MAALINTAAS oo dhan,
waxa uu sugi l'aa goortii uu uga sheekeyn lahaa naagtiisii, iyo Ibrow Goonle
[seeddigiis], walaalkeed iyada ku hooyo ahaa—fiidkii uu labadooda arki lahaa,
uga na warrami lahaa xabaasha ku taal aaggii Koodka.
"Warrrrr! Anigaa
idiin haaya!" ayuu yiri cabbaarkii ay gacantogaaleynayeen soor eedaq
(garoor) ku iidaaman oo xeero la taallay. "Berri, an ya faqri ways
deeyney! Qabrigii Maalka, aan soo arkay!"
IBIROW oo kasi waayay;
waxa Qabrigii Maalka, uu ka waday, ayuu uga sii faalleeyay dhacdadii saakayto.
In kasta oo uusan arkin tilmaanta uu sanduuqu yeelan karayay; waxa uu ugu
sawiray in u ekaa, kuwa lagu qaato agabka baabuurta lagu dayactiro; lacagta ku
jirtay na in ay doollar ahayd.
BAAFAN, iyadu kuma ba
socon warka iyo naawilaadda ina Taakoow. Siiradii iyo Qur'aankii, ay horeyba u
akhrisanaysay, ayay faynuustii kula sii dhowaatay. Buruudshiilka ay dad oo idil
qorqodeheeda ku sheegi jireen; iyadu, weligeed ba, biid na kama ayan rumeysan.
"Khabri miyaa
amii kalle khuwuuraha?" Ibrow ayaa weydiiyay,
"Intee ku aragt
neh? Noo sheeg nooh, mihii shimteerradii ay taasho?"
WEYDIIMAHAN
talantaalliga u dhacay ee seeddigiis iska soo daba celceliyay, Cijicadde waxa
ay ku dhaliyeen shaki ka joojiyay nashaaddadii uu u sii hayn lahaa
daldalankiisii badanaa. Waxa ba taas uga sii daranayd, Ibrow Goonle oo loo
aqoonsado baadifadkii soo helay Qabrigii Maalka. Cijicadde ayaa is dhahay:
"Minaan hadda u sheego, ina baxyo, aw usugoo watto haraaddigi ka soo heray
Ciyaal Benaadirkii; warka na afarta berjaho ula rooryo, aw sanduuqii na hee,
saas gacanta duul kale u geli doonaa, day! An ma taasaan ka yeelaa hee?"
Santuukhii yiddidiilooyinkii, isla haddiiba, waxa uu isu rogay fufkii tallanka,
shakiga, xinka, muudalnimada, cawritirka, xistiga, masuugnimada, iyo hiifka iyo
haaraanka.
"Anaa kuu og
meehaw qabrigu ku yaal! Aniga jawiya haa na ogaahaa!" ayuu Cijicadde ku
yiri seeddigii. "Eebbeheey na ha kuu naxariisto, minaad warrankaas duul
kale isugu sheegtid lee!"
.
[LA SOCO QEYBAHA
KALE... ]
A.M.Yusuf (Wayeel)
www.wayeel.blogspot.com
No comments:
Post a Comment