talyaani. “Imtixaanka hortii Guddigii Far Qorista ayaa
diyaarisay habraacyo la akhriyo lagana arko xarfuhu waxa ay yihiin ( shibanyaal
iyo shaqalo). Markii ku shaqaynta farta Soomaaligu ay ka hirgashay xafiisyada
dawladda, sandulle ayey iska noqotay in lagu fakiro halkaas in laga sii
talaabsado oo Soomaali wax lagu barto” ayuu yidhi barre sare Maxamed Bulaale
Golihii wasiirada ayaa go’aansadey inay xilka hawshan dusha ka saareen
wasaaradii waxbarashadu . “Marka la isku soo xoorsho waxbarashada dugsiyadu in
ay noqoto Af Soomaali waxa ay ku timi go’aan siyaaseed. Waxayse ku hirgashay
go’aan maamul oo Wasaaradda Waxbarashadu ku dhaqaaqday in manaahijta loo
tarjumo Soomaali, buugaagta casharada( text-books) iyaguna noqdaan Af Soomaali”
ayuu mar kale yidhi barre sare Maxamed Bulaale.
Wajigii ugu horeeyey ee hirgalinta fartu qaab olole midaysan ayuu ku
hirgaley.Hase yeeshee wajiga labaad wuxuu culayska wayni dusha kaga dhacey
aqoonyahanadii ka hawlgalayey wasaaradii waxbarashada.Waxaana la doortay
guddiyo kala duwan oo buugaagta casharada ee waxbarashada dalka dhamaan lagu af
celiya af-Soomaali.
Shirar badan ayey wasaarada waxbarashadu ka yeelatey hawlgalinta iyo
fulinta hawshaa culayskaa leh.Wasaaradii ayaa go’aansatay in qaab dhismeedkeeda
ay hawsha ku fulinayso la sameeyo. Sidii loo sameeyey qaabdhismeedka
hawshaasina wuxuu ahaa sida uu nala wadaagey barre Sare Maxamed Bulaale:
1.Waaxda Kowaad: Waxbarashada Asaasiga
2.Waaxda Labaad: Waxbarashada Dugsiyada Sare, Tacliinta Sare,
Waxabarashad Dadka Waaweyn iyo Manaahijta - Agaasime: Ibraahim Maxamuud Abyan.
3. Waaxda Qorshaynta; Agaasime: Cabdiraxmaan Cabdille Cismaan (Shuuke)
4.Kormeerka Guud- Waxaa gudoomiye looga dhigay Barre Sare Maxamed
Bulaale, iyadoo uu agaasime guudna ka ahaa Marxuum Maxamed Xasan Aadan (Gahayr)
oo isaguna u warbixinayey wasiirkii waxbarashada.
Waaxaas la magacaabey waxay fududeeyeen hormoodna u noqdeen in la
abuuro guddiyo buug qoraal.Waaxahaas waxaa loo kala igmadey xilal kala duwan
halka waaxda Labaad ay xilka guud u xilsaarneyd, socodsiinta hawshana waxa
yeeshay Xafiiska Manaahiijta oo uu madax ka ahaa Saleebaan Maxamuud Aadan
(Saleebaan Gaal), iminkna ah Gudoomiyaha Golaha Guurtida ee Somaliland.
Shir ay dhamaan waaxahaasi iskugu yimaadeen ayuu shir gudoomiye ka
ahaa Agaasimihii Guud, Marxuum Maxamed Xasan Aadan (Gahayr).Shirkaasi ayaa
arinta dhan walba loo rogrogay layslana gartay in la soo xullo gudiyada qorista
buugaagta casharada(Text Books).Gudiyadan waxaa xulistooda lagu saleeyey iyadoo
loo qaybiyey maadooyinka kala duwan ee waxbarashada sida:- Aqoonta Xisaabta
,Aqoonta taariikhda, aqoonta juqraafiga ,Aqoonta Sayniska(Bayoloji, Fisigis,
Kimistari), iwm.
Barre Sare Maxamed Bulaale oo arintaa ka hadlaya ayaa yidhi: “Markii
gudiyadaa la magacaabey,waxaa mar kale heshiis lagu gaadhey in gudi kasta loo
magacaabo gudoomiye.Tusaale ahaan gudida aqoonta taariikhda waxaa gudoomiye
looga dhigay Cabdiraxmaan Carte Qaalib,iwm.Guddoomiyeyaashu waxa ay ka soo
talabixin jireen xubnaha guddiga, xafiiska manaahijta isna waaxda labaad ayaa
uu u gudbin jiray xubnaha la isla garto, markaas dabadeed ayaa agaasimuhu
gaadhsiin jiray Agaasimaha Guud Marxuum Maxamed Xasan Aadan Gahayr”.
Gudiyadaa la magacaabey ayaa sidoo kale gudida aqoonta xisaabtana
waxaa gudoomiye u noqday Barre sare Maxamed Bulaale.Kulan dhex maray
gudoomiyayaasha waaxda labaad, madaxa manaahijta,guddoomiyaha
kormeerayaasha,kormeerayaasha iyo agaasimaha guud ayey ka soo baxeen
magacaabista xubnaha gudiyada.Sidoo kale waxaan marna maanka ka baxeyn
kaalintii laxaadka laheyd ee ay Kulliyadda Waxbarashada Lafoole ka gaysatey
hawshaa hirgalinta qorista Afka iyo baahintiisaba. Waxay aheyd kuliyadaasi isha
lagu doogsadey ee soo saartey barreyaal tayo iyo tiraba leh.Kuliyadaa waxaa ka
hawlgalayey badiba xubno ka soo jeeda dalka haatan ah Soomaliland.Tani waa
arinta horseedka u noqotay loona tiriyo in xukuumadii Afweyne u hawlgasho ka
shaqeynta sidii tayo ahaan,dhaqaale ahaan, iyo jiritaan ahaanba loo tirtiri
lahaa Kuliyada Lafoole.Si reer Soomaaliland hu’ loogu saaro colaadaa ayaa
Kuliyadii la dhisay ee dhaqaale iyo kartiba loo huray lagu magacaabey Gaheyr
(IHUN) oo ka soo jeeday Soomaliland.
Barre sarre Maxamed Bulaale oo mar kale sii faahfaahinaya arintaa ayaa
yidhi: “Markii meel la isla dhigay xubnihii gudiyada lana sameeyey Waaxihii
kala duwanaa ayaa waxaa dib loo eegay nidaamkii waxbarasho ee ka jiri jiray
dalkii. labadii dal ee Somaliland iyo Soomaaliya waxay kala lahaayeen laba
hawlgal waxbarasheed,oo salka ku hayey hab waxbarasheedkii labadii gumaysi ee
Ingiriiska oo Somaliland ku dhaqmeysay iyo kii Talyaaniga oo Soomaaliya ku
dhaqmeysay”.
Qaab Dhismeedkii Dugsiyada hoose,dhexe, iyo sare :
Dal
|
Dugsi Hoose
|
Dugsi Dhexe
|
Dugsi Sare
|
Wadar Guud
|
Soomaaliland
|
4 gu’
|
3 gu’
|
4 gu’
|
11 gu’
|
Soomaaliya
|
4 gu’
|
4 gu’
|
4 gu’
|
12 gu’
|
Guusha ugu weyn ee wax ka qabashada hawshaa waxaa loo tiriyaa dawladii
rayidka aheyd ee uu Cabdirashiid Cali Sharmaarke (IHUN)madaxda ka ahaa ,Maxamed
Xaaji Ibraahin Cigaalna (IHUN) uu ra’iisa wasaaraha ka ahaa. Dawladihii ka
horeeyey ee rayidka ahaa waxay ku mashquulsanaayeen musuqmaasuqii hadheeyey iyo
sadbursi raadin reernimo ku salaysnayd. Dawladaa ayaa nidaamkii waxbarasho ee
dalkii ka dhigtay inuu ku midoobo nidaamka 4:4:4. Halka afkii waxbarasho ee
dugsiyada hoose iyo dhexe lagu sargooyey inuu noqdo Af-Ingiriisi. Dugsiyada
Sare waxay wali ku sii socdeen Af Ingiriisi dhinaca Soomaaliland, iyo Af
Talyaani dhinaca Soomaaliya.Waxaase gabaabsi sii ahaa dugsiyada sare ee Af
Talyaani wax ku baran jiray.
Dugsiyadaa waxaa u yaalay manaahij ay u hogaansanaayeen.Sidaa darteed
waxaa la isla qaatey in manaahijtaa sidooda loo daayo , hase yeeshee lagu
kordhiyo barashada xiisada Af- Soomaaliga iyo xiisada Kacaanka.Dhawr kulan oo
waaweyn ayaa la galay.Mid ka mid ah kulanadaa waxaa lagu qabtey dugsiga
Majistrale (Scoula Magistrale) loona bixiyey markii danbe dugsiga sare ee Raage
Ugaas.Go,aanadii lagu qaatey halkaa waxaa hormood u ahaa in buug Qoraalada la
bilaabo. “Go’aan waxa uu isugu soo biyo shubtay in buug qoraalladu ka unkamaan
min hoos ilaa sare oo laga bilaabo fasalka kowaad ee dugsiga hoose laguna soo
afjaro fasalka afraad ee Dugsiga Sare” mar kale ayuu sidaa yidhi Barre sare
Maxamuud Bulaale.
Markii la isla gartey gundhiga laga dhaqaaqayo iyo gabagabadu siday
ahaaneyso ayaa loo guda galay sida loo fulinayo hawsha .Waxaana lagu heshiiyey
in maado (subject) kasta la qoro eray bixinteeda A-f-Soomaaliga ah.Mar kale
waxaa la isla qaatey in fasal kasta loo qoro buug-casharaeed(Text_book).
Hawshii markii la gudo galay waxaa la raacey hab u dhigan sidan iyadoo
laga duulayo in eray kasta oo Af-Ingiriisi ah la helo eray Af-Soomaali ah oo u
dhigma:
1-Erayada si toos ah u leh eray tabin Af-Soomaaliya :
Tusaale :
Cell = Unug ; Average : Celcelis ; Addition =Isu-geyn ; Bisect= Kala
badh;
Isle’eg toosan = Square : Laba-jibaar; Inequalities= Dheeliyada
Discriminant of quadratic equation: Takooraha Isle’egta Saabley.
2- Erayada Labaad waa qaar ku salaysan fikrad (concept )
Tusaale:
Compound interest: Dheefkor Simple Interest = Dheefta Fudud
differentiate =xig; hypotenuse =shakaal; sequence= susun; vector =
leeb
xidid Maangad =Imaginary root;
3- Erayada laysla qaatey in sidooda loo daayo:
Tusaale :
Logaritham iyo Trigonometry, iwm.
4- Erayada la eego muuqaalkooga laguna saleeyo taasi eray-bixintooda:
Tusaale: parabola =saab; ellipse = qabaal; Rhombus= qardhaas;
rectangle=laydi ; Isle’gta Saabley = Quadratic Equation ;
Aqoonyahan Maxamed Bulaale oo faahfaahin ka bixinaya sida mar walba
dib loogu noqonayey dhaqanka bulshada ku hadasha Af-Soomaaliga oo hodana ayaa
yidhi:
“Haddaad dhuuxdo, adhigu marka uu hayaamayo, iyo labadaraadle,marka uu
aroorayo intuu is daboga lo ayuu susumaa. Aragtidaas ayaa, marka, keentey in
“sequence” oo asal ahaan macnaha uu xambarsan yahay waxa midba mid daba socdo
lagu tarjumo susun. Ereyo badan oo tarjumaada loo adeegsaday waxa lagala soo
baxay aqal Soomaliga waxa uu ka kooban yahay ama weelka hoos yaala. Sidaasna
waxa loo yeeley iyada oo alaabta aqal Soomaaligu ka koobmo ay muuqaal ahaan u
e’g yihiin shaxanao joomateri. Shaxanada qaarkood ereyga loo bixiyey waxa laga
habraacay aqal soomaaliga qaab dhismeedkiisa Tusaale ahaan: “meridian” dhig
ayaa la yidhi iyada oo laga eegey meesha ay dhigtu aqalka ka gasho. Ereyada
miyiga laga keeney waxa ka mid ah “leeb” iyo “ligane” oo lagu kala bedeley
vector iyo normal oo fisikiska iyo calculus labadaba ku jira. Maadaama uu
vector loo qeexo in uu yahay xariiq jihaysan oo leh jiho iyo xajmi waxa la
garawsaday in leebku uu leeyahay dhumuc iyo ganaf ( >) tusaya jiho. Sidaas
awgeed ayey, marka, u haboonaatay in vector lagu tarjumo leeb. Ligane sida loo
qaatay xiiso ayey leedahay; Cayaar carruurtu cayaari jirtay ( mooyi in ay
imminka jirtoe) ayaa agabkeedua ahaa jajabyo eeriyo am bilaalayaal dhinac
xardhan yahay dhinacna cadaan yahay. Jajabkaas ayaa la ruxruxaa oo dabadeed
dhulka lagu sii daayaa. Haddii dhinac isku mid ah ay u dhacaan warfac ayaa la
yidhaahdaa. Mararka qaar se waxa dhacda in midh ama ka badaniba ganaf isku
taagaao oo uu dhiciwaayo. Marka ay sidaa noqoto, waxa la yidhaahdaa “ligan”.
Maadaama normal uu xisaabta iyo fisikadaba yahay nooc perpendicular =qotome ah
sidaas ayaa ,kolka, loogu bixiyey “ligane” ”
5- Erayada muuqaalka aan raacin ee dhaqanka looga meel dayey:
Erayadani waxaa runtii loo galay safaro badan oo marmarka qaarkood
qaatey muddo badan. Dhabar-adeyg ay muujiyeen aqoonyahanadaasi ayaa
suurtogalisay in ay guul ka gaadhaan.Waxaa la eegay qaab dhaqanka erayga
shisheeye iyo fariinta uu gudbinayo ka dibna lagu sargooyey eray Af-Soomaali ah
oo dhaqankeena raad ku leh lana jaanqaadaya erayga shisheeye iyo fariinta uu
sidaba.
Tusaale :
-Erayga “ Area” : Runtii muuqaal la raaco lama helin eray si toos ah
ula fanqaadana muu jirin.Sidaa darteed ayaa waxaa la ogaadey in Beeraleydu
markay beerta qodayaan ay u isticmaal erayga “bed” baaxada beerta...
- Ereyga “Diagram” ma aha wax ku jira fikirka Soomaaliga; waxase jirta
in kaboolayaashu inta aanay ruux kabo u tolin ay cagta ruuxa saan ku
sargooyaan, taas oo la yidhaahdo jaantus. Sidaas ayaa, marka , ereyga diagram
uu jaantus ku noqday.
Hawshani may fududayn hase yeeshee doonista aqoonyahanadaa iyo
garashada ay u lahaayeen afkooga hooyo ayaa hirgaliyey in ay ku guuleystaan
eray tabintaa ay u hawlgaleen.Kalsoonida uu qof ku qabo dhaqankiisa iyo afkiisa
ayaa suurtogalinaysa in qofkaasi si fudud ula jaanqaado dhaqan kasta,isagoon
mar katsa ka badbaadaya dhaqan doorsoon. Taasi waxay muujinaysaa inay
aqoonyahanadaasi aqoon fiican u lahaayeen Afka ay ka afcelinyaaan(Ingiriisada)
iyo ka ay ku afcelinayaanba (Soomaali).Waxaa kaloo laga dareemayaa halkaa inay
sidoo kale aqoon u lahaayeen fariinta uu erayga Afka Ingiriisidu xambaarsan
yahay oo u suurtogalisay inay si fudud uga afcelin karaan.Arimahan kor ku xusan
ayaana keenayan in bulshada maanta joogat ka maagto afcelin ama si fudud u
yidhaahdaan “Afkeena Soomaaligu lama jaanqaadi karo koboca aqoonta cusub”.Waxaa
kale oo qofkaasi si geesinimo leh uga fogaanayaa ku dhawaaqida odhaahdaa kor ku
xusan.
Waxaa maanka aqoonyahanka dareen dheeraad leh galinayan markuu dhex
mujaaxayo qeexaha kala duwan ee ku soo arooray buugaagtii casharada ee xisaabta
dugsiyada.Bal aan qaar ka mid ah ku xusno maqaalkeenana kooban ee la rabo inuu
daahfur u noqdo dib u noolaynta iyo kobcinta afka hooyo:
Xisaabta Fasalka 1aad ee dugsiga Sare, Cutubka V, Dhardhaarada
Gunaanad ahaan ayaa waxaa mudan inaynu soo bandhigno qaabkii ay ku
dhacdey in gudiyadaa kala duwan ay isla gartaan erayada laysla qaadanyo ee
galaya buug cashareedyada dusgiyada hoose.dhexeh iyo sare. mar kale aan marti
uga noqono inuu Barre Sare Maxamed Bulaale faafreeb inoogu sameeyo sida
gudiyadan hawsha u afmeeri jireen.
Waxaanu yidhi Barre Sare Maxamed Bulaale isagoo qodobaynaya:
“Arinta isku soo xoori oo erybixintu waxa ay ku timi:
1. Xubin kasta oo guddi ku jirtaa waxa ay badka soo dhigtaa ereyga ay
la tahay in uu dhigmo ka Ingriisida. Is garabdhig iyo dood dabadeed ereyga
guddigu u badato ayaa loo qaatay ka lagu tarjumayo ereyga Ingriisida ah;
2. In kasta oo xubnaha guddiyadu ay u badanaayeen Reer Somaliland oo
weliba macallimiinta Laafoole ay ku dhowaayeen in ay ahaadaan reer Somaliland
sooca ah, haddii ay dhacdo in laba erey oo Soomaali ah u wada qalmi karaan ku
bedelidda ereyga Ingriisida codka ugu badanay kay xushaan ayaa la isugu daasan
jiray;
3. ereyo badan ayaa maaddooyinka kala duwan ka dhexeey. Guddi waliba
goonideeda ayey erey-bixin u samaynaysey, Xafiiska manaahijta ayaa ahaa xarunta
erey-bixintu ku soo hoyan jirtay. Haddii si loo wada tarjumay erey ingriisa ah
dhibi majirto haddiise khilaaf yimaaddo, maddaxa manaahija ayaa fadhiisin jiray
gudoomiyeyaasha guddiyada erebixinta ee isku khilaafay xulashadooda. Bartaas
ayaa, kolka, lagu midayn jiray ”.
Inkastoo uu dadaal badani jiro oo aqoonyahan Cabdiraxmaan Faarax
“Barwaaqo” uu qoray buug la yaab leh si baaxad weyn lehna u soo noolaynaya
erayadii dhaqankeena ku jiray iyo dhaqanka laftigiisaba, waxaa lagama maarmaan
ah in dawlad, aqoonyahan, iyo bulsho ahaanba loo gurmado afkeena hooyo ee aynu
ku caano maalno.
Waxaan ku soo afmeerayaa qoraalkan erayadan oo qof waliba haboon tahay
inuu raadiyo halkay kaga jiraan Xisaabta,loona mahadnaqo aqoonyahanadii u
guntadey ee hawshaa xilka iska saarey.
Aljebra : Tibaaxaha Jibaarka Abyan , Iisirinta Tibxaalayaasha,
Joometari: Qoqobyo talantaali ah, Meer wadaag, Dhexfurka Koorta
Tirignoometari: Tusayaasha Fansaarada, Xaglaha dhacsan iyo kuwa
kacsan, Lakabeynta hooseeyaha laba tibix, yareynta heer xididshe, Susunno iyo
dareerinno.
Taladiina, tusaaleyntiina, tilmaantiina iyo ka qayb qaadashadiinaba
waa la soo dhaweynayaa…
Raadraac:
-Mareegaha Baardheere, Farshaxan, Hadhwanaagnews, Oodweynenews,
Gabileynews.
-Qoraal: Xeerka Abtirsiinta Erayga iyo sidaan u arko – Qore:
Cabdiraxmaan Faarax “Barwaaqo”
-Wareysi Bare Sare Maxamed Bulaale – Wareysi Qaade: Bahda Mareegta
Farshaxan
- Garnaqsi Miisaanka Maansada – Qore: Fuaad Sheekh
-Wareysi Yuusuf Cabdi Ibraahim”Kolombus” – Wareysi Qaade: Bahda
Mareegta Farshaxan
- Buug: Hal-bixinta Erayada Kumbuterka – Qalinkii: Cabdiraxmaan Faarax
“Barwaaqo”
Qalinkii iyo Tifatirkii: Fu, aad Sheekh
Bahda MareegTa Farshaxan
www.farshaxan.com ama www.farshaxan.org
©Weedhsan Corporation
No comments:
Post a Comment