Had iyo goor, hadh iyo habeen iyo mar walba oo aad aragto way ka
walaacsan yihiin oo wer wer inuu hayo ayaa kor kooda ka muuqata kalkooda se
ALLA OG.
Way wada bukaan oo nabarkan ku
yaalbay lawada dhutinayaan, in la qoqobo necebaa oo waxa ay mar walba
qorshaystaan in ay dhinac ugasoo wadda jeedsadan habaar qabahan qoqobay ee qod
qoday dhawacooda dhinacna isku dhaafiyaan.
Dhamaantood waa kuwan ka
dayrinaya oo daadifaynaya duulkan iyaga kusoo jeedsaday ee dabagalka ku haya,
waxan u diiday inay dhinacna u nuuxsadaan ee doonaya inay halkooda fadhiyaan,
waa kuwan oo way ka dhiidhiyaan kulan kasta oo ay yeeshaan waa kuwan ka
walaacsan ee iskula garaabaya inay meesha ka saran kuwa nabarkoodan dhiiga iyo
dheecaanka ka nuugaya ee u sababaya inuu sii hambaabuqo.
Jidhkooda inta kale way
fayawdahay oo finiin kumuu dhicin, laakiin nabarkan ayaa mid kasta oo kale kaga
waayo badan, waayo bartuu kaga yaalo ayaa ah halbawle wuxuu kaga yaalaa
nabarkani halkii ay wax ka maqli lahaayeen, waa dhaawac u diidaya oo
daboolay halkay wax ka arkayeen , waa nabar aan u saamaxayn in ay wax
qorshaystaan…Oo kaalay nabarka iyo dhaawacca intan le’eg ee aafeeyay maxaa
layidhaa? Waa maxay nabarkan aragii, maqalkii, iyo fikirkiiba ka fadhiisiyay?
Maxay se uga bogson waayeen mar uun? Miyaanu dawo lahayn oo cid dabiibtaa
jirin?
Waa su’aalo aan is waydiiyay
markaan arkay duulkan dhibban,dhibka haystana waynu wadda dareemi karnaa oo
waabad u diir naxaysaa, oo waad u damqanaysaa, jidhkaagu wuu ka
jidhiidhiconayaa markaad maqasho qoomiyad dhan oo siddan u bugta!! Hadda Qof
Maaha ee waa Qoomiyad Dhan. kasii darane Qarniyo iyo Qarniyo ay qabeen oo
cudurkan la noolaayeen, midda se aanad ugu damqanayn ee docda taalaa waa mid
iga yaabisay markaan maqlay, iyagoo dhibkani haysto oo markasta ka dhiidhiya
cidda qoqobta ee qod qoda, ka dhiidhiya cida nabarka sii balaadhinaysa ee
bogsiintiisa sii dheeraynaysa ayey haddana hadhow iyagu hoosta ka sii qoynayaan
oo nabarka la qalajinayo marba biyo ku shubaan oo dawada loo qoro qashinka ku
ridaan, faq faqaan oo qoryo af dhuu-dhuban ku mud-mudaan meeshan bogsoshada u
baahan……
Aaaax Aaaax….. calool adagaa
ma amxaaraa, Amxaaradu nafteedaba uma darna naf kale mooyee… Garan maayo cid
aan ku sifeeyo oo sidan ay u arxanka daran yihiin u arxan daran, bal qiyaas dad
nabar iyo dhaawac ay qabaan oo intaasoo dhan la dhaqaaqi kari la’aayeen hadana
marka hebel ka jeedsado qori caaro dhuuban ku mud mudayo hebelkan kale..
Markeebay waalan yihiin
labadan goor, ma inay bogsadaan ayey rabaan mise tolow dhaawacanbay mushahar ku
qaataan mashruucna u ah oo ay doonayaan inuu sii joogo? Ma anigaa
ismood siinaya mise iyagaa afkana waxkale uurka wax ku haysta, waa sidee tolow?
Waligay maan maqal manaan arag
wax noocan ah iyagga hortood, maan arag dad ciladooda yaqaana haddana aan
cilaajin, maan arag dad arrin ay ku midaysanyihiin kor u sheegga, laabtana
arrin ka laftiisa ka buriya.
In la damqo ma jecla isagu,
laakiin inuu wax damqo wuu jecelyahay !! Miyaanu ogayn isagu inuu damqaa
inay tahay isagii oo is damqaya ileen nabarkani kuu damqayo uma gaar aha’e,
umaba arko sidaa …. Wegeray ka waawayn!! Nabar kugu yaal oo aad faq faqayso oo
aan ku dhibayn markaad adigu faqayso laakiin ku dhibaya markuu isagu/iyagu qod
qodayaan??!!! Ha idamaqin aan ku damqoo is damqee !! damaqaygu waxba ima
yeelayee kaagaa wax I yeelaya.. korka se wuxuu leeyay way ina wada damqaysaaye
aynu go’aan ka gaadhno waaa siday u muuqato’e….Dhibka iyo dhaawaca ka
dhexeeya oo haddana kolba ka dhankiisa wax ka imanayaan u arko inuu kakale
isaga dhibayo, marka isaga xagiisa wax ka imanayanaa u fahmaya in isagu
dheefsanayo..Hadda waa isku dhaawac kaliya waxaan sheegayaa….
Miyaanay habeen guddayn,
Miyanay Goblamin intay gaddaa ku jiraan, miyan gam iska siinin, miyaanay gaw
iyo faro madhan iska soo joogsaan, Araga iyo maqalka alla ka qaadku..Horaabu
Uga qaadaye…
Waan arkayaa oo madaxaad meer
meerinaysa maankaagana su’aalaad kusoo horaysaa oo aad is waydiinaysaa
….xanuunkani muxuu ahaa ayaad leedahay, yuu dhaawacani ku yaalaabaad is
waydinaysaa? Ha yaabin e hareerahaaga eeg, hoostaada eeg, hortaadana fiiri?
Isma ogid e isku noqo oo is eeg.
Hoos iskula hadal, oo naftaada la sheekayso usheeg oo ku dhe ’Cidna Ha damqin
si’aan laguu damqin’, waynu bogsan doonnaa hadaynu sidaa yeelno,u sheeg
oo nabarku hadii qofqofka laga daayo wuu soo yaraadaa oo uu bogsadaa.
Sidaa yeel ama sidaa ahow, sidii kula samaata yeel ama sagagar iska dhig oo
sida siloon yeel.
Dhamaad
Sheeko Gaaban: Isma Ogide Is
eeg !!!
W/Q: Saddam Xusseen Carab
saddamcarab@gmail.com
Hargeisa – Somaliland
No comments:
Post a Comment