Qulluufan qallaafan,
Waraabe dheg jeexan
Shabeel indho giiran
Waraabe dheg jeexan
Shabeel indho giiran
Waa maxay dadkani tirada
badan ee igu xeerani, dadku dhaadheeraa, waaweynaa, sownigan hoostooda ku
shiiqay…maxay ii sheegayaan? maxay iga rabaan?…sownigan gariiraya,…hadal…hadal
bay i leeyihiin maxaan ku hadli, dadka intaa le’eg maxaan u sheegi weligayba gole
kama hadale, laba qof ka badan lama hadale…maya soco waad samayn kartaa…iska
hadal hadday ugu bataan qay kugu qosliye, muxuu qosol ku yeeli ma feedh buu kaa
jebin....
Waanigan anigoo
gargariiraya kelmado af guri u badan si kala googo’an ugu dhawaaqaya…haddana
sow kuwan ii sacab tumaya..maxaa ku dhacay dadka, sow kuwa dad waaweyn ah…waxan
ka baqayey inay igu qoslaane, miyey iga xishoonayaan mise waa ka dhab…
Waa kuwan hawsha ii
diray…hawsha intan le;eg maxay iigu dirayaan..maxay iga luggoynayaan iyana isku
heerayaan…maxaan tari karaa iyaga, naftaydase maxaan tari karaa?
Waxaba iigu daran kuwan
koofiyadaha iyo cumaamadaha waaweyn ee bakooradaha iyo macawisaha leh … Bal kan
cirrada leh ee booshcaddaha ah eeg ee aad mooddo siduu u dhashay inaanu
timihiisa saliid marin..haddaa ma sidaasay u caddaan lahaayeen…muxuu ka hor
qabanayaa dadkan ehlu sharafka ah ee koofiyadaha iyo cumaamadaha wata, miyaanu
isku xishoonayn iyaguse may iska hor dhaqaajiyaan mise haybaddu waa dushee
waxba ugama hooseeyaan.
Bal fiiri isna kan bidaarta
leh ee aad mooddo inuu barafka ka fooraro ee aad mooddo jinac hangool sita oo
diin qodax ka goynaya…ama bayloodkii qaranka ee berigii riwaayadda ku jiray…
bal dhowr dhaashanahan dhafoorka ballaadhan ee aad mooddo inuu cawaandad isla
maroorinayo…caddaan weyne cadow ha ii jebin.
Yeelay taladii dadkai…ku
sii durkay buulka sidii awrkii ninka carbeed oo madaxa iyo dhegaha la galay
dabeed ninkii dibedda u saaray..dadkiina dabada iga riixe oo igu tukhaandukhi
gudaha…waaniga gudaha ku dhacay… aqal diirran..sariir iyo kuraas
balballaadhan…qurux weynaa buulku ma sidanuu ahaa…dusha ka fool xumaa..gudaha
ka quruxsanaa…cawadayda calankayga, car waaba cidda iga saarta…iyaga dhaxantu
dibedda ha ku disho, iyagaa tiro badane ha is barkadaan oo badhkood badhka kale
ha dugaashiyo, maxaa aniga iiga kun iyo sagaal boqol ah.
Laakiin waa maxay
isbeddelka intan le’eki…sow kuwan dadkii yaryaraaday ee aad mooddoo kuwii
sheekadii socdaalkii Gullifar…sow kuwan qudhaanjada la mooddo ee
bakooradahoodii dirqiga lagu arkayo ee codkooda dirqii lagu maqlayo, ee markaan
weyneysada u qaato aan arkayo inay afka dhaqdhaqaajinayaan…tolow miyey I
ammaanayaan mise way iga cabanayaa…oo kabtayday le’eg yihiine maxay iga qaadi
karaan…maxaa dadka ku dhacay sow kuwii shalay maroodiga le’ekaa anna aan
takarta ka yaraa… mise waa yaabe iyagu intoodii bay le’eg yihiin anigaa kala
baxay oo kala fiday oo markii jismigaygu weynaaday bay dhegahayga balballaadhani
maqli kari waayeen codkooda caadi ah?…dadku ma iyagaa ryaraaday mise anigaa
weynaaday….mise waa indhahayga…maxaa si ah!!!. Bal aan shaydaanka iska naaro.
Sowkuwan kuwii cumaamadaha waaweynaa noqday kuwa ugu nugul…sow kuwan
hadlakaygii bilaa xikmadda ahaa u sabcinaya..sow kuwan gar iyo gardarraba igu
raacaya…laakiin maxay xikmadda iyo aftahammadu tartaa kol haddii intaydii
yarayd iyo agnaanimadii ka anfac roonaatay…
Tolow maxay igu qabaan… ma
waxan yare e gacmahayga waawey ka daadaadanaya… midhadhka sonkorta ah bay ku
qancayaan…ma intaasaa ku filan…hadday ku filan tahay miyaan u waayayaa markaan
kiishka sonkorta gacanta geliyaba kollay midhadh baa iga daadanaya aanan ciidda
ka soo saari karayne… maxaa ku jaban hadday afka u dhigtaan oo iigu sabciyaan?…
oo sow kuwa dad waaweyn ah siday ugu fillaan.? Maya, maya...da’dooda uun baa
weyne sow kuwa kan muuqaalka qudhaanjada leh…
Haaa… mid baa iigu daran,
werwer baa igu jira…dadkani markaan isbarannay way waaweynaayeen anna waan
yaraa.. xabbad hadhuudh ah iyo digaagaddii qaadanaysay baannu isku ahayn…maxay
ku yeeli karaan immisaad qudhaanjo cagaha ku qaadatay adoon ogayn…maya…sidaa
maaha..yaraanta iyo weynaanta maaha…xaalku waa si kale..Namruudba kaneecay
ahayd…Ilaahow ha nagu sallidin…
Weli cabsi baa igu jirta…waxan
ka baqayaa inay igu weynaadaan anna aan yaraado oo arrinku siduu ku bilaabmay
dib ugu noqdo.
Laakiin labadan nin ka
warran…kan barafka ka fooraraa dhib iguma hayo dhowrka bilood ee xagaaga marka
barafku dhalaalo ee uu madaxa kor u qaado uun buu I arki karaa..inta kale sow
kan foorara, sowkan finjiriira ma isagaaba ii jeeda..inta xagaagana waan iskaga
jihayn..waa nin aan indhihiisu jiilaalkii oo dhan wax arage intaan gees u dadbo
ayaan ku odhan bal eeg kan dhaashane ee dhafoorrada weyn ee ku soo eegaya..marka
dhafoorka dhaashane indhaha ka cawarana isaga uun uun buu ku jihaysnaan, qalin
ku-dirirka la maragsan anna kiishka sonkorta gacanta waan u gelin…waan u
qadhiidhi waan ogahay inuu macmacaanka jecel yahee.
Dhaashanay noqotay?ninku
waa nin dhib badan…cidna ma maqlo..waxaan kabahayga iyo koodhkayga ahayn kuma
qancayo oo maba le’ekee siduu u gashan ma nnagaa laba nin oo isle’eg ah?,anba
miyuu I le’ekaa isagoo iga weyn baan isku helay oo waan ku fidaye.. Dhaashane
sow kan weliba sii yaraaday inkastoo dadka kale uu woxogaa ka weyn yahay..ma
kabo iyo koodh lagu siiyey baa ku le’ekaan waaya sokuwa dawaarle iyo kaboole u
nool.
Dhaashane waxba ma maqlayo,
macmacaan nin u jeeda maaha, afkayga uun buu eegayaa, muxuu iga dhowri
arsaaqadda Eebbaa bixiyee…muu markiisa sugo se kabaha iyo koodhka aan uga
horreeyey maxay u tari…xin iyo xaasid…waa halkii reer xamarkee ha I cawryin, ha
I cunin…
Haaa..hadda wewer baa I
haya…meesha kama kici karo…afkii baa iga weynaaday…nin kii hore ma ahi…dadku
way ila yaabban yihiin waxay I moodayaan ninkii miskiinka ahaa ee ay ogaayeen
sannado ka hor…miyaanay ogayn inaan isbeddelay..in waayuhu I beddelay…inaan
damaaci noqday oo awal waxayga ayaan dadka uga tegi jiree maanta cid walba
waxeeda ku haysto…ma keligaybaa adduunkoo dhan baa sidaa ahe…
Werwerkii wuu igu sii
cuslaanayaa, wax baa halkaa ka soo madow, tolow ma roob baa?, madowgii soo
dhowaa, waa higil socda.
Alla hayyaaay…wax baa
dhacay…bal eega waa maxay waxani…sow kuwan dadkii soo waaweynaanaya..soo
dhaadheeraanaya…hal mitir…laba mitir…toban mitir… way cir baxeen…anigu intaydii
baa le’ekahay waan sii yaraanayaa markay sii dheeraadaanba… Allow ii
sahal…cabsi weyn baa I haysa,sownigan qudhaanjada le’ekaaday, waxan ka baqayaa
inay igu joogsadaan, kabaha ila dul maraan, waa kuwan cagahoodii kolba dhinac
iga maraya, anna aan ka hoos dusayo, ka mitilikhaysanayo..ima arkayaan, hadday
iga baydhi lahaayeen diirad ma haystaan ay igu arkaan, dhawaaqayga ma maqlayaan
oo dhegahoodu dhulka way ka dheer yihiin. Qadhiidhkii sonkorta ahaa wax tari
maayo…afkoodaba kuma filna…jawaanno ayaan ku filnayn si wax loo siiyo ma
leh…talaa loo baahan yahay..waryaa talo haya..ma nabsigii taladaan hore u
diidaa…dadooow…dadoow maxaan yeelaa? Badbaadaan doonayaa… waxan u baahanahay
talo!!! Waanigan anigoo gargariiraya kelmado af guri u badan si kala googo’an
ugu dhawaaqaya…haddana sow kuwan ii sacab tumaya..maxaa ku dhacay dadka, sow
kuwa dad waaweyn ah…waxan ka baqayey inay igu qoslaane, miyey iga xishoonayaan
mise waa ka dhab… Waa kuwan hawsha ii diray…hawsha intan le;eg maxay iigu
dirayaan..maxay iga luggoynayaan iyana isku heerayaan…maxaan tari karaa iyaga,
naftaydase maxaan tari karaa? Waxaba iigu daran kuwan koofiyadaha iyo
cumaamadaha waaweyn ee bakooradaha iyo macawisaha leh …
Bal kan cirrada leh ee
booshcaddaha ah eeg ee aad mooddo siduu u dhashay inaanu timihiisa saliid
marin..haddaa ma sidaasay u caddaan lahaayeen…muxuu ka hor qabanayaa dadkan
ehlu sharafka ah ee koofiyadaha iyo cumaamadaha wata, miyaanu isku xishoonayn
iyaguse may iska hor dhaqaajiyaan mise haybaddu waa dushee waxba ugama
hooseeyaan.
Bal fiiri isna kan bidaarta
leh ee aad mooddo inuu barafka ka fooraro ee aad mooddo jinac hangool sita oo
diin qodax ka goynaya…ama bayloodkii qaranka ee berigii riwaayadda ku jiray…
bal dhowr dhaashanahan dhafoorka ballaadhan ee aad mooddo inuu cawaandad isla
maroorinayo…caddaan weyne cadow ha ii jebin.
Yeelay taladii dadkai…ku
sii durkay buulka sidii awrkii ninka carbeed oo madaxa iyo dhegaha la galay
dabeed ninkii dibedda u saaray..dadkiina dabada iga riixe oo igu tukhaandukhi
gudaha…waaniga gudaha ku dhacay… aqal diirran..sariir iyo kuraas
balballaadhan…qurux weynaa buulku ma sidanuu ahaa…dusha ka fool xumaa..gudaha
ka quruxsanaa…cawadayda calankayga, car waaba cidda iga saarta…iyaga dhaxantu
dibedda ha ku disho, iyagaa tiro badane ha is barkadaan oo badhkood badhka kale
ha dugaashiyo, maxaa aniga iiga kun iyo sagaal boqol ah.
Laakiin waa maxay
isbeddelka intan le’eki…sow kuwan dadkii yaryaraaday ee aad mooddoo kuwii
sheekadii socdaalkii Gullifar…sow kuwan qudhaanjada la mooddo ee
bakooradahoodii dirqiga lagu arkayo ee codkooda dirqii lagu maqlayo, ee markaan
weyneysada u qaato aan arkayo inay afka dhaqdhaqaajinayaan…tolow miyey I
ammaanayaan mise way iga cabanayaa…oo kabtayday le’eg yihiine maxay iga qaadi
karaan…maxaa dadka ku dhacay sow kuwii shalay maroodiga le’ekaa anna aan
takarta ka yaraa… mise waa yaabe iyagu intoodii bay le’eg yihiin anigaa kala
baxay oo kala fiday oo markii jismigaygu weynaaday bay dhegahayga
balballaadhani maqli kari waayeen codkooda caadi ah?…dadku ma iyagaa ryaraaday
mise anigaa weynaaday….mise waa indhahayga…maxaa si ah!!!. Bal aan shaydaanka
iska naaro. Sowkuwan kuwii cumaamadaha waaweynaa noqday kuwa ugu nugul…sow
kuwan hadlakaygii bilaa xikmadda ahaa u sabcinaya..sow kuwan gar iyo gardarraba
igu raacaya…laakiin maxay xikmadda iyo aftahammadu tartaa kol haddii intaydii
yarayd iyo agnaanimadii ka anfac roonaatay…
Tolow maxay igu qabaan… ma
waxan yare e gacmahayga waawey ka daadaadanaya… midhadhka sonkorta ah bay ku
qancayaan…ma intaasaa ku filan…hadday ku filan tahay miyaan u waayayaa markaan
kiishka sonkorta gacanta geliyaba kollay midhadh baa iga daadanaya aanan ciidda
ka soo saari karayne… maxaa ku jaban hadday afka u dhigtaan oo iigu sabciyaan?…
oo sow kuwa dad waaweyn ah siday ugu fillaan.? Maya, maya...da’dooda uun baa
weyne sow kuwa kan muuqaalka qudhaanjada leh…
Haaa… mid baa iigu daran,
werwer baa igu jira…dadkani markaan isbarannay way waaweynaayeen anna waan
yaraa.. xabbad hadhuudh ah iyo digaagaddii qaadanaysay baannu isku ahayn…maxay
ku yeeli karaan immisaad qudhaanjo cagaha ku qaadatay adoon ogayn…maya…sidaa
maaha..yaraanta iyo weynaanta maaha…xaalku waa si kale..Namruudba kaneecay
ahayd…Ilaahow ha nagu sallidin… Weli cabsi baa igu jirta…waxan ka baqayaa inay
igu weynaadaan anna aan yaraado oo arrinku siduu ku bilaabmay dib ugu noqdo.
Laakiin labadan nin ka
warran…kan barafka ka fooraraa dhib iguma hayo dhowrka bilood ee xagaaga marka
barafku dhalaalo ee uu madaxa kor u qaado uun buu I arki karaa..inta kale sow
kan foorara, sowkan finjiriira ma isagaaba ii jeeda..inta xagaagana waan iskaga
jihayn..waa nin aan indhihiisu jiilaalkii oo dhan wax arage intaan gees u dadbo
ayaan ku odhan bal eeg kan dhaashane ee dhafoorrada weyn ee ku soo
eegaya..marka dhafoorka dhaashane indhaha ka cawarana isaga uun uun buu ku
jihaysnaan, qalin ku-dirirka la maragsan anna kiishka sonkorta gacanta waan u
gelin…waan u qadhiidhi waan ogahay inuu macmacaanka jecel yahee.
Dhaashanay noqotay?ninku
waa nin dhib badan…cidna ma maqlo..waxaan kabahayga iyo koodhkayga ahayn kuma
qancayo oo maba le’ekee siduu u gashan ma nnagaa laba nin oo isle’eg ah?,anba
miyuu I le’ekaa isagoo iga weyn baan isku helay oo waan ku fidaye.. Dhaashane
sow kan weliba sii yaraaday inkastoo dadka kale uu woxogaa ka weyn yahay..ma
kabo iyo koodh lagu siiyey baa ku le’ekaan waaya sokuwa dawaarle iyo kaboole u
nool .
Dhaashane waxba ma maqlayo,
macmacaan nin u jeeda maaha, afkayga uun buu eegayaa, muxuu iga dhowri
arsaaqadda Eebbaa bixiyee…muu markiisa sugo se kabaha iyo koodhka aan uga
horreeyey maxay u tari…xin iyo xaasid…waa halkii reer xamarkee ha I cawryin, ha
I cunin…
Haaa..hadda wewer baa I
haya…meesha kama kici karo…afkii baa iga weynaaday…nin kii hore ma ahi…dadku
way ila yaabban yihiin waxay I moodayaan ninkii miskiinka ahaa ee ay ogaayeen
sannado ka hor…miyaanay ogayn inaan isbeddelay..in waayuhu I beddelay…inaan
damaaci noqday oo awal waxayga ayaan dadka uga tegi jiree maanta cid walba
waxeeda ku haysto…ma keligaybaa adduunkoo dhan baa sidaa ahe…
Werwerkii wuu igu sii
cuslaanayaa, wax baa halkaa ka soo madow, tolow ma roob baa?, madowgii soo
dhowaa, waa higil socda.
Alla hayyaaay…wax baa
dhacay…bal eega waa maxay waxani…sow kuwan dadkii soo waaweynaanaya..soo
dhaadheeraanaya…hal mitir…laba mitir…toban mitir… way cir baxeen…anigu intaydii
baa le’ekahay waan sii yaraanayaa markay sii dheeraadaanba… Allow ii sahal…cabsi
weyn baa I haysa,sownigan qudhaanjada le’ekaaday, waxan ka baqayaa inay igu
joogsadaan, kabaha ila dul maraan, waa kuwan cagahoodii kolba dhinac iga
maraya, anna aan ka hoos dusayo, ka mitilikhaysanayo..ima arkayaan, hadday iga
baydhi lahaayeen diirad ma haystaan ay igu arkaan, dhawaaqayga ma maqlayaan oo
dhegahoodu dhulka way ka dheer yihiin. Qadhiidhkii sonkorta ahaa wax tari
maayo…afkoodaba kuma filna…jawaanno ayaan ku filnayn si wax loo siiyo ma
leh…talaa loo baahan yahay..waryaa talo haya..ma nabsigii taladaan hore u
diidaa…dadooow…dadoow maxaan yeelaa? Badbaadaan doonayaa… waxan u baahanahay
talo!!!
Xasan C. Madar
Hargeysa, Somaliland
nabaadiino@yahoo.com.
No comments:
Post a Comment