Haddiiba dib loo milicsado qaab-nololeedkii bulsho ee soomaalida
qarniyo yar ka hor, wuxuu si walba uga duwanaa kan maanta ee badi magaaloobay.
Beeshii raacatadu waxay lahyd qiimaynteeda iyo qadirinteeda waxyaalaha u gaarka
ah. Doorka gabayga iyo gabyaagu ka ciyaari jireenna waxay ahayd mid aad iyo
laxaad leh oo ka saamayn badan ta maanta. Abwaanku ma ahayn curiye maanso
kaliya, waxse uu ahaa ‘xoghayyaha warfaafinta’ iyo warbaahinta (radio) kaliya
ee jirtay.
Dhanka kale, Sida uu qabo Hadraawi wax kaluu ahaa “Abkii waanada”
tanoo u dhigmaysa awaale-warranka, hilaadinta timaadada, allabba sheegga iyo
tilmaamidda. Sida uu isna ku qeexayo Xuseen Cabdi Xalane dhiganahiisa Farguri;
“abwaan waa nin lagu qaddariyo xirib-dheerida, xarakaynta hadalka iyo xulashada
xalka habboon”. Kolka, waxaynu halkan ka dhiraandhirsan karnaa macne ah,
hal-abuur kastaa abwaan maaha, abwaan kastaana hal-abuur maaha.
Kanna, Dunta qofnimo ee laga aslayba waxay ahayd mid si walba uga
duwan tan soomaali badan, waa taallo iigu suntan soomaalinimo, midnimo,
qaranimo, iyo wadaninimo karkaarro-jabis ah. Waa shaqsiyad buuxinaya doorka
gabyaanimo iyo ka abwaannimo, jeerka si dhuux ah loo eego suugaantiisa,
noloshiisa iyo taariikhdiisa. Wuxuu ku caanbaxay waaninta iyo waxsheega
soomaalida ka diimoon danahooda, dawladnimadooda, midnimadooda, iyo
qaranimadooda. Wuxuu ku caanomaalay hal-adaygnimada iyo ku-dhacca uu u lahaa qadiyadahaas
uu rumaysanaa, iyo sida aanu habeenna uga gam’in ilaa intuu ka god galay. Wuxuu
magaciisu u shaacay sida gabaygiisaba loo wada bartay. Waana abwaan Cabdilaahi
Suldaan Maxamed “Timacadde”.
Abbaarahii 2005, aniga oo dugsiga dhexe ku jira, ayaan helooday og og
ah, oo baalashiisu luufluufmeen wuxuu ahaa (Diiwaanka Maansada Cabdillaahi
Suldaan Maxamed “Timacadde”, Boobe Yuusuf Ducaale, Daabacaaddii 1aad, 1983,
Stamperia Nazionale, Muqdisho ) waxaanan gallad ugu hayaa qoraagu dadaalka uu
dhaxalreebkaas u galay.
In kasta oo garaadka wiil 15 ah, iyo adduun-aragga, ama mabaadi’da
maansada Timacadde ay aad u kala gudawaynyahiin, haddana waxay igu yeelatay
saamayn ballaaran, teeryo maanta oon gankii hore ka koray, garaadkayguna ka
kobcay, oo waxbarasho jamacadeed ku hawlan. Jeerkastaba, waa naq doog leh, oon
u iishado xildhibaanimo, kaalinqaadnimo, iyo han shisheeya.
Waa mid ka mida sababta aan u jeclaystay inaan qormadan kooban uga
sameeyo suugaantii Timacadde anigoo kaaga cawsguri doona buugaa qiimaha badan
ee uu Boobe Yuusuf Ducaale maansada abwaanka ku kaydiyay iyo faalo aan
raacraacin doono. Mar waa iga xasuusta abwaan timacadde, marna waa iga xasuusin
bulshada wax uu isba u xiiqay sabaanno badan hortii.
Wakhti badan kaaga cuni maayo taariikh nololeedka abwaanka, waxa taa u
hagarbaxay qoraaga (Diiwaanka Maansada Cabdillahi Suldaan Maxamed, daabaadii
2aad, 2006, Flamingo Printing Press, Addis-Ababa), Waxaan mooggan ku koobasan
maansadiisa la xidhiidha qabyaald-diidka, dawladnimada iyo midnimada. Saddexdaas
abbaarood oo baadi-sooc u ahaa maansadii abwaankan, ayaan jeclahay inaan mid
walba docduu ka taagnaa ilays ku daarno, si aan sooyaalkeena ugaga irdabaxsanno
taloxumo jirta ama imankarta.
Hooyo Xabiiba Seed Guuleed iyo Aabe Suldaan Maxamed ayaa hilaada
dayrtii 1920kii wiil ugu dhashay galoolley, ee dagmada Gabilay, Cabdilaahi ayaa
loogu wanqalay, wiilkan oo ka dhashay qoys beerfalto ah, isla halkaas ayuu ku
kacaamay, quraankana ku bartay. Wuxuu noloshiisa ku qaatay magaalooyin kala
gadgadisan, Adari, Diridhawa, Jabuuti, Hargaysa iyo Gabaliyba waxbuu
waayihiisii kaga noolaa, gadaalkiina wuxuu ku godgalay Gabiley, isagoo 53 jira
ah, gugii 1973kii, Alle jannadii fardawsa hawgu deeqee.
Waayahii iyo noloshii uu dhex hanaqaaday ina suldaan waxay ahayd mid
qabali ah, dawlad may jirine, tolnimada ayaa ahayd gabboodka kaliye ee
dhaqan-dhaqaale, hab-siyaasadeed iyo hab-nololeedba. Hubantina, ninna tolkiisa
kama janno tagin, laakiinse aragtida iyo maansada Cabdilaahi waxay ahayd mid si
dhakhsi ah uga kortay dharabta qabyaaladda, taasibaa had iyo goorba siinaysaa
sowraca horaadnimada ay kaga jirto maansadii ay la goorta ahayd.
Guud ahaan gumaysigii dhulka qabsaday, waxay soomaalidu ka dhaxashay hadimooyin
badan oon xad lahay, soomaaligii qabka waynaa, laandheera ahaa ee dadka ugu
sareeyay ayaa lgu qasbay inuu dabadhoon u noqdo ninkii caddaa, isla markaasna
ka amar qaato. Si la mid ah, gumaysigu wuxuu xannibay isku gooshkii raacatada
een xuduudka lahaan jirin, kolbana halka naqqa leh u digo rogan jiray, waxay la
kulmeen seerayaal iyo xarriijimo xadaynaya isku gudubkooda. Waxa uga sii
darnayd, waxa lagu xakumay gibir (cashuur) inay bixiyaan, isticmaarkana
siiyaan, waa dhacdo ugub ka sokow, waxay u arkeen gumaynta soomaalida is
bokhray, horayna, waligeedba aan cashuur laga qaadin!.
Dhawrkaas sababood ogm, oo lagu daray soomaalidii dibadda u baxday
dagaaladii aduunka iyo waayo aragnimaday la soo noqdeen, waxay dhalisay fikrado
ka duwan kuwii qabiilka oo u siqanaaya dawladnimo iyo midnimo. Saamaynta ay
arimahaasi dhaleen darteen waxa curtay halganno qaab qabiilkii hore ka yar
saamayn badan sida kii Sayid Maxamed Cabdalle Xasan, iyo ururo siyaasi ah oo
haykal casri ah leh sida SNL iyo SYL.
Isla inahaas ayay bilaabantay dabaysha xornimo doonka, dowladnimada
iyo midnimada ee soomaalidu, dad yar ayay dabayshaasi saaqday. Ina suldaanna
waa tusaale ka dhex mudan, waxse lama suureeyaan ah siday dabayshaasi u
saaqday, dabadeedna, sanbabadiisa hoyga uga samaysatay una noqotay halbowlaha
ay naftiisu ka haldhag tidhaa.
La soco qaybo kale oo xiise badan oo taxanahan ka mid ah…….
Qalinkii: Dhamme Maxamuud Axmed
No comments:
Post a Comment