Waxa magaalada
Hargeysa guddiga golaha deegaanku ay ka bilaabeen olole ballaadhan oo ay ku
qaadeen goobo kala duwan oo ay u arkayeen inay dhaawacayaan bilicda magaalada.
Waa arrin aad u wanaagsan oo aad loogu
baahanyahay, in aad loo dhowro bilicda magaalada. Sidoo kale waxa dhinaca
dadweynaha looga baahan yahay inay arrintaasi soo dhaweeyeen gacana ku siyaan
ciddii loo xilsaaray.
Dhinaca kale waxa iyana looga baahan yahay guddiga
golaha deegaanka, inay ka fekeraan hooyooyin oo shaaha ku biiliya ubadkooda.
Runtii maaha kuwo yar oo haddii iyaga iyo kuwo kale oo meheredo haysta laga
dumiyo keliya oo aan meel kale loo raadin ay ku bedelaan, haddi kale
arrimahoodu waxa ay noqon doonaan kuwo murug badan.
Runtii waa wax aad u wanaagsan quruxda iyo
bilicda, laakiin waxa ka sii fiican in marka shqo dadka loo abuuro ama loo heli
karo meel ku munaasib ah oo la dejiyo. Qofk ayaa wax kasta ka mihiimsan oo meel
qofku ku gaajoodo qurux agagaarkii laga dhaliyo wax qiimo ah oo ay yeelanaysaa
ma jiro. Sidoo kale waxa uu u arkayaa mid cadow u ah oo isaga loogu danaynin.
Siddeedaba Caalamka wax kasta wax alaga hormariyaa qofka iyo sidii loogu baahi
tiri lahaa duruufihiisa, wax kastaana siday u kala horeeyaan ayaa loo kala
xaliyaa.
Bilicda magaaladu waxa wanaagsan sida ay u kala
mihiimsanyihiin in loogu hawl galo iyo in la joogteeyo xashiis gurida.
Arrin kasta oo aan caqli iyo daraasaadi la socon, waxa ay dhalisaa ama ku dhammaataa jaha wareer. Siddeedaba arrimaha caadifadaysani ama caadifad lagu hawl geliyo waxay dhalliyaan dhibaatooyin aan laga fekerin.
Arrin kasta oo aan caqli iyo daraasaadi la socon, waxa ay dhalisaa ama ku dhammaataa jaha wareer. Siddeedaba arrimaha caadifadaysani ama caadifad lagu hawl geliyo waxay dhalliyaan dhibaatooyin aan laga fekerin.
Afrika shakhsi ciidnaka ka tirsanaa ayaa xil loo
dhibaa oo aan aqoon ulahayn waxan uu maamulayo. Halkii uu ka ka samaysan lahaa
la taliye kala taliya takhsuskiisa isaga ayaa isku qaada waxaanu ku
tallaabsadaa wixii keligii maskaxdiisa ku soo dhaca.
Aqoon darada iyo daraasaad la’aantu waxay ku
dhaxalsiisaa inaad ku tuhuntid kuna adkaysatid meelo arrimo aad ku sheegtid oo
aan ka jirin iyo meelo klae oo waxa ka jiraa oo aad garan weydo. Sharci kasta
ama go’aan kasta oo la soo rogo, waxa muhiim ah inuu ka horeeyo ama la socdo
waxyaabo qanciya ama kaasooni ku beera kuwa uu khuseeyo. Haddaadse dusha kaga
keentid ama aad ku soo dalacdid wax shaki abuuri kara waxay horseedaan waxyaabo
aan taariikhda hore u soo marin oo aan la arag.
W.Q: M. M. Kastam
No comments:
Post a Comment