" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Sheeko gaaban: ABU JIHAAD!

Saturday, March 17, 2012

Sheeko gaaban: ABU JIHAAD!


Waxa uu fadhiistay derbi. Inta uu kambadhuudhsaday oo haddana kadaloobsaday ayuu dhabanka gacanta saaray. Hortiisa dad badan ayaa isweydaaranaya, haddana waxa uu dareemayaa kelinimo iyo cidlo ciirsila'. Dadka ay dariiqa ku kulmaan haddii ay salaamaan ayaaba naf u ah. Kuwo badani jidka ayayba uga leexdaan marka ay arkaan isaga oo gidaarka fadhiya iyagoo weliba hoosta ka nacdalaya.


Waxaa maskaxdiisa ku soo dhacaya waxyaabo badan oo inuu xasuusto aanu jeclayn. Mar walba wuxuu isku dayaa in uu is ilawsiiyo. Haseyeeshee, arrimahaasi waa kuwo aan maskaxdiisa sinnaba uga go’i karin. Haddii uu hurdo iyo haddii uu soo jeeddaba way hor imanayaan.

Waxyaalo badan ayuu tijaabiyay bal si uu isku ilawsiiyo arrimahan. Qaadka iyo maandooriyayaal kale oo xashiishku ka mid yahay ayuu naruuro ka raadshay bal mar uun in uu ku nafiso si dhacdooyinkii hore maskaxdiisa uga maydhmaan. Maandooriyayaashaasi waxba umay tarin ee waabay uga sii dareen. Marka uu qaadka cuno ayayba ugu sii daran tahay. Mar allaale iyo marka uu sariirta tago ayaa lagu soo degayaa oo waxyaabihii uu is ilawsiinayay oo aad mooddo in ay maanta dhaceen la hor keenayaa!

Werwerka haysta waxaa u dheer isagoo jidhkiisii uu sii gurmayo isla markaana maalinba maalinta ka dambaysa sii caatoobaya. Qofkii hore u yaqaannay ma garan karo illaa uu afka kala qaado. Dad badan oo xaafadda deggani waxay aaminsanyihiin in inkaari sidaa u dubatay. Oo inkaarta maxaa tolow kelidii ku koobay? Immisaa dhibaato geystay oo haddana maanta Jinni ka caafimaad badan! Waa yaab.

Tolow muxuu sameeyaa dhakhtaradu arrintiisa wax ma ka qaban karaan mise culumada diinta ayaaba dhaanta? Hase yeeshee waxyaabahan uu hore ugu kacay wax dad waaweyn lagula hagaagi karo ma yihiin. Intii hore u ogayd waxa uu sameyn jiray way ogtahay.  Saw ma noqonayso uun kuwo kale oo aan la socon inuu ceebtiisa iyo xumaantiisa  ogeysiiyo. Taasi miyaanay ahayn is fadeexadayn? Inuu iska adkaysto ayaaba malaha u roon. Laakiin ma adkaysan karaa? Saw maradaadii oo kugu gubatay ma'aha?
Ilaahay waa qafuuru raxiime dambiyada noocan oo kale ah tolow ma Raabi Cafiyaa? Mise kuwani waa kuwii la yidhi waa dunuubul kabaa’ir oo lama dhaafo iyaga. Yuu weydiiyaa sawtii Sheekhii mawlaca xaafadda markii uu is yiri arrinta u sheeg  isagoon jawaab siinin intuu ka cawda billaystay iskaga dhaqaaqay. Markaa ma dambiyada maqalkoodaba laga cararayo ayuu Ilaah dhaafi karaa.

Dib buu haddana wax u gocday. Waxa uu is xusuusiyay kuwii ay hawsha wada fulin jireenba in ay maanta mujaahidiin yihiin. Waxa uu si weydiiyay waxa isaga ka reebay oo uu ugu biiri waayay. Saw kuwaa cumaamadda guduudan wada sita ee warwar la’aanta ku nool ma'aha, tolw mise isagu waa ka dambi badnaa? Malaha in uu iyagii ka daba tago wax u dhaammaa ma jirto.

Waxani wax ka weyn e tolow ninku muxuu samayn jiray?

Saw in uu si dhkhso ah go’aan u gaadho maaha illeen sidan kuma sii jiri karee. Ninkii Shan Khaarajiye ee ay Isbaarada wada lahaan jireen maanta waa mujaahid aad  looga dambeeyo oo magac weyn ku dhex leh Xarakada Mujaahidiinta. Isaga in uu la xidhiidho ayuu go’aansaday. Laakiin ninkaas aanooyin badan ayaa hore u dhexmaray ee armuu wixii xasuusanyahay oo uu ka aargoostaa ayuu haddana is kula faqay. Mise sida wixii uu hore u fali jiray uu u illoobay ayuu aanooyinkaasna u hilmaamay tolow ayuu laabta ku qabaajoiyay. Kollay diinta ayaa wax looga yara sheegsheegay oo Shan Khaarajiyihii aan naqaannay maaha. Waa mujaahid weyn oo xarakadu ku dhaadato.

Waxaa uu marar badan maqlay in Shan Khaarajiye mucaskar Afgooye ku yaal uu madax ka yahay. Waa in uu la xidhiidhaa saaxiibkiisaa hore. Shan Khaarajiye hadda cidi uma taqaan oo magac cusub ayaa loo bixiyay ee siduu ku heli karaa haddii aanu magaciisa cusub garanayn. Kollay sida aan filayo magacaasi Abuu ayuu ka billaabmaa ee maxaa loo raaciyaa. Dabcan mid ka mid ah magacyada carruurtiisa.

Xilligii ay saaxibadda ahaayeen ma lahayn carruur ee muxuu ka garanayaa hablaha yaryar ee tirada badan ee uu marba dhawr guursado haddana furaa  waxay u dhaleen illeen dhawr sano ka hor ayaa iskugu dambeysaye.

Oo xarakadu meel walba way joogtaaye kuwan magaalada xaafaddaheeda kale ka taliya miyuu u tago intuu Afgooye aadi lahaa. Allaylahe iyaga ka fursan mayso inuu xaalkiisa u bandhigo. Nimanku ma naxaan oo ciddii dhinaca dawladdu ka talisa ka soo gala Jaajuusiin bay u haystaane armaay dilaan. Malaha inuu murugadiisa iskala noolaado ayaaba u roon intuu naftiisa macaan waayi lahaa. Maya wax aan Ilaahay kuu qorin kugu dhici maayaane waa inuu iska tawakalaa oo dariiqii saaxiibadii maraa.

Maanta waa Jimce oo mujaahidiinta iyo madaxdooduba  salaadda ayay wada imanayaane masaajidka waa inuu ugu tagaa. Oo horta salaadda ma tukadaa weligiise masaajid ma galay. Magaca masaajid maqalkiisa ayaaba dhibaya oo xusuus xun oo murugo, xanuun iyo naxdin leh baa ku soo maaxanaysa. Masaajidku waaba beytkii Allee ma wax laga xumaado ama laga murugoodo maqalkiisaa! Ninka masaajidka maqalkiisa ka naxayaa miyaanu Muslim ahayn waa yaabe!

Masaajid geliddii waxaa ugu horreysay uguna dambeysay berigii ay isaga iyo saaxibadii hablihii is yidhi ku nabad gala ay kala soo baxeen ee intay …… ka dibna laayeen. Yaa intay…. ka dibna laayeen. Subxaanalaah, Innaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun. Waa dambiyadii Ilaahay quruumaha dhan ku hallaagi jiray ayaan u malaynayaa. Oo ma hallaagbaa innaga maqan sawtan ballaayadu innagu habsatay. Allaylahe waxan socdaa waa hallaag aan galabsannay.

Falkan iyo wayaabo kale oo ka sii daranba way sameeyeen Jaango iyo mooryaantii uu hogaamin jiray. Ka sii daranaa. Waxan wax ka daran maba dhici karaan baan u mallaynayaa.
Si kastaba ha ahaatee gelinkii dambe salaaddii casar ka hor  ayuu Jaango u dhaqaaqay dhinacaa iyo xaafadda Calamo Madaw si uu mujaahidiinta ugu biiro.

Markii uu u soo gudbay dhinacii Mujaahidiinta ayaa markiiba dhalliyaro badan oo yaqaannay ku soo xoomeen. Shaw ninku nin caana ayuuba ahaa. Waar hayaay waa ninkii Jaango oo Eebbe soo hadeeyay! Waar bal waran maxaad haysaa?

Meeshu fiicanaa waaba la salaamayaa oo waxbaa la weydiinayaa. Goormaa cid salaanta ama wax weydiisa oo aan qoyskiisa ahayn ugu dambeysay. Xataa kuwo badan oo qoyskiisa ka mid ahi markay la kulmaan si qabow ayay u salaami jireen iyagoo iskaga durkaya. Malaha cudurkan khatarta ah ee lagu xanto ayay ka baqayaan in ay ka qaadaan.

Waa kan oo hadda waxa uu iskeenay xaruntii Mujaahidiinta si uu uga mid noqdo oo Alle iyo diintiisa u dagaalamo lana jihaado gaalada iyo gaala raaca. Mid ka mid ah dhallintii ay is yaqaanneen ayaa kaxeeyay, waxaanu u geeyay hoggaamiye ka mid ah Mujaahidiinta  oo markaa goobta ku sugnaa waxaanu uga waramay Jaango iyo go’aankiisa.

Jaango iyo taliyihii ayaa la isku cidleeyay. Jaango waxa uu uga waramay taariihkdiisii iyo waayo aragnimada uu dagaalka iyo isticmaalka hubka u leeyahay. Taliyuhu aad buu arintaas u soo dhaweeyay waxaanu yiri, “ Waxaad tahay ragga Jihaadku u baahanyahay, waxyaabahaas foosha xun ee aad samayn jirtayna Ilaah waa ka cafinayaa hadda ayaana shahaadada laguu qabanayaa oo aad Muslim saxa noqonaysaa.” Yaab! “Shahaadada ayaa laguu qabanayaa. “Sheekh Muslim Illaahay iyo Nabigi Maxamed (SCW) qiray oo muslinimo ku dhashay ayaan ahaa ee sidee shahaado hadda la iigu qabanayaa”, ayuu isagoo yaabban Jaango weydiiyay taliyihii.

“Muslinimadaadu ma ahayn mid dhab ah”, ayuu taliyihii ugu jawaabay oo haddana u sii raaciyay, “Salaadda ma tukataa”?.  Intuu naxay Jaango ayuu ku jawaabay, “ Maya Sheekh”.
“Subxaanallah, middaas keliya ayaaba gaalnimo kuugu filan”, ayuu taliyihii isagoo madaxa ruxaya ku daray.

Jaango hadda waxa uu u muuqdaa nin garawsaday xaaladda gaalnimo ee uu hore ugu sugnaa. Sidan ayaana malaha isaga u fiican maadaama uu noqonayo qof hadda Islaamka soo galay oo dambiyadiisii hore aanay wax ka soo qaad lahayn.

Shaw tani waa sababta  nimankii ay saaxiibada ahaayeen ee hore Jihaadka ugu biiray ay nolosha faraxadda iyo warwar la’aanta ah ugu naaloonayeen intii uu isagu murugada iyo fakarka la dhibaataysnaa.
“Magacaagu muxuu ahaa”,  ayuu Sheekhii mar kale weydiiyay Jaango.

“Warsame Colow ayaa la i dhahaa laakiin dadka badankiisu waxay ii yaqaanaan Jaango”, ayuu ugu warceliyay

“Warsame, Colow iyo Jaango giddigood waa magacyo bidco iyo gaalo”, ayuu sheekhii si dhakhso ah ula soo booday. “Waxba maaha magac cusub ayaa laguu bixin doonaa oo waanu kaa bedelaynaa magacyadaa xun xun wixii aad dambi hore u samaysayna iyaga ayay raaci doonaan”, ayuu haddana sheekhii ku sii daray.

Waaba Ilaah mahaddii haddii arrintuba intaas tahay. Magac laga bedelo muxuu ku waayayaa, dembiyadaas murugada badan ayaaba ka hadhayee. Alleylehe mujaahidnimada wuu ka soo daahay. Hadduu sidan ogyahay saw beri hore kuma soo biireen. Meeday wixii mooryaan magaalada joogi jiray saw mar qudha uun meel ay mareen lama waayin. Illeen Mujaahidiintuba waa raggii ay isku xirfadda ahaayeen.

Sheekhii oo wax weydiinaya Jaango ayaa yidhi, “Wax carruur ah ma leedahay”. Jaango yara fikiraya iskuna dayaya bal inuu wax xasuusto ayaa ku warceliyay, “Inkastoo aan dumar badan soo maray hadda waxaan dhalashadiisa ogahay waxaa jiray wiil beri aan kaabbo hurin joogta Baraawe ahaa gabadh aan dadka meeshaas dega ka aroosay ii dhashay”. 

Haa beri uu Baraawe joogay. Waa gabadhii 12 jirka ahayd ee aabbaheed oo arkaya uu xoogga kaga kaxaystay ee dhibtii iyo rafaadkii uu mariyay la ogaa. Horta maher ma u qaban karaa haddii aanu aabbaheed ka raalli ahayn. Saw xaaraan uun kumuu haysan intii ay la joogtay. Maantase xaguu ku ogyahay wiilkaas. Ma dhintay ma noolyahay wax wara ma ka hayaa.

Macna ma leh. Waxaas oo dambi ahi waxay raacayaan magaciisii hore.

“oo magacii wiilka”, ayuu Sheekhii haddana weydiiyay.

Jaango oo aad moodo inuu waxoogaa magacaa la yara baqayo ayaa ku jawaabay, “anigu Peter ayaan xilligaas u bixiyay laakiin hadda ma ogi hooyadii waxay u taqaanno”.

“Peter. Acuudu billaahi mina shaydaani rajiim! Waar wiilka magac Islaam miyaad u weyday”, ayuu Sheekhii mar kale la soo booday.

“Maya Sheekh, Peter waxa uu ahaa nin Dhakhtar ah oo hay’adaha gargaarka u shaqeeya  oo ka umuliyay markii ay dhalaysay”, ayuu yidhi Jaango, oo haddana u sii raaciyay Abu Peter ba Sheekh ii bixi haddaad doonto”.

“Ma waalanyahay qofku Peter iyo Abu laba is qaban karaba ma iyagaa ah”, ayuu yidhi Sheekhii oo intaa kuma ekaanine ku sii daray, “Nin gaal ah ayaa ka umuliyay waxaasi waa waxaan nimankaas waxbaan gargaarnaa leh dalka uga erinnay sidee nin naag uga umulin karaa”.

Jaango oo waxoogaa dareemay cadhada Sheekha ayaa isku dayay inuu yara dejiyo isagoo u fasiraya sabata keentay in ninka dhakhtarka ahi uga umuliyo gabadha, waxaanu yidhi,  “Sheekh arrintu sidaad moodaysid ma'aha, gabadhu waxay ahayd inan aad u yar oo 12 jir ah. Markaa waxay dhib kala kulantay umushii oo ilmihii ayaa ka soo bixi waayay. Haweenaydii  umulisada ahaydna waxba way ka qaban kari weyday. Markii aan ka baqnay in ay isku dhimato ayaannu  ninkaasi dhakhtarka ah u yeedhanay oo uu badbaadiyay wiilka iyo hooyadiiba.”

“Illaahbaa wax badbaadiya. Intii hoosteeda gaal farafarayn lahaa in ay iska dhimato ayaa loo qaatay in Ilaah u naxariisto ayaa laga yaabaaye”, ayuu haddana Sheekhii yidhi isagoon ku qanacsanayn fasiraada Jaango.

Sheekhu naxariis darrnaa maba naxayo, dhimashaduna la dhib yaraa illeen waa Mujaahid. Mar haddii Peter iyo Abuu aanay is qabanayn waa in magac kale loo bixiya. Oo sidee baad magac ugu bixin kartaa qof inuu noolyahay iyo inuu dhintayba aan laga warhayn. Laakiin wax dhib ah ma leh kol haddii magaca cusubi dunuubtii hore oo dhan maydhayo.

“Wiilka JIhaadka Alleh ayaan ugu magac daraynaa oo Jihaad baan u bixinay hadda laga billaabo adiguna Abu Jihaad ayaad noqonaysaa, naftaadana Jihaadka ayaad u hibaynaysaa”, ayuu Sheekhii yidhi.

Sheekha Xarakada
Allaylehe kani waa magac aad u weyn oo si dhib yar  u fasaqi kara dunuubtii tirada badnayd ee Jaango hore u galay.

“ I sug Abuu Jihaad”, ayuu haddana Sheekhii yidhi. Waxyar ka dib ayuu isagoo laba nin oo gadh wayni la socdaan soo noqday.

Haa waa kan Shahaadada ayaa loo qabanayaa. Markii shahaadadii la dhammeeyay ayay takbiirtu meel walba ka yeedhay. Oo shahaadadani waxba kama duwani tii uu maalin walba dhawrka jeer markuu arrin ka yaababa iska odhan jiray ee maxay ku soo kordhinaysaa. Maya tani waa tii dunuubtii hore oo dhan maydhaysay markaa lama mid aha tan u qofku iskaga hadaaqo.

Mujaahidiintu isku wada mid maaha. Waa kala mudanyihiin. Abuu Jihaad waxa uu nasiib u helay in uu ku biiro kuwa darajada Alleh siiyay ee sida aadka ah looga dambeeyo. Waxaa uu hadda bilaabi doonaa casharo gaara oo la siiyo kuwa Ilaah jecelyahay oo keliya. Waxa uu la kulmi doonaa Amiirka xarakada oo inta Ilaah jeceyahay mooyee aan kuwa kale wajigiisa tusin.

Casharo degdeg ah oo hadh iyo habeen aan laga nasan ayaa la siiyaa. Waa casharo diineed oo inta badan ka hadlaya Aakhiro siiba nimcooyinka uu Ilaah ku diyaarshay Jannada ee loogu talo galay mujaahidiinta naftooda u hura Alle dartii.

Waxay aad culumada casharadan bixisaa ula dhaceen maskax furnaanta iyo jajabnaanta uu muujiyay Abuu Jihaad tan iyo intii uu ku soo biiray xarakada. Wuxuu helay qadarin aanu indhawaale arag. Wuxuu dareemay in qiimihiisii qofnimo dib u soo noqday. Waxa uu xaqiiqsaday hadafka dhabta ah ee uu dunidan u joogo.

Inkastoo uu xilli dhaw ku soo biiray kooxdan haddana waxa uu xagga hore kaga jiraa liis aad loogu kala dheereeyo in aad xagga hore ka gashid. Liiska dadka Alle korraysiiyay.

Salaaddii cishaha ka dib ayaa loo yeedhay Abuu Jihaad waxaana loo sheegay in Jannadii agtiisa timid. Waxaa ku billaabmay werwer kii berigii hore hayn jiray kaba sii darin. Talo ayaa ku caddaatay haddii uu diido iyo haddii uu yeelo labadaba waa u dhimasho.

Oo ma awalbuu wax ku noolaa kolayba kii dhinta weeyaane miyuu Jannadiisa iska aaddo illeen cudurkii baasaa baa hayoo intuu noolaanbaaba iska yare. Wallaahi taasina waa mid meesha ku jirta. Haseyeeshe kuwan dadka jannada u dirayaa iyagu miyaanay janno rabin. Maya Jihaadkaa iyaga u baahan.

Goor barqo ah ayaa qarax weyn la maqlay. Goobtii ayaa lagu soo cararay. Nin Askari oo shaah meesha ka cabbayay oo dhaawacmay iyo haweenaydii shaaha karinaysay iyo dhawr carruur dugsi u dhaw ka soo baxay oo quraac u soo doontay goobta oo qaarna dhaawac yihiin qaarna dhinteen ayaa goobtii loogu yimid. Waxaa kaloo goobta lagu arkay hilbo googo’an oo kala firdhay.
Maalin ka dib ayaa warbaahinta laga dhegaystay cajalad uu duubay Abuu Jihaad oo uu ku sheegayo in uu naftiisa Alle dartii u hibeeyay si uu u gumaaddo gaalada waddanka soo weerartay. Markaasaa mar qudha la wada yidhi: waa Mooryaankii weynaa ee Jaango.


Waxa uu mujaahidiintii kaga dhextagay haweenay loo guuriyay oo uur leh oo uu cudurkii Aids ka ku daartay. Yaase og.

Ismail A Hassan (khaliil)
WardheerNews
E-mail: khaliilha484@hotmail.com

No comments: