Sidaas ayey ku kala anbabaxeen
Nuur-qurba-joog iyo Oday Faarax iyo Ducaalihii la socdayba, iyaga oo aan calool
fiicnaan ku kala tagin, hase ahaate markii ay ka tageen Odayaashu waxa uu
Nuur-qurba-joog sii hibanayey hadalo dhex maray oo uu isagu dhibsaday.
Hasayeeshe ninkii Nuur-qurba-joog
waxa uu muddo kadib u golle fadhiistey gabadh la yidhaahdo “HANNA” oo aad u
jeclayd inay mar uun qurbaha tagto, taas oo ay is-jeclaayeen Wiil dhalinyaro ah
oo magaciisa la odhan jirey ‘KADARE”, dabadeed Nuur-qurba-joog iyo inantii la odhan
jirey Hanna waxa dhexmaray haasaawe sidii caadadu ahayd, waxaanu inanta
qalbigeeda ku hantey, kadib markii uu u sheegay inuu yahay qurba-joog
fasixiisiina ka soo dhawaaday haddii uu guursadana uu dhoofin doono, balse waxa
uu ka qariyey inuu bagadh kale leeyahay oo uu kaga yimid qurbaha.
Intaas kadib ninkii Nuur gabadhii
uu u fadhiistey oo waa la siiyey, si degdegana wuu u aqal galay oo fasixi ayaa
ka soo dhawaaday,halka ‘KADARE’oo ahaa wiilkii ay gabadha is-jeclaayeen wuu ku
war-helay arooskeedi.
Akhristayaal haddii aan halkaas
idiin fasiro ninkii la odhan jirey ‘KADARE’ wuu qalbi-jabay, kadib markii
gabadhii ay isjeclaayeen ee la odhan jirey ‘HANNA’ la guursaday waxaanu
go’aansaday oo ay danni ka maaran-siin weyday inuu u tahriibo waddamada reer galbeedka
si uu isna u soo noqdo ‘Qurba-joog’.
Ninkii Nuur-qurba-joog waxa uu
dib ugu noqday Cariga Ingiriiska,Isla markuu cagaha dhigay Magaalada London
waxa uu la kulmay iyada oo ay baddu kacsan tahay oo ay cirkaas mareyso
xaaskiisi hore oo muddadaa ay isqabeen kala soo dabaalatey dhib iyo rafaad
baddan, waxaana Nuur iyo Xaaskiisi ‘Khadiija’ dhexmarey Khilaaf ba’an oo
gaadhay gacan ka hadal,taas oo Khadiiji garaacday Numberka ciidanka booliska ee
999, in yar kadib waxa si degdega u soo gaadhay Ciidankii booliska ee ay
dalbatey Khadiiji, waxaanay Nuur oo aan nasaninba u taxaabeen Xabsiga.
Waxaana lagu soo eedeeyey inuu
isku day dil kula kacay xaaskiisa,iyada oo waddamada reer galbeedka ah, gaar
ahaan waddamada Yurub uu ka yaalo sharci qofka danbigaa lagu eedeyaa uu la mid
yahay qof dil sameeyey oo kale, Waxaanay si degdega markiiba ugu xidheen
Katiinad iyada oo loo sheegay in Maxkamad la soo taagi doono.
Kadib markii uu muddo xidhnaa
Nuur-qurba-joog ayaa waxa ogaaday Jaaliyadii qurba-jooga iyo saaxibadiisi,
iyaga oo is-weydiinaya goorta uu ka soo noqday safarkiisi Somaliland? Iyo waxa
keenay in la xidho? .
Madaxdii Jaaliyada ayaa waxay
Nuur-qurba-joog ku booqdeen Xabsigii uu ku xidhnaa, waxaanay si dhab ah u
ogaadeen waxa lagu soo xidhay Nuur iyo inay Xaaskiisi Khadiiji
ashkateysay,kadibna waxay u yimaadeen xaaskiisi Khadiija iyaga oo ka warsanaya
wixii ay isku qabteen odaygeeda, maadama ay tahay qofka kaliya ee soo deyn
karaya.
Waxaanay yimaadeen aqalkii,
dabadeedna way fadhiisteen waxaanay u yeedheen Khadiija si ay u wareystaan waxa
dhacay.! Waxaanay Khadiihi ugu jawaabtey hadalo u eeg macno jees-jees oo kale
ah oo ay ka mid yihiin ”Maana ogba”, “Warkiisaba maana haya” iyo waxyaalo la
mid ah. Iyada oo aanay Khadiiji ninkaasi ku qaabilin weji furan, maadama ay
ragga ka mid yihiin rag xigtadiisa ah Nuur-qurba-joog, oo ay ku tuhunsan tahay
inay kula taliyeen inuu guursado. Isku soo uruuriyo markii ay nimankii
fahmi-waayeen Khadiija way isaga tageen, waxaanay ku baaqeen inay Jaaliyadu si
degdega isugu timaado si loo helo dhaqaale lacageed oo loogu qabto looyar u
dooda Nuur-qurba-joog iyo in la helo rag xadhigeeda ah Khadiija oo ka barya
inay Xaajigeeda Nuur soo deyso. Hasayeeshe intii hawlahaasi lagu jirey ayaa
waxay gaadhay muddo bil iyo dheeraada, halkaas oo ay aakhirkii Khadiiji
ogolaatey in la soo daayo Nuur-qurba-joog, balse iyada oo ku xidhay soo
dayntiisa laba shuruudood oo kala ah: inuu gabadhaa uu soo guursaday uu si
degdega u furo, ama iyada iuu warqadeeda siiyo.!
Taas oo ku khasabtey raggii
dhexdhexaadka ahaa inay aqbalaan codsigeedda Khadiija, maadaama aanay jirin xal
kale oo ay ku soo deyn karaan.
La soco qeybta afaraad ee
sheekadan…………………………
Mustafe-Jannaale
Email: janaale94@gmail.com
No comments:
Post a Comment