Afar indhood iyo laba indhood isku si wax uma arkaan; shaqo qof keli
ah qabtay iyo ta la isugu tago isku tayo ma noqdaan; talo la’aan waa tayo
la’aan.
Aqoontaada iyo waayo-aragnimadaadu inta ay doonto ha le’ekaato,
haddana marna kama maarantid talooyinka iyo la-tashiga. Indheergarad ayaa la
weydiiyey; “La-tashigu muxuu faa’iido leeyahay?” Wuxuu ku jawaabay oo yidhi;
“La-tashigu waa adiga oo dadka kale garaadkooda daaliyey adna si fudud u
faa’iiday.” Cid kastaa talada way u baahan tahay, si gaar ahna waxa ugu baahan
madaxda dalalka, kuwa shirkadaha waaweyn iyo madax-dhaqameedyada.
Haddii aad madax tahay, haddana waxaad u baahan tahay la-taliyeyaal
kaa aqoon iyo waayo-aragnimo badan oo wax kaaga iftiimiya dhinacyada
dhaqaalaha, sharciga, siyaasadda iyo bulshada.
Madaxweynuhu waa shaqsi, shaqsi keli ahna wax ma wada qabsan karo sida
aanay gacan keliya u sacab tumin, sidaa darted ayaa loo yidhaahdaa; madaxweyne
kasta guushiisa iyo guuldarradiisu inta badan waxay ku xidhan yihiin hadba kuwa
ku dhawdhaw sida ay daacad ugu noqdaan.
Imbaraadoorkii la odhan jiray Alexander The Great, ayaa lagu yidhi;
guulaha aad gaadhay maxaad ku gaadhay? Wuxuu ku jawaabay; “Inta badan ma qaadan
jirin talooyinka saaxiibbaday, waayo, waxay ii qurxin jireen ceebahayga inta
badan, waxaanse aad ugu dedaali jiray dhaliilaha dhabta ah ee cadawgayga igaga
iman jiray, kuwaas oo aan si adag u sixi jiray marka ay jiraan.”
Alexander The Great oo ahaa imbaraaddoor gaadhay wax aan qayrkii
gaadhin, haddana waxa uu ahaa talo-ku-nool cadowgiisa iyo indheergaradkaba ka
qaata.
Maalin maalmaha ka mid ah ayuu Aleksander The Great soo saaray
ciidammadiisa oo aad u fara badnaa, waxayna sameeyeen dhoolatus weyn, iyaga oo
ku gudo-jira goor ay 12:00 duhurnimo tahay waxa gurigiisa ka soo baxay
indheergarad la odhan jiray Xenon, kaas oo sitay toosh shidan, Alexander markii
uu arkay Xenon wuxuu yidhi; “Waa yaabe maanta maxaa soo saaray indheergarad
Xenon, isaga oo hore iigu diiday in uu yimaaddo, kaddib markii aan dad badan u
diray?” Dabadeed wuxuu u raaciyey oo weydiiyey; “Tooshka iftiimaya ee aad
sidato xilligan oo ah 12:00 duhurnimo maxaa kaa maqan?” Xenon waxa uu ugu
jawaabay; “Waxaan doondoonayaa wixii dadku ii direen xilligan oo ah 12:00
duhurnimo in ay helaan caddaaladdii oo ka maqan.” Indheergarad Xenon isaga oo
hadalkiisa sii wata waxa uu intaa raaciyey; “Dhoollatuskan weyn ee aad soo
bandhigtay iyo ciidankan faraha badan ee aad ku faanayso iyo habab kale toonna
kuma ilaalin karaan, waxa keliya ee si dhab ah kuu ilaalin karaa waa adiga oo
dadka caddaalad kula dhaqma, taas oo ah waxa keliya ee dadka deeqa ama la
deeqsiin karo.” Alexander The Great wuxuu yidhi; “Halkaa waxaan ka qaatay
taladii ugu weynayd, halkii aan ciidanka ka badinayeyna waxaan ku beddelay
aniga oo hagaajiyey, oo islaaxiyey raciyadda aan xukumo, arrintaas oo ii
horseedday in aan miisaaniyad yar ku hoggaamiyo dadweynahayga oo waxqabad leh,
halka markii hore dhinaca awoodda ciidamada ay igaga bixi jireen hanti badan.”
Madax ama maamule haddii aad tahay; ogow in aan waalidkaa ku ilaalin
karin, iska daa in inaadeerkaa oo ku jecel ku ilaaliyo ama koox yar oo isku kaa
xeera durbaanna kuu garaaca.
Napoleon Bonaparte, ayaa lagu yidhi; “Kuma ayaa hoggaamiye la odhan
karaa?” Wuxuu ku jawaabay; “Waxa hoggaamiye la odhan karaa ka dadweynaha uu
xukumo yididiilo ku abuura, barwaaqana u horseeda, ka khilaaf iyo dagaal ka
ilaaliya dadweynihiisa, ka inta dhaliisha aan cadow u arkin, in kalena isku
didin, ka ishiisa midig dawladdiisa ku eega, ishiisa bidixna dadweynihiisa.”
M.M. Kastam
mmkastan@gmail.com
©Weedhsan Corporation
No comments:
Post a Comment