Gabalku waa sii dhacayaa, oo
cad-ceeddu iyada oo dhar dahabiya xidhan waxay u sii gur-guuranaysaa godkeeda.
Waxaanay gayiga ku sii sagootinaysaa falaadho casuusa. Falaadhahaasi marka ay
foolkaaga ku dhacaan waxay ku hilmaansiinayaan wixii aad huq iyo hagar-daamo
maalintaa mudatay. Waxaanay kugu soo noolaynayaan dareenno muxubo iyo kalgacal
isugu jira oo aad u qabtay inta xidhan mariyo dhixir oo gudahaaga ku dhadhay
markii aad qaan gaadh noqotay.
Halka uu dhulkan hortayda ka muuqdaana huwan yahay biyo madaw oo bad
la iigu sheegay mar danbe. Alla baddu
qurux badanaa oo haddana quwad waynaa, deeqsisanaa oo haddana dad qalsanaa.
Xunbo badanaa oo haddana xasili ogaa. Ma xaaskii saaxiibkay ee Cibaado yoomaa?
Gudaha shishe ee badda waxa dhex siqaya wax guryo u eeg, la iiguse sheegay
Maraakiib. Halka dhexdeedana ay dul sabaynayaan doonyo yar yar oo qofaf saaran
yihiin. Cirku caad yar oo khafiifa ayuu gashan yahay, isaga iyo badduna waxay
ku kulmaan halka ugu fog ee aragaygu ku soo af meermo.
Haddaba, badda xeelligeeda oo
biyaha u dhaw ayaan taaganahay anniga oo cago cad, surwaalku kor buu iigu
laaban yahay. Labada gacmoodna miskaha ayay ii saaran yihiin. Neecawda, Hirarka
iyo mawjadaha cad cad ee ka soo kacaya meel
alle og yahay iyaga oo qalaamo-roganaya waxay ku bac dhabanayaan
hortayda. Waxaan kala garan laayahay
waxan oo baaxaa deg ahi cadho iyo qooq mid ay ka yihiin badda!. Haddii ay ka danbe ka yihiin iga walla waxa rag adduunka jooga oo idili haddii ay
isugu tagaan inaanay baahi tirayn!.
Dadka badan ee galabta meesha isugu yimid waxay isugu jiraan: In
dabaal u timid, in dabasho u timid iyo in daawasho u timid. Qolada danbe ayaan
ku jiraaye xiskaygu wuxuu kala hormaynayaa xusuuso macaan iyo qadhaadhba leh oo
sida mawjadaha iyaguna isaga soo daba dhacaya. Qalbigayguna wuxuu iska
sifaynayaa xumaan iyo xasad wixii maalintaa ku soo dhacay. Halka ay indhahayguna
la dabaala joogtaynayaan gabadh qurxoon oo si habsami ah u dabaalanaysa.
Timaheeda kala rogan ee ay biyuhu ka da’ayaan,
Xubnaheeda kala shuban iyo horaadadeeda huga ay xidhan tahay soo
hirdiyayaa waxay dhaayaha u diidayaan
inay dhinac kale jaleecaan. Tolow miyaanay u baahnayn qof dabaasha aad u
bara? Dheguhu waxay ku raaxaysanayaan
guuxa mawjadaha sida talan taaliga ah isaga soo daba dhacaya, Halka sanka iyo
sanbabaduna ay qaadanayaan neecow udgoon oo saafi ah.
Haddaba anniga oo farxaddaa la
muraaqoonaya ayaan ku beeraqay: Bad
yahay gobaad tahay, gal xareeda baad tahay, Bali gaaxsan baad tahay, Quruxdaada
guudiyo, Biyahaaga galac-lana, Gabay kuma sifayn karo, Galabtii timaadana,
Geestaada uun baan, Ruuxdayda geeyaa, Anigoon is garanayn, Farxad baad I
galisaa, Riyaaq baan la guuxaa, Geeraar la tiriyaa, Gacaladey u heesaa, ama
sheeko guunoo, Garaad ku hadh samaysaad, Gallad iigu deeqdaa, Ama gacalayaashii, Gidigoodba waayuhu, Na soo
kala dhex galayeen, Maalmo kala go’doonaad, Ii soo bandhigaysaa. Xaalladdaa
maan bururka ah anniga oo ku jira ayaan dib uga soo baxay biyihii addimadayda
ku dhacayay, waxaanan go’aansaday inaan yar fadhiisto oo aan nasasho farxadeed
qaato. Haddaba kaabad ii dhawayd anniga oo ku sii jeeda ayaan arkay warqad yar
oo meel taalla. Kor baanan u soo qaaday si aan boodhka kaabada isaga masaxo.
Haddiise aan kala furay waxa igaga soo baxay arrin yaab iyo farxad leh. Waa
dhanbaal jacayl oo uu wiil gabadh ay is jecel yihiin sida ka dhadhamysa u
dirayo. Warqada qaybteeda sare way go’an tahay waxaana raacay magacyadii labada
qof iyo salaantii, halka qaybta danbena ay go’an tahay, mase garan karo in
hadal raacay iyo in kale. Far qurxoon oo dar dareer iyo deganaansho la’aani ka
muuqato ayay ku qoran tahay. Inkasta oo biyaha iyo buskuba ku dhaceeen, haddana
erayadeeda wax is doorin ahi kuma dhicin. Waxaanan xasuustay heestii ahayd:
Jacayl biri ma goyso, Biyuhuna ma maydhaan. Haddaba intii aan helay ee Alle igu
ogaa ayaan halkan kuugu soo gudbinayaa. Waxaanay ku bilaabmaysay sidatan:
Gacaliso, muddo hadda laga joogo sannado ayay iniin kalgacal oo haatan
geedba noqotay gudaheena ka biqishay. Muddadaa waxaan daraasaynayay dabcigaaga
iyo kaygu sida ay isula jaan qaadi karaan. Waxa kale oo aan ku foognaa sidii
aynu u abuuri lahayn haasaawe dhabba oo dhalanteedka ka fog. Haddaba ku
guulayshada arrintaa adiga oo garabkayga taagan ayaa keenaysa inaan dhanbaalkan
kuu soo diro. Waxaanan kaa codsanayaa inaad erayadan ku xaradho laabtaada kuna
xajiso xiskaaga inta aad nooshahay. Macaan, ogow erayada kalgacalka huwan ee
farriintani xanbaarsan tahay waxay ka soo burqanayaan halbowlaha jidhkayga iyo
habayaasha dhiiga. Waxaanay hagaag ugu soo dhacayaan carabkayga. Halka
dabnuhuna ay awood u laayihiin cabbirka dareenkaa shucuurtu ka ceegaagto,
qallinkuna uu keeni kari laayahay erayo-afeed dareenkaa qoraal u roga. Haddaba
maxaan sameeyaa, sideense kuugu soo tebiyaa gacaliso?. Ma garan karo laakiin,
waxaad iiga dhigan tahay sagal daruureed iyo saxan saxo roob, Rays guyeed iyo
rug barwaaqo, rucub lulata iyo ramad geel, Waxaad ii tahay ugbaadkii
indhahayga, iyo mulhimadii hadalkaygan.
Gacaliso, gaarinimada, garasho badnaanta iyo gobannimada uu guulle kuu dhaliyay baa gudahayga gurxan iyo
guux ku abuuraya. Qurux badnaantaada, qor qornaantaada iyo qiima waynigaaguna
qalbigayga waxay ku kordhinayaan kalgacal uu horeba kuugu qabay. Halka degganida
tallaabada, diirimaadka laabta, dabacsanida hadalka iyo dulqaadkuna ay
dareenkayga muxubo sii laban laabayaan. . Danaynta dheeraadka ee aad u hayso
ehalkayga iyo ixtiraamka badan ee aad u qabto asxaabtaydu waxay ka marag yihiin
dadnimadaada iyo dunji wanaagaaga, waanan kaaga mahad celinayaa. Gacaliso, been
baan kuu sheegay haddii aan ku idhaa kugu qaldami maayo waligay, waayo dhamays
ma ihi adna illa mid baad tahay. Sidaa darteed haddii aynu rabno nolol aayatiin
leh waxa lagama maar maan ah inaan barano habka khilaafka loo yareeyo loona
xalliyo.
Intaa ka dib, gacaliso haddii aad i waydiisay duruufaha dhaqan
dhaqaale ee ku xeerran xubbigeena sideen uga bixi karnaa? Waxaan ku
leeyahay: waxaan kaga bixi karnaa
dedaal, daacadnimo iyo isku kalsoonaan. Waxaan kaga bixi karnaa run, dulqaad
iyo sabir. Waxaan kaga gudbi karnaa inaga oo heegan u ahaana hawlaha adduun iyo
halganka nololeed ee inagu hareeraysan. Ogsoonowna maaddaama aynu nahay arday maalinta aan shan saacadood wax
akhrino waan is jecel nahay, maalinta aan todoba ka dhignana aad baynu isku
jecel nahay. Waayo waxaynu soo dhawaynaynaa xaqiijinta himiladeena iyo
hirgallinta hadafkeena. Sidoo kale Ogow kalgacalka dhabta ahi wuxuu rumoobaa
dhidid, dhafar iyo dhib ka dib ee kuma hirgalo haasaawe iyo hadal tororoga.
Gacaliso, ogsoonow daymadaadii ildoogsiga lahayd iyo dayashadaadii
kalgacalka lahayd weli waxay hurinayaan
maankaygii miskiinka ahaa. Waxaanay holcinayaan qalbigaygii saafiga kuu
ahaa.Haddaba, adiga oo ka dhinbiil qaadanaya weedhahaygan jacaylku ku lifaaqan
yahay, maankaaga gali cishqiga aad ka cabatay inaanu kali kugu ahayn ee aan
anba kula qabo haddii aanan kaaba darnayn. Maqalka codkayguna haddii uu kugu
yar yahay ha u qaadan danayn la’aan ee u tarjumo ardaynimo iyo xaalkeed. Ilmada
iska tir, hana u malayn in waayuhu labadeena oo kaliya kala fogeeyay,
dhallintii Soomaaliyeed oo idili dhibta waa inala qabtaa. Dhamacda kalgacal ee
kashaada gubaysa mid la mida ayaa wadnahayga dhalaalinaysa. Run ahaantiina
waxaan kuu hayaa kalgacal aan loo qaadin, loona qaadi doonin gabadh guudka
dabata, garaysna xidhata. Waan kuu heellanahay, waanan kuu han waynahay, waan
kugu hammiyayaa, waanan kuu harraadanahay.Waan ku jecelahay, waanan kuu
jeelanahay, waan kuu cidloonayaa, waanan
ku caashaqsanahay.
Buuraha inagu kala gudban iyo badaha inagu kala xeerani waxay boholyow
iyo baaxaa deg ku abuuraayaan boggayga iyo beerkayga. Nafta waan sasabayaa,
samir baanan leeyahay, iyana waa sirgacan tahay, Jacaylkana suntaadiyo,
sahwigaaga iga dhaaf, ayaan sare u leeyahay,isna waa silloon yahay, Mase og
tahay Suleekhaay, Saqda dhexe intaan kaco, ayaan suuradaadiyo, sawirkaaga
inanyahay, sagaal jeer jaleecaa, markaasaan yar suuxaa, ama aan sukhuuraa. Tani
miyaanay muujinayn jacaylka xad dhaafka ah ee aan kuu qabo. Miyaanay muujinayn
sida aad hadh iyo habeen iigu dhereran tahay, iiguna dheer tahay?
Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq)
Awliyo177@hotmail.com
*Sheekadan waxaan u hibaynayaa lammaane kasta oo si dhaba isu jecel,
rabbana inay rug iyo reer wadaagaan mustaqbalka dhaw ama ka dheer insha alla.
Alla Mahad leh.
1 comment:
Sheekadan aad ban uga helay waana mid xaqiiqda nolosha la hadlaya
Aad ban ugu ugu bogay qaabkan quruxda badan ee aad u soo qortay kun jeer mahad sanid
Post a Comment