“Qirta Water Gate-yadu ka badan
taydun weriseene” – Gaarriye
Warar subag leh ayay u muuqan karaan mas’uuliyiinta xabsiga loo
taxaabay magaalada Hargeysa ee lagu eedaynayo weecsiga booshcaddihii dawladda Cummaan
ugu deeqday dadka gaajada iyo macaluushu Somaliland ku gabagabaynayaan.
Guddoomiyihii Gobolka Maroodi-jeex, agaasimihii wasaaradda
Dib-u-dejinta iyo la taliyihii madaxweyne ku xigaanka, ayaa seeftii
musuqmaasuqa ee saawirta ahayd (aan afka lahayni) dul gawdiiddaa.
Tallaabo wax-ku-ool ah oo ku diirrasho leh ayay tani u muuqataa. Waa
markii ugu horraysey ee xukuumadda Axmed Siilaanyo xilkii ka xayuubisay,
xabsigana ay u taxaabtay mas’uuliyiin lagu eedaynayo musuq iyo hanti ay
weecsadeen. Musuq iyo lunsi baahsan oo ku waajahan mas’uuliyiin badan oo
xukuumadda ka mid ah iyo wasaaradaba, ayaa wararkoodu beryahanba isa soo
tarayeen. Dhinaca kale waxa iyana dareen welwel leh dad badani ka muujinayaan
kooxo is-bahaysanaya oo ku urursan; sidii macaan-jecesha; halbawlaha iyo
wadnaha dalka laga hago. Kooxahaasi waxa ay ku jiraan loollan ay ku kala
riixanayaan u dhowayanshaha iyo saamayn-ku-yeelashada madaxtooyada, gaar ahaan
madaxweynaha iyo shakhsiyaadka kale ee mindida daabka haysta ee wax ka go’aan
ama dhegta madaxweynuhu u daloosho. Qurbajoog ayay kooxahani u badan yihiin.
Mas’uuliyiintan hadda la xidhxidhay laftoodu ayaa la tibaaxayaa in ay kooxahaas
kuwii dibedda loo tuuray ay ka mid yihiin, tanina soo dedejisay in waagu ku
beryo oo cadceeddu is dul taagto!
Tani waa salleello ayay dad badani qabaan oo waa sahalo in bariis
booshcadde ah iyo goosarado caammi ah la weecsadaa, waxa se jira sida soo
baxaysa musuq iyo lunsi hantiyeed oo intaas ka sii baahsan, loona baahan yahay
in Madaxweynaha, Ku xigeenkiisa iyo qolyaha la dagaallanka musuqu indhaha ku
kala qaadaan oo ku baraarugaan, tanina u noqoto halkii ay ka dhaqaaqi
lahaayeen, iyada oo si mutuxan farta loogu godayo dad rag iyo haweenba ka
kooban oo aan ka fogayn mindida daabkeedu in ay yihiin ilaha wax is-dhaafinta
iyo lunsiga hantiyeed halka ay cidhibta ku hayaan, lama huraanna ay noqonayso
haddii la doonayo in wax la hagaajiyo in laga bilaabo in gogasha iyo kuraasta
madaxtooyada lafteeda la nadiifiyo.
Qorba-joog badan oo isbeddelkii dhowaa jiitey oo waddanka u xoogsi
tegey ayaa lagu tilmaamaa il irmaan oo musuq iyo fusuq badaniba ka soo
burqadaan. Qaar waa mus’uuliyiin xilal haysa, qaar kalena xilal muuqda oo loo
igmaday lama yaqaan, haddana waxa la tilmaamaa in qaarkood wasiirrada kaba
awood badan yihiin! Qurba-jooggii ceeb ayuu ka korodhsaday u dhuyaalkii
waddanka. Macallinkii xumaanta ee kharribnaa ayaa loogu yeedhaa! Waa dhif iyo
naadir mas’uuliyiinta qurba-joogga ah ee dawladda Axmed Siilaanyo ka tirsan ee
foolxumooyinkaaas soo yeedhaya ka nabadgelaysaa. Ceebeey tacaal! Bi’iwaa
Cidla’-joogow; cosobsaad is lahayde; sawdigaa ciidda cantuugaye; mar labaad
ciinka ku daaqay! Mas’uuliyiintan musuqa lagu eedaynayo labaa qurba-joog ah.
Waa dhallinyaro haddii dembigaas lagu caddeeyo hankoodii siyaasadeed ee mustaqbal
uu dumi doono, magacooduna ku hagaasi doono naanaysta taban ee “Booshcadde”!
Murugga iyo muranka mas’uuliyiinta qaranka sida joogtada ah uga dhex
hulaaqa ee dibedda u shaaca ayaa ah dharabo kale oo hoos u dhigaysa milgihii
iyo maamuuskii dawladnimo. Weedhaha wax-saarka leh iyo hadallada sawliilka leh
ee mas’uuliyiinta sarsare warbaahinta isu mariyaan ama dadweynaha u mariyaan,
ayaa ka mid ah “Water Gate-yada” dawladdeennan cidla’-joogga badan lagu
dhalliili karo!
Fadeexaddan “booshacaddaha” ayaa se ugu daran. Waa fadeexad wadhan min
Berbera, Burco ilaa iyo Hargeysa. Fadad kale oo wada fadeexad iyo faruuryo
qaawan ah ayay tani fashilin kartaa haddii badhitaanno daahfurani
dhammaystirmaan oo la sameeyo. Tuhunno badan oo wada musuq iyo wax is-dhaafin
ah ayaa; sidii daruuro madmadow; dul hoganaya meelo badan iyo mas’uuliyiin
dawladda ka mid ah, hayana xilal sare sare. Raad-gur iyo baadhitaanno banyaal
ah ayaa lagama maarmaan ah. Haddii kale mooyi!
Dhoobadu halkii ay fadhidey, looma dhaadhicine
Jeeroo rag dheeraad cunoo, dhumuc leh loo yeedho
Nin wali wuxuu dhimay ilaa, dhabarka loo saaro
Dhacadiidka jeeroo rag badan, dhawda laga saaro
Jeeroo maxkamad loo dhisoo, dhididku hoobaano
Jeero wixii ay dhaceen, lagaga dheemaalsho
Dhunkaal shilinku jeeruu noqdoo, dhuunta mari waayo
Dhacarsiga la dayn maayo iyo , dhiilkii lays baraye
Dhabbadaa aan soo jilay haddii, laga dhabayn waayo
Dhutis xaalku kama baaqsadee, dhuuxa hadalkayga! – Cabdillaahi Suldaan
Timacadde-
Qalinkii Maxamed Baashe X.
Xasan
rasheedbaashe@gmail.com
©Weedhsan Corporation
No comments:
Post a Comment