Hase ahaate, maalmo kadib waxa isa soo canaantey Nuur-qurba-joog isaga
oo yara dareensan inuu khaldamay ama uu meel ka dhacay Oday Faarax, waxaanu
Oday Faarax ugu yimid goor barqo ah
Makhaayadii uu ka qaxweyn jireyn ee uu sida joogtada ah u iman jirey, markii uu
Nuur isa soo taagay makhaayadii oo
barxad dibada ah lagu bunaynayo ayuu bariidiyey waxaanu yidhi “Shir bariidsan”
Waxaana loogu jawaabay soo fadhiiso.
In yar kadib markii uu shaaheeyey waxa uu la hadlay Oday Faarax
waxaanu ku yidhi “Waar Oday Faarax maalintii dhaweyd waynu isku dhacnay ee aynu
kala raali ahaano, isaga oo isticmaalaya ereyo ay ka mid yihiin IAM SORRY waan
ka xumay iyo ereyo kale, ayaa Oday Faarax oo qoslaya ayaa ugu Jawaabay waar
adiga ayaa iska didsanaa ee annigu waxba kuuma qabin, sababta oo ah anigu
waxaan ahay nin weyn oo waayo-araga ragguna haddii uu da’adaydan oo kale gaadho
waxa ka soo hadha waano iyo dulqaade bal ii waran.
Markaas ayuu Nuur-qurba-joog yidhi “Walaahi ama qudhaydu qurbe iyo
quruumo kale ayaan la soo dhaqmay oo waxyaalo baddan iga bedelay, iyaduna
waayaheeda ayey leedahay ee waxaan kuula socday inaynu is-raacno oo aan
casuumadii maalintii hore inaga baaqatey aan maanta fuliyo, dabadeed Oday
Faarax oo u arkaya haddii uu diido ama uu cudur daar kale keeno inay gelin
doonto Nuur-qurba-joog shaki iyo inuu caloosha wax ugu sii-hayo ayaa yidhi
‘Waayahay oo waan aqbalay”.
Dabadeed in yar kadib, ayaa la israacay waxaanay raaceen Gaadhi uu
watay Nuur-qurba-joog oo noociisu yahay CRESTA indha-cadde,waxaanay mareen
waddada hal-bowlaha ah ee marta badhtamaha magaalada Hargeysa, isla markiiba
waxa uu Nuur-qurba-joog ku bilaabay Oday Faarax su’aalo is-daba jooga oo ahaa
kuwii ay maalintii hore isku af-dhaafeen, iyada oo aan shaki ku jirin inuu Oday
Faarax dhibsanayo su’aalahaas. Waxaanu Nuur-qurba-joog ku yidhi Oday Faarax
“Waddadiinu ma noocana, poolshit, oo dhibaato ayaa idinka haysata,Traffic-giinu
ma kuwan bilaa macnaha ahba? Maxay qabataa dawladiina hoose?
Ohhhhhhhhhhhhhhhhhhhhh SORRY! Sideed halkan ugu nooshihiin.Iyada oo aad moodo
Nuur-qurba-joog inuu dal kale u dhashay, hasayeeshe Oday Faarax wuu ka
gaabsaday inuu ka jawaabo su’aalaha uu Nuur weydiinayey.! Isaga oo ka baqaya
inay sidii maalintii hore is afdhaafaan.
Markii in yar la socday ayaa waxay soo gaadheen Cusbitaalka Guud ee
Magaalada Hargeysa waxaanu Nuur yidhi “Anigaad ila yaabaysaaye,
Cusbitaalkiinuba waa sidii uu Ingiriiskii kaga tagay”.
Dabadeed Oday Faarax oo aad moodoo inuu kayara diirey ninkan canaantan
aanu xaqa u lahayn kala daalay ayaa ku yidhi oo adeer waxaan ku weydiiyey
markii aad London Joogtey kii aad ku jirtey kan ma ka qurux badnaa! Dabadeedna
Nuur Gaadhigii ayuu hakiyey oo waji cadho ka muuqato ayuu ku soo eegay Oday
Faarax, markaasu ku yidhi “Oo yaa kugu yidhi Cusbitaal ayuu ku jirey, mise
xanuun ayaa laygu kaa sheegay,” Oday Faarax ayaa kugu jawaabay “Yacnii waxaan
uga jeeda oo aan maqlay xagaa qurbaha qofkastaabaa waxa uu leeyahay dhakhtar u
gaara oo caafimaadkiisa daryeela, waxaanan u qaatey in dhakhtarkaas loogu tago
meel Cusbitaal ah”. Markaasu Nuur-qurba-joog ku dhuftey
Qosol….Qosol……Qosol………..Qosol……………Qosol, markaasu yidhi “Waxaan u qaatey si
kale iga raali noqo”, isla markaana waxa uu u galay amaanta dhulkii uu ka yimid
ee qurbaha, isaga oo leh qof waliba waxa uu xaq ugu leeyahay dawlada Guri uu
galo, Biyo iyo Laydh uu helo, Dhakhtar u gaara iyo Lacag masaariifa, shaqo iyo
waxyaabo kale. Intaas kadib ayaa Oday Faarax ku yidhi “Waar horta anigu Nuuroow
boqol su’aalood ayaad I weydiisa oo waan kaaga Jawaaba, anigu hadaan su’aal
weydiiyo maxaad uga booda?” Dabadeed Nuur-qurba-joog ayaa ugu jawaabay Oday
Faarax “Adeer dadkeena ayaa bodow ah oo aan aqoonin baratocolka iyo sida dadka
loola dhaqmo, waxaanad mooda inuu hadalkoodu had iyo goor uu yahay mid ku
weeraraya”.
Waxa hadalo goos goosa la isweydaarsado kadib waxa la gaadhay xiligii
qadada waxaanay tageen hudheel ka mid ah hudheelada Magaalada Hargeysa, halkaas
oo ay ka qadeeyeen. Dabadeed markii ay ka baxeen hudheelkii waxa waddada ka sii
raacay nin la yidhaahdo Ducaale oo ay isgaranayaan Oday Faarax, dabadeed
Nuur-qurba-joog ayaa ku yidhi Oday Faarax “Qaadka nooce ayaad cuntaa”, markaas
ayuu Oday Faarax ugu jawaabay “Adeer waxaan cunayaa laba Mijood oo Dadar ah, oo
waxa la yidhi Jabiska dhaadheer dawo ayaa lagu soo buufiyaaye”. Waxa uu labadii
mijood uga qaaday Kabadh suuqa ku dhex yaala, markaasu yidhi SORRY waar Oday
Faarax inankan aad saaxibka tihiina u soo qaad laba Mijood markaasu Ducaale soo
qaatey ‘Rubuc Jabisa”, sadexdii ninba way israaceen waxaanay fadhiisteen guri
gaara. Markii qaadkii la furtey in cabaarana la kaftamay ayaa waxa uu
Nuur-qurba-joog ku yidhi Oday Faarax “Waxaad tahay ninweyn oo waayeela oo
waxaanan kaa doonayaa tallo,taas oo uu biyo dhaceedi noqday inuu doonayo Nuur
inuu Guursado gabadh miyaro ah” markaasu Oday Faarax ugu jawaab celiyey “Adeer
inta aynaan tallada gudo-gelin, aan kula yara kaftamee waxa la yidhi qoladiina
qurba-jooga ah ‘Dumarka ayaa ka adagee haddii aad la guursato hadhoow markaad
noqoto miyaanay ku eryeyn”.!
Nuur-qurba-joog wuu ka booday hadalkaasi waxaanu yidhi “Oday Faaraxoow
waan ku ixtiraamaye ee horta maxaad hadalka qalafsan ii tidhaahda?” Oday Faarax
ayaa ugu jawaabay“Kuma idhaahdee malaha Nuuroow adiga ayaa Af-soomaaligii
ilaabay”.
Ninkii kale ee la socday oo ay Oday Faarax is Kaftan yaqaanaan ayaa
waxa uu ku yidhi “Waar haddii halkaa qurbaha lagaga soo adkaaday waxa uu isba
halkan ka doonayaa mid uu ka adkaade ninka gabadha u doon”
Ninkii Nuur-qurba-joog ayey karaarta kaga dhegtey oo cadhooday,waxaanu
ku yidhi Ducaale “Waarkaagan yuslaskii xagaad naga soo raacday?” dabadeed qosol
ayaa la isku daray, waxaanay ku yidhaahdeen “Waar Nuur miyaanad naga xishoonayn
ileyn annaguna waxaanu nahay Sodogye”.
Dabadeed Nuur oo ay ka muuqato cadho baddan ayaa waxa uu ugu jawaabay
“Tallo ayaan idin soo bidaye ma inaynu iscayno ayeynu meesha u nimid”.Dabadeed
Oday Faarax iyo Ducaale oo aad moodo inay ka sii xanaajinayaan ama aad moodo
inay ku dheeldheelayaan ayey si wada jira ugu yidhaahdeen “Hadaad tallo na
weydiisay ninka qurbaha ka yimaada waxba laguma xidhee ciddii aad doonto
weydiiso gabadha!. Hana ku odhan gabadha reerkooda waxaan dejinaya Caasimada
Somaliland ee Hrageysa,balse waxaad ku tidhaahda waan dhoofinayaa.Waxa kale oo
ay u raaciyeen markaad gabadha dhisato ha ku raagin waddanka si aan lagu fahmin
ee waxaad tidhaahda halkaas ayaan uga soo ashkatoonayaa sida caadada idiin ah”.
Nuur oo aad u kacsan ayaa waxa uu weydiiyey labadii Oday “Waar waa
maxay sidaan lagu fahmin?” Markaas ayey ugu jawaab celiyeen “Waxaanu uga jeedna
intaanad Noqonin Biciid Bilaa Geeso Ah!”. Markaas ayuu yidhi Nuur “Waar markii
hore ayaa la idinqaataye ma imikaad Xayaawana igu tilmaamteen?” Markaas ayey
ugu jawaabeen Oday Faarax Iyo Ducaale “Waar qoladiinaan qurba-jooga ahi markaad
qurbaha ka timaadaan waxaa la idinku naaneysaa “Biciid Geeso leh”, laakin marka
ay lacagtu idinka dhamaato ee aad muddo dalka joogtaana waxa la idin yidhaahda
“Biciid bilaa Geeso ah”!.
La soco qeybta 3aad ee
sheekadan oo aad u xiisa badan………………..
Mustafe-Jannaale
Email: janaale94@gmail.com
No comments:
Post a Comment